Jawaab ah Baaqii
Faysal
Cali Waraabe
Maxamed Xasan
omarm@execulink.com
Asalaamu Calykum W/W
Waxan jecelahayinaan jawaab ka siiya ninka la jidhaahdo Faysal Cali Waraabe
iyo innta u u ololaysa (Jamhuuriya isku sheegta Somali-land ana u bixiyey) ama
"CUQDAD MEEL YUURURTA".
Faysal Cali Waraaboow hadal dayn waydaye runta ayaan farta kuu saarayaa.
Mudo aad u dheer ayaan arkayey qoraaladaada deelqaafku ka buuxo ee aad
warbaahinta u gudbisid. Markaan arkay qoraaladaadaas waxa waajib noqotay inaan
si qaawan kuula hadalo.
Taariikhda hadaynu dib ugu laabano laga bilaabo maalintii lagu qabtay
shirkii Burco ee ay isugu yimaadeen beelaha gobolada Waqooyi oo ahayd 1991
waxaad adiga iyo dadka u ololeeya gooni isu taaga gobolada waqoooyi aad geed
dheer iyo mid gaabanba u fuusheen inaad hoos keentaan Gobolada Sool,Sanaag &
Cayn maamulkiina. Waxad ku guulaysan waydeen inaad magaalada Ceerigaabo Bari
iyo Koonfuba dhaafi waydeen xaga kalena Caynaba soo dhaafi kari waydeen. Waxa
idinkaga baxay kharash aad u badan inaad xukunkiina gaysaan gobolada
Sool,Sanaag & Cayn,waxad soo kiraysateen caloosha u shaqaysayaal u dhashay
degaanadaas kuwaas oo aad u magacawdeen Wasiiro,Xildhibaano anaguse aanu u
naqaan "MACAANJECEL". kuwaas naga taagan halka ay idinka taagan yihiin Qaal
C/raxmaan, Tuur, Jaamac Maxamed Qaalib, Buubaa,iyo Kaluun.
Faysaloow hadaynu nahay qabaa'ilka ku dhaqan waqooyiga reer walba waa la
yaqaan ceelka reerkoodu ka cabo ama dooxooyinka geeloodu daaqo. Waxan kaloo kuu
sheegayaa hadii Beesha Isaaq doorbiday iney Soomaaliya ka go'aan iyaga
ayaa iska leh taladaas waana mid iyaga u taala. Hadaanse nahayn Beesha Harti
go'aanka aad qabtaan 100% waanu ka soo hor jeednaa idikumana raacin
idinkuna raaci mayno, "CALAACASHAAS OO TIMO KA SOO BAXAAN" ayay la mid
tahay.
Waxanu ku cadaynay in aanan ka mid ahayn kana mid oqon doonin kuwa kala
goynaya Soomaaliya. Tusaale waxan kuugu soo qaadayaa doorashayinkaad ku
sheegteen in afti laga qaado umada waqooyiga,waad ku guul daraysateen inaad
gaysaan Sool,Sanaag,&Cayn waxad soo kiraysateen qaar ka mid ah dadka u
dhashay degaanka kuwaas oo aad Wasiir ku sheegtaan iyaga sanaadiiqdoodii way
iman kari waayeen degaanadaas.
Doorashadii dawladaha hoose iyo tii doorashada madaxwaynahaba ceeb ayaa
idinka raacday Sool,Sanaag, &Cayn Siilaano, Saleebaan-gaalba waxay ku
andacoonayeen dalkoo dhan doorasho kama dhicin. Tusaaleyaashaas oo dhami waxay
ku tusayaan inaan shacabka Hartigu aanu raali ka ahayn kala goynta
Soomaaliya. Hadiise Beesha Isaaq ka maaranto umada Soomaaliyeed
doonayaan iney ka go'aan Soomaaliya, anagu kama hor taagnin iney samaystaan
dawlad "ISAAQ-LAND" la yidhaahdo.
Waxan jecelahay inaan akhristaasha qiimaha leh u sheego iney Somali-land
tahan mid ku kooban Beesha Isaaq oo aanay beelaha kale la qabin.
Hartiga Waqooyina aanu doonayn wax ka yar Soomalino uguna baaqayo walaalaha
Soomaliyeed ee iskaga soo horjeeda dagaalka aan mabda'a lahayn inay ka
waantoobaan,kana gubaan colaada furtaana baal cusub oo nabadeed.
Faysal Cali Waraabe wuxuu ku baaqayaa iney heshiiyaan Beelaha Hawiye
wanaagsanaan lahaydaa haday niyad ka tahay,waxa la wada ogsoon yahay iney
siyaasiinta Isaaqu aska dhaadhiciyeen inta xabada ka socoto Koonfurta
iney u soo dhawaanayso aqoonsiga caaliga ahi iyo intay isku jeedaan Koonfurtu
inaga ayay inaga sii jeedaan. Waxa kaloo ila xogogaal ah laga helay in
dawladoodu ku bixiso lacag aad u fara badan si aan xabadu isga taagin Koonfurta
Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho.
Faysal Cali Waraabe iyo inta la halmaashaa waxay ulo booca ugu tukubayaan
iney colaad qabali ah ka soo cusbaato gobolada waqooyi,waxay ku hanjabaan iney
sugi doonaan xuduudaha Somali-land ,su'aasha meesha taalaa waxa weeye umad aan
doonayn iney ka mid noqoto waxa beesha Isaaq doonayso ma lagu khasbi karaa
waxaanay doonayn?,Su'aasha akhristaha ayaan u daayey. Maanta qabiil walba oo
Soomaliyeed isaga ayaa qaraar ka gaadhi kara masiirkiisa,kii doonaya inuu
colaad kula noolaado jiiraankiisa iyo kii nabad goonayaba.
Mida gacan ku dhiiglayaasha mid ayaan ka leeyahay,Faysaloow madax
meel ka saraysa oo la taabtaa miyay jirtaa? anigu hoos ugu dhaadhici maayo
qolyaha maamulkiina waxanse carabka ku dhufanaya ninka Madaxwaynaha idiin ah
Kornayl Daahir Riyaale oo haysan jirey NSS-ta Berbera markii dagaaladu ka
socdeen gobolada Waqooyi. Waxan hadalkayga ku soo gebegabaynayaa intaad gacan
ku dhiigle kaa fog raadinaysid inta hareera kaa xigta eeg imisa dhiigyacab ayaa
Hargaysa kugula nool,waxan ku soo khatimayaa tixdan gaaban.
- Asluub gabayga loo diid intaad ololinaysaan
Ana erayga eraygiisa waan kuu akhriyaaye u adkaysta waataad qufteen uuska
baalide.
Hadii odayii tegey qabriga lagu adeecayo,ama axadba axdkii u dhalay cidi
u aarayso.
Ma ilawday Suuslaba kanaa Aaabihii diley.
Gabayga dhuux wixii nuxur leh kala bax,inuu ku hareer marayo ayaanse u
malaynayaa.
Maxamed Xasan
omarm@execulink.com
TAARIIKHDA LAGAMA BEEN
SHEEGO....
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 10, 2003 |
Baaq: Gudoomiyaha
Xisbiga UCID
Waxaan caalamka u sheegaynaa in Somaliland hadiyad
lagu helin
Guji
Guddoomiyaha Gobolka
Sool ayaa Sheegay
in Hay'adaha Qaramada Midoobey ay gobolka
ka hawlgalaan iyagoo hoos yimaada Dowlad Goboleedka Puntland...
Radio Lascaanod
Aug 31
Xaalada Magaalada
Laascaanood:-
Degaanka, dhaqaalaha, nabadgeliyada iyo guud ahaan horumarka Laascaanood ka
akhri warbixintii
Asad Cadaani
YAASABABAY DAGAALKII KADHACAY LASCAANOOD?
Qoraalkii IBRAAHIM MAXAMED HURUUSE.... Dec
14, 2002
BAYAAN ku wajahan maamulka Hargeysa
Ururka Darwiish Party oo Tacsi u diray laascaanood
Qoraal uu ururku maanta soosaaray ayaa ku bilaabmay....
GUJI
8/12/2002
Bayaan ay soo saareen jaaliyada
SSH ee Kuwiat
Annagoo ah
Jaaliyadda dalka Kuwait deggan ee ka soo jeedda Gobolada Somalia ee Sool,Sanaag
iyo Hawd in badan ayaanu
GUJI
12/12/2002
Jaaliyada dhulbahante ee w/america
warsaxaafadeed
la xiriira dagaalkii Laascaanood ayey ku sheegeen in
GUJI
11/12/2002
Warsaxaafadeedka Puntland ee Dagaalkii Lascanod
Madaxweyne ku xigeenka dawlad goboleedka Puntland mudane Maxamed Cabdi Xaashi
oo ku sugan Eldoret ayaa..
GUJI 8/12/2002
Woqooyi Sidee Looga arkay Dagaalkii Laascaanod
Dagaal aad u kulul ayaa ka dhacay magaalada laascaanood,
kaasoo ay sabab u ahayd booqashadii Madaxweynaha...
GUJI
8/12/2002
DUX LA'AANTA DAWLADDA CUSUB EE RIYAALE
iyo dibin daabyada dadweynaha ...
Guji June 7
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh
qoraaga ku saxiixan |