SADAQO KU BIXI SIYAASADDA:
Faallada Toddobaadka
Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
Kenya
May 20, 2003
Sadaqada iyo Siyaasaddu xiriir wey yeeshaan,
taasna waxaan ku ogaanay Sadaqooyinka laga soo uruuriyo Shucuubta Carabta ee
looga soo qaaday in loogu gargaarayo dhibana-yaasha R/Falastiin, waxaa
lacagtaas jeebka ku shubta Hogaanka Siyaasadeed ee R/Falastiid, laakiin
lacaghaas ma gaartaa shacabka Falastiin, waxaa ka jawaabi kara shacabka
hantidaas magacooda lagu soo uruurshay.
Falastiin kaliya ma’ahan wadamada Sadaqado
ku noolka ah, ee waxaa la mid ah wadan kasta oo dhaqaala ahaan liita,
Soomaaliya waxay ka mid tahay wadamada ku nool Sadaqada laga uruursho wadamada
Carabta oo ay dowladuhu ama shucuubtu bixiyaan, lacagahaas waxaa waayadii hore
lagu soo shubi jiray hogaamiye-kooxeedyo aad ugu xeel dheeraa sida loo shaxaado
Carabta, laakiin goortii lagu soo dhisay Jabuuji D.K.G. ah, Jabuutina ay xubin
ka tahay Jaamacadda Carabta iyo Masar oo Siyaasad ahaan u taageertay D.K.G. ah
ayaa sabab u noqday in dhamaan Sadaqooyinkii la siin lahaa bulshada Soomaalida
la soo mariyo D.K.G. ah. Su’aashuse waxay tahay lacagihii Carab laga soo u
ruurshay ee gacanta D.K.G. ah soo galay maxaa ka soo gaaray Bulshada
Soomaaliyeed? Waxay ila tahay ninkii damcaa inuu ka jawaabo su’aashaa waxaa
looga baahan yahay cadaymo la taaban karo.
Aan iska dayno baaritaanka ah xagey martay
lacagihii Carabaha laga soo qaaday, aan ka hadalno hadda maxaa horyaalla D.K.G.
ah oo xanibaadyo dhaqaale ah, D.K.G.ah waa dowladdii maxaafisha aduunka ku soo
celisay Calankii Soomaaliyeed, waxay sabab u noqotay in Soomaaliya mar labaad
ay cod buuxa uga hadasho golayaasha aduunka, waxaa dib loo maqlay Madaxweynihii
Soomaaliya, R/Wasaarihii Soomaaliya, Afhayeenkii Baarlamaanka, iyo magacyo kale
oo Dowladeed, mudooyin-kaan danbe Jornaalada Caalamku wey badaleen luqadihii
hore ee ay u isticmaali jireen marka ay ka hadlayaan Soomaaliya.
Waxaa la yiri haddii D.K.G. ahayd ee
Sadaqooyinka badan ka soo uruursatay Caalamka Carabta oo la sheegay lacago aad
u farabadan iney heshay ayaa maanta awoodi la’ iska bixinta kiradii
Gawaaridii u kiraysnaa xubnaha Barlamaanka K.M.G.ah, waxaa taa ka sii daran
iyadooba Albaabada loo laabay halkii ay ku shiri jireen kadib goortii ay
kiradii iska bixin waayeen, qisadan oo maalmo sii horeysay dhacaday waxay
marqaati cad u tahay halka ay D.K.G. ah dhaqaale ahaan marayso, muddo aad u sii
fog ayey ahayd markii ay Jornaalada Muqdisho qaarkood qorayeen in gaadh-kii
Madaxtooyada D.K.G. ah ay gadoodeen oo ay shaqo ka fariisi sameeyeen iyagoo
markaa ku andacoonayey in aanan la siinin Mishaaraadkii ay xaqa u lahaayeen
muddo dheer, hadaba is weydiintu waxay tahay Dowlada iska bixin la’ Kiradii
Waardiyihii Madaxtooyada sidee ayey waxa ku gaarsiin kartaa Shacabka
Soomaaliyeed?.
Sabab kasta ha keentee waxaa hadda muuqata in
D.K.G. ah dhibaatada haysata aysan ku koobnayn khilaafka soo kala dhexgalay
Sadax nin ee ugu sareeya Hogaanka D.K.G. ah, ee waxaa taa uga sii daran jeeb
marnaanta ku dhaw iney shiiqdo Dowladu, waxay dadka qaar qabaan haddii ay
Dowladu lacag fiican haysan lahayd khilaafka u dhaxeeyaa intaa ma sii
dheeraadeen ee waa lagu kala af xishoon lahaa.
Aniga oo aad ugu wareersan oon ka qancin
sababta keenta dhaqaale xumida intaa la’eg ayaan hadana meel fog iska dhigay
baaritaanka arintaa, wey jireen Saxafiin Soomaaliyeed oo mar sii horeysay balan
qaaday iney dabagal ku samayn doonaan dhaqaalihii soo galay D.K.G.ah iyo halkii
ay ku kala baxday, taasna waxba kama soo naasa cadaan, waana muuqatay inaan
laga miro dhalineynin, sababtoo ah mar haddii aysan lahayn Dowladu Hay’ado
koontaroola dhaqaalaha dalka ama xitaa Dowlada wey adag tahay in raad raac lagu
sameeyo, ma’ahayn lacagihii Dowlada soo gaari jiray kuwo qaabkii Dowladeed ee
la yaqaanay ku soo xaroon jiray ee waxay ahaayeen kuwa Jeebabka lagu uruursado
iyadoo markaa dowaladaha laga soo qaadayo loo sheegayey inaan Soomaaliya wali
Bangi dhexe ka shaqo bilaabin, saas awgeed ayey gacmaha ugu qaadanayaan lacagta.
Waxaad ogtahay Sadaqadu iney meel kasta ku
baxdo, sida uu Nabigu Naxariis iyo Nabad galyo korkiisa ha’ahaatee noo
sheegay in (Beer kasta oo qooyan ay Saqadu ku baxdo) goorta aad Sadaqada la
baxayso shardi uma’ahan in qofka aad wax siineyso aad isku koox tihiin, sidoo
kale shardi uma’ahan inaad la dhacsan tahay waxa uu ku qabanayo lacagtaas,
haddii aadan hubin inuu wax xaraam ah ku bixinayo, Culimadu waxay sheegaan iney
xitaa Sadaqadu ku baxdo qofka Gaalka ah haddii uu ku noolaanayo, Xoolaha iyo
wax kasta ayey Sadaqadu ku baxdaa.
Aniga oo halkaa ka duulaya waxaan maanta
codsanayaa in Soomaalidu ay Sadaqo u uruuriyaan D.K.G. ah maxaayeelay waa dad
Soomaaliyeed oo baahan, waa Siyaasiyiin waayey wixii ay Gaariga ku raaci
lahaayeen, waa niman Magacii Soomaaliyeed ku soo celiyey Fagaara-yaasha dunida,
waxay hadda awoodi waayeen iney iska bixiyaan Kirada Hoolashii ay ku shiri
jireen, taas waxay marag-gal u tahay in saa soo kale ay ka haysato Guryaha ay
dagan yihiin oo aysan Kiradii guryaha iska bixin noloshii qoyskoodana ay gabeen
intii ay ku maqnaayeen Siyaasada D.K.G. ah, waxaad kaloo ogtihiin qaar badan oo
ka tirsanaa D.K.G. ah iney Siyaasad ahaan u wareegeen Gurubyo kale oo col la’ah
D.K.G. ah, maxaa keenay taasna?.
Codsi labaad waxaan u jeedinayaa maamulka
Puntlaind iyo Somaliland oo iyagu ah maamullo si hagaasan u maamusha waxa ka
soo gala Dakadaha,Garoomada iyo goobaha Canshuuraha iney waxa ku Sadaqaystaan
waalahooda D.K.G. ah ee hadda tabaaleysan, waan hubaa haddii ay isku Siyaasad
ahaan lahaayeen Bajadka soo gala ayey qayb u qoondeyn lahaayeen, ee bal markaan
Sadaqo awgeed wax u siiyaa walaalihiina Soomaaliyeed ee dhaqaale xumidu soo
wajahday.
Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
editor@somalitalk.com
May 19, 2003
QORAALADII HORE EE FAHAD YAASIIN
....FAALLO: MUQDISHO
CAASIMAD MA U QALANTAA
..... WARAYSI: FAARAX
MACALIN, GUDOOMIYAHA XISBIGA SAFINA, KENYA
... FAALLO: Itaxaadka
Soomaaliya
... FAALLO: AYAAN
DARRADA AYAAN XIRSI MAGAN:
WARAYSIYADII FAHAD YAASIIN
WARAYSIYADII IBRAAHIM
MAXAMEDDEEQ
|