SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
May 2, 2004

Wararkii Maanta:

  • DKMG: Ka Qayb Galka Shirku Wuxuu Ku Xiran Yahay Baasaboorka Soomaaliga
  • Ciidamada Kenya oo kasoo gudbay Xuduuda Somalia.
  • Kipligat oo ka hadlay sida uu ku soconayo wajiga sadexaad ee Shirka Somalida
  • Golaha Ammaanka iyo Nabadgalyadda ee Midowga Afrika oo digniin usoo jeediyay Hogaamiyayaasha ka biya diidan Shirka Kenya

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)

Garyare20@hotmail.com  Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com

Dowlada KMG ka ah ee Somaliya oo sheegtay in ka qeybgalka shirka ay ku xiran tahay.......

SILICA IYO SAXARIIRTA LAGULA DHAMQO MAXAABIISTA REER CIRAAQ
Waxaa isa soo taraya shaleey iyo maanta wararka sheegaya sida naxariis darrada leh ee... Guji May 2

Dawladda Ku Meel Gaarka ah ee Somalia, ayaa maanta shaaca ka qaaday inay go’aan ka gaari doonto ka qeybgalkeeda Shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ka hor lixda May hadii aanay Dawaldda Kenya ka noqon Go’aanka ay ku mamnuucday Baasaboorka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Ku Meel Gaarka ah, Xuseen Saalax oo maanta la hadlay Shabakaddan ayaa sheegay inay ka xun yihiin inaysay Kenya illaa iyo hadda uga soo jawaabin Qoraal ay uga dalbanayeen inay ka laabato Mamnuucista Baasaboorka Soomaaliga, Wuxuuna sheegay in Go’aanka ay Kenya ku mamnuucday Baasaboorka Soomaaliye uu wax u dhimi karo Geedi Socodka Shirka Soomaalida ee Kenya.

Xuseen Saalax waxa uu sheegay in sidoo kale Mamnuucista Baasaboorka Somalia ay saamayn doonto Siyaasadda iyo Dhaqaalaha Gobalka, Wuxuuna sheegay inay ka fiirsan doonaan Xiriirka ay la leeyihiin Kenya.

Xuseen Saalax waxa uu ammaan u jeediyay Maamuladda Punt Land iyo Hiiraan oo mamnuucay Baasaboorka Kenya in laga soo galo Deegaanadooda, Wuxuuna ku tilmaamay go’aankaasi Mid geesinimo leh.

Dowladda Kenya ayaa horay uga mamnuucday baasaboorka Soomaaliga gudaha dalkeeda iyadoo dhegaha ka fuureysatay baaqyo uga yimid Dawladda Ku Meel Gaarka ah ee Somalia, Qaar ka mida Hogaamiye Kooxeedyadda, iyo Hay’adaha Samafalka.

Puntland oo Mamnuucday Baasaboorka Kenya

Kenya oo mamnuucday in dalkeeda lagu soo galo baasaboorka Soomaaliga

Ciidamada Kenya oo kasoo gudbay Xuduuda Somalia.

Wararka ka imaanaya xuduudaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegaya in Xukuumada wadanka Kenya ay ciidamo soo tubtey xadka ay la wadaagto Dalka Soomaaliya.

Ciidamdan ayaa la sheegay inay soo buuxiyeen jiidda xuduudaha Soomaaliya gaar ahaan deegaanada Dhoobleey,Baladxaawo iyo Ceelwaaq.

Wararku lagu helayo isgaarsiinta Fooneeyaha ayaa sheegaya in ciidankan ay ku hubaysan yihiin tiro gawaarida gaashaaman iyo diyaaradaha khumaatiga u kaca iyagoo markaasi diyaaradaha qaarkood joog hoose ku marayeen deegaankaas isla markaana dul heehaabayeen goobo ku tirsan Somalia.

Dadweynaha deegaanadaas ayaa cabsi iyo dareen xoogan waxay ka muujiyeen ciidaman oo ay u arkeen inay khatar ku yihiin xasiloonida isla markaana ay fidno ka abuurayaan deeganada nabdoon ee aagaas ku teedsan.

Ciidamadan oo si aad ah u hubaysan ayaan la garanayn ujeedeedada ay halkaasi u yimaadeen marka laga reebo warar la isla dhexmarayo oo sheegaya in ay ilaalinayaan waxa loogu yeero argagixisada oo Kenya iyo Ameerikaankuba ku andacoonayaan inay ka soo talaabayaan Dhinaca Somalia.

Xukuumadaha Kenya iyo Maraykanka ayaa tiro ka dhawr jeer waxay daboolka ka qaadeen in Soomaaliya ay tahay meel gabaad u ah xoogaga argagixisada iyo kuwa naftooda haliga isla markaana ay tahay meel khatar ku ah nabada Gobolka.

Laakin ma jiraan warar Madax banaan oo illaa iyo hadda xaqiijinaya Sheegashadda Kenya iyo Maraykanka.

Soomaalida ayaa aaminsan inaysan waxba ka jirin eedaymaha dalalkaasi, Waxayna sheegaan in Somalia aysan joogin Kooxo Argagixiso, laakiin waxay sheegeen inay yihiin Shacab Boqolkiiba boqol Muslim ah.

Bethwal Kipligat oo ka hadlay sida uu ku soconayo wajiga sadexaad ee Shirka Somalida uga socda Dalka Kenya.

Guddoomiyaha Guddiga Fududaynta IGAD ee Shirka Soomaalida uga socda Kenya, Bethwal Kipligat ayaa markii ugu horaysay soo saaray Qoraal la xiriira Habka socodsiinta Wajiga Saddexaad ee Shirka Soomaalida.

Kipligat waxa uu sheegay in Soomaalida laga rabo inay billaabaan Qaybsiga Ergooyinka oo lagu salaynayo habka 4.5, Wuxuuna ka dalbaday Afarta Beelood waawayn in midkastaa ay soo gudbiso Liiska 45 Xubnood oo ay iska soo xulaan, Halka Beelaha Isbahaysigana uu sheegay in looga baahan yahay min 29 Xubnood.

Kipligat waxa uu ku amray Milkiilayaasha Hoteeladda inaysan Marti galin Karin wax ka badan 203 Ergo, iyadoo Ergooyinka intaa ka badan ee Madasha Shirka joogana lagu amray inay faaruqiyaan Hoteeladda ay degan yihiin, Wuxuuna sheegay in Tiradaasi ay noqon doonto Tiradda Rasmiga ah ee ay Beelaha Soomaaliyeed wax ku qaybsanayaan.

Golaha Samata Bixinta, Dawladda Ku Meel Gaarka ah ee Somalia, Qaar ka mida Xubnaha Ururadda Bulshadda Rayidka ah iyo Waxgarad kala duwan oo Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyay in La gudo galo Wajiga Saddexaad ee Shirka Soomaalidda, waxayna sheegeen in shirka Soomaalidu uu markan galay Marxalad Horumar leh, Laakiin Kooxda SRRC ayaa mawqif ahaan wali diidan in la gudo galo Wajiga Saddexaad ee Shirka, iyadoo qaarkoodna ayba aaminsan yihiin inuu fashilmay shirka Kenya.

Golaha Ammaanka iyo Nabadgalyadda ee Midowga Afrika oo digniin usoo jeediyay Hogaamiyayaasha ka biya diidan Shirka Kenya Somalida uga socda.

Golaha Ammaanka iyo Nabadgalyadda ee Midowga Afrika ayaa uga digay Hogaamiyayaasha Soomaalidda inay carqaladeeyaan Shirka Dib u Heshiisiinta ee ka socda Kenya.

Kulan uu golahaasi ku yeeshay 29 April Magaaladda Addis Ababa ayaa gabagabadiisii Qoraal laga soo saaray waxaa looga dalbaday Hogaamiyayaasha Soomaalidda inay u dhabar adaygaan sidii ay Natiijo wax ku ool ah uga soo bixi lahayd Shirka Kenya, isla markaana ay u dhisan lahaayeen Dawlad Ku Meel Gaar ah oo dib u soo celisa Sharaftii uu lahaa Qaranka Soomaaliyeed, Wuxuuna Goluhu waydiistay Kooxaha Soomaalida inay meesha ka saaraan wax kasta oo caqabad ku noqon kara Geedi Socodka Nabadda Somalia.

Goluhu Waxa uu soo dhaweeyay Go’aankii Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ee ahaa in ugu dambayn Lixda Bishan la guda galo Wajiga Saddexaad ee Shirka Soomaalida Mudada dheer uga socday Kenya, Wuxuuna Goluhu ku dhiiragaliyay Wasiiradda Arrimaha Dibadda IGAD inay ka wada qayb galaan Kulanka looga arrinsanayo Shirka Soomaalida ee uu ku baaqay Kolonzo Mosiyooko.

Warsaxaafadeedka uu Golahan soo saaray waxa uu sidoo kale Beesha Caalamka ugu baaqay in la sii waddo Taageeradda Dhaqaale ee la siiyo Shirka Soomaalida uga socda Kenya, Wuxuuna Goluhu sheegay in dhinacoodu ay diyaar u yihiin inay gacan ka gaystaan Meel Marinta Shirka Soomaalida uga socda Kenya. 

IIDHEH: Shirkadda WABTEL ee Internetka: MUQDISH... GUJI HALKAN

Xubno ka tirsan xisbiga Likud ee talada dalka Israel haya ayaa waxa ay billaabeen cod ay u qaadayaan qorshaha raiisal wasaare Ariel Sharon uu ku doonayo in Yuhuuda uu uga Saaro Marinka Gaza.

Qorshaha uu wato Ariel Sharon waxa uu ku baaqayaa in marinka Qaza ay ka soo baxaan ciidanka Israel iyo qoysaska tiradoodu gaarayso 7,500 oo Yuhuudda ah.

Mucaaradada loogaga soo horjeedo qorshahan ayaa waxaa la sheegayaa inuu aad uga dhex jiro xubnaha xisbiga Likud oo tiradoodu dhantahay 193,000.

Hase yeeshee la taliyeyaasha Mr Sharon waxa ay ku adkaysanayaan in Ariel Sharon uu ku tirtirsiin doono Baarlamaanka inay u codeeyaan Hindisihiisa.

Mid ka mid ah la taliyeyaasha Ariel Sharon ayaa waxa uu wakaaladda wararka ee Associated Press (AP) u sheegay in raiisal wasaare Sharon uusan ogolaan doonin inuu ka laabto qorshihiisa. Wuxuuna sheegay La taliyahaasi in Sharon uusan ka bixi doonin Ballantii uu la soo galay Madaxwayne Bush-ka Maraykanka iyo Hogaamiyayaal kale oo shisheeye ah.

Sharon waxa uu ku fasiray ka bixitaankani inuu qayb ka yahay qorshaha nabadda lala gelayo Falastiiniyiinta, hase yeeshee Falastiiniyiintu waxa ay Sharon ku eedeeynayaan inuu markale isku dayayo in uu dib u calaamadeeyo xuduud iyadoon fasax laga haysan dhinacooda.

Qorshaha Sharon waxa ku xusan in inta badan 400,000 ee dadka Yuhuudda ah ee degan Daanta Galbeed iyo bariga magaalada Qudus ay hoos iman doonaan maamulka Israel.

Wasiirka gaashaandhigga Israel shaul Mofas ayaa waxa uu maalintii sabtida ahayd tegay raadiyaha dalka Israel isagoo ku baaqaya in codka ogolaanshaha ah la siiyo Qorshaha Sharon. Wuxuuna sheegay inaysan oggolaan Karin inay lumiyaan Fursadaha Nabadda ay ku helayaan.

Afti laga qaaday dadka Isreal ayaa waxa ay muujinaysaa in 80% ay si weyn uga soo horjeedaan qorshaha lagaga baxayo Marinka Qaza.

Yuhuudda degan Marinka Qaza waxa ay u arkaan ka bixitaanka Qaza mid guul weyn u ah Falastiiniyiinta gaar ahaan ururka Xamas.

Iyadoo ay Israeliyiintu maskaxdoodu ka dhex guuxayso sida weyn uu ururka Xisbullaah ee dalka Lubnaan ugu dabaal degay ka dib markii ciidanka Israel ka soo baxeen dhulka ay ka haysteen Lubnaan.

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)

Garyare20@hotmail.com  Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com

 

Shirkadda WABTEL ee Internetka: GUJI HALKAN

Faafin: SomaliTalk.com | May 2, 2004 

WARARYSI: Mas,uul Sare oo ka tirsan Shirkadda Isgaarsiinta ee Telcom Somalia Telsom Mobille.

Aqristayaal waxaan halkan idiinku soo gudbin doonaa Waraysi uu Wariyahayaga Magaalada Muqdisho Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare) uu la yeeshay C/laahi Maxamed Xuseen (C/laahi Yare)oo ah Mas,uul Sare oo ka tirsan Shirkadda Isgaarsiinta ee Telcom Somalia Telsom Mobille.

Hadaba Waraysikaasi oo ah mid Dhinacyo Badan taabanaya ayaa waxaa uu u bilowday sidan:

(Wariye Garyare)Su,aasha ugu horaysa ee aan ku waydiinayo C/laahi Yarewaxay tahay waa xilima Xiligii Dhidibada loo taagay Shirkadda Isgaarsiinta ee Telcom Somalia Telsom Mobiile bal hadii aad Xasuusta Dib ugu laabato?

(C/laahi Yare) Bismi laahi Raxmaani Raxiim,walaal aad ayaad u mahadsan tahay Garyare Shirkadda Telcom Somalia Telsom Mobile waxaa la aasaasay snadku markuu ahaa 1994.

(Wariye Garyare) waa tahay yaa aasaasay shirkaddda Telcom Somalia Telsom Mobille Waqtiga aad iisheegtay C/laahi Yare?

(C/laahi Yare)Ganacsato Somaliyeed ayaa aasaastay oo isku taagay sidii ay dalkooda iyo dadkooda wax ugu qaban lahaayeen sanadku markuu ahaa 1994 bishii labaad labaatankeedii kuwaasoo Magaalada Muqdisho ku sugnaa.

(Wariye Garyare)hadafka loo aasaayay Shirkadda Telcom Somalia muxuu ahaa C/laahi hadii aad Dabolka inooga qaado?

(C/laahi Yare)waxaa u ahaa hadafka ugu wayn ee ay lahaayeen Ganacsatada Somaliyeed sidii Dadka Somaliyeed looga garab qaban lahaa isgaarsiinta oo xiligasi dalka aan ka jirin inbadan oo ka mid ah,marka sidaa darted ayay ku timid aasaasida Shirkadda isgaarsiinta ee Telcom Somalia Telsom Mobille waadna aragtaa waxay dalka u qabatay.

(Wariye Garyare)hadaba xilikaasi waa xili uu dalka ka jiray amaan daro xoogan iyo kala danbeyn la,aan,sidee marka aad ugu babac dhigteen arintaasi Qatarteeda wadata ee aad shegtay C/laahi Yare?

(C/laahi Yare)runti waxaan sameynay Tijabo xoogan taasi oo kentay in aan u bareerno sidii aan dalkeena aan wax ugu qaban lahayn,dhab ahaantii Garyare Raga aasaasay Shirkaddan Telcom Somalia Telsom Mobille waa Rag maskax furan oo xooga saaray sidii ay dadka dhibaateysan ee Somaliyeed wax ugu qaban lahaayeen uma muuqato Qatar dalkooda kasoo wajahda iyagoo dadka Somaliyeed wax u qabanaya.

(Wariye Garyare) C/laahi marka Shirkad ay shaqa bilaabayso waxay leedahay hadaf ay doonayso in ay gaarto hadaba idinku ma gaarteen hadafki aad rabteen in aad ka gaartaan dalka oo ah meesha ay shirkaddiina xurunteeda ay tahay

(C/laahi Yare)haa oo taasi waxaa cadeyn u ah in aan ku fidnay guud ahaan dalka gobolada uu ka gooban yahay ilaa iyo muuyee Degmooyin Fara ku tiris ah kuwaasoo aan qorsheynayno mar dhow in aan gaarno sida ugu dhaqsiyaha badan.

(Wariye Garyare) sida aan ognahay C/laahi Yare intabadan deegaanada dalka waxaa gacanta ay igu jiraan hogaamiyayaasha Somaliya,hadaba deegaanada aad inoo shegtay in shirkaddiina aysan gaarin ilaa iyo iminka ma Hogaamiyayaasha ayaa idinka hor istaagay Mise idinka ayaan wali qorshaha ku darsan?

(C/laahi Yare)maya ma jiraanwax Hogaamiyayaal ah oo inaga hor istaagay arintaasi sidii aan ku suulta gelin lahayn.laakiin wax walba waxay ku dhisan yihiin qorshaha Shirkadda ay qorsheynayso inay fuliso,waxaana kuu sheegaayaa in ay qorshaha noogu jirto in Snadkan cusub aan dhamaystiri doono howla inta inooga harsan.

(Wariye Garyare) C/laahi Shirkad kasta wadanka ay ka dhisan tahay ayay saamayn ku yeelanaysaa Dhaqaalihiisa,hadaba idinka saamayn intee la eg ayaad ku leedihiin Dhaqaalaha Dalka?

(C/laahi Yare)Dhaqaalaha shirkada waxaa uu ku tiirsan yahay Garyare Bulshada waxa kasoo xarooda isla Markaasian waxaanu ku samaynaa isla Dhaqaalahaasi Maal gelinta wax u qabadka dadka uusan gaarin Adeegeena,taasina waa mida keentay in aan samayn wayn ku yeelano dalka guud ahaantiisa.

(Wariye Garyare)Hadaba C/laahi Yare hadii aad isku eegto Isgaarsiinta Dalka soo martay tii hore iyo mida haatan dalka ka jirta oo aad ka midka tihiin C/laahi Yare.

(C/laahi Yare)Dowlad la,aan waa dhib runtii oo dowlada iyo Ganacsiga waxay yihiin kuwo aan kala maarmin, hase ahaatee markii ay dowladii joogtay waa ay yarayd Ganacsiga haatan ka jira dalka,laakiin hada waxaa uu gacansiga isku badalay mid ay leeyihiin Dad gaar ah.

(Wariye Garyare)Ganacsatada Dalka Somaliya waxaa la sheegaa inaysan Jeclayn C/laahi Yare in ay la shaqeeyaan Dowlad loosoo dhiso Dalka idinkana waxaad Ganacsatada dalka uga jirtaan qeybta Isgaarsiinta ,hadaba eedaynta Ceynkaasi ah ee la idiin soo jeedinayo kawaran.

(C/laahi Yare)Maya taasi ma jirto oo Dowlada waxaa ay tahay mid ka turjumaysa Amaan,hormar,Dhaqaale dhanac waliba leh, Ganacsatada runtii waxay yihiin kuwo diyaar u ah la shaqeynta Dowlada Dalka loo dhiso ee la isku raacsan yahay.waxaana markale ku celinayaa inaysan arintaasi waxba ka jirin.

(Wariye Garyare)Marka laga soo tago C/laahi Yare Isgaarsiinta aad dadka u qabtaan ee ah teleefoonada land line ka ah iyo Mobille ka maxaa kale oo aad Macaamiishiina aad u qabataan oo dhiiri gelin ah?

(C/laahi Yare)haa waa ay jirtaa oo waxaa ka mid ah inaga oo bixina Siminaaro lagu baranayo isticmaalka Isgaarsiinta ay bixiso Shirkadda Telcom Somalia Telsom Mobille,waxaan sidoo kale jirta inaga oo Teleefoona gelina iskuulada iyo Jaamacadaha iyo meel kasta oo ay dadku ku badan yihiin si ay uga faa,iidaystaan adeega Shirkadda Telcom Somalia Telsom Mobille.

(C/laahi Yare)Taleefooda aad sheegtay in aad bixisaan C/laahi ee ah Mobille ka qofka aad siisaan marka uu ka baxo meesha aad ka siiseen ha ahaato Muqdisho ama Hargaysa ma kula tahay inuu u shaqeynayo?

(C/laahi Yare)haa waa uu ku hadli karaa hadii uula tago Hargaysa,Kismaanyo,Galkacyo,Muqdisho iyo meelkasta oo ay shirkadda ku leedahay Hanaan Isgaarsiin ah waana mid ay dadku wad aogyihiin runtii.

(Wariye Garyare)Ugu danbeyntii C/laahi Yare waa maxay Hadaf ka ugu danbeeya ee aad is leedihiinwaad hiigsan kartaan hadii aad dadaashaan?

(C/laahi Yare)Garyare waxaan had iyi jeer diyaar u nahay sidii aan dadka ugu soo gudbin lahayn Isgaarsiin Casri ah oo ah mida hadba Dunida ku soo saa,ida waadna argi doontaan hadii alle idmo.

Intaasina waxaa inuugu dhan waraysikii uu Wariyahayaga Magaalada Muqdisho

Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare) la yeeshay C/laahi Maxamed Xuseen oo ah Madaxa Hormarinta Wax soosaarka Shirkadda Isgaarsiinta ee Telcom Somalia Telsom Mobille

Waxaa Qoray uu isku soo dubariday Wariye Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)Muqdisho,Somalia

Garyare20@hotmail.com Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com

Shirkadda WABTEL ee Internetka: GUJI HALKAN

Muqdisho: Roobab Lixaad Leh oo Sababay Khasaare  Naf iyo Maalba ah
Roobabkaas waxaa ku dhintay 2 qof, waxaana 8 qof oo kale ay dhaawacyo ka soo gaareen Bur bur kala duwan oo soo gaaray dhawr dhisme oo Muqdisho ku yaala... Guji May 1

Cudurka Daacuunka oo Aad Ugu Sii Siyaadey Muqdisho
& Isbitaalka S.O.S ee Muqdisho ayaa Maalintii Lixaad u xiran Muran ka dhashay Haweeneey Ilma Galeenka looga saaray Isbitalkaasi.. Guji

Hay’adda Al-Manhal oo daawooyin gaarsiisay Isbitaallada Muqdisho
Hay’adda Al-Manhal oo ka mid ah hay’adaha samafal ee ka jira Magaalada Muqdisho ayaa... Guji 30/4

Wasiirka Arimaha Dibada DKMG oo eedeeyey Carabta
iyo wasiir ku xigeenkii wasaarada Dawladaha Hoose iyo Horumarinta reer Miyiga Puntland oo xaaskiisii toogatey Guji 29/4

 

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD