SomaliTalk DALSAN
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - NAIROBI
WARAYSI CALI MAXAMED XASAN (Cali-Daacuun)
CALI MAXAMED XASAN

imdeeq@hotmail.com


 

Wq. Ibraahim Maxameddeeq 

SomaliTalk Nairobi

March 26, 2003

Cali Maxamed Xasan oo ku magac dheer Cali-Daacuun ayaan 17kii bishan kula kulmay xarunta uu shirka dib u heshiisiinta Soomaalidu ka socdo ee Mbakathi Nairobi. Cali-Dacuun wuxuu ka mid yahay ergooyinka shirka dib u heshiisiinta soomaalida ka qayb gelaya. Ciddii xasuusata Cali waa ninkii iska soo riday dabaqa sare ee hotel Sirikwa oo ahaa madashii uu markii hore shirku ka socon jirey intii aan laga soo rarin magaalada Eldoret, isagoo is biimayntaa ku macneeyey mid uu xuquuq ka maqnayd ugu halgamayey, Warysigiina wuxuu u dhacay sidan:

Somali Talk: Iska warran Cali-Daacuun?.

Cali-Dacuun: Waa nabad.

Somali Talk: Yaa Cali-Daacuun kuu bixiyey, maxaase laguugu bixiyey?

Cali-Daacuun: Waxaa Cali-Daacuun ii bixiyey Allaha u naxariistee Maxamed Siyaad, wuxuuna iigu bixiyey halganka aan hadda wado ayaan waday, intana waan ka yaraa, waxay ahyd 1975kii,. Sabatuna waxay ahyd waxaan daadiyey waraaqo ay ku qoran yihiin inaysan dawladda milateriga ahi Soomaali anfacayn oo laga hortago. Kaddib waa la I xidhay markii la I cafiyey ayaa Maxamed Siyaad Barre la ii geeyey, wuxuuna igu yidhi: "maxaa kugu kalifey inaad waraaqaha daadiso", anna waxaan ku idhi: "maxaa kugu kalifey inaad qabiil wax ku maamusho", kolkaas buu igu yidhi: "war anigu qabiil wax kuma maamulee maxaad xabsigii ka soo baratay"?. Waxaanna ugu jawaabay: "Xabsigii waxaan ka soo bartay qabiil iyo quraan", dabadeed wuxuu igu yidhi: "Quraanku wuu fiican yahaye maxaa qabiilka kugu kalifey"?. Waxaan ku idhi: "dee adigaa nagu xukuma". Markay halkaas maraysey ayuu igu yidhi: "qof caadiya ma tihide Daacuun baad tahaye ummadda Daacuun ha iga gelin". Dabadeedna nimankii ciidanka asluubta ahaa ee I wadey ayaa arrinkii faafiyey, sidaas ayuu Daacuun iigu baxay.

Somali Talk: Muxuu yahay mawqifkaaga siyaasadeed?

Cali-Daacuun: Mawqifkayga siyaasadeed haddaan kaaga warramo, anigu beesha la yidhaahdo Hinjiiye Maxamuud Harti oo qarniyaal faro badan dulmanayd ayaan xaqoodii raadinayaa.waxaana dulmiyey Harti.

Somali Talk: Dulmigaas maxaad caddaynoo u haysaa?

Cali-Daacuun: Harti wuxuu dhalay Maxamed Harti, Maxamuud Harti, Saciid Harti, Axmed Harti, marka bal Harti ha la weeydiiyo xuquuqdii Hinjiiye intaas oo qarni meesha ay ku maqnayd.

Somali Talk: Hinjiiye dadka la yidhaahdaa deegaan ahaan xagee bay degaan?

Cali-Daacuun: waxay degaan Laas qoray, Hadaaftimo, Yubbe, oo ka tirsan gobolka Sanaag, Ceerigaabo.

Somali Talk: Cali mar ayaad dabaq dheer iska soo riddey oo uu dhaawac ku soo gaadhay, naftaaduna ay khatar gashay, maxaa kugu kalifay inaad naftaada haligto?.

Cali-Daacuun: Halgamayaal faro badan ayaa u idlaaday halgan ay xuquuqdooda ku raadinayeen, waxaa ka mid ah Maxamuud Xarbi, Sera wiwa oo u dhashay dalka Naigeria, kuwaas ayaan la mid ahay, waxaanna baadi goobayaa xuquuqda dadka laga tirada badan yahay ee Soomaaliya ku nool.

Somali Talk: Haddii aad naftaada weeydo sidee baad xuquuqdaas ku gaadhaysaa?

Cali-Daacuun: Kuwa iga dambeeya ayaa raadkayga qaadi doona, midhaha halgankaygana guran doona.

Somali Talk: Tageerayaashaada halgankan kugula jiraa xagee bay joogaan?

Cali-Daacuun: Waxay joogaan Kenya, waxay joogaan Hargeysa, waxay joogaan Maraykanka, waxay joogaan Khaliijka. meel walba way joogaan, markii aan dabaqa iska soo ridayna aad bay Kenyanku iigu yimaadeen, waxayna igu yidhaahdeen: "taariikhda Kenya waxan oo kale horay ugama dhicin, waadna ku mahadsan tahay inaad xuquuqda dadka laga tirada badan yahay raadiso", wayna I sii guubaabiyeen.

Somali Talk: Maxaad ku heshay haligaaddii ay naftaadu khatarta ku gashay?

Cali-Daacuun: Waxaan ku gaadhay guul, iminka ergey baan ahay, wejiga 3aad baan u gudbayaa, xuquuqdii hadda waan helay laakiin halgankaygu ku ekaan maayo kayga oo qudha ee wuxuu ku baahsanaan doonaa xuquuqda dadka laga tirada badan yahay ee la duudsiyo.

Somali Talk: Maxaa kula gudboonaan doona haddii aad mar kale xuquuqdaada weeydo?

Cali-Daacuun: Wax ka daran wixii hore.

Somali Talk: Oo maxay ah?

Cali-Daacuun: Ka hor dhici maayo.

Somali Talk: Waxaa igu maqaala ah inaad shirkii Carta cuntada ka soontay, arrintaas wax ma iiga taaban kartaa?.

Cali-Daacuun: Haa way jirtey, rag ayaa olole u galay inay xaqiraan xuquuqdii beesha Hinjiiye, markii aan ogaadayna cunto ka soomid 3 beri ah baan kaga hor tegey, si aan dareenkayga siyaasadeed caalamka iyo dadyoowga caddaaladda jecel ugu muujiyo, waana ku guulaystey. Hase ahaatee dawladda Jabuuti way iga eexatay o waxay yidhaahdeen: "Majeerteen oo shirka ka baxaa way dumin karayaan, laakiin Hinjiiye hadduu ka baxo waxba yeeli kari maayo, dabadeedna taas ayaa igu kaliftey inaan soomo, magacii Hinjiiyena halkaas ayuu ku soo baxay.

Somali Talk: Cuntadii aad naftaada ka hor istaagtay maxaad dabadeed ku gaadhey?

Cali-Daacuun: Waxaan ku gaadahay inuu madaxweynaha Jabuuti igu yidhaahdo: "Dadka kale ayaa iigu darane walaalkay Caliyoow adigu annaga nala noolow", aniguna waan diidey oo waxaan idhi: "maadaama aad eexanayso waxaa ii caddaatay inaadan shirka ujeeddo fog ka lahayn, sidaas ayaanna ku afuray oo himilaan gaadhay.

Somali Talk: Rejada shirku sidee bay kula tahay?

Cali-Daacuun: Gudoomiyaha gudiga farsamada IGAD, Mr. Kiplagat ilaa iyo hadda laba arimood ayuu ku guulaystey, waa mide inuu shirka soo raro, waa midda labaade 370 ergey liis ah ayuu soo saaray, sidii buuna ugu dhegan yahay, liiisaskii faraha badnaa ee iska soo daba bixi jireyna wuu xakameeyey. Laakiin cabasho ayaa weli jirta sida beesha SEDE Daarood oo shirka debedda ka jooga, markii la qanciyana way soo gelayaan.

Somali Talk: Damacaaga siyaasadeed halkee ayuu higsanayaa?.

Cali-Daacuun: Waxaan rabaa wixii Illaahay ii qoro iyo wixii ay Soomaaliyi ii garato ee aan xaq u leeyahay.

Somali Talk: Haddii laguu garan waayo maxaad falaysaa?

Cali-Daacuun: Xaqiiqdaa ii garan doonta.

Somali Talk: Mar haddii aad siyaasi tahay guul iyo guul darroba waad la kulmaysaa, miyeey kula hagaagsan tahay markii aad guul gaadhi weydaba inaad naftaada cadibto?.

Cali-Daacuun: Ilaa iyo iminka aad baan u han weeynahay halgankayga oo aan ilaa muddo 15 sano ka hor bilaabayna guulo wanaagsan baan ku gaadhay, jid wanaagsana waan hayaa, haddii aan jid khaldan hayo markiiba waan daali lahaa,laakiin mar kasta wadada suubban ayaan ku dhacaa. Haddana han ayaaba I sii galay.

Somali Talk: Taas ma lagu macnayn karaa inaad uga jeeddo haddii aan derbi kale iska tuurto inaad madaxweeyne ku soo baxayso?.

Cali-Daacuun: Uma jeedaba.

Somali Talk: Haddaa maxaad u jeeddaa, ma inaad wax qasto?.

Cali-Daacuun: Mayee horaan kuugu sheegay waxa aan u jeedo.

Somali Talk: Siyaasiyiinta iyo tolalka soomaalida ma ku jiraan kuwo marnaba kuu garaabay?

Cali-Daacuun: Haa Jaamac Cali Jaamac ayaa ka mid ah, Absame ayaa ka mid ah, Sede ayaa ka mid ah, Laylkase ayaa ka mid ah, wixii aan Harti ahynba way igu taageersan yihiin qadiyadayda.

Somali Talk: Ma la dhihi karaa adiga iyo kuwa ku taageeraba beel ayaad ku wada kacsan tihiin oo aad isu bahaysateen?.

Cali-Daacuun: Maya ee waxa aan doonayo eeyeey Harti doonayaan, horaana loo yidhi Illaahoow qof waxaad doonayso doonaya, waxba ha noogu dhiibin.

Somali Talk: Dadkaaga adiga mooyee yaa shirka jooga?

Cali-Daacuun: SRRC kuma jirro, TNG kuma jirro, Puntland kuma jirro, keligeey baa ka jooga halkaasayna kaaga caddaanaysaa inuu dulmiga Harti aabbe u yahay.

Somali Talk: Hartiga ma eedayn aad meelahaas ka hadal haysaad kula xaajootaa oo qararac baad wax ku raadisaa mise waad u tagtayoo wax ay si cad kuugu diideen baa jira?

Cali-Daacuun: Nin kibrey waa lala kibraa.

Somali Talk: Cali Soomaaliya in badan bay dhibaato ku soo jirtey oo arrinteeda loo caal waayey, maxay kula tahay in xal loo gaadhi la’ yahay?.

Cali-Daacuun: Waxaa loo baahan yahay inay Soomaalidu is weeydiiso waxa helay, maxaa qarankii bur-buriyey?, wadada xun ee aynu maray maxay ahayd?, yaa bur burkan ka dambeeyey?. Weli arrintaa cidi si wanaagsan oo run ah ugama doodin, waana la qarinayaa, sababtu waxa weeye haddii laga doodi lahaa horay ayaa xal loo gaadhi lahaa. Ilaa laga doodana arrinku wuu lalaanayaa.

Waxaa waraystay Ibraahim Maxameddeeq
SomaliTalk, Nairobi, Kenya
E-mail: imdeeq@hotmail.com

 

I  I  D  H  E  H

 MILICSI KU SAABSAN AXDIGA FEDERAALKA EE KU MEEL GAARKA AH
Qormada-koowaad ee dastuurka federaaliga ah ee Soomaaliya oo ka kooban 30 baal waxaa soo akhriyey Ibraahim Maxameddeeq ... GUJI

 ... ELDORET: Taxanahii Wararka  com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bjanaayo
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002  



HTML CD