SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
AXDIGA - KUMEEL GAARKA

AXDIGA KU MEEL GAARKA AH 
DOWLADDA FEDERAALKA EE
 SOOMAALIYA 

QEYBTA 3AAD – JINSIYADDA SOOMAALIYA

QODOBKA 13.0

HELIDDA JINSIYADDA

1. Sida lagu bilaabay Axdiga, jinsiyadda waxaa lagu heli karaa:

1. Dhalasho

2. Diiwaangelin

3. Naturalisation

QODOBKA 14.0

JINSIYADDA DHALASHADA

1. Qof kasta oo asalkiisu Soomaali yahay wuxuu xaq u leeyahay jinsiyadda Jamhuriyadda Soomaaliya, ay shardi tahay:

1. Inuu ku dhashay Jamhuuriyadda Soomaaliya ama

2. Aabihiis uu heysto Jinsiyadda Jamhuuriyadda Soomaaliya

2. Qofka sifaha qodobkan ku heysta jinsiyadda lagama qaadi karo jinsiyadda.

QODODBKA 15.0

JINSIYADDA …DHAARINTA?

1. Qof kasta oo caadi ahaa degan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya toban sanno (10) isku xigta, isla markaana,

2. Soo buuxiya shuruudaha xeerka Golaha Shacabka soo saaro wuxuu weydiisan karaa jinsiyadda Soomaalinimo.

3. Qof kasta oo ku dhasha meel ka baxsan Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, oo mid ka mid ah waalidkiis ay yihiin ama u dhasheen Jamhuuriyadda Federalka.

QODOBKA 16.0

LABO JINSIYADOOD

Qof kasta oo ka mid ah Jamhuuriyadda Soomaaliya wuxuu qaadan karaa labo jinsiyadood. 

QODOBKA 17.0

KA QAADISTA JINSIYADDA

Qofka jinsiyadda Soomaaliya waa laga qaadi karaa haddii uu ku helay si khiyaamo, been abuur, uu qariyey arrimo jira ama arrimo kale oo sharci daro ah. 

Qaybta 4aad... halkan ka akhri... GUJI

Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad | 5aad | 6aad | 7aad | 8aad | 9aad | 10aad  | 11-12aad  | schedule.1

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Adeegso Xawaaladda Amal Express oo 15 daqiiqo lacagta elkaaga kuugu gaarsiin doonta... www.SomaliTalk.com/amal

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD