SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
AXDIGA - KUMEEL GAARKA

AXDIGA KU MEEL GAARKA AH 
DOWLADDA FEDERAALKA EE
 SOOMAALIYA    

 

SCHEDULE 1. 

1. AWOODDAHA XAKUUMADDA FEDERAALKA KU MEEL GAARKA

1. Arrimaha Dibadda

2. Difaaca iyo Nabadgelyada

3. Lacagta iyo Bangiga Dhexe

4. Dhisidda Dowlad Goboleedyo iyo Maamul Goboleedyo

5. Boostada iyo Isgaarsiinta

6. Socdaalka

7. Maamulka Dekedaha

8. Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha

9. Kheyraadka Dabiiciga ah

10.Ogolaanshaha iyo bixinta Ruqsadaha shirkadaha gaarka ah, gaar ahaan kuwa heerka qaran

11. Ururinta Canshuuraha soo dejinta/dhoofinta iyo canshuuraha dadban

 

2. AWOODAHA DAWLAD GOBOLEEDYADA

1. Waxbarashada

2. Caafimaadka

3. Waddooyinka Gobolka

4. Badbaadinta Deegaanka

5. Booliska Gobolka

6. Guryeenta

7. Horumarinta Biyaha iyo Korontada

8. Horumarinta Beeraha iyo Maareynta Biyaha

9. Horumarinta Xoolaha iyo Dhulka

10.Horumarinta Ganacsiga yar yar iyo iskaashatooyinka ganacsiga dowlad goboleedyada

11. Dejinta dadweynaha

12. Horumarinta dastuurka dowlad goboleedyada, calan iyo astaanta

13. Magacaabista guddiyada doorshada dowlad goboleedka iyo dhaqan gelinta doorshooyinka dowlad goboleedyada

14. Ururinta dhammaan canshuuraha tooska ah

15. Horumarinta cayaaraha, fanka, suugaanta iyo cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka

16. Ruqsadaha ganacsiga

17. Qorsho Magaalaynta iyo ruqsadaha dhismaha

18. Booliska Gobolka

19. Faydhowrka Guud

20. Biyaha iyo Korontada

21. Xarumaha nasashaha iyo qoobaha caruurta

22. Caafimaadka guud ee dadweynaha

23. Maareynta kalluumeysiga iyo xeebaha

24. Maareynta isticmaalidda dhulka ku meel gaar ah (berkaariyo) iyo dhulka xilli beerashada

25. Ururinta canshuuraha gobolka iyo ururinta canshuuraha qaranka marka ay u xil saarto xukuumadda Federaalka sida uu qabo xeerka iyo heshiisyada ku meel gaarka h ee dhexmara labada dhinac

 

Lifaaq 

1. Xukuumadda Federaalka ee ku meel gaarka ah waxay si deg deg ah wada xaajood ula geli doontaa goboladda waqooyi galbeed ee Soomaaliya

2. Wuxuu Axdiga aqoonsan yahay kaalinta bulsho ee hogaamiye dhaqameedyada. Sharci ayaana sheegi doona mas’uuliyadooda iyo xilkooda, gaar ahaan miyiga

3. Waxbixinnada shanta guddi ee dib u heshiisiinta ee shirweynaha qaran ee nabadeynta Soomaaliya Kiinya 2002-2003.

4.   Liiska Ergada, Ururada iyo kooxaha siyaasadda.

 

-dhammaad-

Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad | 5aad | 6aad | 7aad | 8aad | 9aad | 10aad  |11-12aad  | schedule.1

Waxaa qoraalkan SomaliTalk.com soo gaarsiiyey Ridwan Haji ridwanhaji@yahoo.com

Faafin: SOMALITALK.COM | August 10, 2003

AXDIGII KUMEEL GAARKA AHAA EE CARTA LAGU SOO DHISAY... GUJI

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Adeegso Xawaaladda Amal Express oo 15 daqiiqo lacagta elkaaga kuugu gaarsiin doonta... www.SomaliTalk.com/amal

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD