SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Idaa Jaayada Soomalialnd: La mood noqonse weyday!

Livan Cadur
cadur11@hotmail.com

Mindhaa nidaam kastoo fashilmaya wuxuu u baahanyahay Idaa Jaa oo kale! Idaa Jaa oo horboodaya warbaahintii Kacaanka baa Siyaad erayo qur qurxoon ugu soo xuli jiray inuu ugu daabaco Xiddigta Oktoobar. Dadkana ka gadi jiray taariikh ka turjumeysa siyaasadda Siyaad, oo marin habawsan!

 ARAGTIYAHA SOOMAALIDA & FEDERAALKA

Idaajaa Muxuu Soo Kordhiyey? Shaafici

Nidaamka Federaalku Xal uma aha Dhibaatada Soomaalida C/shakur

Jawaab ku aadan maqaalkii “ Federaalka iyo walaalaha galgaduud “ Siciid Himilo

Federaalnimada Soomaaliya: maxaa looga gol leeyahay?Axmed Faarax cali(idaajaa)

Daba-galka Qoraalkii “Federaalnimada Soomaaliya: maxaa looga gol leeyahay?” ee Axmed F. Cali Idaajaa Maxamed Cadoow

Federalka iyo walaalaha Galgaduud Shaafici Xasan

Nidaamka Federalku Makashaqayn Karaa Soomaaliya! C/Risaaq Xaaji Xuseen

Markii Siyaad uu soo toosu, isagoo qabiil caashaqsan, Cajaladaha Idaajaa baa laga dhageysan jiray Suugaan la qurxiyay ee qabiilka uu Siyaad subaxaas caashaqsanyahay. Markii uu Siyaad soo tooso isagoo qabiil ku qarway habeenkaas, Idaajaa baa noo soo gudbin jiray Sugaan iyo taariikh lagu heeraamayo qabiilkaas!

Soomaliland waxay aheyd rajo iyo himilo iney rumoowdu dad badani ka dhursugayeen. Soomaliland waxay aheyd raad iyo tilmaan u taagan halgankii xaqa ahaa ee lagala hortagay kaligii taliyihii fashistiga ahaa, ee Siyaad barre. Kama wada goosashadeeda.

Waxaa la islahaa waxaa ka hirgali doona heyado, dadka ay ku aaminaan dhex dhexaadnimadooda. Waxaa la islahaa, haddii meel ay demoqoraadiyad ka hir gali karto Soomaliya, Soomaliland baa ugu horeyneysa. Waxaa la islahaa haddii dad is qaban karo reer Soomaliland baa isqaban doona! Waxaa la islahaa haddii Isimada iyo wax garadku wax xakameyn karo Soomaliland kuwoodaa wax xakameyn doona! Waxaa la islahaa Soomaliland shacabkeeda si siman baa loo wada dhageysan doonaa waxay daniyayaan.

Yaa islahaa waxgaradka, siyaasiyiinta, Mutacalimiinta, iyo Interned ku xaarka ku hadla magaca Soomaliland baa Idaa Jaa oo meeran isugu biya shuban doona?! U fiirsada halheysyadooda;

_ Doorashu loo dhanyahay oo ay codeeyeen Boqolkiiba Sagaashan (90%)
_ Sool, Sanag bari iyo Ceyn oo Canaasir "Majerteenia" ahi soo weerartay!
_ Xadka Soomaliland oo "Canaasiir Majeerteenia" ah ahi kaga soo duushay Garoowe!


Yaa u fadhiyay Waxagaradka, Mutacalimiinta, Siyaasiyiinta iyo Isimada maamulka Hargeysa baa isku khaldi doona; "maamulka Soomaliland iyo Isaaq". Oo haddii la diido maamulka Soomaliland bay u qaadan doonaan in la diiday "Isaaq!"

Yaa islahaa Caqligii Idaa Jaa ee kala saari waayay Kacaanka Askartii Oktoobar iyo qabiilka Mareexaan oo kale baa ka qaalib noqon doona kooxaha u hadla Soomaliland sida Jamhuuriya, Somalilandnet iwm!

Yaa islahaa khaladaadkii xidigta Oktoobar bay gali doonaan warbaahinta Soomaliland, oo waxay isku khaldi doonaan; "majerteen/Majertenia iyo Cabdullahi Yusuf!"

»QABIILKA IYO KALA SO0CIDA MAAMULKA RIYAALE [Cadur]


Livan Cadur
cadur11@hotmail.com

SomaliTalk.com | Jan 2, 2004 |

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

»BAAQ KU SOCDA SHACABKA ISAAQA  [Dabagooye]

 <><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD