SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - GANACSI

May 18, 2004

Nokia miyaa lagaga guuleystey suuqii talefoonada gacanta ( Mobile Phones) ?

Cabdirisaq Maxamed Xuseen
University of Gavle- Sweden

habdirisak@hotmail.com

Hordhac:-

Qormadaan gaaban waxaan kaga faaloon doonaa suuqa taleefoonada gacanta lagu qaato (mobile phones). Waxaan kaloo iyana aan wax ka sheegi doonaa tartanka ka dhexeeya shirkadaha waaweyn ee suuqaas ku wada jira.

Suuqa talefoonada gacantu waa mid sanadba kan ka dameeya sii kordhaya, shirkadaha ku loolamayaana ay sii badanayaan. Weliba waxaa kaloo xusid mudan in shirkadaha ka soo jeeda wadamada Aasiya sida Jaban iyo Kuuriyada koonfureedba ay beryahan dame khalkhal geliyeen shirkadihii Yurub iyo Mareykanka, oo iyaga waagii hore suuqa loogu geli waayey. Waxaan haddaba si guud u eegi doonaa suuqaas, gaar ahaan waxaan il dheeraad ah u yeelan doonaa shirkadda weyn ee Nokia

Nokia miyaa laga guuleystey?


Shirkada taleefoonada gacanta ee wadanka Finland ee lagu magacaabo Nokia ayaa waxaa ay soo bandhigtay faa'iido aad uga hoosaysa midii xilligan laga sugaayey. Hoos u dhacaas ku yimid natiijada shirkadda waxaa ay dhalisay in qiimihii shirkadu ku lahayd suuqa saamiyada uu hoos u dhaco. Haddaba waxaa dad badan oo la socoda dhaqdhaqaaqa shirkadan ay is weydiinayaan; sababta keentay hoos u dhacan xaga faaìidada ah ee Nokia ku yimid. Maxaa yeelay Nokia waa hogaamiyaha aan ciddina loodin karin kolkii laga hadlayo sameynta iyo suuqgeynta taleefoonada gacanta.

Nokia waxaa ay hadda gacanta ku haysaa ilaa 35% guud ahaan suuqa taleefoonada gacanta. Weliba sanadkii la soo dhaafay waxaa ay haysatey ilaa 37% oo suuqaas ah. Shirkadda hamigeedu waxaa weeyaan iney hanato 40% suuqa taleefoonada gacanta. Shirkadda labaad ee Nokia ku soo xigtaa waa shirkada Motorola ee laga leeyahay wadanka Mareykanka. Motorola waxaa ay haysataa inta u dhexeysa 18- 19 % ee suuqa talefonada gacanta.

Haddaba hoos u dhacan aan kor ku soo sheegnay ee Nokia soo foodsaaray, waxaa loo aanaynayaa arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin kuwa soo socda:
1- Shirkadihii tartanka kula jirey Nokia oo sameeyey isbedelo badan. Intaas waxaa dheer iyagoo qaarkood ay sameeyeen isgaashaan buursi si ay xoog dheeraad ah u helaan. Taas waxaa tusaale u ah isbahaysigii dhexmaray shirkadda iswiidhishka ah ee Ericsson iyo tan reer jaban ee Sonny. Waxaa kaloo uu Nokia tartan adagi kaga yimid shirkadda Samsung ee laga leeyahay wadanka koonfurta kuuriya.

Samsung waa shirkad beryahan dame la soo baxday dar-dar aad u adag oo gilgishey dhamaan suuqii taleefoonada gacanta. Waxaana ay shirkadu maalin walba balaarisaa qaybtii ay ku lahayd suuqa taleefoonada. Taleefoonada ay Samsung aad ugu faaìidey waa kuwa ay ku rakiban yihiin kamiradu, isla markaasna wata muraayadaha midabka leh. shirkadani waxaa ay Nokia ka soo weerartay dhinaca taleefoonada qiimahoodu meel dhexaadka yahay.

2-Arinta kale ee beryahan dame laga tegey Nokia waxaa weeyaan xaga modelada ( qaab taleefooneed) taleefoonada. Tusaale ahaan Nokia waxaa ay weli ku dhegan tahay qaab taleefoonaadkii ay waayadii hore horumarka ku gaartay. Waxaana ay shirkadu noqotay mid aad uga gaabisay la socodka dabeecadaha ( consumer behaviour) macaamiisha taleefoonada. Arintaas oo ah mid aad iyo aad muhiiim ugu ah shirkad walba oo ganacsi sameysa, dooneysana iney la tartanto shirkadaha kale. Isbedeladda ku yimaada doonitaanka macaamiisha waa midda shirkadda u sahli karta iney mar walba suuqa keento alaab xiiso leh oo loo baahi qabo.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa ninka madaxda ka ah maamulka shirkadda Nokia oo la yiraado Jorma Ollila uu balan qaadey iney shirkadu la soo noqon doonto qaybihii suuqeeda laga goostay. Waxaa uu sheegay Jorma Ollila inuu jiro qorshe weyn oo ay shirkadu ku soo bandhigi doonto taleefoono badan oo aan horey loo arag. Si ay u soo ceshadaan kaalintoodii suuqa ayna isaga caabiyaan qolooyinka soo weeraray.

Waxuu kaloo Ollila sheegay iney shirkadu isticmaali doonto xeeladaha dagaal- ganacsi ee iyadda u sahlan. Taas oo dadka arimaha ganacsiga indha-indheeyaa ay ku fasireen in loola jeedo dagaal xagga sicirka ah. ( price war). Taas oo ah iney Nokia suuqa ku soo hafin doonto taleefoono qiimahoodu jaban yahay.

Talaabadaasi waa mid aad suurtogal ugu ah Nokia, madaama ay tahay hogaamiyaha suuqa taleefonada gacanta. Kolkii ay shirkadu sida Nokia oo kale u weyn tahay waxaa ay heleysaa, waxa loogu yeero ( the economy of scale). Taas oo macnaheedu yahay in shirkadu alaabta ceerin ( raw materials) ee loo adeegsado sameynta taleefoonada ay ku soo iibsato qiime ka jaban kuwa iyada la tartamaya.

Bal aan aragno dagaalkaas suuqa taleefoonada gacantu meesha uu ku dameeyo. Koley anigu waxaan ka mid ahay dadka dhowraya bal in Nokia ka dhabayso iney qiimaha taleefonada hoos u dhigto. Taasi hadii ay dhacdo innaga ( macaamiil) ahaan waa inoo faaìido.

Mahadsanidin

Cabdirisaq Maxamed Xuseen
University of Gavle- Sweden

habdirisak@hotmail.com

. Dhaqaalaha»Maxaa muhiim u ah sameynta shirkad ganacsi? 3aad
. Dhaqaalaha: Maxaa Muhiim u ah Sameynta Shirkad Ganacsi?
2aad
. Dhaqaalaha: Waxyaalo Muhiim u ah Sameynta Shirkad Ganacsi
1aad

Habka Suuqgayntu Waa Laf-Dhabarta Ganacsiga
Qaybtii 1aad ee taxanaha ganacsiga ee Zahid... Guji

Faafin: SomaliTalk May 18, 2003 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.

WARGEYSYADA CAALAMKU WAXYAABIHII AY KA QOREEN SOOMAALIYA

<><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

 
Qoysas-ka Somalida Reer Canada Ee U Soo Guuray Pune Hindiya Maxaa Sababa
Guji...
Maqaalkaagu Yaanu  Noqon Mid Mashaakil  Keena... Maskaxdaadu yey noqon..
Guji...
Samata Bixinta Dalka Dalka Soomaaliyeed iyo wax Qabadka aqoon yahanka Guji
MAXAAD KA TAQAAN DHAQANKA SWEDESHKA IYO KAN SOMALIDA
Guji...
Fariimo Bulshadeed
oo Dahsoon

Guji...
Xaalada Bulsho, Dhaqaale iyo Siyaasadeed ee Jamhuuriyadda la baxday Somaliland
Guji...
MAGACA SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA
Fahad
"hadii ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in
Salahudin
"Miyaan niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la
C/Waaxid
"dadkaasi la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur
Diridhaba
Kuwii sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada Itoobiya
Asad
"Shacbiga Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin,
Faysal
"7/12/2002 ayuu madaxwaynaha jamhuuriyadda
XagarYare

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD