SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
AXDIGA - KUMEEL GAARKA

AXDIGA KU MEEL GAARKA AH 
DOWLADDA FEDERAALKA EE
 SOOMAALIYA   

QAYBTA 8AAD : GARSOORKA DOWLADA FEDERAALIGA KMG.AH 

QODOBKA 65.0 

HAB DHISMEEDKA MAXKAMADAHA 

Habka dhismaha maxkamadaha waxay ka koobnaan doonaan

1. Maxkamadda Sare

2. Maxkamadda Rafcaanka

3. Maxkamadda dacwadaha

 

QODOBKA 66.0 

MAXMADDA SARE 

1. Asaaska Maxkamadda sare – waxaa jiri doona Maxkamad Sare oo noqon doonta Maxkamada ugu Sareysa Jamhuuriyadda isla markaasna lahaan doonta awood aan xad lahayn dhammaan xuduudaha dowladda federaalka, sida dhinacyada\ Dembiyada, Ganacsiga iyo Awoodo kale oo axdigan lagala tashtay.

2. Maxkamadda Sare waxay xukumeysaa isla markaasna go’aamineysaa khilaafaadka xirfadeed ee dhexmara Maxkamadaha.

3. Garsoorayaasha Maxkamadda Sare waxay noqonayaan Garsoorka Sare iyo Garsoorayaal kale kaasoo uu qori doono Golaha Shacabka.

4. Maxkamadda Sare waxay noqon doontaa mar waliba diyaar, mana jiri doonto xafiis garsoore maxkamadaas oo banana.

5. Garsoorayaasha maxkamadda waxay lahaan doonaan shaqo abadi ah.

6. Garsooraha sare ayaa meeleyn doona waajibaadka iyo goobaha shaqada Garsooraha sare.

7. Waxaa jiri doona xeer qaabeyn doona hab dhismeedka maxkamadda Sare.

QODOBKA 67.0

FADHIGA MAXKAMADDA

Fadhiga Maxkamada sare wuxuu noqon doonaa magaala madaxda dalka. 

QODOBKA 68.0

APPOINTMENT OF JUDGES

1. Garsoorayaasha oo dhan waxaa magacaabaya Madaxweynaha asagoo tixraacaya talada Golaha adeega Garsoorka.

1. Qofna looma magacaabi Maxkamadda sare haduusan ahayn…………

2. Garsoore leh khibrad aan xad lahayn oo ah madani, ganacsi iyo Arrimaha dembiyada.

c) Yahay/Tahay qareen Maxkamad Sare ee Jamhuuriyadda muddo aan ka yareyn (5) sano joogto ah. 

2. Hadii uu xafiiska garsoorku banaanaado ama haddii garsoore sababo kale aawadeed uu awoodi waayo inuu guto waajibaadka shaqada, ama Garsoore sare kula taliyo Madaxweynaha in xaalada Maxkamadda sare u baahan tahay, Madaxweynaha wuxuu magacaabayaa Garsoore asagoo kala tashanaya Guddiga adeega Garsoorka , kaasoo hayn doona/ doonta illaa iyo (65) sano. 

QODOBKA 69.0

MIDNIMADA GARSOORKA

1. Lama dhisi karo Maxkamad Gaar ah oo aan ka ahayn Maxkamada Mileteriga , taasoo awooda xukunkeeda ku xadidan yahay xadgudubka ciidan ay galaan xubnaha ciidankla xooga xilliga colaada iyo xiliga nabada.

2. Dadweynaha Madani ama Ciidan si toos ayey uga qayb gayb qaadan karaan kalfadhiga maxkamadda, taasoo la waafijinayo sida sharciga uu qeexay ka qayb galkaas.

 

QODOBKA 70.0

BALAN QAADKA GARSOORKA. 

1. Marka ay gudanayaa waajibaadkooda Sharciyeed, xubnaha Garsoorka way madax banana yihiin, waxaa keliya ay adeegayaan sharciga.

2. Garsooraha waxaa laga joojin karaa shaqada keliya haddii uu waajibkiisa/waajibkeedagudan waayo/weyso “taasoo noqon karta cilad Jirka, Maskaxda ama cilad kale” ama anshax xumo sababahaas xeerkan qeexay oo keliya ayaa shaqada looga joojin karaa.

3. Madaxweynaha Garsoore waa ka joojin karaa shaqada hadii eedeynta shaqadiisa/shaqadeeda loo tixraaco guddi sharci oo uu magacaabay Golaha Shacbka. Gudigaas oo uu kula taliyey Golaha Shacab inta garsoorahaas la joojiyo shaqada sababahaas darted ama anshax xumo

1. Lama sameyn karo maxkamad aan caadi ahayn ama kuwo gaar ah, marka laga reebo maxkamadaha ciidamada,taasoo qaadi karta dambiyada ay galaan ciidamada keliya.

2. Dadweynaha oo isugu jira rayid iyo ciidan, waxay si toos ah uga qeyb qaadan karaan dacwadaha garsoorka si waafaqsan meelaha uu sharciga tilmaamayo ka qeyb galkooda.

QODOBKA 71.0

HOWLAHA GARSOORKA

1. Dacwadaha garsoorka waxay noqonayaan kuwo dadweynaha u furan, hase yeeshee maxkamadda waxay amri kartaa in lagu dhageysto qol xiran marka ay jiraan sababo anshax, caafimaad ama nidaamka guud. 

2. Go’aan maxkameed lama gaari karo hadii dhinacyada dacwada aanay helin fursado ay dacwadooda ku soo bandhigaan

3. Dhamaan go’aanada iyo talaabooyinka ku lug leh xorriyadda shakhsiga waa in sabab loo yeelaa 

QODOBKA 72.0

MAGACAABIDDA

Magacaabidda garsoorayaasha iyo xeer ilaaliyaasha waa in lagu saleeyaa shuruudo sharci ah iyo tartan furan 

QODOBKA 73.0

XIDAANADDA GARSOORKA

Dacwo ciqaabeed laguma soo oogi karo garsooraha inta xilka hayo, waxna lama weydiin karo iyadoo loola jeedo baaris dembi, qof ahaatiis ama gurigiis lama baari karo, lamana xiri karo haddii aan la qaban isagoo dembi faraha kula jira ama haddii aan soo amrin Guddiga Howlaha Garsoorka. 

QODOBKA 74.0

MAXKAMADAHA IYO GARSOORKA

1. Awooda garsoorka waxaa iska leh maxkamadaha. Awooda garsoorka waxay ka kooban thaya kuwa madaniga, ciqaabta, maamulka iyo arrimaha ganacsiga iyo arrimaha kale ee Axdiga ama sharciga lagu sheego.

2. Maxkamadaha Dowladda Federalka ee Ku Meel Gaarka ah waxay yihiin:

1. Maxkamadda Sare ee Federlak

2. Maxkamadda Federaalka ee Rafcaanka

3. Maxkamadaha Gobolka iyo degmada

3. Maxkamadda Sare ee Federaalka – waxay awoodeeda tahay dhageysiga iyo go’aan ka gaarida doodaha ama dacwooyinka ku saabsan Axdiga Federaalka ah ama xeerarka Federaalka. Doodaha la xiriira midnimada Qaranka, doodaha u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada iyo dacwooyinka rafcaanka ee ka yimaada maxkamadda rafcaanka.

4. Maxkamadda Rafcaanka – Maxkamadda Rafcaanka waxay dhageysataa go’aana ka gaartaa dacwooyinka rafcaanka ee ka yimaada goboladda iyo degmooyinka. Waxay garsoori kartaa keliya ilaa heer Dowlad-Goboleed.

5. Maxkamadaha Gobolada - Waxay leeyihiin awooda qaadista dacwooyinka gobolada ka dhaca.

6. Maxkamadaha Degmooyinka – waxay leeyihiin awoodda qaadista dacwooyinka degmooyinkooda.

 

QODOBKA 75.0

GOLAHA HOWLAHA GARSOORKA

1. Waxaa jiraya Golaha Howlaha Garsoorka, kaasoo isku howlaya jihaynta siyaasadda iyo maamulka guud ee garsoorka

2. Golaha Howlaha Garsoorka wuxuu ka koobnaanayaa:

1. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare

2. Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka

3. Seddex (3) garsoore oo laga soo xulayo Maxkamadda Sare

4. Seddex (3) garsoore oo laga soo xulayo qareenada gaarka ah

3.Golaha Howlaha Garsoorka waxaa soo magacaabaya Wasiirka Koowaad waxaana ogolaanaya Golaha Shacabka isla markaana Madaxweynuhu uu ansixinayo. Xunaha Golaha Howlaha Garsoorka waxay yeelan doonaan xuquuqda iyo sisaanadda u gaarka ah garsoorayaasha.

4. Goluhu wuxuu mas’uul ka noqon doonaa magacaabidda, bedelka, asluubta iyo anshax-marinta iyo mushaarka garsoorayaasha iyo xeer ilaaliyayaasha.

5. Muddada xilka xubnaha Golaha sharciga ayaa lagu cadeyn doonaa.

 

QODOBKA 76.0

XAFIISKA XEER ILAALIYAHA GUUD

1. Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud waa qeyb ka mid ah hay’adaha garsoorka wuxuuna ka kooban yahay:

1. Xeer Ilaaliyaha Guud oo awoodiisu tahay ilaalinta iyo hirgelinta xeerarka dalka oo idil. Xilkiisa iyo mas’uuliyadiisa waxaa lagu caddeyn doonaa xeerka nidaamka garsoorka.

2. Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxaa soo magacaabaya Wasiirka Koowaad iyadoo magacaabidiisu uu Golaha Shacabka ogolaan doono. Xeer Ilaaliyaha Guud wuxuu noqonayaa la taliyaha shrici ee ugu muhuumsan ee Dowladda Federalka ee Ku Meel Gaarka ah.

3. Xeer Ilaaliyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Degmooyinka awoodooda waxay ku koobnaan doontaa gobolada iyo degmooyinka, waxana lagu magacaabi doonaa sida ku cad qeybta (b)

2. Mas’uuliyadda gaarka ee Xeer Ilaaliyaha Guud waxay tahay kor u qaadista iyo dhowrista Xeerka.

QODOBKA 77.0

MADAXBANAANIDA GARSOORKA

Garsoorka waa in uu ka madaxbanaanaadaa howsha xeer dejinta iyo dowladda marka ay gudanayaan xilkooda garsooranimo, xubnaha garsoorka sharciga keliya ayay u hogaansanaanayaan.

1. Garsoorka Federaalka Ku Meel Gaarka ah wuxuu ka madaxbanaan yahay laamaha xeer dejinta iyo dowladda.

2. Garsoorka wuxuu ka tarjumayaa isla markaana hirgelinayaa sharciga si waafaqsan Axdiga iyo Xeerarka.

3. Garsooruhu wuxuu u hogaansamayaa sharciga keliya, wuxuuna leeyahay xasaanadda inta uu xilka hayo. Sharci gaar ah ayaa lagu qeexi doonaa magacaabidda, shaqo ka eryidda, anshax-marinta iyo muddada xilka garsooranimada.

4. Waxaa la mamnuucay aasaasidda maxkamad gaar ah

5. Maxkamadaha ciidanka waa in loo sameeyaa xeer gaar ah.

 

QODOBKA 78.0

TALAABOOYINKA SIXITAANKA

MAS’UULIYADDA CIQAABTA

1. Mas’uuliyada waa shaksi. Eedeysanaha waxaa loo aqoonsanayaa mid aan dembi lahayn ilaa ay maxkamad awood leh ku caddeyso inuu dambiile yahay.

 

QODOBKA 79.0

DIB U NOQOSHO LA’AANTA XEERKA CIQAABTA

Qofku laguma qaadi karo fal aan sharci ahaan dembi ahayn maku qofka galayey, sida kale laguma ciqaabi karo ciqaab aan sharciga lagu caddeyn. 

QODOBKA 80.0

ISKU GUDBINTA DADKA EEDEYSANAYAASHA AMA DEMBIILAYAASHA

1. Qof kasta oo dalkiisa dambi ka galo amd dal kale waa in dalkaas loo gudbiyaa, hadii uu jiro heshiis isku gudbinta ka dhaxeeya Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya iyo dalkaas.

2. Isku gudbinta ma khuseyso dacwooyinka siyaasadeed

3. Xukuumaddu waa inay siisaa magangelyo siyaasadeed qof kasta oo dalkiisa ka soo cararey cadaadis siyaasadeed awgeed.

 

QODOBKA 81.0

CIIDAMADA DIFAACA IYO NABADGELYADDA

1. Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya waxay lahaaneysaa ciidan qaran oo isugu jira xoogga dalka iyo boolis

2. Dowlad goboleedyada waxay yeelan doonaan ciidamadooda nabad gelyo ee ku kooban sugidda sharciga iyo kala dambeynta

3. Xoogga dalka waa inuu si daacadnimo ah u dhowraa una ilaaliyaa Axdiga, xeerarka iyo midnimada dhulka ee dalka.

4. Sharciga ayaa nidaaminaya qaababka iyo xilalka ciidamada qalabka sida iyo nidaamka wada shaqeynta iyo isku dubaridka xilgudashadooda.

Qaybta 9aad... halkan ka akhri... GUJI

Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad | 5aad | 6aad | 7aad | 8aad | 9aad | 10aad  | 11-12aad | schedule.1

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Adeegso Xawaaladda Amal Express oo 15 daqiiqo lacagta elkaaga kuugu gaarsiin doonta... www.SomaliTalk.com/amal

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD