SomaliTalk DALSAN
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - NAIROBI
BEESHA WARSANGELI OO KA CABASHO CADDAALAD DARRO KIPLIGAT U GUDBISEY

imdeeq@hotmail.com


 

Wq. Ibraahim Maxameddeeq 

SomaliTalk Nairobi

March 25, 2003

Waraaq dheer oo ay maanta xarunta shirka dib u heshiisiinta soomaalida ka soo saareen 62 qof oo u dhashay beesha Warsangeli, loona kala diray guddoomiyaha gudiga farsamada IGAD, Gudiga dhex-dhexaadinta shirka isla markaana la ogaysiiyey madaxweynaha dawlad goboleedda Puntland Col. C/llaahi Yuusuf ayeey xubnahaasi si cad ugu muujiyeen in gebi ahaanba laga saaray hanaanka awood qaybsiga ee la soo jeediyey. Taas oo ay xuseen inay soo saareen masuuliyiinta leh awoodda go'aan gaaridda.

Xubnahaas oo qoraalkooda ku fahfaahiyey baaxadda dhul iyo awoodooda beeleed ayaa iyagoo arimahaas kaga hadlayay waxay yidhaahdeen: " Warsangeligu waa qabiil deegaan weyn ku leh gobolka Sanaag oo ay casimadiisu tahay magaalada Ceerigaabo, ka sokoow gobokaas oo ka kooban afar degmo marka laga reebo Ceel Afwen oo uu Isaaq dego mooyane Laasqoray, Badhan iyo Dhahar oo ku yaalla koonfurta gobolka Sanaag ayaanu leenahay". Waxayna intaa ku dareen sadexdaas degmo ay hoos yimaadaan ilaa 20 tuulo iyo daabiyado yar yar oo dhulka beesha Warsengeli ahi uu yahay mid aad loo degan yahay.

Qoraalkan oo ujeedadiisa loogu yeedhay ka cabashada caddaalad darrada oo uu ku lifaaqnaa maab ay ku muujiyeen dhulka ay Soomaaliya ka degaan waxay kaloo ku caddeeyeen inay degaano wax ku ool ah ku leeyihiin Kismaanyo, Boosaaso iyo galbeedkeeda, iyagoo sheegtay inay qayb weyn ka yihiin dadka dega degmada Diinsoor oo ka tirsan gobolka Bay. waxay kaloo sheegen inay leeyihiin dad badan oo indheer garato ah oo ku kala nool wadamada Maraykanka, Yurub iyo wadamo kale. waxayna qoraalkooda ku soo geba gebeeyeen codsi ay u soo jeediyeen gudoomiyaha gudiga farsamada oo ay ka codsadeen inuu arintooda si dhab ah u eego oo caddaalad darrada lagula kacay wax ka qabto, una qoondeeyo boosaska ay xaqa u leeyihiin dadyoowga kala ah: Wakiilada siyaasadda gobolada, hogaamiyaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ah. iyagoo xusay inay ku kalsoon yihiin inuu guddoomiyuhu sixi doono wixii khaldamay.

SHAATI GUDUUD OO ITOOBIYA EEDEEYEY

Guddoomiya RRA Xasan Maxamed Nuur (shaati guduud) ayaa qoraal uu maanta xarunta shirka dib u heshiisiinta soomaalida ka soo saaray ku cambaareeye socdaal uu sheegay inuu Sheekh Aadan Madoobe ugu kicitimay magaalada Baydhaba, socdaalkaas oo uu sheegay inuu Shiikhu ku abaabulayo dhibaato hor leh oo ka dhex dhacda qowmiyadda Digi iyo Mirifle. waxaana hadaladiisii ka mid ahaa: " waxaan u sheegaynaa dadka nabadda jecel, ururada bulshada rayidka ah iyo iyo ururada caalamiga ahba in laga hor tago dhibaatada ay abuurayaan dawladaha qaarkood sida Dawladda Itoobiya oo uu ka degi waayey habsami u socodka shirkani, kuna hayso fara gelin siyaasadeed iyo abuuritaan colaado hor leh, ayna ka waantoobaan gudiga farsamada IGAD qaarkood fara gelinta qaawan ee siyaasadeed iyo midda colaadeed".

Col. Shaati Guduud wuxuu kaloo warqadiisa ku xusay inuu la socdo ujeedada safarka uu Sheekh Aadan Madoobne ku aaday Baydhaba, wuxuuna caddeeyey inay la xiriirto shir la doonayo in lagu qabto gudaha dalka Itoobiya. Ugu dambayntiina wuxuu ugu baaqay dadyoowga nabadda jecel inay cambaarayn u soo jeediyaan cid kasta oo isku deyeysa geedi socodka shirka nabadaynta soomaaliyeed.

Col. Shaati Guduud ayaa in badan ahaa siyasi ay dawladda Itoobiya aad isugu dhow yihiin, wuxuuna hadda u muuqda inuu ka faquuqmay isbahaysigii ay Itoobiya isku xidhnaan jireen marka ay timaaddo ka wada hadalka arimaha murugsan ee Soomaaliya.

Ibraahim Maxameddeeq 

Waxaa isku soo dubaridey
Ibraahim Maxameddeeq
SomaliTalk, Nairobi, Kenya
E-mail: imdeeq@hotmail.com

 

I  I  D  H  E  H

 MILICSI KU SAABSAN AXDIGA FEDERAALKA EE KU MEEL GAARKA AH
Qormada-koowaad ee dastuurka federaaliga ah ee Soomaaliya oo ka kooban 30 baal waxaa soo akhriyey Ibraahim Maxameddeeq ... GUJI

 ... ELDORET: Taxanahii Wararka  com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bjanaayo
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002  



HTML CD