Meelo badan oo dunida ka mid ahaa waxaa ka jira
xadgudubyo loo gaysanayo xoriyadda saxaafadda, waddamo badan oo caalamka ka
tirsan ayaa weli faaf –reeb lagu sameeyaa wax kasta oo la faafinayo, iyadoo
weliba weriyeyaasha iyo qorayaashaba la weeraro, loo hanjabo mararka
qaarkoodna la dilo, waxaa la joogaa xilligii la dhiirigelin lahaa lana
horumarin lahaa xorriyadda Saxaafadda, awoodna loogu yeeli lahaa adduunkoo
idil inay ka hirgasho xorriyadda saxaafadda. Sannad walba maalinta 3-da May
ee Saxaafadda Xorta ah ee Adduunka, waxay hay’adda dhaqanka, waxbarashada
iyo sayniska ee UNESCO bixisaa abaalmarin loogu magac daray
UNESCO/Guillermo Cano oo qiimaheedu dhan yahay 25-kun oo Dollar, kaas oo la
siiyo saxafiga ama ururka saxaafadeed ee u soo halgama xorriyadda
saxaafadda, ku muta dhibaatooyin amaba ku dhinta, waxaana sanadkan
abaalmarintaas helay Weriye Kuubaan ah oo ku xiran Jeelka dalkiisa laguna
magacaabo Raul Rivero Castaneda, waxaana abaalmarintaas bixin doona
Agaasimaha guud ee UNESCO Mr. Koichiro Matsuura, iyadoo ay qiimaynta
abaalmarintaas sameeyeen guddi garsoor oo caalami ah (International Jury).
Agaasimaha guud ee UNESCO wuxuu sheegay in xafladda
abaalmarinta lagu qaban doono Berri Magaalada Belgrade ee Serbia-Montenegro,
wuxuuna xusay inuu aad u rajeynayno in Mr. Rivero loo ogolaado ka soo
qaybgalka xafalddaasi si uu u guddoomo shaqsiyan abaalmarinta, mar uu Mr.
Koichero ka hadlayay guusha uu Mr. Rivero ku helay abaalmarintan wuxuu
sheegay in Mr. Raul Rivero ku mutaystay abaalmarintan geesinimadiisii ku
aadanayd difaaca xorriyatul qowlka wuxuuna xusya inuu waqti badan ku bixiyay
difaacidda xorriyadda saxaafadda, isagoo isla markaa sheegay inuu aad uga xun
yahay xaaladda uu iminka ku sugan yahay Mr. Rivero oo uu xusay in la soo
weriyay in uu xanuusan yahay, wuxuuna u soo jeediyay Maamulka dalkiisa inay
sii daayaan Weriyahaasi iyo kuwa kale ee la xirxiran.
Guddiga garsoorka caalamiga ah ee qiimaynta abaalmarintan
UNESCO/Guillermo Cano waxaa madax u ah ninka u dhashay dalka Jamaica oo lagu
magacaabo Oliver Clarke, isagoo weliba madax u ah Shirkad lagu magacaabo
Gleaner isagoo ka halayay abaalmarinta la guddoonsiiyay Mr. Rivero wuxuu yiri:
“Waxaan aad u rajeynayaa in dareenka dunida uu arrintaan ku soo jeesto, sidoo
kalena ay ku dhiirrigeliso maamulka Cuba inay tixgelin siiyaan shaqsiyaadka
iyo xuquuqdooda bani’aadamnimo si ay u cabbiraan ra’yigooda iyagoo xor ah”.
Guddigaan caalamiga ah waxaa ku jira weriyeyaal iyo
shaqsiyaad waaweyn oo ka kala socda dunida kuwaas oo ay magacawday guddiga
fulita ee UNESCO sannadkii 1997-kii, hadafka loo aasaasayna uu ahaa inay soo
ururiyaan shaqsiyaadka ama ururrada difaaca xorriyatul-qowlka meel kasta oo
ay dunida ka jjraan, gaar ahaan haddii qofka ay arrintaas nafsaddiisa khatar
gayeysiiso. Guddigan waxaa guddoomiye u ah Nin u dhashay dalka Jamaica oo
lagu magacaabo Oliver Clarke, waxaana ka mid ah: Kavi Chongkittavorn oo ah
Tifaftiraha Wargeyska The Nation oo ka soo baxa dalka Thailand, Souleymane
Diallo oo ah agaasimaha Lynx and La Lance (Guinea), Kunda Dixit, oo ah
Tifaftiraha Nepali Times (Nepal), Yosri Fouda Ku xigeenka agaasimaha
Telefishinka Al-Jazeera, Valérie Gatabazi oo ah guddoomiyaha ururka Haweenka
Saxafiyiinta ee Rwanda, Maria Carmen Gurruchaga Basurto oo ah agaasimaha
Primer Café of Antena 3 Television (Spain), Marvin Kalb oo ah joornaaliiste
hore, Shorenstein Center and Faculty Chair, Kennedy School of Government
(USA); Guadalupe Mantilla de Acquaviva oo ah agaasimaha the Diario el
Comercio (Ecuador); Journalist Mohamed Larbi Messari (Morocco); Artûras Raèas
oo ah tifaftiraha Business Desk, Baltic News Service (Lithuania); Veton
Surroi, oo ah tifaftiraha Koha Ditore (Kosovo) iyo laba xubnood oo ka socda
aasaasayaasha abaalmarinta Guillermo Cano ee dalka Colombia. Xaggee
abaalmarintaan ka soo jeeddaa?, magaca Guillermo Cano xagee laga soo qaatay?,
maxayna tahay taariikhda kooban ee Weriye Raul Rivero?, Imise weriyeyaal ayaa
horay ugu guulaystay Abaalmarintaan?. Mr. Rivero sannadkii Wuxuu dhashay
1945-kii waana weriye iyo gabyaa caan ah, wuxuuna u adkaystay dhibaatooyinkii
sii soconayay ee ay ku haysay dowaldda ilaa uu ka tago shaqadii uu u hayay
shaqadii warbaahinta ee ay dowladdu gacanta ku haysay, lagaca soo billaabo
xilligaas illaa iyo xiritaankiisii Bishii Marso ee sannadkii hore,
mas’uuliyiintii dalkaasi waxay ku hayeen Su’aal weydiin iyo xarig waqtiyo
kala duwan ah, waxa ayna xayiraad saaree xoriyaddiisii dhaqdhaqaaq.
Waxbarshadiisii Kulliyadda saxaafadda ee Jaamacadda Havana
kaddib Mr. Rivero waxa uu u shaqeynayay wakiiil wareed ahaan wakaalada
wararka ee Prensa Latina oo saldhiggeedu yahay Moscow Russia laga soo
billaabo 1973-kii illaa 1976-kii, kaddib wuxuu ku soo laabtay Cuba waxa uuna
madax ka noqday waaxda sayniska iyo dhaqanka ee wakaalad wareed, sannadkii
1989-kii waxa uu iska casilay Hay’adda isku tagga qorayaasha iyo
farshaxannada Cuba, sannadkii 1995-kii waxa uu sameeyay wakaalad warar oo
madax bannaan (Cuba Press Independent News Agency). 2001 waxa uu ka mid ahaa
dadkii aasaasay ururkii saxaafiyiinta xorta ah ee ugu horreeyay Cuba, waxa
uuna qaban qaabiyay tababarro aqoon is weydaarsi oo saxafiyiinta Cuba ah,
isagoo soo saaray qoraallo badan oo uu ku qoray wargeyska lagu magacaabo De
Cuba.
Mr. Rivero Waxaa lagu xukumay 20-sano oo xarig ah bishii
April 2003 isaga iyo 25 weriye oo kale, kuwaasoo lagu kala xukumay inta u
dhexeysa 14 illaa 27-sano, waxay isku dayayeen inay ka hoos galaan Article 91
sharciga ciqaabta, kaasoo ku soo rogaya xabsi dheer kuwii lagu helo inay
Qatar ku yihiin xornimada iyo jirtaanka dhuleed ee Qaranka, saxafiyiintaas oo
la xiray bishii Marso ee sannadkii hore waxa uu qayb ka ahaa olole cagta
hoosteeda lagu gelinayay ka sokow saxafiyiinta iyadoo xabsiga la dhigay
50-ruux oo mucaarad ku ah dowaldda Cuba. Waxaa la soo warinayay in Mr. Rivero
lagu xiray xabsiga lagu magacaabo Canaletas oo ku yaalla Ciego de Avila oo
461-Km Havana ka xigta bariga, Mr. Rivero wuxuu ka sheeganayay xanuun ku
saabsan wareegga dhiigga, xaaskiisa oo lagu magacaabo Blanca Reyes waxa ay
sheegtay inay aad uga wel-welsan tahay caafimaadkiisa, waxa ayna ku qeexday
xaaladdiisa xabsiga mid aad u qallafsan
Magaca la siiyay abaalmarintaan waxay ka soo jeeddaa weriye
reer Colombia ah oo la oran jiray Guillermo Cano kaasoo lagu dilay sannadkii
1987-kii inuu sameynayay dhaqdhaqaayo lid ku ah kuwa ka ganacsada daroogada
ee awoodda badan leh, dadka ku guulaysanaya abaalmarintani waxaa soo bandhiga
wadddamada xubnaha ka ah, kuwa goboleed iyo ururrada caalamiga ah kuwaasoo
hormariya ama dhiiri geliya xorriyadda hadalka iyo ra’yiga.
Waxaa hore ugu kala guulaystay abaalmarintii hore loo
bixiyay Weriyeyaashaan hoos ku xusan: Amira Hass oo Israel u dhalatay ayaa ku
guulaysatay 2003, Geoffrey Nyarota oo reer Zimbabwe ah ayaa isna ku
guulaystay 2002; Saxafiga xiran ee U Win Tin una dhashay dsalka Myanmar ama
Burma ayaa ku guulaystay sannadkiii 2001, Nizar Nayyouf oo isna Syrian ah
ayaa ku guulaystay abaalmarintaan 2000, Jesus Blancornelas oo u dhashay
Mexico ayaa isna helay abaalarintaan 1999, Christina Anyanwu oo Nigerian ah
ayaa iyana ku guulaysatay 1998, iyo Gao Yu oo u dhashay China ayaa noqday
weriyihii ugu horreeyay ee ku guulaysta abaalmarintaan 1997 oo ahayd xilligii
la bilaabay in la bixiyo Abaalmarintaan qiimaha badan.
MAALINTA WARBAAHINTA XORTA AH EE ADDUUNKA OO MUQDISHO
SI WEYN LOOGA XUSAY
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
Email:
amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Muqdisho
Muqdisho: Roobab Lixaad Leh oo Sababay Khasaare Naf
iyo Maalba ah
Roobabkaas waxaa ku dhintay 2
qof, waxaana 8 qof oo kale ay dhaawacyo ka soo gaareen Bur bur kala duwan oo soo
gaaray dhawr dhisme oo Muqdisho ku yaala...
Guji May 1
Cudurka Daacuunka oo Aad Ugu Sii Siyaadey Muqdisho
& Isbitaalka S.O.S ee Muqdisho ayaa Maalintii
Lixaad u xiran Muran ka dhashay Haweeneey Ilma Galeenka looga saaray
Isbitalkaasi..
Guji
Hay’adda Al-Manhal oo
daawooyin gaarsiisay Isbitaallada Muqdisho
Hay’adda Al-Manhal oo ka mid ah hay’adaha samafal
ee ka jira Magaalada Muqdisho ayaa...
Guji 30/4
Wasiirka Arimaha Dibada DKMG oo eedeeyey Carabta
iyo wasiir ku xigeenkii wasaarada Dawladaha
Hoose iyo Horumarinta reer Miyiga Puntland oo xaaskiisii toogatey
Guji 29/4
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com