SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
April 8, 2004

Dacaayadda madaalayaasha ee ku qaraabta 'suldaan Hurre'

Abdisaid Musse Ali-Koor
aabdisaid@hotmail.com

QORAALO HORE....
Wararka kusoo Kordhay Dacwada Dilkii Hurre
Dacwaddan oo ka socota dalka Ingiriiska ayaa...
Guji 7/4

Waraysi Dheer oo ku Saabsan Dilkii Suldaan Hurre iyo Imaatanka Isimada ee Gaalkacayo Nov 2003

Sannad-Guuro Dilkii Suldaan Hurre, fartoo Cabdillahi ku fiiqan SPR 2003
SPR oo Canbaaraynaysa Dilka Hogaan Dhaqmeedka Puntland SPR 2002

Tacsidii Suldaan Hurre...

Beenin Maqaal hore..:

Tanu Ma Caddaalad ba mise waa Siyaasadda aan nadiifka ahayn ee Soomaaliya?

Sheekada raggan rajadu laysay ee ku andacooda inuu halyeeygoodii uu dilay C/llaahi Yuusuf waxay u dhigantaa sheekadan:

Jaamac waa nin qaxootinimo ku yimid USA kadib dhowr caruur ah markuu dhalay oo uu adkaysan waayey Qurbo-joognimadda ayuu wuxuu ka haajiray caruurtiisii iyo xaaskiisii asagoo leh 'bal cayrta waxaad ka heshaan xoogaa isoo tuura mar mar' wuxuuna  ku noqday tuuladdii uu ka yimid ee Warma-aragtay.....

Jaamac dhowr ilma adeeradiis ah ayuu yiri 'maxaan qabanaa?' saa la ye, jagaa banaan, suu ye; 'oo maxay tahay', saa la ye; "Nabadoon"...Suu ye, waa yartahay, 'ma ogidin miyaa inaan haysto baasaboor USA ah iyo shahaado la yaqaan...Bangaladesh'.....

Jaamac wuxuu ku adkaystay in magaca la kordhiyo, ilma adeertiis waa ka yeeleen oo waxaa looga dhigay SULDAAN.....Caano ayaana lagu shubay!.

Tuuladda Warma-aragtay iyo dhamaan deeggaanada ku wareegsan waxaa ka taliya nin la yiraahdo, Gen.Jowhar, horay ayey isu barteen labada nin oo Jaamac intuusan dibadda tegin wuxuu ka mid ahaanjiray askarta  Gen.Jowhar...

Dhowr sanno markuu siyaasadda reerka ku hoosjiray Jaamac, marwalbana jeclaa inuu mar uun la helo Jowhar nabar uusan kasoo raysan..Ayaa rag afgembi soo abaabuleen wuuna ka qaybqaatay Jaamac afgembigaas wuxuu kudhintay  dhicisintii afgembiga markii la rabay in lasoo qab-qabto dadkii ka  qayb-galay afgembigii....

Haddaba kasoo qaad in Jaamac la toogtay, USA, Bush iyo Rehnquist, masoo saari karaan maxkamad maraykan ah, Gen.Jowhar dhowr arimood owgood:

1. Jaamac waa nin u dhashay deegaanka ay ka midtahay Warma-aragtay, USA (travel document amase citizen waxba uma tarayso) sababtoo ah waddankiisii asalka ahaa buu ku noqday...Wuxuuna ka yahay dambiile waddankuu u dhashay

2. Jaamac wuxuu ahaa xubin ka qayb-qaadatay loolanka siyaasadda ee deegaanada ku wareegsan Warma-aragtay, taas waxay keenaysaa inuu lumiyo xuquuq walba oo uu ku lahaa waddankale...

3. Jaamac ma ahan qof waligiis canshuur bixiyey labada deegaanba ee wuxuu ahaa qof ku nool dhowrtada la siiyo dadka masaakiinta ah ee aan shaqaysankarin

Haddaba sheekada Jaamac mid la mid ah ayaa waxaa ku qaraabta dhowr qof oo ku nool dalka Ingiriiska, hadday runtahay inuu lawyer hadalka Maxamud S Xirsi kusoo qoray somalitalk yiri, lawyerkaasna yahay qof jooga UK, qoraal ahaanna lagu hayo...Anigu haddaan ahaan lahaa qofka uu aflagaadeynayo lawyerkaas waxaan geyn lahaa maxkamad civil court ah,  waxaan garyaqaankaas kusoo oogi lahaa libel case 'A false case in writing that damages Cabdullahi's reputation'...."Been abuur qoraal ah oo wax gaarsiinaya mudane Cabdullaahi sharaftiisa"......

Haddii dawladdaha Europe oo dhan isu yimaadaan ma difaaci karaan qof ka qayb-galay qulqulad waddan kale oo ay soo  abaabuleen koox rabtay inay hantaan xukunka waddanka qori caaradiis........Ma aragtay dadka ka qayb-galay inqilaabka ka dhacay Equatorial Guinea ee ku xiran Zimbabwe iyo Guinea laftigiisa cid u dacwoonaysa......

Maadaama soomaalidu tahay kuwo u qaata beenta si fudud, ayey dadka qaarkiis u helaan meel lagu soo qoro beentooda....Ileyn maba jirto halbeeg lagu cabiree...Waxa ceeb ah, in qof ra'yigiis laga dhigo cinwaan sidii ayadoo war cusub ah....Waxayna ka mid tahay xadgudubyada ay sameeyaan goobaha warbaahinta ee soomaalida.....

Abdisaid Musse Ali-Koor
aabdisaid@hotmail.com

»AL- Islaax waa indhaha Soomaaliya  [Mohamed Haji]
»Al-Islaax iyo dhacdooyin dhacay [Ali-Koor]

Faafin: SomaliTalk.com | April 8, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

FAALLO: MAXAAD KA OGTAHAY XASUUQII RWANDA

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI



Waa buug cusub oo kusaabsan Taariikhdii Imaam Shaafici (Raximuhu Laahu), Waxaa qoray: Cabdifataax Cabdullahi Sh. Xasan (Joof), Waxaa lagala xiriiri karaa: shaafici54@hotmail.com  


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD