SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO

Sweden iyo Siyaasiinteeda Aflagaado Baradka ah Maxaa kalaheysta?!
" Cudurkii Denmark oo soogalay!" 

wq. Ikraam Cali-kaar | Gothenburg,Sweden

Dalkan Sweden waxaa maalmahan kasocday ollale xoog leh oo loogu diyaar garoobay doorashada jegada Ra'iisal wasaarenimada ee afartii sano mar laqabto.Dhamaan axsaabta siyaasada dalka kuwii muxaafid iyo mucaarid ahaaba wey isa soo sharxeen sidii caadada aheyd iyaoo kiisas balanqaadyo aan lameel marineyn wata.

I  I  D  H  E  H

Sidoo kale maalmahan waxaa gebi ahaanba warfaafinta dalkan qeybaheeda kala duwan ay hadal heysay loolanka ba'an ee u dhaxeeya urrruraadasi ee diyaargarowga ujiro sidii ay uga qeyb galilaaheeyn doorashooyinka lugu wado iney dhacaan 15 bishan september waa maanta oo axad ahee. Hadaba inta aan la gaarin balanqaadyada beenta ah ee wax kasoo baxaa jirn, oo ay had jeer layimadaan dhamaan dal kaska oo doorashooyin xor ahi iyo demuqraadiyad kusheeg kajirto,ayaa isweydiintu waxaa ay tahay waa dad ceynkee ah sidee ayey u shaqeeeyaan siyaasinta dalkan Sweden,shaqsi ahaan kahadlimeynee waxaanu ka hadleynaa fikirka iyo maabaa'diida aaminsan yihiin,marka ay dan leeyihiin iyo marka ay gaaraan danahooda gaarka ah??!

Sideeda marka qofka siyaasiga ahi uu doonayo in magac kuyeesho saaxaadda siyaasada waxaa uu layimaadaa fikrado kuwajahan doorkiisa siyaasadeed,haddii ay ahaan laheyd xagga aqoonta,cod karnimada iyo waxa uu doonayo in uu kabadalo hanaanka siyaasadeed mustaqbalka fog ee dalka.Tanoo markaasi keenta ruuxaasi siyaasiga ah in dadku ay u aqoonsanaadaan siyaasi waxtar u leh dalka iyo dadka kuna haboon inuu noqdo hogaamiye.Hadaba iyada oo arinku siyaasi yahay,ayaan markale jeleeceynaa maqaalkeena kusaabsan siyaasiin kusheega dalkan Sweden qaarkood ee loolanka ba'ani ugu jira sidii ay ugu muuqan lahaayeen siyaasada dalkan ee qunyar socodka ah.

Waxaa mudooyinkaan danbe-ba socday doodo isadaba joog ah oo warbaahinta dalkan qeybaheeda kala duwan lagala socday kuwaasoo dhamaan axsaabta siyaasada dalkan ay ka qeyb qaadanayeen. Todobaadkii hore ayaa telefeshinka dalkan waxa uu soosaaray barnaamij ka hadlaya doorashooyinka, isagoo u dhabagalay goobaha warbixinada ee axsaabtaasi siyaadeed leeyihiin iyo barnaamijada siyaasadeed ,sidoo kale waxaa uu telefeshinku soosaaray muuqaalo iyo codod uu si qarsoodi ah kaga duubay qaar katirsan siyaasinta dalkan.

Tanoo keentay markaasi in si dhab ah loo ogaado dadkii ku doodi jiray waxaan wax u qabaneynaa ajaanibta iyo dalka, in hada la ogaaday in ay yihiin dad ku dheer naceybka shisheeyaha,oo hadalada macaan marka ay kaamirada muuqato sheegayaan ay tahay "Kaaf iyo Kaladheeri"

Ninka lugu magacaabo Ulf Björkman oo ah gudoomiya degmada xaafada Solna ee magaalada Stockholm ayaa laga duubay hadalo sir ah ay ka muuqdeen naceyb iyo cunsurinimo. "Markaan joognay Afrika,waxaan ku kaftami jirnay sida ay u adagtay in la kala saaro daanyeerka iyo dadka madowga ah,Daanyeerka mooska marka loo tuuro waxa uu kuqabsadaa lugaha" ayuu yiri ninkaasi oo hadaladiisa laga dha -dhansanyey inaaney xagiisa jirin wax farqi ah oo u dhaxeeya dadka afrikaanka ah ee madow iyo daanyeerada. Sidoo kale ninkan ayaa kamid ah sagaal iyo toban siyaasin ah oo si qarsoodi ah looga duubay sawirada la iska arko ee kaamerida,iyagoo markaasi doodo uga socday goobaha warbixinada ay leeyihiin.

Ninka weriyaha oo barnaamijkan sida qarsoodiga ah ugu sooduubay xaruumaha warbixineed ee ururada qaar oo magaciisa layirhado Janne Josefsson ayaa sheegay in sida lamoodayo siyaasinta qaarkood iyo fikradaha ay dadku ka aamisan yihiin ay farqi weyni udhaxyeso,mudadii yareyd ee u kuuragalay howshiisii sawirqaadista qarsoon scotay isagoo wax badan soo ogaday,gaar ahaan doodaha kusaabsan "Siyaada sisheeyaha"ee dalkan. Weriyaha oo hadalkiisa siiwata wuxuu sheegay in siyaasigaasi iyo qaar kaloo badan ay meel cad iska taageen arimaha laxirriira dadka soogalootiga ah.Tanina y fadeexo ku tahay xisbiyada ay matalaan oo u baahan in dib habeyn lugu sameeyo.

Sidoo kale ninka lugu magacaabo Chirister Ewe oo katirsan xisbiga garabka Bidix ee (Medorat partiet-k) ayaa inta badan u muuqaday nin sawir wanaagsan ka bixiya dadka sisheeyaha ah,hase ahaatee markii kaamirada qarsoon hoosta laga geliyey waxaa uu noqday nin labo cod leh,waxaana isagoo aflagaadeynayey yiri"Labo arimood dadka Muslinka ah waa nooga fiican yihiin,waa iyga oo carruur badan dhala iyo iyagoo been u sheega sistem-keena" Isagoo markale hadalkiisa siiwata wuxuu sheegay iney saxsaneyd haweeneyda layiraahdo Pia Kjaersgaard,oo ah naag denish kuna caan ah siyaasada shisheeye naceybka,islamarkaasna katirsan xisbiga xag jirka ah ee Danks Folkpartiet."Qalad maahan sida ay Denmarka sameysay" ayuu hadana sii daba dhigay hadalkiisii.

Markii Tv-ga Cadeymo Layimid Maxaa Dhacay?

Markii la iskugu yimid barnaamij qaas ah oo beryahan Telefeshinka waday waxna laga weydiiyey sida uu arko qaabka ay Denmark ula dhaqanto shisheeyaha waxaa uu sheegay inaanu marnaba ku raacsaneyd siyaasada denish-ka oo kasoo horjeedo.

Mar wax laga weydiiyey sirta ka fashilantay waxaa uu tibaaxay inaanu isagaba isgaran (muuqaal ahaan oo u muuqaday mid laqaameeyey)"Isma hubi "ayuu yiri mar uu warameyey wargeyska maalin laha ee Expressen isagoo iska dhigaya nin dabin siyaasadeed loo dhigay.

Dhanka kale haweeneyda lugu magacaabo Christina Harjulin oo iyadana ka tirsan isla xisbigaasi Garabka Bidix ee (Moderatpartiet-ka) ayaa iyadana sidoo kale kudhacaday dabinka kaamirada qarsoon Tv-ga lasoo kala baxay, ayaa sheegtay sida ugu xuntahay xaafad kamid ah xaafadaha caasimada Stockholm oo ay ku hanweyneyd in hada ajaanib badan la ciireyso.

"Xaafada Kista markeedii hore waxey aheyd goob degan oo aan laheyn shisheeye laakin hada waxaa kusoobatay dad soogalooti ah, anigana ay lama hurana igu tahay inaan ka dheerado meel ay joogaan dadkaasi" Mar iyadana wax laga weydiiyey hadalkaas waxey kujwaabtay ineysan weligeed kala hadlin oo labo wajiile noqon. Markaana sawirkeeda si qaldan loo qaatay."Cid walibaa waa i garaneysaa inaan ahayn ruux sidaas ku dhaqanta" ayey tiri haweeneydaasi oo fajaciso kunoqotay in iyadoo aflagaado u geysaneyso dadka qaxootiga ah laga daawado Tv-ga.

Tan iyo intii ay cadaatay sida ay u hadlayaan siyaasin kusheega dalka Sweden,waxaa uu buuq iyo xiisad ka abuuray guud ahaan dalka oo siweyn loo hadal hayey baryahan.

Waxaana wararkii ugu danbeeyey ay sheegeen in qaar katirsan kuwii aflagaada u geystay guud ahaan ajaanibta iney iskaga hareen siyaasada kadib markii kalsoonidii ay bulshada Swedhish-ka ahi kala laabatay.

Maanta oo Axad ah bishuna ay tahay 15 september ayaa dalkan Sweden guud ahaan waxaa loogu dareerayaa codbixinta doorashooyinka jegada Ra'iisalwasaarenimada oo afartii sano mar laqabto. Dadka shisheeyaha iyo soomaalida inteeda badanba waxaa ay codkooda siiyeen xisbiga talada haya ee (Social Demokrat-ka).

Ikraam Cali-kaar
Gothenburg,Sweden
E-mail: Ikraam@journalist.com 

 

 AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 Sept 16, 2002 | SOMALITALK

 


» DKMG oo awoodeeda ku tijaabisa dadka danyarta ah [Macalin]
» Ragga toodii aragnaye , Dumar talo ma laga deyey [Hirsi]
» Baadida Nin Baa Kula Deydeyi Daala Kaa Badane
[Gutale]
» QAAMUUSKA MAAHMAAHYADU WAA QIIMA-GAL [Imdeeq]
» SOOMAALIYA - QABQABLE DAGAAL IYO QABYAALAD[Canab]
» Mushkiladaha Soomaalida Qurbaha (3) [wq.SaciidCali]
Dhacdooyin Bileedka Ogaadeenya (Jul,Aug)
Warbixintan oo lagaga hadlayo Dhinacyada Siyaasada, Milatariga, Xuquuqul Insaanka iyo Xaaladaha kale ee ka Jira Ogaadeenya iyo Itoobiyada Gumeysataba GUJI
Maxaabiis Oromiya Laga Sii Daayay
xabsiyadda dalka Itoobiya gaar ahaan dhulka ugu wayn ee dalkaa "Oramiya" ayaa laga sii daayay maxaasiib aad u fara badan
GUJI 14/9
Gudoomiyaha UEFA oo la kulmay Somalida
Guddoomiyaha xiriirka Kubbada Cagta ee Yurub ayaa
GUJI.. 13/9
Eedaysane Argagixiso ah mise M
udane
Musharax ah: C/risaaq Aaden Cali oo ka mida sadexdii..  GUJI.. 13/9
Qoraaga Wargeyska Assiyaasi - Nairobi
oo sheegay in noloshiisu khatar kujirto  GUJI.. 13/9
Cadaadis Lasaarayo Itoobiya
waa cadaadis ku saabsan arimaha Soomaaliya, warkaan iyo Ganacsato Ingiriis ah oo yimid magaalada Muqdisho  XORIYO 13/9
"FARAGELINTA ETHIOPIA
 iyo Dagaal ooge Col. Abdullahi Yuusuf Axmed,"  sidaas waxaa kubilaabmay qoraal SomaliTalk kasoo gaarey GUJI 12/9
IGAD oo Shir Jaraa'id ku Qabatay Nairobi
shirkaas jaraa'id waxay IGAD ku sheegatay in shirka dib u heshiisiinta soomaaliyeed  uu yahay mid lagu IQRA. 12/9
Waftigii Xasan Abshir oo Kadhoofay Yemen

WARARKA KALE AGOOSTO  | WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 
em@spam.com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..  26/8
 
XAMARCADEEY
Caddeynta Xaqiiqada dhabta ah ee Dhulka Banaadiriga
Taariikhdu dadkay bartaa Dunida way iftiimisaa
GUJI...
[Dr. C/Qadir -Muriidi golf]
 
CALI JARMAL
Waraysi uu Bixiyey Cali Jarmal 
Waraysi dheer oo uu bixiyey Mudane Ali Addow Mohamed (Ali Jarmal) ayuu kusheegay in shirka Kenya GUJI... 26/8
 
N A B A D A Y N
Baaq Nabadeed Colaadda Mesagawaay
Dhammaan Muddulloodka wax garadka ah ee ku nool Skandinaviya ( Sweden. Denmark, Finland, Norway) Waxay ugu baaqayaan... GUJI.. 22/8 
 
S U U G A A N
Abwaan Maaweel oo Kawaramay Suugaantiisa
Maaweel oo dhowaan socdaal ku soo gaadhay magaalada Nairobi ayaa waxaa waraystay Ibraahim Maxamedeeq oo ah qoraa suugaanta soomaalida xiiseeya ayaa ... GUJI.. 22/8 
 
LAASCAANOOD
Urur Cusub oo laga Sameeyeey Laascanod
Uurkan oo lagu magcaabay (S.S.H.Y.L.) oo noqonaya Sol, Sanaag, Hawd, youth League, waxaa  GUJI... 28/8
 
KOONFUR AFRIKA
Shirweynaha Aduunka oo Kasocda K/Afrika
Shirkan oo lagaga hadlidoono Ilaalinta deegaanka, La dagaalanka cunto yaraanta, Ka hor taga xaalufinta deegaanka iyo  GUJI... 28/8
 
S A C U U D I G A
Xasan Abshir oo Lakulmay Amiir Cabdalla
Ra'iisul wasaaraha DKG ayaa sucuudiga kula kulmay Amiirka Cabdalla Bin Cabdulcasiis Al-Sacuud  GUJI   Agosto 14
 
M U Q D I S H O
Falal Kufsi Iyo Dil Iswata Oo Ku Soo Kordhay Muqdisho
Magaalada Muqdisho, caasimaddii dalka Soomaaliya, hoygii nabadda iyo amaanka, xadaaradda iyo tacliinta... hadda waxay noqotay GUJI... Agoosto 6
 
X A M A R
Caydiid oo Codsi udiray Reer Muqdisho
warkaas iyo Taliyaha Ciidanka Ka Fallaagoobey Qanyare Oo Ka Hadlay Dagaalkii Dhowaan Dhacay AKHRI   Agosto 13
 
K U W A I T
BAYAAN ku wajahan maamulka Hargeysa
KUWAIT - Guddiga Fulinta ee Jaaliyadda gobolada Sool Sanaag iyo Hawd ee degganna Kuwait ayaa. GUJI..  Agosto 12
 
DILKA K/AFRIKA
Qofkii 18aad ee Soomaali ah oo lagu dilo K/Afrika
Deeqa Ibraahim Cawad (Allah ha u naxariistee) ayaa dhimatay kadib markii dad aan la aqoon ay kuweerareen gurigooda uu kuyaal xaafada MAYFAIR ee. Warbixinadii  Axmed.Dowlo | Caqiil.Sh.Yuusuf Agost 5


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD