SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOSASO
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
April 7, 2004

Boosaaso oo Isu Taagtey Dabargoynta Mukhaadaraadka kasoo Butaacaya Koonfurta Soomaaliya iyo Dalalka Jaarka ah:

 Guddiga Faafreebka iyo Ciidanka Booliska Boosaaso oo markale Gubey Xashiishad iyo Khamri


Xashiishkii oo Dabka la Qabadsiiyay

Wasiirka Dowlada Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga oo Dul taagan Xashiishkii la soo Qabtay

Khamrigii iyo Xashiishkii oo la saarayo Gaari si loo soo Gubo

Maxkamada oo la horkeeney Khamriga iyo Xashiishka

Nooca Xashiishka oo uu Hayo Taliyaha Saldhiga Bartamaha Bosaso iyo Nin Ciidamada

Gudoomiyaha Maxkamada Kuxigeenkiisa iyo Xeer,ilaaliyaha oo Dacwadii soo Jeedinaya

Duqa Magaalada boosaaso oo ka Hadlaaya Goobta

Gudoomiyaha Faafreebka DGPL oo Kahadlaaya

Waxaa maanta (April 6, 2004) lagu gubay magaalada Bosaaso Xashiishad Dhan 41Kg kow iyo Afartan Kiiloo Garaam iyo Khamri Loo yaqaan Dry Gin oo ah hal kartoon.

 

Muqaadaraadkaas kala duwan ayaa waxaa lagu Qabtay Hawlgal ay magaalada Boosaasoo ka wadeen Ciidanka Booliska iyo Gudiga Faafreebka goboldaan Puntland, ka dib markii ay badatay Muqaadaraatka soo galaya Magaalooyinka Puntland halkaasna ay ku Wacyi galiyeen Culumaa'uwdiinka iyo Shacabka in maamulku wax ka Qabto Arintaa kadibna la magacaabay Gudi Daba gala Arintaa oo la shaqeeya Booliska.

 

Waxaa Gubidii maanta ka soo Qayb galay Wasiirka Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Reer miyiga DGPL Cali Cabdi Awaare, Duqa Magaalada Bosaaso Maxamed Saciid (Sayruuq) iyo Madaxkale oo ka tirsan wasaarada Garsoorka, Wasaarada dawladaha Hoose iyo Culimada Magaalada Bosaaso.

 

Hore ayaa waxaa loo gubay Xashiishad  iyo Khamri aad u Badan waxaa iyagana Lagubay Galcaar aad u Badan oo ay soo dajiyeen Hay,daha Samafalka kuwo ka mida kadib markii ay ka hor yimaadeen Bulshada Dagaanka Puntland iyo Maamulkooda.

 

Waxaa ugu horeentii ka hadlay Goobtii lagu gubay Muqaadaraadkaa Gudoomiyaha Gudiga Faafreebka oo warbixin ka bixiyay Howlahooda iyo meesha ay u marayso oo uu ku tilmaamay in ay heleen Gacan aad u wayn oo ay ka heleen Maamulka iyo Bulshada Gaar ahaan waxa uu u soo Jeediyay Booliska in ay ku Dadaaleen sidii ay wax uga qaban lahaayeen, hawlgaladaas oo uu sheegay in ay adagtahay sidii looga tirtiri lahaa Burcadka ka shaqaysata arimahaa.

 

Waxaa isagana ka hadlay Duqa Magaalada Bosaaso (Sayruuq) oo aad ugu mahad celiyay Gudiga Faafreebka iyo Ciidanka Booliska oo uu Duqa ku tilmaamay in ay Dhiiro galin ku beereen Shacabka Reer Bosaaso iyo Guud ahaan Shacabka Puntland tasoo ka dhalatay Howlahooda. Duqa oo hadalka Sii wata ayaa Sheegay in ay qusayso arintaan Maamulka Degmada Bosaaso ayna Ku Taageeri doonaan Waxa ay uga soo baahdaan.

 

Waxaa kadib halkaa ka hadlay Xeer ilaaliyaha Gobalka Bari Axmed Taarane oo Ka hadlay Dhinaca garsoorka iyo Howlahaan Cirib tirkooda sida ay uga qayb qaateen, waxana uu balan qaaday in ay dhanka garsoorka ilaalinta Sharciga uu gudan doono waajibkiisa saran, caafimaad ahaana aan u roonay Dadka Muqaadaraadkaan ayuu yiri Xeer ilaaliyaha.

 

Waxaa isagana ka hadlay halkaa Taliyaha saldhiga Booliska Bartamaha Bosaso Dhame Cabdulaahi Nuur oo ka hadlay in Booliska aan lagu amaanin Hawlahooda taasna ay u arkaan waajib saran oo ay u dirsadeen Ummadooda ayna u Gaajoonayaan una Dhimanayaan taasna ay tahay Balan ay Qaadeen, Boolisku hawlihiisa isgoo sii wadanayaa ayuu Qabanayaa wixii ka shaqeeya Muqaadaraadka iyo Wixii la mida, sharcigaana Horkeenayaa ayuu yiri Dhame Cabdulaahi.

 

Waxaa u hadlay Dhanka Culimada Bosaso Sheekh Daahir oo soo jeediyay Aayado iyo Axaadiis ku saabsan Muqaadaraadka Xaaraan in ay yihiin Caafimaad ahaana looga celiyay Dadka in ayan isticmaalin

 

Waxaa ugu dambayntii halkaa ka hadlay wasiirka Dawlaha Hoose iyo Horu marinta Reer miyiga Cali Cabdi Awaare oo ku tilmaamay Gudigaan markii la soo magacaabyay ay ka timid xaga Bulshada kadibna Dawlada ay magacaawday Gudigaan si loo dabar jaro Muqaadaraadka soo xoogaysanaaya ee ka yimid Koonfurta Soomaaliay iyo Dalalka jaarka ah kuwaasoo Dad gaar ah ay ganacsi ka dhigteen, Dadkana ay ku kalifayso Shaqo la,aanta in ay isticmaalaan si uu u maandoorsamo oo uu wax u dhaco ama Dhib kale u gaysto, Maamulka waxa uu diyaar la yahay sidii loo dabar gooyn lahaa arintaa ayuu yiri Wasiirku.

 

c/fatax jaamac

somalitalkpl@yahoo.com

Boosaaso, Soomaaliya

Faafin: SomaliTalk.com | April 7, 2004

Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka AIDS-ka
Qoraal cilmi baaris ah: Prof. Yusuf Hersi Ahmed  Guji

Gudiga Faafreebka iyo Booliska Puntland oo Boosaaso ku Gubey 112 Kartoon oo ah Galcaar... Guji halkan


Boosaaso oo Laga Furay Wershedo Yaryar
Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha DGPL ayaa maanta furay warshado yaryar oo soo Saaraya Saabuunta, Shaambada iyo Buskudka iyo wershed shiida dhagaxa guryaha...  Guji 17/3/4

Aqoon Isweydaarsi Ka Furmay Jaamacada Bariga Africa ee Boosaaso
Aqoon iswaydaarsigaas oo looga Hadlayo sidii  loo furi lahaa Kuliyada Waxbarashada Macalimiinta
Waxa uu aqoonisweydaarsigani socon doono 18-21/03/2004 oo ah mudo Afar casho ah waxaana...
Guji Maarso 19

Australia: Wasiirka Waxbarshada ee DGPL iyo Weftigii uu hogaaminayey ee Jaamacada Bariga Africa oo weli booqanay xarumo waxbarsho. (2003)

 

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Xashiishkii oo Dabka Sifiican u Qabsaday

Xashiishkii oo ku xir xiran Jawaano

Xeer ilaaliyaha oo ka hadlaaya Goobta

Sheekh Daahir oo ka hadlay Goobtii

Taliyaha Saldhiga oo ka hadlaaya Goobtii

Wasiirka Dawladaha hoose oo ka hadlaaya Goobtii

Dadweynihiii oo Dacwada Dhageysanaya


Khamrigii oo La Burburiyay Dhalooyinkii uu Kujiray
 

kaah

Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD