Wq. Ibraahim Maxameddeeq 
  
  
  SomaliTalk Nairobi
  
  June 28, 2003
   
  Habsami u socodkii shirka dib u heshiisiinta 
  Soomaalida ee Kenya muddada 8da bilood iyo badhka ka socdey ayaa kaddib markii 
  ay hogaamiyaasha soomaalida isku mari waayeen qodobo ka mid ah axdiga ku meel 
  gaadhka ah hakad galay. qodobada ragaadiyey shirka ayaa waxaa ka mid ah inta 
  ay noqonayaan xubnaha golaha baarlamaanka, mudada ku meel gaadhka ahi ma waxay 
  noqonaysaa mid federaal ah mise midnimo qaran ayaa lagu meel marayaa iyo cidda 
  xulaysa xubnaha ka mid noqonaya baarlamaanka ku meel gaadhka ah. 
  Hogaamiyaasha Soomaalida ayaa goor hore 
  iyagoo Eldoret ku sugan ku heshiiyey inuu tirada golaha baarlamaanku noqdo 
  450. mar kale intii ay ku sugnaayeen Mbagathina waxay isku raaceen sidaas oo 
  kale laakiin kuwa ka mid ah hogaamiyaasha siyaasadda ayaa si cad uga hor yimid 
  inuu baarlamaanku tiradaas noqdo. Wakiilada bulshada caalamka shirka ka jooga 
  ayaa iyaguna dhawr goor ku cel-celiyey inaysan macquul ahayn in tirada 
  baarlamaanka 250 laga badiyo. Ka gudubka qodobadan iyo xal u helidooda ayaa 
  adkaatay kaddib markii madaxda Soomaalida laga waayey isu tanaasul dhex mara, 
  waxaana dhawr goor lagu fashilmay in qoraalka axdiga ku meel gaadhka shir 
  weynaha ergooyinka la hor geeyo. Maalinimadii Jimcaha ayaa hoolka shirka la 
  isku deyey in lagaga doodo axdiga balse ma suuro gelin. waxaana golihii shirka 
  ka bilowday buuq iyo bulaan sababay in shirka lagu kala dareero. 
  Si kastaba ha ahaatee ninka Soomaalida 
  shirkan ku dhex-dhexaadinaya Danjire Kiplagat ayaa ilaa iyo maanta ku hawlanaa 
  inuu siyaabo kala gaar-gaar ah ula kulmo kooxaha arimahan ku muransan. Maanta 
  gelinkii hore wuxuu la kulmay hogaamiyaasha G8 & TNG. Wuxuuna u soo bandhigay 
  qorshe uu ku doonayo in meel dhexe la isugu yimaaddo. Qodobadii ay G8 &TNG ay 
  Kipligat maanta isla ogolaadeen ayaa waxaa ka mid ahaa in tirada baarlamaanka 
  laga dhigo 315 oo ay xulayaan hogaamiyayaasha siyaasadda, kuwa dhaqanka iyo 
  dar kale oo loogu yeedhay siyaasiyiinta. Waxaa kaloo Mr. Kipligat u qorshaysan 
  inuu qorshahan cusub ilaa berri kala hadlo hogaamiyayaasha kale iyo kooxaha 
  kale ee madasha shirka ku sugan. 
  Khilaafka ka oogan axdiga ku meel gaadhka oo 
  sidaynu soo sheegnayba khal-khal weyn shirka ku haya ayaa iminka ah daaha 
  qudha ee ka hadhay najaxaadda shirka maadaama horay looga soo faraxashay 
  shantii qoraal ee kale ee uu wejiga 2aad ee shirku ku saabsanaa. Iyadoo ay 
  tahay marka wejiga 2aad laga gudbo in wejigii 3aad ee shirka lagu soo 
  khatimayo la galo.  
  
Ibraahim Maxameddeeq
SomaliTalk, Nairobi, Kenya
  E-mail: imdeeq@hotmail.com
  
   
  
MILICSI
    KU SAABSAN AXDIGA FEDERAALKA EE KU MEEL GAARKA AH
    Qormada-koowaad ee dastuurka federaaliga ah ee Soomaaliya oo ka kooban 30
    baal waxaa soo akhriyey Ibraahim
    Maxameddeeq ... GUJI
          
     ..KAYDKA WARARKA EE IBRAAHIM MAXAMEDDEEQ
     ... ELDORET:
    Taxanahii Wararka  com