Wq. Ibraahim Maxameddeeq
SomaliTalk Nairobi
Oct 27, 2003
Xarunta
uu shirka dib u heshiisiinta Soomaalidu ka socda ee Mbagathi-Nairobi waxaan
maanta oo axad ah ku waraystay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka
Puntland, isla markaana ah ku simaha madaxweynha Puntland ee shirka dib u
heshiisiinta Soomaalida Mudane Maxamed Axmed Kulan. Mudanaha oo ugu
horayn iiga waramay marxaladda uu shirku hadda marayo, waxa uu yidhi:
“Runtii marka shirkan qiimayn lagu sameeyo, guulo aad u
balaaran ayuu ku talaabsaday mar haddii axdigii la ansixiyey oo maanta uu
dalka Soomaaliya dastuur leeyahay, waxaad garan karaysaa in caqabado iyo
dhibaatooyin badan laga soo gudbey, haddana ay faraha hore ku taagan tahay
sidii dawladdii Soomaaliyeed ee axdiga la ansixiyey dhaqan gelin lahayd loo
dhisi lahaa, baarlamaankii iyo xukuumaddii in la dhiso ayuu shirku ku guda
jiraa, beelihii baa wax qaybsigii ku dhex jira, xarumo ayaa loo kala sameeyey,
xoghayno IGAD ka socdaa loo sameeyey, adduunka oo dhan baa isku raacay in
wejiga 3aad oo qorshiisu ahaa in dawlad Soomaaliyeed la dhiso oo ay Soomaaliya
dhibaatooyinkii 13’ka sano ka taagnaa ka baxdo in lagu jiro. Waxaad mooddaa in
taas loo bisil yahay marka adduun weynuhu siduu u danaynayo la eego, marka
shacabka Soomaaliyeed siduu u danaynayo la eego, marka la eego niyad wanaaga
eragada Soomaaliyeed ee muddada sanadka ah shirka joogtey, maxaa yeelay
ergadii shirka lagu casuumay madasha shirka way ku sugan yihiin, laba saddex
qof mooyaane”
Somali Talk: In kastoo axdigii la ansixiyey haddana
waxaa jira rag ka mid ahaa siyaasiyiintii saxeexay heshiiskii xabad joojinta
ee Eldoret oo shaaciyey inaysan ansixinta axdiga waafaqsanayn, C/qaasimna
wuxuuba sheegay inuu shirku bur-buray, isla markaanas wuxuu abuuray isbahaysi
lid ku ah shirka, adiga iyo hogaamiyaasha badan ee shirka joogaana waxaad
qabtaan in wejigii 3aad lagu gudo jiro. Xagee bay wax iska weeydaarsan yihiin?
Mudane Kulan: Horta C/qaasim shirkan kama casuunayn,
Guddoomiyihii baarlamaanka TNG oo dawladda u sarreeyey iyo Ra’isal wasaaraha
ayaa shirka ku casuunaa oo TNG’da wakiil u ahaa, waxa runta ah waa in loo
leexdo, dadkii shirkan ka casuunaa way joogaan, ilaa iyo hadda cid shirka waan
ka baxnay tirina ma jirto, maxaa yeelay nimanka kale oo aad hadda tilmaantay
wakiilo ayaa ka jooga. Masalan Caato wakiilkiisii rasmiga ahaa iyo ergadiisii
ayaa jooga oo axdiga wax ka ansixiyey, ninka Barre Hiiraale la yiraahdo wakiil
baa u fadhiya oo isaguna wax ka ansixiyey axdiga oo weli meesha jooga, xitaa
Muuse Suudi nin baa ka jooga, sidaa darteed marka shirkaas xaqiiqda laga
sheego ansixinta axdiga waa loo dhamaa oo sida qoraxdu u muuqato ayeey u
muuqdeen, beenna lagama sheegi karo.
Somali Talk: Waxaa jira dad sheegaya inay madasha
shirka habacsanaani beryahan ka muuqato oo aanay wax shir ahi socon ama uu
shirku hakad ku jiro, xagee Mudane shirka laga haystaa?
Mudane Kulan: Isimadii loo saaray wax qaybta ayaa goobo
madasha shirka ka baxsan oo magaalada dhexdeeda ah loo cayimay si ay wax ugu
soo qaybiyaan, dooddii odayaasha intaasaan leenahay, iyo intaasdaan leenahay
baa lagu dhex jiraa, haddee ergada kale hawl weyn oo kale oo u taalla oo saas
ahi ma jirto. Shirka Uganda ee IGAD ayaa isna beryahan jirey oo ay dadkii
shirka hogaaminayey ku mashquuleen si ay warbixinta shirka u hor geeyaan,
shirku waa socdaa maalin ma hakan, hase ahaatee marxalad, marxalad buu
leeyahay hadda waxaan ka warhaynaa inay beelaha qaarkood qoristii magacyada
xildhibaanada guda galeen, shirku wakhti geba-gebo ah buu marayaa, haddana
waad la socotaa in shirkii IGAD soo geba-geboobey, 28’kana wasiirada arimaha
dibedda ayaa Nairobi imanaya, shirka sidii loo dhamays tiri lahaa oo uu u
midho dhali lahaa ayaa todobaadka soo socda bilaabmi doona, haddii Alle idmo.
Somali Talk: Ma jiraa qabiil ilaa iyo hadda ku
heshiiyey qaybta xubnaha baarlamaanka?
Mudane Kulan: Beelaha ay hadda arrintoodu meesha fiican
marayso waxaa ka mid ah Dir, Hawiye, beesha Daarood’na iyaga qudhooda arrintu
way u socotaa Isniinta berrito ayaan ku rejo weynahay inay hawshooda soo
gudbiyaan. Digil iyo Mirifle iyagana hawshoodu way u bisishahay, beelaha is
bahaysiga ayaa arintoodu taag-taagan tahay oo laga yaabaa in guddi dhex
dhexaad ah loo sameeyo, arrimuhu halkaasay marayaan oo shirku ifafaalo guul ah
ayaa ka muuqda, Soomaaliyana inay dhibaatada ka baxdo ayaan rejaynaynaa.
Somali Talk: Shirku sanad baa hadda u dhamaaday, rejo
wanaagsana waad ka muujisey, muddo intee le’eg buu sanadkaa u go’ay ku sii
darsan karaa bay kula tahay?
Mudane Kulan: Illaahay baa og, hase ahaatee waxaan
qabaa inuu bishan barakaysan ee Ramadan ee la galay uu midho dhali doono.
Somali Talk: Mudane, bal nooga warran xaaladda guud ee
Puntland ay hadda ku sugan tahay?.
Mudane Kulan: Xaaladda guud ee Puntland aad bay u
wanaagsan tahay, wax dhib ahi kama jiraan, mar dhoweyd baan madaxweynihii
Puntland oo hawl dhulkii u aaday wada xariiray, dhibaatada ugu weyn ee ka
jirtaa waa abaaro dhulka ka jira, dhinacyada nabad gelyada, horumarka ama
ganacsigu aad bay u fiican yihiin. Haddee Puntland deganaansho nololeed baa ka
jirta, lugaheeday isku taagtay, dibedaha ku-tiri ku-teen iyo dacaayado aan
weligood dhamaanayn oo ay dadka aan wanaaga Puntland jeclayni wax bay ka
sheegaan, laakiin runtu waxay noqonaysaa mar walba inay sheegaan ma ahee wixii
ay sheegaan hadday soo bixi waayeen inay shacabvka Soomaaliyeed meel kasta oo
ay joogaan aysan dadka dacaayadhaas wada aysan dhegaysane xaqiiqda arkaan oo
xitaa hadday doonaan tagaan. Puntland waa dawlad goboleed Soomaaliyeed oo
federal la noqon doonta Soomaaliya inteeda kale.
Somali
Talk: Xaaladda abaartu waa sidee, wax roob ahise weli ma da’ay?
Mudane Kulan: Wallaahay abaaraa jira, adduunka oo
dhanna waa la gaadhsiiyey, dawladduna way ku dhawaaqday, annaguna halakan
dawlado badan baanu u sheegnay, adduunyadana inay gurmad dadka la soo gaaraan
baan ka codsanay. Arrinta abaartuna waxay ka mid tahay hawlaha uu madaxweynuhu
hadda Puntland u joogo, waana arrimaha uu ayaamahan dib ugu dhacay in ay
dawladdu gurmad u samayso meelaha ay abaaruhu ka jiraan.
Somali Talk: Waxaa beryahan la buun-buuninayaa inuu
khilaaf soo kala dhex galay madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka DG
Puntland, wararkaas xaqiiqdooda runta ahi maxay tahay?
Mudane Kulan: Arintaas Nairobi iyo meelahaas baanu ka
maqalaa, si toos ah ayaan ula xiriiray Puntland, wax khilaaf ah oo Puntland ka
jiraana ma jiraan, ma jiraan, gacmahaa la is wada haystaa, meel maamul ka jiro
is jiid jiid iyo wax waa ka dhacayaan, waayo nolol degan iyo nidaam baa ka
jira, wasiiradii baa jira, wasiir ku xigeenaa jira, baarlamaan baa jira,
agaasimayaashii baa jira, ciidamadii baa jira, dawlad dhan oo dhisan baa
Puntland ka shaqaysaa marka dee weligeed bay dawladi leedahay hawsheeda iyo is
riix-riixeeda, waxaas oo kalena khilaaf iyo dhibaato weyn laguma sheegi karo,
madaxweynahaana wixii saxitaan ah u tegey, wax dhibaato ah oo hadda Puntland
ka jiraana ma jiraan.
Somali Talk: Marka madaxweynuhu inuu dhowaan madasha
shirka soo gaadho ma laga yaabaa?
Mudane Kulan: Haa, madaxweynuhu dhowaan buu soo gelayaa,
dhaqsaan u filaynaa haddii uu Alle idmo.
Waxaa waraystay:
Ibraahim Maxameddeeq
SomaliTalk, Nairobi, Kenya
E-mail: imdeeq@hotmail.com
MILICSI
KU SAABSAN AXDIGA FEDERAALKA EE KU MEEL GAARKA AH
Qormada-koowaad ee dastuurka federaaliga ah ee Soomaaliya oo ka kooban 30
baal waxaa soo akhriyey Ibraahim
Maxameddeeq ... GUJI
..KAYDKA WARARKA EE IBRAAHIM MAXAMEDDEEQ
... ELDORET:
Taxanahii Wararka com