SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
AXDIGA - KUMEEL GAARKA

AXDIGA KU MEEL GAARKA AH 
DOWLADDA FEDERAALKA EE
 SOOMAALIYA 

QEYBTA 2AAD: JAMHUURIYADDA FEDERAALKA AH EE SOOMAALIYA

QODOBKA 6.0

DHISMAHA XUKUUMADDA FEDERAALKA KU MEEL GAARKA AH

1. Soomaaliya waxay noqon doontaa Jamhuuriyaada Federaalka ku Meel Gaarka ah oo madaxbanaan

2. Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya waxaa lagu dhisay mabaadi’da Jamhuuriga ah ee xukun wanaagga, xorriyadda, ku-dhaqanka sharciga, dimuqraadiyadda, ka qeybgelidda xukunka, waadix, la xisaabtan, qeybinta awoodaha, baaris iyo xisaab-celin iyo ixtiraam sharafta bani’aadamka.

QODOBKA 7.0

MAGAALO MADAXDA SOOMAALIYA

1. Magaalo madaxda xukuumadda Federaalka Ku Meel Gaarka ee Soomaaliya waa Muqdisho (Xamar)

2. Caasimadda waxay yeelan doontaa maqaam gaar ah, waxaana lagu maamuli doonaa sharci gaar ah, Xukuumadda Federaalka ku Meel Gaarka ah waxaa u banaan in ay xarun ka dhigato magaalo kale inta nabadgelyada Muqdisho laga sugayo, haddii aysan qodobka Axdiga ka hor imaaneynin?

QODOBKA 8.0

CALANKA IYO ASTAANTA

1. Calanka qaranka ee Dowladda Federaalka Ku Meel Gaarka ah waa buluug furan, cirka u eg, afar gees ah, dhexdana ku leh xiddig cad shan gees leh madaxyo siman leh.

2. Astaanta Dowladda Federaalka ku Meel Gaarka waxay ka kooban thay: gaashaan buluug furan oo leh xiddaayda dahabiya, dhexdana ku leh xiddig shan geesley ah oo dheeh qalin ah leh.

3. Gaashaanka dushiisa waxaa ku yaal rukummo carbeed oo xardhan, lehna shan madax oo dahabiya oo ay labada geesaha ku yaallaa ay kala qaaran yihiin, hareeraha waxaa ka haya labo shabeel oo dabiici ah oo isku beegan, kuna kala taagan labo waran oo isku weydaarsan caaradda hoose ee gaashaanka, ayna weheliyaan labo caleen-cawbaar dabiici ah, diilin caddina ku gogolan tahay.

QODOBKA 9.0

AFAFKA DALKA

1. Afafka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya waa Afka Soomaaliya (Maay iyo Maxaatiri) iyo afka Carabiga

2. Afka labaad ee rasmiga ah ee xukuumadda Federaalka Ku Meel Gaarka ah ee Soomaaliya waa afka Ingiriiska.

QODOBKA 10.0

DOWLADDA IYO DIINTA

1. Islaamka ayaa ah diinta Soomaaliya

2. Shareecada Islaamka ayaa saldhig u ah dhammaan shuruucda qaranka

QODOBKA 11.0

CALAAMADAHA QARANKA

1. Calaamadaha qaranka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxay ka kooban yihiin:

1. Calanka Qaranka
2. Heesta Qaranka
3. Dharka Ciidanka, iyo
4. Shaabadda Rasmiga ah

QODOBKA 12.0

WAAJIBAADKA MUWAADDINKA

1. Waxaa muwaaddin kasta waajib ku ah:

1. in uu dhowro qodobada Axdiga, isla markaasna uu fidiyo xigmaddiisa iyo ujeeddooyinkiisa

2. Ilaalinta iyo difaaca Axdiga iyo shuruucda kale ee dalka

3. U howgalka dhowrista midnimada qaranka iyo samo ku wadanoolaanshaha

4. Ilaalinta deegaanka iyo khayraadka dabiiciga ah

5. Badbaadinta iyo xanaanada hantida guud iyo tan gaarka ah

6. Difaaca dalka, sugidda nabadgelyada gudaha, ilaalinta midnimada qaranka iyo xejinta sirta Dowladda

7. Waxaa qof walba ku waajib ah bixinta canshuuraha, sida uu qabo sharciga

8. Waajibaadka lagu qeexay faqradda(1) waxaa si isku mid ah loogu fulinayaa muwaaddiinta iyo shisheeyahaba

Qaybta 3aad... halkan ka akhri... GUJI

Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad | 5aad | 6aad | 7aad | 8aad | 9aad | 10aad  | 11-12aad  | schedule.1

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Adeegso Xawaaladda Amal Express oo 15 daqiiqo lacagta elkaaga kuugu gaarsiin doonta... www.SomaliTalk.com/amal

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD