SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
AXDIGA - KUMEEL GAARKA

AXDIGA KU MEEL GAARKA AH 
DOWLADDA FEDERAALKA EE
 SOOMAALIYA 

QEYBTA AFRAAD: HABKA FEDERAALKA

QODOBKA 18.0

MABAADI’DA HABKA FEDERAALKA

1. Sida lagu qeexay Axdiga, habka federaalka ayaa ah qaab siyaasadeedka xukuumaddda Federaalka qaranka, dowlad-goboleedyada iyo maamulada gobolada oo si xor ah u ogaalada habka iyo falsafadda qaab-xukumadeedka, qeybinta iyo baahinta awooda si loo horumariyo baahida qaranka ee siyaasadda, dhaqaalaha iyo bulshada.

2. Waxaa lagu dhisi doonaa sagaashan (90) maalmood gudahood dhsimaha xukuumada Federaalka Ku Meel Gaarka ah ka dib guddiga Federaalka si uu u soo dhameystirio isla markaasna uu ula socdo howsha habka Federaalka guud ahaan Jamhuuriyadda Soomaaliya, marka uu ansixiyo Golaha Shacabka Ku Meel Gaarka ah ee Soomaaliya.

QODOBKA 19.0

BAAHINTA AWOODDA

1. Magaca rasmiga ah ee xukuumadda qaranka Soomaaliya, waxa uu noqon doonaa “Xukuumadda Federaalka Ku Meel Gaarka ah e Jamhuuriyadda Soomaaliya”

2. Xukuumadda Federaalka Ku Meel Gaarka ah waxay dhirigelin doontaa dowlad-goboleedyada iyo maamulada gobolada hadda jira.

3. Jamhuuriyadda Soomaaliya waxay ka kooban tahay:

1. Xukuumadda Federaalka ee Ku Meel Gaarka ah

2. Dowlad-Goboleedyo

3. Maamulada Gobolada

4. Sida uu qabo Axdigani, haddii xukuumadda Federaalka Ku Meel Gaarka ah ay ku dhamaystiri weydo gaarsiinta habka federaalka dalka oo dhan labo (2) sano iyo bar gudahood, xukuumadda Federaalka ku meel gaarka ah waxay waynaysaa codka kalsoonida ee Golaha Shacabka, taasoo u horseedaysa dhismaha xukuumada bedesha tii dhacday.

5. Xukuumadda Federaalka Ku Meel Gaar ah ee lagu dhisay faqradda (3) waa in ay ku gaarsiisaa dhammaan dalka Soomaaliya habka Federaalka sannad (1) gudahiis

6. Waxaa la dhisi doonaa Wasiirka Dastuurka iyo arrimaha Federaalka oo u xilsaaran arrimaha xukuumadda federaalka iyo dastuurka iyo mas’uuliyadaha kale ee uu Axdigu u xilsaaro.

QODOBKA 20.0

QEYBAHA AWOODAHA

1. Waxaa jiri doona awood qeybin ujeedadiisu tahay qabashada iyo qoondaynta khayraadka dalka iyadoo la raacayo xeerarka uu meelmariyo Golaha Shacabka

2. Muddada Xukuumadda Federaalka ku Meel Gaar ah waxay Xukuumaddu magacaabideeda ku salayn doontaa caddaalad iyo sinnaan ugu qaybin beelaha iyadoo la buuxinayo shuruudaha loo baahan yahay.

QODOBKA 21.0

HAYADAHA DOWLADDA

1. Waxaa jiri doona hay’adaha kaabayaasha dowladda ee kala ah:

1. Hanti Dhowrka Guud

2. Xeer-Ilaaliyaha Guud

3. Xisaabiyaha Guud

4. Guddoomiyaha Bangiga Dhexe

5. Garyaqaanka Guud

2. Hay’adaha kor ku xusan waxay howshooda mas’uuliyadeed ka fulin doonaan dalka oo dhan, sida uu qabo xeerka.

QODOBKA 22.0

GOLAYAASHA DOWLAD-GOBOLEEDYADA IYO GOBOLADA

1. Waxaa jiri doona goleyaal dowlad-goboleed iyo gobol, golayaashaas ayaa ah awoodda ugu sareysa maamulka gobolka

2. Goluhu wuxuu ka kooban yahay:

3. Degmo kasta afar (4) xubnood oo ay midi haween tahay

4. Golaha gobolka aya iska dhexdooran doona guddoomiyaha gobolka iyo labbo ku-xigeen

5. Iyadoo aan meel looga dhicin qodobada guud ee Axdiga, goluhu wuxuu sameysan doonaa xeer hoosaadkiisa iyo xeerar dhanbal ah

6. Sida ay qabaan xeerarka dalku, golaha gobolka wuxuu fuliyaa xeerka canshuurta gobolka, sidoo kale wuxuu ansixiyaa miisaaniyadda gobolka, xisaabinta iyo baarista.

7. Sharciga ayaa habeyn doonaa xiriirka booliska gobolka iyo kuwa Xukuumadda Federaaliga ah

8. Guddoomiyaha gobolku wuxuu mas’uul ka yahay xiriirka u dhexeeya gobolka iyo xukuumadda federaalka ah

9. Xubnaha golaha gobolka waxaa soo magacaabi doonaa ama soo dooran doonaa beelahooda/deegaankooda

10. Sharciga ayaa qeexi doona hab-dhismeedka, qaabka iyo howsha xilalka gobolka.

Qaybta 5aad... halkan ka akhri... GUJI

Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad | 5aad | 6aad | 7aad | 8aad | 9aad | 10aad  | 11-12aad | schedule.1

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Adeegso Xawaaladda Amal Express oo 15 daqiiqo lacagta elkaaga kuugu gaarsiin doonta... www.SomaliTalk.com/amal

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD