SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR/MAQAALLO
Daabaco Boggan | Print
:::C/LAAHI YUSUF & AWEYS::

Hadaladii C/Laahi Yuusuf (Jawhar) iyo Sh. Aweys (Muqdisho)... Guji
:::JAAMACADA KISMAAYO:::

Dhagax dhigga jaamacada Kismaayo... Guji..
SHACABKA PUNTLAND vs TERRY:

Puntland iyo Terry (oo sheegtay Shirkad aan la aqoon) oo Dubai ku kala saxiixday heshiis... Guji

01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 |
:::UGAAS MAXAMED WALI:::
YAA MAALI JIREY? Faallo:Ugaas Max'ed Wali oo ku bilawday C/ahi Yuusuf Axmed Muxuu Kusoo Kordhin Karaa Somalia Guji..
::MPLS: BUUGGA XASUUS QOR :::

Xaflad Lagu Soo Bandhigay Buugga "Xasuus Qor" oo Lagu Qabtay Minneapolis.. Guji...
19-JIR LAGU DILEY MINNESOTA:

Wiil Soomaaliyeed oo La Toogtey Asagoo Dhex Fadhiyey Gaari Taagan Meel Gaaska Laga Qaato oo ku yaal Magaalada St.Paul, Minnesota, USA... Guji
::SH. CIISSE XASSAN JUMALLE::

Walaalahayga Soomaaliyeed baan gargaar ka sugayaa; UAE way iga tuureen cusbitaalkii aan xaqa u lahaa... Guji... 
:::C/NUUR FAARAX CALI:::

Xaflad Shahaado Master oo ka dhacday Qaahira.. Guji..
:::MAQAALKII YUSUF SHABAC:::

XAMAR CAASIMADA HALAGA BEDELO; Calankana bil halagu saa’idiyo... Guji...
:GAAJADA & CARRUURTA SOM:

Carruurta Soomaaliyeed ee gaajada iyo cuduradu ku aafeeyeen dalkooda Soomaaliya oo ay hay'adda MSF Video kasoo duubtay...daawo Halkan
[Waxaad u baahan tahay Windows Media oo laga soo Rogan karo halkan]. Qoraal Soomaaliya la xiriira oo ku qoran English ka akhri halkan...
:::XAFLADII DHALLINYARADA:::

Xafladii Masjidka Abuubakar ee Xagaaga 2005 Loo Qabtay Dhallinyarada... Guji...
::: LAASCAANOOD:: ALHUDA:::

Masjidka Al-Huda oo Saddex Dabaq ah oo Laga Dhisayo Laascaanood... Guji..
.
::: MASJID DAR AL-HIJRA:::

Nala Iibi Dhismaha Masjidka Dar Al-Hijrah, Minneapolis... Guji

  • Colonel Cabdi Qeybdiid oo ay gacanta ku dhigeen Ciidamada Booliiska Sweden
  • Qoraal kasoo baxay "GOLAHA BADBAADINTA IYO XORAYNTA SHACBAKA JUBBADA HOOSE "
  • Gen. Cadde Muuse oo kusoo laabtay Boosaaso, dibna ugu laaban doona Dubai

Colonel Cabdi Qeybdiid oo ay gacanta ku dhigeen Ciidamada Booliiska Sweden


Sidii ay u dhacday qabashadii Col. Qaybdiid
Sawirka:
http://www.aftonbladet.se

October 17, 2005 | Sweden

Xalay habeenimadii waqti-dambe ayaa Booliiska Dalka Sweden waxay qabteen Cabdi-Qeybdiid iyagoo amar ka helay Xeer-ilaaliyaasha Caalamiga ee Magaalada Gothenberg .

Col.  Cabdi Xasan Cawaale "Qaybdiid"

Qeybdiid ayaa booqasho ku joogay Sweden,isagoo kaga qeybgalayey shirka looga hadlayey arimaha Nabada geeska afrika kaas oo ay maalgelisay Hey'ada qaabilsan dhinaca macaawinada ee Wadanka Sweden.

Hadii lagu helo denbiyada lagu soo oogay wuxuu muteysan doonaa xabsi-daain, sida ay Sheegeen Soomaali ku nool Wadanka Sweden.

Wuxuu Qeybdiid hogaanka u hayey Ciidanka mudadiii uu socday dagaalkii sokeeye, Cabdi Qeybdiid ayaa la qabtay Xalay saacadahii dambe 2dii iyo 25-daqiiqo,iyadoo Booliis khaas ah u yimaadeen Hoteelkii uu deganaa ee Concordia kuna yaal Magaalada Lund.

Booliiska ayaa boorsadii uu watay horey ugu soo qaaday maadaama uu gaariga Booliiska ku sugayey Hoteelka dibadiisa.

Wararka u horeeya ee kasoo baxaya Xariga Col. Qaybdiid

Ciidanka Amaanka Dalka Sweden ayaa gacanta ku dhigay Col.Cabdi Cawaale Qeybdiid oo ay ku raad-joogeen Mudooyinkan Ciidan khaas ah oo ka socday Maxkamada Dembiyada Baarta ee Hague, ayaa su'aalo ku weydiineya Saldhiga Dhexe ee Degmada Lund oo ka tirsan Koonfurta Sweden oo ay maalmahan shirar lagu martiqaaday Wadamada Bariga iyo Bartaha Afrika uu ka socaday.

Warar ayaa sheegaya in Garyaqaanka dacwada soo oogay uu sheegay in ay gacanta ku hayaan cajal fiidiyoow ah oo la duubay isagoo Cawaale Qaybdiid gacantiisa (ama amarkiida) ku dilaya 4-Wiil oo Soomaali ah, dhacdadan ayaa waxay ka dhacday Magaalada Jilib, iyadoo sida wararku shegayaan ay sidaas xaqiijiyeen Garyaqaanada dacwada ku soo oogay Col.Cawaale.

Xaqiiqada la ogyahay ilaa hadda::

  • Col. Qeybdiid waxa uu kamid ahaa wafdigii la socdey Guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG, Shariif Xasan, ee booqashada ku joogey dalka Sweden..
  • Col.Cabdi Qeybdiid waxaa Taliyaha Ciidanka Booliiska u magacaabay Wasiirka Amniga Qaranka DKMG, waxaase magacaabidaas diidey Ra'iisulwasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geedi.
  • Col. Qeybdiid waxa uu kamid ahaan jirey hogaamiyaasha Muqdisho ee hubka sidey...
  • Dawladii Carta ee uu madaxda ka ahaa C/Qaasim waxa uu ka noqday Taliyaha Ciidanka Booliska ee Gobolka Banaadir...
  • Ciidanka Booliska Sweden ayaa Xalay goor dambe ka xiray hotelka uu degaanaa..

Wixii ku soo kordho dhacdadan kala soco Warsidaha SomaliTalk.com

Xigasho: http://www.aftonbladet.se

Xuseen  Yaasiin Gode-Gode
godegode_6@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 17, 2005


Gen. Cadde Muuse oo kusoo laabtay Boosaaso:::

Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in madaxweynaha DGPL, Gen. Cadde Muuse uu dib ugu soo laabtay Boosaaso kaddib markii uu ka soo duulay Dubai oo uu muddo ku maqnaa.

Wararku waxa ay sheegayan in Gen. Cadde Muuse uu isla maanta saacado gudohood dib ugu laaban doono Dubai, halkaas oo la sheegay in uu ka soo aadi doono dalka Jarmalka.

Wararka galabta ka imanaya Boosaaso ayaa sheegay in Gen.Cadde Muuse uu Boosaaso ka dhoofay isla galabta 4:30 galabnimo. Waxaana wararku tibaxeen ujeedada uu u yimid Boosaaso waxay ahayd in uu cusboonaysiisto 60 maalmood ee dastuurka Puntland u ogolaanayo in madaxweynuhu uu dalka dibada kaga maqnaankaro.

ISHA: Wargal Jooga Boosaaso | Oct 17, 2005


GOLAHA BADBAADINTA IYO XORAYNTA SHACBAKA JUBBADA HOOSE

  Shirya yeelatay Jaaliyada W/America Gar ahaa Gobolka Minnesota, Minneapolis

12-14/10/2005 waxay samaytay Gole lagu magacaabo Golaha Badbaadinta iyo Xiraynta Shacabka Jubbada Hoose,Golahaan waxaa loo asaasay markii la arkay dhibaatada Gaamurtay oo lagu hayo dhamaan shacabka ku nool Jubooyinka oo xooga lagu haysto,oo maalinkasta sidii xoolihii la iska badugayo ayaa Golahaani waxay go'aamiyeen oo lagama maarmaan noqotay in la sameeyo Golahan si loo badbaadiyo shacabka Jubooyinka Golahaani wxuxuu soo saaray Arrimahaan:


1-In Maxkabad Caalami ah lagu soo oogo Sadex Xarigle Barre Aden Shiire(HIIRAALE) oo sheetay in uu yahay  Sarkaal sare,dhibaato faro badana u geystay Shacabka Jubbada Hoose.

2-Goluhu waxaa kale oo aad uga hadlay in sida ugu dhaqsaha badan loo sameeyo dacwad ka dhan ah qabqablaha ku soo aan baxay shacabka aan waxba galabsan ee ku nool jubooyinka(BARRE HIIRAALE)

3-Goluhu wuxuu soo Bandhigayaa 1996 ilaa 2005 dadka uu ku xasuqay Dhamaan jubboyinka tiradooda

4-In gargaar deg deg ah lala gaaro dadka ku Tabalaysan Jubbada Hoose.

5-Gollahan Cusub wuxuu ka digey in ay soo laabkarto dagaalkii sookeye in uu mar kale ka qarxo jubbaddda hoose,Taaso kaliftay in aan marnaba loo dulqaadan karin dhibka lagu hayo dadka xooga lagu haysto golahaani marna kama caajisayo inta ay iska xoraynayaan burcada ku naaxdey dhiiga iyo xaaranta,wixii halkaas ka yimaadana waxaa ka masuul ah dagaal ogaha Saddex Xariigle Hiiraale.

        Golahaani wuxuu si kulul u canbaraynayaa falalkii u danbeyey oo malmahaan ka dhacay Jubbada hoose oo ay sameeyeyn Burcada xooga ku haysata magaalada kismaayo,markii dhawaan lagu dilay magaaladaas nin u shaqayn jirey hay'adaha ka walgalijirey magaalada kismaayo,oo ka soo jeeday dadka xooga ku haysta magalada,oo uu diley nin ay isku beel ka soo jeedan oo ku dilay lacag uu ku lahaa oo dhamayd $25,000 000 oo Dolar ka dib marku bixiin wayey uu Meel fagaaro ah ku toogtay,arrintaasi markay dhacday ayaa danbigii waxaa dusha laga saaray dadka deeganka si loo kalbadbaadiyo burcada xooga ku joogta gobolka,isla markaasna qaar xabsiyada loo daxaabay qaarna si bareera loo dilay.

         Goluhu wuxuu dhawaan soo bandhigayaa ninkii falkaas geystay magiciisa iyo Beesha uu ka soo jeedo,goluhu waxaa kale oo soo ogaaday in nikii wax dilay loola cararay(Cabdu-waaq-Galgaduud)


   Fahfahiin  kala soo xiriira Afhayeenkii Hore ee Golihii SRRC 

abdibarre ahmed | jabriil62@hotmail.com

Afaaf: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan


MAQAALADA DADWEYNAHA:::

Qeeybdiid qiraallo ayaa laga hayaa...

baydan Samatar khalaf
baydan@mail.com

Dagaalka sokeeye markii uu bilaabmay , dadka qaarkiis waxay iska duubeen cajalado muujinaya dambiyadii ay faraha kula jireen. Dadkaasna waxaa ka mid ahaa Qeeybdiid oo cajalad ku qiranaya xasuuq uu Galkacyo ka geystay mar uu u waramayey Caydiid, xasuuqaasna waxaa lagu dilay dad gaaraya 500 oo u badan odayaashii degaanka. Waxaana xusid mudan in dadka halkaas lagu laayey ay ka buuxeyn dad badan oo aan waxba galabsan, markhaatina faahfaahsana laga heli karo dadka la laayey eheladoodii. Tusaale ahaan odayaasha Gaalkacyo waxaa ka mid ahaa maalqabeenkii la oran jiray Moxamuud Xaaji Xasan  oo aabihii loo tiriyo nabadoon aan dadku u kala soocnayn, wuxuuna qabay Gen Caare islaan la dhalatay, isaguna gurigiisa ayuu ku soo koray. Marka , taas waa tii uu ka galay Mudug oo keliya, balse waxaa jira dambiyo kaloo badan uu ka galay Somaali iyo ajnabi intii dagaalka sokeeye socday. Waxaana jirta oo kale in BBCda af Injiriiska looga soo duubay  barnaamij uu  kaga  sheekeynayu sidii ay ula dirireen Mareykanka , dagaalkaas oo ay dhegta uga go'day. Waxaan filayaa marka in xaqii uu feeraha ka dillaci rabo ee ILahayoo cadaalad dalka  nooga yeel..

Baydan. S. Kh 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 17,2005


Terry oo Xusuusan Waayey Heshiiskii  Shiidaalka ee "Consort" iyo Puntland
Ra'iisul wasaaraha DFKMG oo warqad u diray suuqa Ganacsiga Australiya ayaa si weyn uga digey cawaaqibka ka dhalan kara heshiiska Puntland iyo shirkadaha Shisheeye, waxaana arrintaas qoraal dher ka qortay jariidada 'The AGE'
Guji... Oct 17


WAXAAN SOO ARKAY!!!
Wax indhahaygu ku farxeen, balse aan rumaysan waayay sida looga dhabeeyay loona sii wado, una baahan in gacan wadajir ah  loo gaysto!... Warbixintii C/llahi Black....

Cali Ugaas Cabdule oo loo magacaabay Safiirka Talyaniga u fadhiya Soomaaliya...
Siyaasiga u ololeeyo sidii nabad looga dhigi lahaa Gobolka Benadir ayaa... Guji... Oct 16


Sanad Guuradii Koowaad ee dhaarintii Madaxweynaha Soomaaliya oo la xusay
Sanad buuxa ayaa ka soo wareegay markii C/llaahi yuusuf Axmad loo dhaariyay Xilka Madaxweynenimo haddaba... Guji...

Wakiilka Tigreega ee Ogaadeenya oo dafiray muwaadiniinta ku xidhan Hargaysa
Xubnaha mucaaradka Itoobiya oo laga qaaday dhawrsanaantii xildhibaanimo... Guji...

C/llaahi Sheikh Ismail: Hubka lagama mamnuucin dowladda
ee dagaal ooge ayaa loo diiday waxaana sugeynaa hub kale oo kan Yeman ka badan... Waraysi wasiirka arrimaha dibada..

Saraakiisha Ciidanka Booliiska oo ku wajahan Jowhar
Wasiirka Arrimaha dibada Soomaaliya oo caawa shahaadooyin gudoonsiiyay in ka badan lixdan Saraakiisha ciidanka booliiska Soomaaliyeed ka mid ah oo... Guji... Oct 14


»CIR-MAAXIYAAL SHIINEES AH OO SAHAN HAWADA SARE UGU BAXAY
»
Carruurta Soomaaliyeed ee Qurbaha iyo Dhibaatada Aabbe La'aanta
»“Qoor-qabad Waxaruhu Biyaha kuma Qurquriyaan” | C/waaxid
»Dowladda Karaamaysan Hala Taageero Si Aanu U Helno Kala Dambeyn
»Oktoobar iyo Xafladda lagu Samaynayo Jawhar | Bashiir
»Qarnigii hore  ee somaaliya & qab qab layaasha  maanta jooga | Jamal
»Doorashadii Golaha wakiilada somaliland | Qodax
»Miyaa Maxamed-dheere la Masaafurinayaa | C/waaxid Khaliif
»CIIDAMADA QARANKA OO LOO ABAABULAYO QAABKII USC | C/risaq
»
Madaxda PL  oo Jowhar Lagu Maamuuso, kuwa kalena la Xiiro  | c/waxid
»INJ. MUNYE OO FOGEEYAY EEDEYN LOO SOO JEEDIYAY | Abucar
»Jini Boqor oo Muqdisho looga baxshay ALLE BOQOR | C/raxman
»Dib u heshiisiinta Soomaaliya: Maxaa qaldan? | Raage
»Somaaliya Katarina iyo Rita | Amiin Yuusuf

»Waraaq furan oo ku socota Ururka midnimada islaamka | Saciid
»HALKEEN XALKA KA RAADINAA??? | Xuseen
»
Hargeysaay hambalyo | C/Raxmaan Taysiir
»Dalka Yaa Iska Leh, Dadka Yaa Umaqan | Axmed Cali
»Xasuuqii Malka-durduro | Warfaa 
»Morgan oo Noqday Makaalintii Barre Hiiraale | Maxamed
»Qarnigaan qabiil ku faan qiimo Ma leedahay | Mowlidyare
»MIDOWGA AFRIKA: MIDNIMO KATALIN MISE MINDIYO AFAYN? | Garaad
»
DIGNIIN CULUS: AIDS-KA & SOOMAALIDA | Dhagaafe
»S.Y.U.P oo War ka Soo Saaray Doorashada ka Dhacday Somaliland
»Gabadhii xumaan damacda: "nin iga weyn ayaa lagu dari lahaa"| Ikram

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD