SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
AXDIGA - KUMEEL GAARKA

AXDIGA KU MEEL GAARKA AH 
DOWLADDA FEDERAALKA EE
 SOOMAALIYA  

QEYBTA SHANAAD: XEERKA XUQUUQDA (ILAALINTA XUQUUQDA ASAASIGA IYO XORIYADDA DADKA) 

XUQUUQDA AASAASIGA AH IYO XORIYADDA 

QODOBKA 23.0

XUQUUQDA AADANAHA IYO SHARAFTA 

1. Jamhuuriyadda Soomaaliya waxay aqoonsanaysaa Baaqa Caalamiga e Xuquuqda Aadanaha oo ah Axdi ay dhaqan gelisay Qaramada Midoobay bishii Disember 10, 1948. Xuquuqda madaniga, siyaasadda, dhaqaalaha, bulshada, dhaqanka iyo xiriiro kale oo caalami ah oo la xiriira xuquuqda aadanaha oo ay Jamhuuriyadda qeyb ka tahay.

2. Muwaadin waliba wuxuu xaq u leeyahay xuquuqda:

1. Degaanka, shaqo, socdaal xor ah meel kast oo ka tirsan dalka mana la dhoofin karo, kana bixi karo soona geli karo.

2. Abaabulo, aasaaso, ka qeyb galo ururo siyaasadeed, shaqo, xirfad ama bulsho oo waafaqsan sharciga, ayadoo amar la soo weydiin Dowladda

3. Doorasho ka qeyb galo marka da’diisu gaarto 18 sanno

4. U loolamo shaqo kasta oo banaan

5. Ma jiri doonto faragelin waraqadaha gaarka ah, qalabka isgaarsiinta cusub, website, email iyadoo sharci gaar ah loo habeyn doono

QODOBKA 24.0

U SINAANTA MUCAADANIINTA SHARCIGA HORTIIS

1. Muwaadin waliba ee Jamhuuriyadda Soomaaliya way u siman yihiin sharciga hortiis iyo xeerarka Axdiga Ku Meel Gaark ah, ayadoo aan kala saarin jinsi (lab/dheddig), dhaqaale, magaamka bulshada iyo fikradaha siyaasadeed, isla markaana xaq u leeyahay ilaalin, sinnaan iyo dheef siman sharciga hortiis, ayadoon loo kala saarin midab, dhalasho, luqad iyo diin.

2. Sinaanta waxay ka mid ah xuquuqd buuxda iyo xoriyad taam ah

QODOBKA 25.0

XUQUUQDA NOLOSHA, XORIYADDA GAARKA IYO NABADGELYADA

1. Qof waliba wuxuu xaq u leeyahay xuquuqda nolosha, qofna lagama qaadi karo si ogaal ah

2. Qofna lagama qaadi karo xoriyadiisa gaarka ah iyo nabadgelyada gaarka ah uu ku noolaado meel kasta oo ka tirsan Jamhuuriyadda Soomaaliya

3. Qofna laguma xukumi karo baaritaan gurigiisa, hantidiisa ayadoo aan la helin awood garsoor oo la xiriirta caafimaad iyo canshuur. Mar waliba sharafta gaarka ah iyo damiirka qofka la dhowraa

4. Waxaa mamnuuc oo dembi ah qof loo geeysto fal dembi ah oogada ama qalbiga amd fal qofka ku xukumaya cadaadis xoriyadda gaarka ah

5. Qofna lama xiri karo nooc kastaba lamana xadidi karo xoriyadda gaarka ah aan ka ahayn marka looxiro flagrante delecto ama amar kale ee awooda garsoorka

6. Sida lagu qeexay sharciga, qofkii lagu xiray tuhun ama la cadaadiyo xoriyadiisa , muddo 48 saacadood gudahood waa in la soo hor istaagiyaa maxkamad, waqtigana waxaa qeexi doono sharciga.

QODOBKA 26.0

XUQUUQDA OOGIDDA DACWADDAHA IYO ISDIFAACA

1. Qof waliba wuxuu xaq u leeyahay dhegeysiga dacwadaha iyo isdifaaca

2. Qof waliba oo lagu eedeeyo fal dambi:-

1. Waxaa loo qaadanayaa inuusan ahayn eedeysane inta ay ka xaqiijiso maxkamada

2. Waxaa lagu wargelinayaa sida ugu macquulsan, luqad uu fahmi karo si faahfaahsan, nooca dembiga lagu soo oogay

3. Waxaa la siinayaa waqti ku filan iyo tashiilaad isu diyaarin difaaca heer kasta oo dhegeysiga dacwada.

3. Qof walba la xiro, xabiso amd la xadido waxaa loo ogol yahay inuu is difaaco maxkamada hortiis shakhsi ahaan ama la xiriiro ehelkiis, qareenkii oo duurto markuu doono

4. Xukuumaddu, ayadoo tixgelinaysa sharciga, gargaar sharci lacag la’aan ah u fidinaysaa muwaadinka aanan awoodin qareen inuu iskiis u qabsado.

QODOBKA 27.0

1. Marka laga reebo ogolaansha qofna lagama carqaladeyn karo xoriyadiisa kulan ama isku xirnaanta sida:-

1. in si xur ah ula ururo qof kale iyo in si gaar ah u abaabulo ama ka mid noqdo ururada shaqaalaha ama ururo kale oo danahiisa ilaaliya.

2. Qaban-qaabiyo ama ka qayb galo shir kast ama bannaan-bax

3. Si xor ah u dhiibto fikradihiisa, afka ama qoraal ama nooc waliba ayadoo aan jirin faaf-reeb

2. Shaqaalaha Dowladda Federaalka ku Meel Gaarka ah waxay xaq u leeyihiin inay abuuraan ururo shaqaale si ay u ilaaliyaan danhooda sida xeerka qeexaya.

3. Ma jiri karto awood sharci sameyn oo aan la socon karin ama ka hor imaaneysa qodobkan haddii uusan xeerka laga hadlaya waafaqsanayn faqradaha hoos ku qoran:-

4. kaasoo looga baahan yahay danaha difaaca, nabadda, nidaamka damiirka iyo caafimaadka dadweynaha

5. kaasoo looga baahan yahay ilaalinta xuquuqda iyo xoriyada dadka kale

6. kaasoo xadiday saraakiisha, xubnaha ciidamada ama shaqaalaha dowladda hoose

7. in lagu diiwaan geliyo ururada shaqaalaha iyo urarada shaqaalaha ee la halmaala galka diiwaangelinta, sida qeexay xeerka
 

QODOBKA 28.0

XORIYADDA WARBAAHINTA IYO WARBAAHINTA 

1. Dowladda Federaalk ee Ku Meel Gaarka ah waxay sugeysaa xoriyadda jaraa’idka iyo warbaahinta xorta ah sida waafaqsan sharciga

2. Qof waliba wuxuu xaq u leeyahay in si xur ah u bandhigo fikradiisa gaarka ah si kastaba ha ahaatee.

Qodobka 29.0

Xuquuqda Aasaasidda Xisbiyo Siyaasadeed

1. Dowladda Federalka ee ku meel gaarka ah waxay dhiiri gelinaysaa in abuurmaan xisbiyo siyaasadeed, oo waafaqsan xeerka.

2. Sida xeerka qabo, dhammaan muwaadiniinta waxay xaq u leeyihiin inay ka mid noqdaan xisbiyo siyaasadeed, qorshe siyaasadeed oo si cad ugu tarjumo ajendooda siyaasad qarameed

3. Xisbiyada siyaasadeed waxay u furnaan doonaan dhammaan muwaadiniinta iyadoo hoggaan laga dhiganaayo mabaadi’ida guud ee dimoqraadiyada.

4. Xisbi siyaasadeed kasta oo leh qaab dahsoon oo u eg urur mileteri amd qabiil waa mamnuuc

5. Xisbiyada siyaasadeed,waxay xaq u leeyihiin inay isbaheysi sameystaan xilliga doorashada iyo ka dib

QODOBKA 30.0

XAQA DOORASHADA

1. Dhammaan muwaadiniinta leh shuruudaha xeerka faray xaq bay u leeyihiin doorashada iyo in loo doorto xil dadweyne

QODOBKA 31.0

SHAQAALAHA

1. Qof shaqaale ah lama xaqiri karo, wuxuuna xaq u leeyahay mushahaar, gunno u dhiganta howsha la qabtay iyo faa’iidooyin kale oo lagu qeexi doono xeerka shaqada iyo shaqaalaha ee dalka

2. Shaqaalaha waxay xaq u leeyihiin nasasho isbuuceed iyo fasax sanadeed hal mar oo weliba lacag la siinayo, mana lagu qasbi karo inay waayaan

3. Saacada shaqada ee shaqaalaha waxaa qeexi doona xeer

4. Dowladda waxay abuuraysaa sharci ahaan da’da ugu yar ee qofka lagu shaqaaleyn karo iyo mushaarka ugu yar shaqaalaha

QODOBKA 32.0

XAQA SHAQO JOOJINTA

1. Xaqa shaqo joojinta waxaa loo adeegsan kara sida u xadiday xeerka shaqada iyo shaqaalaha

2. Fal kasta ujeedadiisa tahay in lagu xaqiro ama lagu cadaadiyo dhaqdhaqaaqa madaxbanaan ururada shaqaalaha waa mamnuuc

QODOBKA 33.0

XAQA ABUURISTA URURO SHAQAALE

1. Hadeysan rabin, qofna lagama joojin karo xoriyadda kulanka iyo xiriirka madax bannaan uu la leeyahay qof kale, gaar ahaan abuurista uru bulsho sida xeerka waafaqsan.

2. Qofna laguma qasbi karo inuu ku biiro ama ku jiro uru nooc kasta ah

3. Urur waliba aan dawli ahayn oo ujeedadiisu thay inuu ilaaliyo xuquuqda aadanaha ama deegaanka waa la diiwaan gelin doonaa, loona ogolaan doonaa inuu ka shaqeeyo Jamhuuriyadda Federalka Soomalia sida waafaqsan xiriirka caalamiga iyo xeerka dalka.

4. Ma jiri doono qodob ogolaan doono abuurista urur siyaasadeed oo leh saan saan mileteri ama difaac.

QODOBKA 34.0

1. Xaqa lahaanshaha gaarka ah waxaa sugaya xeer isla markaana qeexi doona waxa uu a kooban yahay iyo xadka loo isticmaali doono.

2. Xuquuqda daabacadda sida farshaxanka, saynis iyo tiknooliyada waa la ilaalin doonaa isla markaana xeer qeexi doono waxa ka kooban yahay iyo xadka gaari karo.

3. Hantida gaarka ah waa lala wareegi karaa (qarameyn) dan guud awgeed, ayadoo lagu bedelayo magdhow u qalma oo xilliga la socda, laaliinse, hantida waa loo celin kara milkiilaha sida xeerka waafaqsan.

QODOBKA 35.0

XAQA DACWO DHAQEYSIGA IYO IS-DIFAACA

1. Qof waliba wuxuu xaq u lahaan doonaa dhageysi dacwadeed oo maxkamad horteed

2. Qof waliba wuxuu xaq u leeyahay inuu iska difaaco eedeyn loo jeediyo heer waliba oo dhageysiga dacwadda isla markaana xaq u yeesho talo sharciyeed u gaar ah.

3. Qof waliba wuxuu, xaq u yeelan doonaa inuu soo gudbiyo rafcaan xukuumad lana siiyo fursad dhageysi

4. Xeerka ciqaabta, mas’uuliyadda madaniga iyo maamulka ee shaqaalaha dowladda waxaa qeexi doona xeer.

 

QODOB 36.0

1. Dacwad ku soo oogiddu waa shaqsi, eedaysanaha waxaa loo aqoonsanayaa beri ilaa maxkamad awood leh ay xukun riddo

2. Waxaa qof lagu soo eedeeyey in uu dembi ka galay dalkiisa ama dal kale loo celin karaa, haddii heshiis isugudbin dembiilayaal uu ka dhexeeyo Soomaaliya iyo dalka soo codsaday

3. Waxa ay dowladdu siin kartaa magangelyo siyaasadeed qof iyo eheladiisa u dhow oo ugu soo cararey dalkiisa ama dal kale sababo siyaasadeed, diimeed ama dhaqameed, haddii uusan magangelyo-doonuhu horey u sameyn xadgudub iyo xuquuda insaanka la xiriira.

QODOBKA 37.0

DHAQAALAHA

1. Dhaqaalahadalka waxaa lagu saleyn doonaa habka suuqa xorta ah

2. Dowladda wa inay dhiirigelisaa, gacan siisaa, suurtagelisaa, maalgelinta shisheeyaha sida sharciga ku cad

Qododbka 38.0

Waxbarashada

1. Waxbarashada waxaa loo aqoonsanayaa xuquuqda aasaasiga leeyihiin dhammaan muwaadiinta Soomaaliya

2. Dhammaan muwaadiniinta waxay xaq u leeyihiin inay helaan waxbarashada hoose oo lacag la’aan ah

3. Dowladda waxay mudnaan sinaysaa kor u qaadista, baahinta iyo faafinta waxbarashada dadweynaha

4. Waxbarashada shacabka ayay dan u thay dalka oo dhana la wada gaarsiiyaa

5. Dugsiyada gaarka ah, machadyada iyo jaamacadaha waa in lagu dhisaa si sharciga waafaqsan iyo qaabka iyo barnaamijyada waxbarashada dalka

6. Dowladdu waxay dhiirigelineysaa cilmi baarista, lana hormariyo sidoo kale ciyaaraha hiddaha iyo isboortiga, iyadoo kor loogu qaadayo si wax ku ool ah oo wafaqsan dhaqanka iyo caadada Soomaaliyeed

7. Dowladda waxay dugsiyadaha dalka oo dhan ku hirgelinayaa manhaj mideysan

8. Dowladda waxay kobcineysaa waxbarashada sare, machadyada farsamada, tiknoolijiyadda iyo machadyada cilmi-baarista

9. Dowladda waxay horumarineysaa barnaamijyada waxbarashada iyo manhaj mideysan ee dugsiyada.Arrimaha la soo sheegay laguma dabbaqi karo dugsiyada ay leeyihiin dadka aan muslimka ahayn

10. Waxbarashada Islaamka waa ku qasab caruurta, dugsiyada dowladda iyo ku gaarka. Arrimmahan laguma dabaqi karo dugsiyadda ay leeyihiin dadka aan muslimka ahayn.

QODOBKA 39.0

ILAALINTA QOYSKA

1. Qoysku waa qeyb saldhiga bulshada, diinta Islaamka, anshaxa iyo jaceylka dalka waxay yihiin tiirarka qoyska.

2. Dowladdu waxay ilaalinaysaa, dhiirigelinaysaa guurka

3. Waalidiintu waa inay ka taageeraan caruurtooda waxbarashada isla markaana daryeelaan sida sharcigu qabo

4. Caruurta qaan gaarka ah, waxaa qasab ku ah inay caawiyaan waalidkooda marka aananay isku filneyn

5. Waalidiinta iyo ilaaliyaasha xil weyn ayaa ka saaran diiwaan gelinta caruurta marka ay dhashaan.

QODOBKA 40.0

DARYEELKA BULSHADA

Dowladdu waxay ballanqaadeysaa daryeelka bulshada sida hoos ku qoran ;-

1. Dowladdu waxay mas’uul ka tahay ilaalinta iyo helida caafimaadka dadweynaha, ilaalinta cudurada faafa, badbaadinta hooyada iyo dhallaanka

2. Daryeelka maatada, agoonta, geesiyiintii u soo halgamay difaaca dalka, iyo kuwa da’da ah

3. Dowladdu waxay dhiiri gelineysaa abuuridda bulshada rayidka iyo machadyado horumarin bulsho ee dadweynaha, sida kuwa aan dowliga ahayn, haweenka, dhalinyarada, adeyda, xuquuqda aadanaha iyo ururo farsamo

4. Shaqada qasabka ah iyo howlaha ciidamada caruurka ka yar da’da 18 lama ogola

5. Sida sharciga qabo caruurta ka yar 18 sanno lalama xiri karo dadka waaweyn

6. Sharciga ayaa nidaaminaya dhisidda xarumaha caafimaadka iyo isbitaalada

7. Dowladda waxay ilaalinaysaa anshaxa guud ee bulshada

8. Dowladdu waxay ku dadaalaysaa kor u qaadista daryeelka bulshada iyo horumarinta reer miyiga

9. Dowladdu waxay u abuuraysaa haweenka jawi wax ku ool ah sidii ay si firfircoon uga qeyb qaadan lahaayeen dhaqaalaha, nolosha bulshada iyo siyaasadda

10. Sharciga ayaa lagu cadeynayaa xiriirka ka dhaxeynaya shaqaalaha dowladda ku meel gaarka ah iyo shaqaalihii dowladdii hore.

Qaybta 6aad... halkan ka akhri... GUJI

Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad | 5aad | 6aad | 7aad | 8aad | 9aad | 10aad  | 11-12aad  | schedule.1

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Adeegso Xawaaladda Amal Express oo 15 daqiiqo lacagta elkaaga kuugu gaarsiin doonta... www.SomaliTalk.com/amal

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD