SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
AXDIGA - KUMEEL GAARKA

AXDIGA KU MEEL GAARKA AH 
DOWLADDA FEDERAALKA EE
 SOOMAALIYA   

QEYBTA 7AAD : GOLAHA SHACBIGA

GOLAHA SHACABKA

QODOBKA 56.0

AASAASIDDA GOLAHA SHACABKA 

1. Ka reeban waxyaabaha lagu xusey Axdiga, Jamhuuriyadda Federalka ee Ku Meel Gaarka ah ee Soomaaliya waxay lahaan doontaa hal-aqal oo gole shacbi ah, taasoo madaxweynaha uu Golaha Shacbiga soo dooran doono, golaha shacbiga wuxuu noqonayaa laanta sharci dejinta halka madaxweynaha soo magacaabi doono Wasiirka Koowaad.

2. Awooda sharci dejinta ee Jamhuudiyadda Federalka Soomaaliya waxaa leh Baarlamaanka oo ka kooban madaxweynaha iyo Golaha Shacabka

3. Xubnaha Golaha Shacabka waxay wakiil ka yihiin midnimada ummadda

 

QODOBKA 57.0

XUBNAHA GOLAHA SHACABKA

Ayadoo la tixraaracayo Axdiga, Golaha Shacabka Dowladda Federalka ee Ku Meel Gaarka ah, wuxuu ka koobnaan doonaa 351 (Seddex Boqol iyo Konton iyo Kow) xubnood. 

Ugu yaraan 12% (boqolkiiba labo iyo toban) tirada guud xubnaha Golaha Shacabka inay noqdaan dumar. 

QODOBKA 58.0

XULITAANKA XUBNAHA GOLAHA SHACABKA

Haddii aan si kale loogu qeexo Axdiga, xulitaanka Golaha Shacabka waxaa saameyn doonaa hogaamiyaasha siyaasadda (saxiixayaasha) heshiiskii baaqa colaad joojinta Eldoret ee 27kii Oktober 2002 iyo siyaasiyiinta ay markii hore Guddiga Farsamadda IGAD ku casumtay ayagoo la tashanaya hogaamiye dhaqameedyada. 

QODOBKA 59.0

SHURUUDAHA IYO ……….XUBNAHA GOLAHA SHACABKA

1. Shuruudaha – qofka wuxuu xaq u leeyahay inuu xubin ka noqdo Golaha Shacabka haddii :-

1. Jinsiyad Soomaali

2. Yahay Sodon (30) jir

3. Qofkaas leeyahay shuruudaha loogu cadeeyo Golaha Shacabka

4. Maankiisa dhan yahay

5. Aan maxkamad ku soo oogin dembi

2. Ka joojinta – qof waliba waa laga joojinayaa inuu noqdo xubin Golaha Shacabka haddii:

1. Ka hayo dalka jago xafiis loo doortay ama loo magacaabay aan ka ahayn xubin gole shacbi

2. Maxkamad ku soo cadeysay inuu hanti lumay (ama qaan lagu leeyahay)

3. Uu gudunayo muddo xabsi oo dembi galis ah

4. Horey lagu qaaday xafiis dowladeed sababo musuq-maasuq iyo laaluush awgeed.

 

QODOBKA 60.0

MUDDADA DOWLADDA FEDERALKA EE KU MEEL GAARKA AH

1. Muddada Dowladda Federalka ee Ku Meel Gaarka ah waxay noqon doontaa afar (4) sanno.

2. Sida lagu lifaaqay Axdigan, muddada xilka wuxuu bilaabmi doonaa maalinta dhaarta la mariyo, wuxuuna socon doonaa ilaa iyo maalinta lagu dhawaaqo lana cadeeyo go’aanada doorasho guud ee Qaran.

3. Haddii aan si kale loo cadeyn, muddada Dowladda Federalka ee Ku Meel Gaarka ah, lama kordhin karo.

4. Fadhiga ugu horeeya ee golaha shacabka waxaa shir-gudoomin doono xubinta ugu da’da weyn ilaa gudoomiye baarlamaan laga dooranayo.

 

QODOBKA 61.0

WAAJIBAADKA GOLAHA SHACABKA

Golaha Shacabka Dowladda Federalka ee Ku Meel Gaarka ah wuxuu qabanayaa waajibaadka soo socda:

1. Doorashada madaxweynaha Dowladda Federalka ee Ku Meel Gaarka ah

2. Meel marinta sharciyada dalka

3. Ansaxinta dhaqan gelinta maaliyadda sanadka iyo xeritaanka xisaabaadka

4. Ansaxinta iyo joojinta mooshinka kalsooni la’aan iyo cadeynta kalsooni la’aanta iyo codeynta kalsooni darada dowladda

5. Soo saaridda sharciyada gudaha

6. Magacaabista guddiyada baarista hay’adaha dowladda iyagoo awood fulin iyo tixraac Golaha Shacabka

7. Meelmarinta sharciyada canshuuraha

8. Go’aaminta arrimaha difaaca dalka ka dib markuu ansaxiyo Golaha Wasiiradda

9. Ansaxinta heshiisyada caalamiga.

QODOBKA 62.0

XEERARKA GOLAHA SHACABKA

1. Awoodda Sharci-dejinta – Golaha Shacabka wuxuu kulmi doona kal fadhiga ugu horeeya soddon (30) maalmood gudahood ka dib marka seddex meelood labo meel xubnaha Golaha Shacabka loo dhaariyo xilkooda.

2. Golaha shacabka wuxuu qaban karaa labo kal fadhi caadi ah, taasoo shardi u ah in kal fadhiyadda caadiga ah ee Golaha shacabka iyo gudiyadda uu ku ansixi karo keliya marka kala bar xubnaha ay joogaan.

3. Golaha shacabka waa loo qaban karaa kalfadhi aan caadi ahayn haddii uu codsado Gudoomiyaha Golaha shacabka ama Madaxweynaha.

4. Awooda, Mudnaanta iyo Xasaanada Golaha shacabka – ayadoo aan hor istaagin awoodaha axdigu qeexayo, Golaha shacabka, wuxuu awood u leeyahay si loo xasiliyo nidaamka iyo waxqabadka hawlahooda inuu siiyo Mudnaan iyo Xasaanad (Immunity) xubnaha Golaha Shacbka, gudiyada in aan lagu soo oogin fal dembi ama aan la su’aalin arimo la xariira baaris dambiyeed , sidoo kale la baarin oogadiisa, asagoo/ayadoo gudanaya waajibaadka Golaha Shaccabka.

5. Sharcigan ayaa lagu dhaqan gelin doonaa gunada la siin doono xubnaha Golaha shacbiga, kaasoo ku xadidan kalfadhi.

6. Xeerka Fulinta, Ogolaanshaha iyo tixraaca Madaxweynaha, ayadoo la tixraacaayo Axdiga, awooda fulinta ee Golaha Shacabka lagu dhaqan gelin doona xeerarka uu usoo gudbiyo golaha.

7. Marka Golaha Shacabka uu soo saaro xeer, la marinayaa Wasiirka Koowaad si uu Madaxweynaha u ansixiyo.

8. Marka madaxweynaha loo soo gudbiyo xeer (21) maalmood kadib kadib si uu u ogolaado sida ku qeexan qaybta (7) waxaa uu u cadeynayaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka in uu ansaxiyo ama diido xeerkaas.

9. Madaxweynaha haddii uu diido inuu ansaxiyo xeer, (14) maalmood, mudadaas wuxuu usoo gudbinayaa qoraal gudoomiyaha golaha shacabka, taasoo cadeyneysa qodobada gaarka ah ee fikrad ahaan ah in dib loo eego.

10. Ansixin ogolaansho ama diidmada Madaxweynaha, Golaha Shacabka wuxuu ka fiirsan doonaa xeerka uu soo gudbiyo madaxweynaha ayagoo fiiro gaar ah u yeelanaya talooyinka ama

1. Inuu ansixiyo talooyinka usoo jeediyay Madaxweynaha ayadoo wax laga Bedelay ama aan laga bedelin kadib loo celiyo madaxweynaha si loo ansixiyo.

2. Diidmada talooyinka Madaxweynaha isla markaasna ansixiyaan Xeerka asalka (Original Form) ayadoo la cuskanayo go’aan ay codeeyeen 65% xubnaha Golaha Shacabka marka laga reebo ( Ex-Officio) markaasoo madaxweynaha ansixin doono xeerka muddo (14) maalmood gudahooda maalinta xeerka lasoo gudbiyey.

11. Faafinta Xeerka- xeer uu sameeyey Golaha shacabka ma dhaqan geli karo kahor intaan lagu daabicin faafinta rasmiga ah ee\ dowaladda (Somali gazette), laakiinse\Golaha Shacabka dib wuu u dhigi karaa dhaqan galka sharciga, kana dhigi karaa mid mar dambe …………

12. Xeer uu Golaha Shacabka soo saaray waxaa lagu magacaabayaa, loona habeynayaa fal Gole Shacab.

QODOBKA 63.0

HOGAANKA SARAAKIISHA IYO …… XIDHIBAANO KALE 

Xoghayaha Golaha Shacabka 

1. Waxaa jiri doona Xoghayaha Golaha Shacabka uu magacaabi doono guddiga arrimaha Golaha Shacabka uu magacaabi doono, guddiga arrimaha Golaha Shacabka kaasoo ansixinayo Golaha.

2. Ayadoo la trixraacayo qodobka afar (4)aad xoghayaha waa inuu shaqada ka fariistaa marka da’diisu/da’deeda gaarto konton shano (55) sano.

3. Xafiiska xoghayaha Golaha Shacabka iyo kalkaaliyayaasha waxay u adeegayaan Bulshada.

4. Xafiiska xoghayaha Golaha Shacbka wuxuu xirmayaa haddii golaha shacbka uu go’aamiyo, taas ay u codeeyaan 50% xubnaha Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo kuxigeenada 

Doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo kuxigeenada waxaa jiri doona;- 

1. Gudoomiyaha Golaha Shacabka waxaa dooranaya Golaha ayadoo….

2. Waxaa la dooranaya (2) kuxigeen Gudoomiyaha Golaha Shacabka……

Maqnaanshaha Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Xilka Xafiiska Gudoomiyaha ama kuxigeenka waa banaanaan doonaa: 

1. marka Golaha Shacabka cusub uu kulmo marka ugu horeysa doorashada kadib.

2. Marka dhacdo xaalad sababi karta in qofkaas u diideysa in la soo doorto

3. Haddii shakhsigaas noqdo/noqoto Madaxweyne, wasiir Koowaad, Kuxigeen Wasiir Koowaad wasiir ama Wasiir kuxigeen.

4. Haddii Golaha Shacabka uu soo saaro go’aan taageeraya oo ay cadeeyaan 65% xubnaha.

5. Haddii shakhsigaas geeriyoodo/geeriyooto.

6. Haddii qofkaas shaqada ka tago oo qoraal usoo gudbiyo golaha shacabka.

QODOBKA 64.0 

Kulanada Golaha Shacabka marwaliba kalfadhiga Golaha Shacabka jiro sida soo socota ayaa loo wadayaa

1. Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

2. Gudoomiyaha haduu maqan yahay kuxigeenada ama xubno sida uu doorto Golaha Shacabka.

Qaybta 8aad... halkan ka akhri... GUJI

Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad | 5aad | 6aad | 7aad | 8aad | 9aad | 10aad  | 11-12aad | schedule.1

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Adeegso Xawaaladda Amal Express oo 15 daqiiqo lacagta elkaaga kuugu gaarsiin doonta... www.SomaliTalk.com/amal

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD