SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
AXDIGA - KUMEEL GAARKA

AXDIGA KU MEEL GAARKA AH 
DOWLADDA FEDERAALKA EE
 SOOMAALIYA    

QEYBTA 11AAD: XIRIIRKA CAALAMIGA

QODOBKA 86.0

XIRIIRKA CAALAMIGA IYO LABO GEESOODKA IYO SHURUUCDA CAALAMIGA

1. Dowladda Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Ku Meel Gaarka waa inay oggolaataa qodobada xeerarka caalamiga ah iyo heshiisyada caalamiga ee Soomaaliya ka socon kara

2. Xeerarka Golaha Shacabka Soomaaliya iyo xeerarka caalamiga ee la meel mariyey sida lagu cadeeyey faqrada (1) waxay noqonayaan kuwo sharci ahaan dhaqan gala

 

QEYBTA 12AAD: WAX KA BADDALKA AXDIGA

QODOBKA 87.0

WAX KA BEDELKA AXDIGA

1. Arrimaha qodobka Golaha Shacbiga ayaa wax ka kordhin kara, ka bedeli ama nasakhi kara Axdiga

2. Sida uu qabo Axdiga, Golaha Shacbiga ayaa awood u leh wax ka bedelka,wax ku darida iyo nasakhida Axdiga iyadoo la waafajinayo habka farqada hoose ku qoran

3. Wax ka bedelka Axdiga waxaa dhandhiya kara si sharci looga dhigo Golaha Shacabka wuxuu ku meel marinayaa aqlabiyad ah seddex meelood laba meel 2/3 xubnaha Golaha Shacabka.

4. Xeerka Golaha Shacabka la badalay, lagu kordhiyey ama la nasakhay meelmar noqon maayo inta madaxweynaha ka ansaxinayo.

 

QEYBTA 13AAD: QODOBADA KALA GUURKA IYO DHAQANGELINTA

QODOB 88.0

MAAMUL GOBOLEEDYADA JIRA

1. Xukuumada iyo maamul goboleedyada jira waxay ka mid noqonayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Ku Meel Gaarka ah.

2. Dowladda Federaalka ee Ku Meel Gaarka ah waxay gacan ka geysanayaan muddada ku meel gaarka ah sidi loo gaari lahaa maamul buuxa oo federaal ah.

3. Aasaasida maamulo gobol federaal in lagu dhamaystiro labo (2) sano hore si loo hirgeliyo Axdiga Federaalka ee Ku Meel Gaarka ah.

Gobolada aanu ka jirin maamullo gobol waa in gacan laga siiyaa sidii looga dhisi lahaa xukuumado federaal ah. 

QODOBKA 89.0

MUDDADA KU MEL GAARKA AH

1. Axdiga wuxuu noqonayaa saldhig sharci ah oo taagan marka loo eego dhaqan galka Dastuurka Federaalka ee Qaran

2. Xeer kasta oo aah lagu xusin Axdiga isla markaana aan lagu sheegin Dastuurka Soomaaliya ee 1960 waa waxba kama jiraan.

3. Axdiga wuxuu Dowladda awood u siinayaa inay arrimo iyo xilliyo gaar ah ka soo saarto xeer, iyada la horgeynayo Golaha Shacabka fadhigiisa ugu horeeya. Golaha Shacabka wuxuu muddo seddex (3) bilood gudahood go’aan kaga gaarey sharciyaynta amd diidmada arrimahaas

4. Axdiga oo ah mid ku meel gaar ah wuxuu shaqeynayaa muddo afar (4) sanno oo laga bilaabo marka la meelmariyo kuna beegan fadhiga ugu horeeya ee Golaha Shacbiga

5. Marka la dhiso Dowladda Federaalka ee Ku Meel Gaarka ah, dhammaan hantida caamka ah, guurto ama ma guurto o dalka yaalla ama badaha waa in Dowladda loo soo gacan geliyaa.

6. …

7. Dowladda waa inay isku taxalujisaa dib u soo celinta iyo nabadda iyo xasiloonida, isku socod xor ah ee dadka, shaqooyinka iyo adeegyada, hub ka dhegista iyo urrurinta hubka sharci darada oo ku jira gacanta dadweynaha, si nabadda loo sugo, dhaqan celinta isku darka miliishiyada si ay ula shaqeeyaan maamulada gobolada, … dhaqdhaqaaqyada iyo xubnaha beesha caalamka ah.

8. Dowladda waa inay xoog saarta sidii loo dejin lahaa qaxootiga ay dadka barakacay

9. Mashaariicdahorumarinta dalka ka socda haatan waa in la sii wadaa, haddii aanay waxba u dhimeyn qaranimadda dalka iyo deegaanka.

10.Laga billaabo dhammaystirka Shirka Nabadeynta Qaran ee Kenya, dhammaan ururada maleeshiyada iyo kooxaha jira Jamhuuriyadda Soomaaliya ka jira waa in la kala diro

11. Kooxaha hubeysan ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ka jira waa inay u soo celiyaan hubka Xukuumadda Qaranka

12. Xukuumadda ayaa soo saareysa xeer lagu nadaaminayo asxaab siyaasadeed.

13. Muddaha Ku Meel Gaarka gudaheed, waxaa xukuumadu dhameystiri doontaa dhaqan gelinta dhammaan shuruucda la xiriirta habka federaalka sida uu qabo Axdiga

14. Axdiga ayaa aasaas u ah dastuurka federaalka ee lagu dhameystiri doono muddada labada sanno iyo bar (2 ˝), ee aftida looga qaadi doono dadweynaha sannadka ugu dambeeya xilliga ku meel gaar ah

15. Dastuurka Soomaaliya ee 1960kii iyo shuruucda qaran ee kale oo aan ka hor imaaneyn Axdigan way jiri doonaan. Dastuurka iyo shuruucda kale kor lagu soo xusay waa loo tixraaci karaa wixii ka maqan Axdiga

16. Afti dadweyne – waxa ay xukuumadda ku diyaarin doontaa soddon iyo lix (36) bilood ee xilliga ku meel gaarka ah ee ugu horeeya, sharciga doorashooyinka iyo xeerka aftida dadweynaha si loo meel mariyo dastuurka federaalka

17. Waxay Xukuumaddu qaadi doontaa dhammaan talaabooyinka lagula dagaalami karo, qabyaaladda, eexda, xatooyo antida dadweynaha, musuq-maasuq, dhammaan falalka wax is daba marinta, caadooyinka xun xun ee bulshada

18. Axdiga wuxuu dhaqan geli doonaa taariikhda ay ansaxiyaan ergada shirweynaha qaran ee nabadda Soomaaliya wuxuuna shaqeyn doonaa ilaa laga asnsaxiyo lagama dhaqan geliyo dastuurka federaaka

19. Qoraalka af Ingiriiska ee Axdiga ayaa ah midka rasmiga ah

 

Qaybta jadwalka (Schedule)... halkan ka akhri... GUJI

Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad | 5aad | 6aad | 7aad | 8aad | 9aad | 10aad  | 11-12aad | schedule.1

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Adeegso Xawaaladda Amal Express oo 15 daqiiqo lacagta elkaaga kuugu gaarsiin doonta... www.SomaliTalk.com/amal

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD