SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

May 30, 2004

Ku: Dhamaan Soo Dhoofayaasha Soomaliyeed ee ku kala sugan Daafaha Aduunka:

Ujeedo: Digniin Tiiraanyada Tacabirka Soomalida Qarnigan iyo Halaaga Badaha:

Walaalkiin Hassan Salahuddin
Gudoomiyaha Ha’adda warbaahinta iyo wararka fidisa ee GLOBAL MEDIA GROUP:
BRISTOL. UK
EMAIL: Salahuddin100@hotmail.com
.

Ugu horayn waxaan tacsi wadata murugo iyo tiiraanyo u soo dirayaa dhamaanba dadkii ay ka baxeen kumanaanka Soomaaliyeed ee ku haligmay xeebaha u dhaxeeya dalka Somalia iyo wadanka Yemen ee ku yaala gacanka carbeed. Iyo sidoo kale xeebaha u dhaxeeya wadamada Liibiya iyo Talyaaniga dadkaas oo aan laga hayn raq iyo ruux midna hase ahaatee warka ugu dambeeya ee laga helaa uu yahay in ay badweynta dhuumbadeen ka dib markii ay doontii ay saarnaayeen ay xiratay xijaabka geerida.

Xaalada bulsho iyo ta siyaasadeed ee wadanka Somalia ka jirtay dhawr iyo tobankii sanno ee la soo dhaafay oo maalinba maalinta ka dambaysa sii xumaanaysay waxay ku kaliftay boqolaal kun oo ka tirsan shacabka Soomaaliyeed hiyi kac xad dhaaf ah oo aan noociisa oo kale hore loo arag taasoo ay nafahoodii qaaliga ahaa la soo beegsadeen bad iyo bariba si ay uga soo tagaan dhulkoodii hooyo, yoolkooda kama dambaysta ahina waxa weeyi YURUB XAGAY NAGA XIGTAA?.

Dhiilada quxuuntiga soomaalidu waxay dhaaftay xaalad lagu tilmaami karo TACABIR ee waxa la odhan karaa waa butaac(Oxudus) iyo aafo rabaani ah oo ka mid ah masiiboobinka waaweyn ee ku habsaday shacabka soomaaliyeed qarnigan.

Ilaa laba milyan soo Soomali ah ayaa quxuunti ku ah qaarada yurub iyo waqooyiga America, malaaayiin kale ayaa iyaguna hoganaya wadamao ku yaala bariga Africa, Koonfurta Africa iyo dunida Carabta oo aan niyad u hayn inay ku laabtaan wadankoodii Somalia, laakiin himiladooda dhabta ahi ay tahay YURUB AMA YAXAASKA.

Shakhsiyaad ku sugan wadamada koonfur bari qaarada Asia sida Brunia, Indonisia, Malaysia iyo Singapore oo aan la xidhiidhay waxay ii sheegeen inay ku soo badanayana wadamadaas tiro Soomaali ah oo xad dhaaf oo raba inay uga soo gudbaan qaarada Australia. Xaaladan dhiilabad iyo murugada wadata oo ah ALLOW ILA BAXSO waxay kaga tagtay shacabkii Soomaaliyeed sidii kuul go’da oo kale waana qaran jab weyn oo ku habsaday ummada Soomaaliyeed.

Haddii niyadjabkan weyn ee dadka Soomaaliyeed ka qaadeen wadankoodii iyo qulqulkani uu sidan ku sii socdo waxay ka dhigi doontaa dadkii Soomaaliyeed xaaladooda mid ka daran tii ka dhacday shacabki reer SUMERIA oo ku noolaa dhulka CIRAAQ qarniyo badan ka hor ka dib markii dhulkii ay ku noolaayeen ay dagaalo ku habasadeena waxay dadkaasi noqdeen sida ayaxa oo kale oo waxay ku faafeen darafaha dunida maantayna shabacbkii reer SUMERIA malaha jiritaan iyo meel loogu soo hagaaho midna.

Baaqan waxaan u soo jeedinayaa dhamaan shacabka Soomaliyeed ee ay niyadooda ku jirto inay ku soo tacabiraan doonyaha inaanay naftooda ku soo biimayn khatartaas.

Aniga oo ku sababaynaya qodobodan soo socda awgeed:

  1. Doonayaha laga kireeyo rakaabka soo tacabirya ee ka soo baxa xeebaha wadanka Somalia sida Bosaaso, Ceelmacaan iyo dakadaha kale ee wadanka ee u soo jeeda wadanka ku yaala gacanka carabta ee YEMEN iyo kuwa ka soo baxaya iyaguna wadanka Liibiya ee u soo kicitimaya wadanka Talyaaniga, maaha doonyo la odhan karo waa caadi ee waa doonyo ay ka dhacday ruqsada ah inay isaga gooshi karaan badaha, injiinka saaran doonyahaas waxa la xaqiijiyey boqolkiiba sagaashan inaanu ahayn injiin si caadi ah u shaqaynaya ee waa injiin ciladaysan oo rakaabka loo soo istaadho oo kali ah marka ugu horaysa ee ay doonida korayaan.
  2. Ilaalada xeebaha wadamada Yemen iyo Liibiya oo si adag uga digtoon soo galaytiga wadamadooda sida sharci darada ah ku soo galaya oo aan iyaguna wax naxariis ah u hayn rakaabka doonyahaan saaran kuwaasoo inta badan dhacda inay doonyahaas ku afuufaan mawjado biyo ah si ay badweynta ugu haligaan.!
  3. Nimanka doonyaha kireeyaa waa ma naxayaal dad qalato ah waxaanay inta badan sameeyaan inay ka goostaan doonta uu rakaabku saaran yahay iyagoo isticmaalaya laash, taasina waa markay ogaadaan in aanay doonto sii soconayn cilado farsamo awgeed ama iyagoo ogaada inay u soo dhawaadeen goobaha ay ku sugan yihiin ilaalada amaanka xeebaha, arintanina waxay dhaxal siisaa rakaabkii doonida saarnaa cir kaa dheer dhul kaa dheer aakhirkana waxay dhuumbadaan badda waxaany ku dambeeyaan yaxaaska.
  4. Sida ka dhacday dooni siday rakaab soomaali ah xeebaha wadanka Yeman doontaas oo ka soo baxay gobolada waqooyi bari ee wadanka Somalia mar sii horaysay in nimankii watay doontii ay rakaabkaas soomaalida ahi saarnaayeen in qori caaradii laga daadiyey doonta iyadoo aan wali soo gaadhin qooriga xeebta halkaas oo ay ku geeriyoodeen badi rakaabkii doonida saarnaa.

Maqaalkan waa baaq iyo qaylo dhaan aan u soo jeedinayo dhamaan dadka doonaya in soo tacabiraan iyagoo isticmaalaya doonyahaas aan soo sheegnay , waxaanan u aragnaa inay tahay geeri ay dadku lacagtooda ku badalanayaan.

Inta badan way yartahay inta doonyahaas ka soo badbaada ee soo gaadha meeshii ay u socdeen, boqolkiiba 70% ama boqolkiiba 80% inta laga arkay safaradaasi waxay ku dambeeyaan guul darro. Sidaas awgeed iyadoo la tixgalinayo qodobaas aan soo sheegnay ha ogaadaan jeexayaasha Soomaaliyeed ee u soo hanqal taagaya yurub ama wadamada ku yaala gacanka carabtu inay u soo badheedhayaan khatar weyn oo ah shul ama shal.

Mr: Hassan Salahuddin

Gudoomiyaha Ha’adda warbaahinta iyo wararka

GLOBAL MEDIA GROUP
BRISTOL UK.
Salahuddin100@hotmail.com
Tel: 00-44-7946175433.

Faafin: SomaliTalk May 30, 2003 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.

WARGEYSYADA CAALAMKU WAXYAABIHII AY KA QOREEN SOOMAALIYA

<><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

April 11, 2004: Qaofkii 23aad eee Soomaaliyeed oo lagu diley Koonfur Africa
 

Qoysas-ka Somalida Reer Canada Ee U Soo Guuray Pune Hindiya Maxaa Sababa
Guji...
Maqaalkaagu Yaanu  Noqon Mid Mashaakil  Keena... Maskaxdaadu yey noqon..
Guji...
Samata Bixinta Dalka Dalka Soomaaliyeed iyo wax Qabadka aqoon yahanka Guji
MAXAAD KA TAQAAN DHAQANKA SWEDESHKA IYO KAN SOMALIDA
Guji...
Fariimo Bulshadeed
oo Dahsoon

Guji...
Xaalada Bulsho, Dhaqaale iyo Siyaasadeed ee Jamhuuriyadda la baxday Somaliland
Guji...
MAGACA SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA
Fahad
"hadii ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in
Salahudin
"Miyaan niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la
C/Waaxid
"dadkaasi la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur
Diridhaba
Kuwii sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada Itoobiya
Asad
"Shacbiga Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin,
Faysal
"7/12/2002 ayuu madaxwaynaha jamhuuriyadda
XagarYare

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD