DENMARK: 5 JIR 
SOOMAALIYEED OO LAGU FARAXUMEEYAY XANAANADUU DHIGANAYAY
							
							ENGLAND: SOOMAALIDA FIRFIRCOON EE LEICESTER
							
							 "QARAXYADII 
LONDON OO JAWAAB U AHAA DUULLAANKII BRITAIN EE CIRAAQ"
"QARAXYADII 
LONDON OO JAWAAB U AHAA DUULLAANKII BRITAIN EE CIRAAQ" 
							
							Baaritaan ay 
daabacday wargayska The Guardian ee Uk ka soo baxda ayaa wuxuu qoray in 
weeraradii 7-da bishaan luulyo lala beegsaday London ay...
							Guji... July 20
							
							
							DENMARK: QAXOOTI SOOMAALIYEED OO CUNTADA KA SOOMAY
							
							Saacadda markay ahayd shanta galabnimo ayaan soo gaaray 
					albaabka weyn ee laga galo xerada weyn Sandholm, ee lagu 
					qaabilo qaxootiga cusub ee dalka Denmark ka codsada 
					laajinimada. "yaad booqanaysaa iyo fadlan dokumantigaaga i 
					sii" ayay isu-kay raacisay gabar deenish ahayd oo igala 
					hadlaysay muraadayadda gadaasheeda xafiiskii ay ku jirtay.
							
							Guji...
							Jun 23, 2005
							DENMARK: QAXOOTIGA 
					SOOMAALIYEED CIDNA UMA MAQNA, CEELNA UMA QODNA
							
							
							DENMARK: SI MAAMUUSID LEH AYAA LOOGU 
					GURMADAY SOOMAALIDII LAGU DHIBAATEEYAY LANGESKOV
Warbixintii Ibraahim Saalax...
							
SHIRKII AY YEESHEEN URURKA 
					MIDOWGA DHALINYARADA SOMAALIDA SWEDEN 
							
							 Qoraalki 
					iyo isku soo dubaridiid:
Qoraalki 
					iyo isku soo dubaridiid:
Ibraahim Saalax Aaden | SomaliTalk Yurub
Email: 
							
							ibra88@hotmail.com
							
Maarso 20, 2005
							
							Shir si 
					wanaagsan loo soo agaasimay, ayna ka soo qaybgaleen dhammaan 
					ururada hoos yimaada daladda ururka Midowga Dhalinyarada 
					Soomaalida Sweden SSUF ayaa lagu qabtay hoolka shirarka lagu 
					qabto ee Kista  magaallada Stockholm ee dalka Sweden. 
							
							
							Dadweynaha ka soo 
					qayb galay shirka
							
								
									|  Guddoomiyaha iyo xubnaha SSUF
 | 
							
							Shirka oo 
					albaabada loo furay subaxnimadii sabtida ayaa waxaa ugu 
					horeyntii si wanaagsan martida u soo dhoweeyay shir 
					guddoonka Maxammed Muuse oo u mahad celiyay dhammaan ka soo 
					qaybgalayaashii shirka, wuxuuna si dul mar ahaan dadweynihii 
					ugu dul-aqriyay qaabka uu dhacayo barnaamijka shirka. 
							Hadalkii 
					gaabnaa ee uu soo jeediyay shir guddoonka kadib, waxaa 
					hadalkii qaatay madaxa ururka SSUF Xamdi Cali oo ka 
					warbixisay waxqabadkii uu ururka soo qabtay iyo himilooyinka 
					uu tiigsanayo mustaqbalka dhow. “ulajeeddada daladda ururka 
					SSUF waa inuu xoogga saaro dhinaca waxbarashada, is 
					dhexgalka hufan ee bulshada swiidishka, ka hortagga 
					maandooriyayaasha, la dagaalanka midabtakoorka iyo nashaad u 
					gaar ah gabdhaha” ayay tiri Xamdi Cali oo iyadu khudbaddeeda 
					ku soo jeedinaysay afka iswiidishka.  
							Xamdi Cali 
					waxay intaas raacisay inay ku rajo weyn tahay in ururkooda 
					ay xiriir iyo wada shaqayn la samayn doonaan soomaalida kale 
					ee ku nool Yurub, intaa kadib waxaa billowday warbixinnadii 
					ay soo gudbiyeen xubnihii ka kala yimid magaalooyinka kale 
					ee dalka Sweden. 
							Hayaan 
					Cabdisalaan Ismaaciil oo ka socday xafiiska suuqa shaqada ee 
					xaafadda Rinkeby ayaa soo gudbiyay warbixin ku saabsan 
					fursadaha shaqada iyo waddooyinka loo marayo marka la 
					dalbanayo shaqada. “waxaan ka mid ahay shaqaalaha ugu da’da 
					yar ee ka shaqeeya xafiiska shaqada Rinkeby, waxaan la 
					kulmaa dhibaatooyin badan oo shisheeyaha ka haysata xagga 
					shaqada, intooda badan ma yaqaaniin qaabka loo maro 
					dalbashada shaqada” ayuu yiri Hayaan oo ka baxay Jaamacadda 
					Stockholm bartayna cilmiga siyaasadda. Warbixintii koobnayd 
					Hayaan waxaa lagu soo gabagabeeyay su’aalo laga weydiiyay 
					suuqa shaqada iyagoo ay weydiiyeen xubnihii halkaas isugu 
					yimid. 
							
								
									| 
									 Caliyare Gaani
 | 
							
							Waxaa 
					sidaas si la mid ah warbixin soo jeediyay Caliyare Gaani oo 
					ah madaxa ururka dhexdhexaadka ee isagu ka yimid magaallada 
					labaad ee Goteborg, wuxuuna si waafi ah uga warbixiyay 
					waxqabadkii uu qabtay ururkiisa. 
							Wuxuu 
					Caliyare tilmaamay ahmiyadda ay leedahay in la helo 
					dhalinyaro firfircoon oo ilaashada dhaqankooda, isla mar 
					ahaantaasna ka faa’iidaysta fursadaha ka jira dalkaan aynu 
					ku noolnahay. Dhinaca kale, wuxuu Caliyare ku nuuxnuuxsaday 
					in laga feejignaado dhammaan asbaabaha keena inay caruurta 
					qaadaan waddo aan wanaagsanayn.  
							Ciise 
					Dholowaa oo ka yimid dalka Australia ayaa ka mid ahaa 
					martidii lagu casumay shirkii ururka midowga dhalinyarada 
					soomaaliyeed SSUF, isagoo hadallo qiimo badan ka soo 
					jeediyay goobtii shirka. Ciise Dholowaa oo maalmo kahor ka 
					yimid Waqooyiga Ameerika ayaa muujiyay dareenkiisa sida uu 
					ugu farxay kulankii dhalinta soomaaliyeed ay ku yeesheen 
					Kista. “ururka SSUF waan uga mahad celinayaa inay igu marti 
					qaadeen shirkaan qiimaha badan, waxqabadkoodana waxay i 
					gelisay farxad aad u weyn” ayuu yiri Ciise Dholowaa oo ka 
					waramay guud ahaan ururadii uu maalmo kahor kula kulmay 
					magaalooyinka
							Toronto ee Canada iyo Minneapolis ee dalka USA. 
							
								
									|  Ciise Dhoolowaa
 | 
							
							
							 Ciise 
					Dholowaa ayaa dadkii goobtii shirka joogay uga waramay 
					howlihii bani’aadminimo ee uu ku caawiyay caruurtii 
					soomaaliyeed, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa “howlihii ugu 
					wanaagsanaa ee aan qabto waxay ahaayeen caruurtii 
					tabaalaysnaa ee u baahnaa qalliinka degdegga ah ugu qaaday 
					dalka Australia, caruurtaasoo ka badnaa 20 qof”, ayuu yiri 
					Ciise Dholowaa, wuxuuna intaas raaciyay “waxaan dalka 
					Australia degganaa 20 sanno, baaritaanno iyo qoraallo badan 
					ayaan ka sameeyay soomaalida ku nool qurbaha, waxaan ku 
					faraxsanahay inay soomaalida ka sii yaraanayso qabyaaladdii 
					qurisay qarankoodii” ayuu yiri Ciise Dholowaa oo naxdin iyo 
					walbahaar weyn ay ku beertay gacan-ka-hadalkii ay dorraad 
					isu gaysteen xil-dhibaannadii baarlamaanka DFKMG. “waxaa 
					saakay i soo wacday
							xaaskayga oo u dhalatay dalka Australia, waxay i 
					weydiisay kadib markay taleefishinka ka aragtay. maxay 
					kuraasta iyo miisaska ugu dagaallamayeen xubnihii 
					baarlamaanka DFKMG” ayuu yiri Ciise Dholowaa oo wejigiisa ay 
					hareereesay murugo markii uu ka waramayay dhacdadaan foosha 
					xun.
Ciise 
					Dholowaa ayaa dadkii goobtii shirka joogay uga waramay 
					howlihii bani’aadminimo ee uu ku caawiyay caruurtii 
					soomaaliyeed, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa “howlihii ugu 
					wanaagsanaa ee aan qabto waxay ahaayeen caruurtii 
					tabaalaysnaa ee u baahnaa qalliinka degdegga ah ugu qaaday 
					dalka Australia, caruurtaasoo ka badnaa 20 qof”, ayuu yiri 
					Ciise Dholowaa, wuxuuna intaas raaciyay “waxaan dalka 
					Australia degganaa 20 sanno, baaritaanno iyo qoraallo badan 
					ayaan ka sameeyay soomaalida ku nool qurbaha, waxaan ku 
					faraxsanahay inay soomaalida ka sii yaraanayso qabyaaladdii 
					qurisay qarankoodii” ayuu yiri Ciise Dholowaa oo naxdin iyo 
					walbahaar weyn ay ku beertay gacan-ka-hadalkii ay dorraad 
					isu gaysteen xil-dhibaannadii baarlamaanka DFKMG. “waxaa 
					saakay i soo wacday
							xaaskayga oo u dhalatay dalka Australia, waxay i 
					weydiisay kadib markay taleefishinka ka aragtay. maxay 
					kuraasta iyo miisaska ugu dagaallamayeen xubnihii 
					baarlamaanka DFKMG” ayuu yiri Ciise Dholowaa oo wejigiisa ay 
					hareereesay murugo markii uu ka waramayay dhacdadaan foosha 
					xun. 
							Ciise 
					Dholowaa wuxuu ururka SSFU ku waaniyay inay dadaal badan ku 
					bixiyaan sidii ubadkeena soomaaliyeed aan uga badbaadin 
					lahaayeen mukhaadaraadka iyo guud ahaan denbiyada waaweyn. 
					“ururada soomaaliyeed ee aan Canada kulmay waxay ii sheegeen 
					in gobolka Ontario keliya ay xabsiyada ku jiraan soomaali 
					tiradooda kor u dhaaftay 1400 qof, waa tiro aan aad uga 
					naxay” ayuu yiri Dholowaa oo soomaalida Sweden uga digay 
					inay dhalintooda uga digaan inay qaadaan waddadaas oo kale. 
					 
							
								
									|  Abuubakar Caato
 | 
							
							
								
									| 
 
									In kabadan 8,000 oo 
							Soomaali ah oo haadda lagu hayo Maraykanka ayaa 
							waxaa dhici karta in dib loogu celiyo Soomaaliya (la 
							tarxiilo) ama dacwadooda la dhegeysto...
									Guji... 
 | 
							
							Wiil 
					dhalinyaro ah oo xammaasaysan ayaa hadalkii ka qaatay 
					Dholowaa, wuxuuna u sheegay dadweynaha in tirada soomaalida 
					ku jira xabsiyada Sweden aynan dhaafsiisnayn 48 qof “sidaas 
					waxaa ii xaqiijiyay booliiska Stockholm, way habboon tahay 
					haddaynu nahay ururka daladda SSUF ay feejignaadaan si aynan 
					u siyaadin tiradaas” ayuu yiri Abuukaar Caato kana mid ah 
					dhalinyarada firfircoon ee agaasima isboortiga iyo 
					cayaaraha. 
							Ciise 
					Dholowaa wuxuu dhalinyaradii isugu jiray wiilal iyo gabdho 
					ku baraarujiyay inay ka faa’iidaystaan fursadaha ka jira 
					dalalkaan. “anniga Asutralia waxa ay ii qabteen iima qaban 
					dalkayga, wuxuu i siiyay waxbarasho lacag la’aan ah, 
					degganaansho jeer aan ka qaato jinsiyadda, waxaan idin 
					leeyahay ka faa’iidaysta fursadaha aad haysataan oo ka 
					xorooba qabyaaladda dalkeenii burburiyay” ayuu yiir Dholowaa 
					oo waqtigan xaadirka ah ku mashquulsan diyaarinta 
					Risaaladiisa Phd-ga kuna saabsan Soomaalida ku nool 
					qurbaha. 
							
							
							Hayaan Cabdisalaan Ismaaciil
							
							Qadadii:::
 
							
								
									|  Maxammed Faarax
 
  Xaaji Faarax
 
  Hassan_Dolek
 
  Faadumo_Cabdi
 
  Agaasimaha 
									
									SSUF
 | 
							
							Waxaa sidoo 
					kale goobtii shirka ka hadlay Maxammed Faarax Xaji Warsame 
					oo macallin ka ah dugsiga hoose/dhexe ee ku yaala Rinkeby 
					Stockholm dalka sweden. Wuxuu Maxammed aad ugu dheeraaday 
					ahmiyadda ay caruurta soomaaliyeed ugu leedahay barashada 
					luqaddooda hooyo. “khibraddayda macallinimo waxaan ka bartay 
					caruurta sida wacan u yaqaana afkooda hooyo waa kuwa sida 
					saxda ah u baran kara luqadaha kale” ayuu yiri Maxammed 
					Faarax, wuxuuna waalidiinta soomaaliyeed kula dardaarmay 
					inay ubadkooda kula sheekeestaan afka soomaaliga, gaar ahaan 
					markay guriga joogaan. “inaad caruurtiina ka caawisaan 
					afkooda hooyo waxay idinka caawinaysaa markaad da’ noqotaan, 
					luqaddaada hooyo waa shakhsiyaddaada” ayuu yiri Maxammed 
					Faarax, isagoo tilmaamay isticmaalka luqadda soomaaliga oo 
					aad ugu yar soomaalida ku nool qurbaha. 
							Xaaji 
					Faarax ayaa isna ka mid ahaa raggii goobtii shirka ka soo 
					jeediyay hadal gaaban, wuxuuna ka hadlay waajibka waalidka 
					ka saaran caruurtooda, isagoo dhinaca kalena ka digay 
					denbiyada ay caruurta ku mutaystaan ciqaab adag oo caqabad 
					ku noqda mustaqbalkooda xagga shaqada iyo waxbarashadaba. 
					“waxay shaqadaydu tahay inaan caruurta shisheeyaha, gaar 
					ahaan kuwa soomaalida aan ka siiyo talooyin la xiriira 
					falalka denbiyada, waxaadna ogaataan inaanan u shaqaynin 
					booliiska” ayuu yiri Xaaji Faarax. 
							
							 Hassan 
					Dolek oo isaguna ka socday xisbiga talada dalka haya ee 
					social-ka isla mar ahaantaana ka mid ah xubnaha baarlamaanka 
					ee maamula xarunta Stockholm ahna guddoomiyaha daladda 
					ururka dhalinyarada ee turkiga ayaa sidoo kale ka hadlay 
					goobtii shirka, isagoo ka hadlay guud ahaan siyaasadda 
					axsaabta ka jira dalka Sweden. “waxaan idinku boorinayaa 
					inaad si firfircoon uga qayb qaadataan siyaasadda dalka, 
					kana muuqataan jaamacadaha iyo xarumaha waxbarashada dalka” 
					ayuu yiri Hassan Dolek oo ammaan ballaaran u soo jeediyay 
					agaasimaha ururka daladda SSUF Ahmed Hassan oo laf-dhabar 
					weyn u ah ururka SSUF, la’aantiisna aan qabsoomayn shirka 
					maanta.
Hassan 
					Dolek oo isaguna ka socday xisbiga talada dalka haya ee 
					social-ka isla mar ahaantaana ka mid ah xubnaha baarlamaanka 
					ee maamula xarunta Stockholm ahna guddoomiyaha daladda 
					ururka dhalinyarada ee turkiga ayaa sidoo kale ka hadlay 
					goobtii shirka, isagoo ka hadlay guud ahaan siyaasadda 
					axsaabta ka jira dalka Sweden. “waxaan idinku boorinayaa 
					inaad si firfircoon uga qayb qaadataan siyaasadda dalka, 
					kana muuqataan jaamacadaha iyo xarumaha waxbarashada dalka” 
					ayuu yiri Hassan Dolek oo ammaan ballaaran u soo jeediyay 
					agaasimaha ururka daladda SSUF Ahmed Hassan oo laf-dhabar 
					weyn u ah ururka SSUF, la’aantiisna aan qabsoomayn shirka 
					maanta. 
							
							 Khubadahaas 
					iyo hadalladaas kadib waxay xubnihii ururka guda galeen wada 
					shaqayn koox-koox ahaan loo sameeyay, iyagoo ka doodayay 
					qodobo 4 gaarayay ayna ka mid ahaayeen. 1) Sidee kor loogu 
					qaadi karaa waxbarashada?. 2) Maxay tahay aragtidaada ku 
					aaddan is-dhexgalka iyo ka hortagga falalka debiyada. 3) 
					Sidee kor loogu qaadi karaa dhaqaalaha? 4). Sidee shaqooyin 
					loogu abuuri karaa soomaalida, gaar ahaan dhalinyarada?
Khubadahaas 
					iyo hadalladaas kadib waxay xubnihii ururka guda galeen wada 
					shaqayn koox-koox ahaan loo sameeyay, iyagoo ka doodayay 
					qodobo 4 gaarayay ayna ka mid ahaayeen. 1) Sidee kor loogu 
					qaadi karaa waxbarashada?. 2) Maxay tahay aragtidaada ku 
					aaddan is-dhexgalka iyo ka hortagga falalka debiyada. 3) 
					Sidee kor loogu qaadi karaa dhaqaalaha? 4). Sidee shaqooyin 
					loogu abuuri karaa soomaalida, gaar ahaan dhalinyarada?  
							Ugu 
					danbeyntii shirkii ururka midowga dhalinyarada Soomaalida 
					Sweden SSUF oo si fiican u dhacay maalintiisii koowaad, 
					iyadoo ay beritona tahay maalintii ugu danbeysay siminaarka.
							
							
							GABAGABADII SHIRKII 
					URURKA DHALINTARADA SWEDEN
							Qoraalki iyo isku soo 
					dubaridiid:
Ibraahim Saalax  Aaden| SomaliTalk Yurub
Email: 
							
							ibra88@hotmail.com
							
							
							Siminaarka 
		Ururka Midowga Dhallinyarada Som. Sweden
							Stockholm: Shir ay soo 
		qabanqaabinayaan maamulka ururka midowga dhalinyarada soomaalida...
							
							
							Guji... 
					Mar 19