SomaliTalk DALSAN
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - NAIROBI

C/qaasim oo Xasan Abshir ergo u direy

imdeeq@hotmail.com


 

Wq. Ibraahim Maxameddeeq 

SomaliTalk Nairobi

July 16, 2003

 

WIIL UBAAHAN GARGAAR CAAFIMAAD

Wiilkan yar wuxuu ku dhasahay boosaaso Jan. 1995kii isagoo lafaha maduxu kala keceen taas oo ay sababtay biyo badan oo madaxa kaga jirey, wuxuuna u baahana yahay  gargaar degdeg ah.

Iyadoo ay gudiga farsamada IGAD weli si xooggan ugu mashquulsan yihiin sidii ay Madaxweynaha DKG ah ugu qancin lahaayeen inuu aqbalo heshiiskii lagu farxay ee ay dhowaan hogaamiyaasha Soomalidu isla saxiixeen ayuu madaxweynaha TNG maanta isu diyaariyey inuu u ambabaxo magaalada Muqdisho. Waxaana bixitaanka C/qaasim si toos ah uga hor yimid dawladda Kenya oo uu wasiirkeeda arrimaha dibeddu C/qaasim si toos ah ugu sheegay in loo aqoonsan doono inuu ka soo hor jeedo shirka dib u heshiisiinta ee socda haddii uu tago.

Markii ay arrintaasi dhacday C/qaasim wuxuu Xasan Abshir u diray ergo ka kooban wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan DKG ah. Warar ay ii sheegeen dad lagu kalsoon yahay oo Xasan Abshir ka aga dhow ayaa iyana sheegaya inuu Xasan Abshir qaabilay ergadaas, isla markaana uu heshiis isaga iyo C/qasim dhex mara saddexdan qodob ku xidhay:

Warbaahinta Australia oo siweyn maanta (july 17) warbixin uga qortay Cumar yare oo dhowaan lagu celin doono Soomaaliya English.Version
[Sawirka Heraldsun]

1- Inuu C/qaasim war baahinta caalamiga ah si rasmi ah uga sheego inuu taageersan yahay heshiiskii ay dhowaan madaxda kooxuhu isla gaadheen.

2- Inuu C/qaasim raali gelin buuxda si rasmi ah uga bixiyo xilkii uu dhowan sheegay inuu ka qaaday Xasan Abshir Iyo C/lle Deerow.

3- Inuu soo wareejiyo miisaaniyadda DKG ah oo uusan madaxweynuhu sharci ahaan maamulkeeda lahayn.

Lama garanayo waxa uu C/qaasim ka yeeli doono shuruudaha uu raysal wasaarihiisa ka falaagoobey soo hor dhigay. Arintan ayaa ka dhalatay kaddib markii uu C/qaasim wakiilo cusub u soo magacaabay shirka isla markaana ay Xasan Abshir iyo Deerow ay si cad u diideen.

Xasan Abshir & Deerow halaga Saaro Shirka
Sidaas waxaa dalbaday M.Cabdi Yuusuf iyo Cali Baashi  oo Katirsan DKG, laakiin taas waxaa diidey maamulka shirka Nairobi oo.. GUJI... July 14

Dhinaca kale weli waxaa socda hawlihii ay gudiga farsamada IGAD ku doonayeen inay ku soo qaadaan madax dhaqameedyada wejiga 3aad ee shirka lagu marti qaaday. Ilaa jimcaha waxaa la filayaa in la bilaabo duulimaadyo lagu soo qaadi doono madax dhaqameedyada ku diyaarsan meelo kala duwan oo gudaha dalka Soomaliya ka mid ah.

 

Ibraahim Maxameddeeq
SomaliTalk, Nairobi, Kenya
E-mail: imdeeq@hotmail.com

   

MURIIDI GOLF IYO MUSHARAXNIMADIISA
C/Qaadir Suufi oo ku magac dheer 'Muriidi Golf' warbixin kusaabsan musharaxnimadiisa oo uu soo diyaariyey Ibraahim Maxameddeeq Ka akhri Halkan... July 16

MILICSI KU SAABSAN AXDIGA FEDERAALKA EE KU MEEL GAARKA AH
Qormada-koowaad ee dastuurka federaaliga ah ee Soomaaliya oo ka kooban 30 baal waxaa soo akhriyey Ibraahim Maxameddeeq ... GUJI

 ..KAYDKA WARARKA EE IBRAAHIM MAXAMEDDEEQ

 ... ELDORET: Taxanahii Wararka  com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
ALLAH IS GREAT
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bjanaayo
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

xayaysiis


mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri

  




HTML CD