SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - MINNESOTA
Cakuye Carabnimada soomaalida & carab neceybkoodaba

WQ. C/raxman Ceynte | Agoosto 30, 2002

Muran aan dhamaad laheyn yaa ka taagan halka eey soomalidu asal ahaan ka soo jeedo, waxaa leysku hayaa waa : carab, african & qolo iga yaabisay oo sheegatay in soomalidu ka soo jeedo qowmiyado iyaguba sidii annaga ku wareersan halka eey ka soo jeedaan sida: oromada.

Soomaalidu ma carab baa ?

Runtii waa su'aal da'aweynoo madaxa daalisa, ma carab baan nahay mise cajam? waxaa igu dhaliyey su'aashan & maqaalkanba markii anigoo saakay ku jira fasal aan ku lahaa jaamacada aan tago ayaa macalinkeyga cusub I weydiiyey halka uu ka soo jeedo magaceyga (Abdirahman) ? markaas baan ku iri waa magac soomaliyeed, markaas buu yiri " magac carbeed ayuu u egyahay " ! intaan markale kor u fiiriyey baan ku iri magac carbeed maahane waa magac muslim ! markii horeba waxaan isaga daayey inaan magac muslim iraahdo anigoo ka war-wareegsanayey inaan xiisad diineed fasalka ka dhex kiciyo, waliba waqtigan xasaasiga ah ee reer mareykan eeysan la dhacsaneyn maqlida islamka & muslimiintaba.
Xiriirka Saxaafadda Somalida & Qabyaalada [CEYNTE]

Professor-keygii ayaa markale i weydiiyey" oo soomalidu sow asalkoodu carab ma ahan ? " markaas baan ku iri asalkeenu waa soomaali, asalkalena uma baahnin anigoo ka biya diidsan " asal u raadinta soomalida" .

sideey doontaba ha noqotee proffesor-kii ayaa su'aal kale oo aad iigu cuslaatay igu soo celiyey oo yiri " sow jaamacada carabta kama tirsanidina" ?? waan ku waafaqay taa, ha yeeshee weey igu adkaatay inaan u sharoxo sababta aan ugu jirno & xiriirka naga dhexeeya annaga iyo jaamacadda carabta.

sida laga wada warqabana jaamacadda carabta hadda waxaa ku jira 22 dowladood oo ugu yaraan saddex ka mid ah dadkoodu eeysan afka carabiga asal ahaan ku hadlin oo kala ah : somalia, Djibuti & Comoros. somaliana 1974-tii ayeey ku biirtay jaamacadda carabta, walow sida laga sheego Max'ed siyaad barre" aanan carab aheyne danteena aan ku wadano" maxaa yeelay carabtu weey naga taariikh & aqoon badan yihiin, dhaqaale ahaan & millatari ahaanba-na waan u baahanahay iyaga wali, haba sheegin taageerada aqooneed eey u fidiyaan boqolaal soomali ah oo deeq waxbarasho ke halay wadamadooda, dadka qaar ayaa ku dooda in luqadeenu 30% af carabi tahay, sidaasna aan carab ku nahay, laakiin qofkii sidaa aaminsan waxaan weydiin lahaa ka waran afka sawaaxiliga oo la sheego in 40% in kadaban eey carabi tahay ? shakli ahaana annagaaba uga dhow u ekeenshaha carabta marka naloo bar- bardhigo wadamada sawaaxiliga ku hadla.

Taariikhda soomalida marka laga hadlayana waxaa lagu tolaa asallo fara badan oo eey carabtu ku jirto, wax suganse qof meel ku haya ma jiro intaan ka warqabo, qabaa'il soomaali ah oo iyagu carab sheegtana weey jiraan oo ilaa qureysh dhabbe iskula soo rida, xaqiiqduse wexeey tahay inaan wax sugan laheyn, iyadoo eey taasi jirto ayaa haddana waxaa marag ma doonato ah ineey jiraan juffooyin soomali ah oo la yiraahdo yemen ayeey ka soo jeedaan, midab ahaana u dhow carabta, laakiin nasiib xumo wixii bur-burkii ka danbeeyey ayaa waxaa soo if-baxayey in leysku caayo carabnimadii aheyd middii qolooyin badan u xusul-duubayeen, waxaana waadix ah ineey taasi sabab u tahay awood millatari la'aanta ku habsatay soomali yemen-ta ama muwalidiinta, inkastoo aan dhihi karo qoladii aan xasuuq ka qeyb qaadan ineey nasiibsatay, haddana waxaad maqleysaa " war carabnimada iska daa" oo loo jeedo fulaynimada iska daa !

Carabnimo naceybka soomalida:

aan ku hormaree sayid max'ed c/lle xassan oo in badan la dagaalamay gumeysigii ingiriiska ayaa laga hayaa " maandhow calaacalka iga daa carabi waa naage" markii mid ciidamadiisa ka mid ahaa uu u soo bandhigay in sayidku kaalmo millatari weydiisto carabta, ku dhawaad boqqol sano ka gadaal, gaar ahaan markii dagaaladu qarxeen ee dhamaan caalamka aan islaamka aheyn gaar ahaan reer galbeedku irdohooda u ballaqeen kumanaanka qoxootiga ah ee soo higsanayey dhulkooda ayeey carabtuna quffollo waaweyn irdohoodo ku oodeen iyagoo waliba boqolaal soomali ah oo wadanka ugu hodansan carabta ee saudi arabia u soo magan galyooday eey ku xirxireen xeryo ku yaal saxaraha geeri go'anta ah ee boqortooyada, inkastoo boqortooyadu gacanta ku heyso labadii xaram ee Alle oo la dhihi karo iskama aqbali karaan cid walba oo magan galyo weydiisata ayeey haddana soomali badani ashqaraar & amakaag ku noqotay arrinkaas.

sababahan & is barbardhigid leys bar bardhigayo galbeedka & carabta ayaa sababay in soomali badani nacaan carabta oo dhan, oo xitaa mararka qaar gaarsiiyaan meelo ka baxsan xuduudaha akhlaqiga ah ee is dhaleeceynta ummadaha, xaalku siduu doonaba ha noqdee soomalida ku dhaqan carabaha oo aan billowgii sanadkan tagay ayaa la dhihi karaa waa kuwa ugu carab neceb, taasina waxaa ka keenay xuquuq duudsiinta ka aloosan khaliijka guud ahaan, gaar ahaan boqortooyada sucuudiga, haba sheegin tarxiilka joogtada ah ee lagu hayo quruumaha aan sharciga ku joogin wadankaas, sidoo kale waxaa jira aqoonyahanno ugu ciil qaba carabta si soomaalinimo ah, wexeeyna ku eedeynayaan in qaramada carabtu si aan naxariis laheyn u bililiqeystaan kheyraadka dabiiciga ah ee wadankeena oo isugu jira: xaalufinta dhirta oo reer khaliijku u soo iibsadaan dhuxusheen si eey " digaag wanaagsan oo caraf badan ugu dubtaan iyagoo awooda ineey gaaska eey hodanka ka yihiin wax walba ku karsadaan". midda labaad ayaa ah : soo dhoofsiga xoolaha dhidig ee ku soo shubmaya xeebaha khaliijka iyagoo waliba og sharci ahaan & damiir ahaanba ineeysan soomaalidu raali ka aheyn.

Gunta carabnimada & carabnima neceybka:

Aniga shaqsiyyan wexeey ila tahay inuusan qofna ku janno tageyn carabnimo, Alle agtiisa astaamo kale ayaa lagu kala horeeyaa, ha yeeshee waxaan aad & aad uga digayaa in lagu tarax-tago neceybka carabta oo si aan akhlaaqi aheyn loo hadlo, hadii aad carab oo dhanna wax ka sheegto waxaad si toos ah ugu soo dartay suubaniheenii SCW & asxaabtiisiiba, wexeey ila tahay in shaqsiyaad koobani ag mareen carabnimadii sharafta laheyd.

Arrinta sheegida muddana wexeey tahay in carabnimo eeysan faan aheyne islaanimo faan tahay, taariiqduna wexeey xustay in diintu nasoo gaartay ka hor intaaneey gaarin magaalada labaad ee ugu barakeysan islaamka oo ah Madina-al-munawara, taasna waa tan maanta soomalida ka dhigtay 100% muslim, halka wadama carbeed eey leeyihiin wax kor u dhaafaya 10% aan muslim aheyn

Wabilaahi-Towfiiq

C/raxman Ceynte

MPLS, MN

ceynteyare@hotmail.com 

 

FAAFIN: Agoosto 30, 2002 | SOMALITALK.COM

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qorayaasha ku saxiixan 


WARARKA KALE AGOOSTO  | WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

.

HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cudurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..  26/8
 
Nin Soomaaliyeed oo u Baahan in Degdeg Kelyaha Looga Bedelo

AUSTRALIA - Ninkaas Soomaaliyeed oo kelyihiisu hawlgab noqdeen waxa uu u baahanayahay US$22,000, waxaana hadda loo hayaa US$12,000, hadaba waxaa laga codsanayaa dhammaan in GUJI... 28/02
 

Shirka Eldoret oo Qabsoomidoona 16ka Sept


Cabdullaahi Yuusuf oo Jooga Garoowe
Xasan Abshir oo Lakulmay Amiir Cabdalla
Warsaxaafadeed: Beelaha Mareexaan
Prof. Samatar oo Kufashilay Diidmadii Galayr
Degaalo lagu Jabiyey Ciidanka Gumeysiga
Kulan Laguqabadoono London, UK
Caydiid oo Codsi udiray Reer Muqdisho
Puntland oo Beenisey Warkii UN-ka
AIDS oo Agoomeeyey 1.1 Million Carruur ah
Waan-waan Nabadeed oo Kasocota PL
Ciyaaraha Xagaaga ee Soomaalida Yurub
BAYAAN ku wajahan maamulka Hargeysa

Baaq Xabad Joojin, Dagaal Joojin & Nabad


Warsaxaafadeed: Qardho
Iran & Carab kusoo badanaya Jaamacadaha
Ciidamada Jarmalka iyo Ciraaq
Murshid Barud oo Kalaabtay sharaxaadii
SOOMAALIDA ODENSE, DENMARK  OO U QAXAYA DALKA ENGLAND
Dagaal Ka Dhacay Muqdisho 
"Cambaarayn Afduubkii C/Qaadir" UN
Heshiis Dhexmaray xawaaladaha Somalida Baaq Kasoo Baxay Beesha Saransoor 
Shir Lagu Taageerayo ONLF - K/Africa 
Casharadii Saxaabada oo Dib u Bilowday
"Screening Cards loogama baahna Soomaalida Kenya" Waxa yiri Moi
UNHCR oo soo Gabagabaysay bixinta Kaararka Aqoonsiga Qaxiitiga Sanca 
Itoobiya oo Ka Mamnuucday Shilinka Soomaaliga in lagu Isticmaalo Dh/buur
Moi oo Soo gabagabeeyay Safarkiisii Gobolka W/Bari Kenya
10,000,000 Sh.So ayaa La Dhacay, Laba Gabdhoodna waa La Qafaashay Suuqa Dayax
WARARKA SOOMAALIDA - AGOOSTO 6-7
Falal Kufsi Iyo Dil Iswata Oo Ku Soo Kordhay Muqdisho
Qofkii 18aad ee Soomaali ah oo lagu dilo K/Afrika
Wardheere oo Soosaaray Baaq Nabadeed
WARARKA PUNTLAND - AGOOSTO 4
Prof. Samatar oo Diidan in Dr. Galaydh  Waxkadhigo Jaamacada Minnesota
Mashruuca Cisbitaalka Boossaso
Xasan Abshir oo Ka Dhoofay Muqdisho
Dalsan USA oo Jebisey Khidmada Lacagta
Gudiga Farsamada oo Tegey Kismaayo
Ciidanka ShaatiGuduud oo si Buuxda ula Wareegey Magaalada Baydhabo
Sucaad oo Sabtida Bosaso Lookaxayndoono
Ururka Dhallinyarada Ogadeenya oo Jawaab Kulul Kabixiyey Baqii Waxgaradka S.G...

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD