SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
May 5, 2004

Suldaan Hure Ma Wuxuu Ahaa Madax Dhaqameed Mise ______?

M. Garaad,  Karaani22@hotmail.com

 

QORAALO HORE....
Wararka kusoo Kordhay Dacwada Dilkii Hurre
Dacwaddan oo ka socota dalka Ingiriiska ayaa...
Guji 7/4

Dacaayadda madaalayaasha ee ku qaraabta 'suldaan Hurre'

Waraysi Dheer oo ku Saabsan Dilkii Suldaan Hurre iyo Imaatanka Isimada ee Gaalkacayo Nov 2003

Sannad-Guuro Dilkii Suldaan Hurre, fartoo Cabdillahi ku fiiqan SPR 2003
SPR oo Canbaaraynaysa Dilka Hogaan Dhaqmeedka Puntland SPR 2002

Tacsidii Suldaan Hurre...

Beenin Maqaal hore..:

Tanu Ma Caddaalad ba mise waa Siyaasadda aan nadiifka ahayn ee Soomaaliya?

Alle ha u naxariistee, Suldan Hure waxa uu ahaa nin dhalinyaro ah oo dalka India wax kusoo bartay. kadib, Waxa uu iska dhiibay dalka Ingiriiska oo uu kaqaatay warqadii dhalashada, Asagoo horay u haystay warqada dhalashada ee wadanka Tanzaani. Waxaa  lagu xaman jiray in uu kamid ahaa dadka ka baayac mushtara wax yaabaha sharcidaradda ah ee loo yaqaan mukhaadaraadka.

                       

Markii uu ku soo laabtay Puntland, ayuu waxa uu hamiyey in uu ka midnoqdo siyaasiyiinta, isimada ama baacmushtarada ugu waa weyn ee Puntland. Hadiiba waxaa u suurto gashay in uu noqdo mid ka mid ah wakiiladda Xawaaladda Al-Barakaad oo kucaan baxday in ay lahayd Al-Qaida ama aalad u shaqeysa Al-Qaida.

 

Kadib, markii uu dhaqaale farabadan helay ayaa waxaa u suurta gashay in uu kashaqeeyo sidii uu ku noqon lahaa madax dhaqameed uu san ab iyo isir toona aan u laheyn. Taasoo khilaaf farabadan ka dhex dhalisay lafta uu ka dhashay ee Maxamed Cumar. Iyadoo reerka uu ka dhashay intooda badani ay u arkayeen boobcad oo aan geed laysugu soo gaban. Sababtoo ah waxaa nool oo jooga Nabadoonkii lafta uu kadhay.

 

Kadib, markii uu ku guulaysan waayey in madax dhaqameedkii soo jireenka ahaa ee lafta uu kadhashay uu xoog ku qaato. Ayaa waxa uu iskii isu magacaabay in uu yahay suldaanka lafta uu kadhashay. Taasoo keentay in uu reerka Maxamed Cumar yeesho labo madax dhaqameed. Mid soo jireen ah iyo mid gacan kurimis ah.

 

Suldaan Hure waxaa uu haddiiba taageero iyo aqoonsi uu ka helay Isimadii gacan kurimiska ahaa ee Puntland uu kacaankii Siad Barre abuuray sida Suladaan Garaase, Sheekhii ugu waynaa ee Al-Itixaad Mr.Kutubo Wayne iyo niman siyaasiyiin ah oo u dhashay Puntland sida Col. Jama Ali Jama iyo Gen. Abdullahi Holif oo iyaguna lid ku ah maamulka Puntland ee uu madax ka yahay Abdullahi Yusuf.

 

Col. Jama Ali Jama iyo Suldaan Hure oo in muddo ah qaxooti ka ahaa ayaa u suurta gashay in aad iyo aad ay xagga siyaasada ka midoobaan, oo ay labaduba isku taageeraan jagooyinka boobka ah. Sharci darada ay labada nin ay ku kaceen oo aheyd mid aad iyo aad dhibaatooyin farabadan u horseeday shacabka Puntland khalkhalna galiyay midnimada iyo jiritaanka Puntland. Labda nin waxay ku heshiiyeen in marka hore Suldaan Hure loo aqoonsado madax dhaqameed ka mid ah kuwa ay ka go’do talada Puntland, Kadibna Sulaan Hure uu ka shaqeeyo sidii uu Col. Jaamac Ali Jaamac ku noqon lahaa Madaxwaynaha Puntland.

 

Shirqoolkaas ay labada Nin iyo xulufadooda soo maleegeen oo ahaa in hadii ay u suuroobi waydo inqalaabka wataan ay dilaan Madaxweynaha Puntland asagoo booqanaya Boosaaso oo uu fara cidi leh kaga baxsaday. Nasiib daro waxa ay ku guuleysteen in ay dilaan madaxweynaha walaalkii oo aan wax siyaasada ah aan ku lug halayn asagoo booqasho ku jooga Puntland. Waxaase nasiib wanaag noqotay in ay godkii dheeraa ay u qodeen shacabka Puntland ay iyaga ku dhaceen. 

 

God walaal ha qodin hadaad qodidna ha dheerayn ku dhici doontaa ma ogid”

By M. Garaad,  Karaani22@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | May 5, 2004

 AFeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD