|
Waraysi SomaliStar la yeesheen wasiirku xigeenka warfaafinta iyo
Boostada Puntland, mudane C/shakuur Mire Aadan
C/shakuur Mire Aadan
(Cobol)
|
Wargeyska SomaliStar oo ah kan ugu caansan
wargeys Soomaaliyeed oo kasoo baxa Minnesota ayaa waraysigan qaaday:
Waxaa wargayska Somalistar usuura gashay inuu waraysi la yeesho mid ka mida
golaha wasiirada ee uu dhowaan magacaabay kornayl C/laahi Yuusuf Axmed.
Hadaba waxaan waraysi dheer la yeelanay wasiirku xigeenka warfaafinta iyo
Boostada mudane C/shakuur Mire Aadan oo loo yaqaan Cobol. C/shakuur wuxuu ku
dhashay Qandala oo ka tirsan gobolka Bari 1963. Wuxuuna waxbarashadda hoose ku
dhameeyey magaaladda buulobarde. tan dhexe iyo sarena muqdisho. dugsigii sare ee
badda .
Intaa ka dib wuxuu ka soo qalin jebiyey kulliyaddii macalimiinta farsamadda
qaybtii badda sanadkii 1984-tii.C/shakuur wuxuu ka soo shaqeeyey wasaaraddii
kaluumaysiga ee dawladdi Soomaaliyeed barigay jirtay.
Wuxuu ka mid noqday saraakiishii wasaaraddas, ilaa uu ka gaaray hogaamiye
markab(captain).
dhinaca kale wuxuu si gaar ah u xiisayn jiray qoraalka. sanadkii 1982-dii ayuu
markii ugu horeysay wuxuu maqaalo ku qori jiray wargayskii xiddigta oktoobar.
wuxuuna qoray 4 buug iyo filim aan qoraalkooda wax ku lahaa soo saarana ka ahaa
oo la oran jiray EEDAYSANE sanadkii 1988 bishii janaayo ayaa la soo bandhigay.
1991 -kii wuxuu tafatire ka ahaa wargays la oran jiray ILEYS oo ka soo bixi
jiray kismaayo. wuxuuna maqaalo aad u badan ku qoray wargaysyadda ka soo baxa
bosaaso, galkacayo. sida SAHAN, SOOYAAL, YOOL, YAMAYSKA, wargayskan Somalistar iyo
weliba bogga internet-ka qaarkood. sanadkii 2001 bishii oktoobar kolkuu ka nastay
badda ayuu noqday agaasimaha Idaacadda MIDNIMO ee ka hadasha Boosaaso.
Ugu dambayn waa qoraaga sheekada taxanaha ee kuu soo baxada wargayska Somalistar
ee la magac baxday Dhalanteed Jacayl.
Waraysigiina wuxuu udhacay sidatan:
Somalistar: Waxaa jirtay inaad ka mid ahayd dadkii iftiimin jiray daldaloolada
maamulkii hore ee C/laahiYuusuf, haatan waxaad ka mid noqotay golaha wasiirada ee
maamulka C/laahi Yuusuf maxaa iska bedelay mawqifkaagii hore? Maxaase saxmay ayaad
isleedahay?.
C/shakuur: Way jirtaa inaan maqaalo badan ku dhaliili jiray maamulka pl. anigoo
iftiiminayey goldaloolooyin jiray waqtigaas ha ugu horeyso sidii loo maamulay
shirkaddii Hart Group.
waa run iminka waxaan ka mid ahay golaha xukuumadda
puntland wax isbedelay ayaa lagu macnayn karaa waayo aragnimo dhamaan dadka reer
pl u korortay oo ah inay ogaadeen cidda cadow u ah iyo cidda gacal u ah waa
marka laga hadlayo karaamadda shacabkayga reer puntland
Somalistar: Raadiyo Xoriyo ood agaasime ka ahayd dad badan baaaaminsan inaad
heshiis hoose ku soowada gasheen sidii aad uga qayb qaadan lahayd sidii markale
dib loo sooocelin lahaa maamulkii uu C/laahi Yuusuf madaxda ka ahaa adiga iyo
C/laahi Yuusuf mar aad ku kulanteen magaalada Gaalkacyo markii uu ku sugnaa,
wixi kadambeeyeyna idaacada xoriyo ay ahayd idaacad uxaglisadhanka kornayl
C/laahi Yuusuf ma jirtaa xantaas iyo waliba
soo dhawayntii Boosaaso ee C/laahi
Yuusuf ood gacan libaax leh ka gaysatay?.
C/shakuur: Waan tegey magaaladda gaalkacayo 16 oktoobar sanadkii 2001-dii, waa
aan la kulmay madax weynaha waxaana kulankaas goob joog ka ahaa Gen maxamed
Jibriil Muuse. waxaana isla soo qaadnay xilligaas oo puntland qalalaaso ku jirtay
sidii loo badbaadin lahaa. hase ahaate kulankaasi wuxuu ahaa mid aniga ii gaar
ah oo aan khusayn idaacadda Midnimo.. tan kale in madaxweyne c/laahi la soo
dhooweeyo wax dembi ah ma ahan. mana ahan arin la isweydiiyo. Boosaaso dadkii ku
noolaa 85% ayaa soo dhoweeyey
Somalistar: Sannad ka hor waxaad ka mid ahayd dadkii aaminsanaain xiligii
kornayl C/laahi uu dhamaaday loona baahanyahay isbadal dhanwalba leh iyo
doorasho caadil ah oo lagu soo doorto madaxweyne cusub ee Puntland yeelato,maxaa
iska bedelay figradaas aad sannad ka horaaminsanayd?.
C/shakuur: Ma aanan aaminsanayn. waxaan anigu shakhsi ahaan ka soo horjeeday
nidaamka Carta ee uu hogaamiyo C/qaasim. waxaan aaminsanaa haddii wax la
bedelayo in figradda dadka reer puntland ay ka timaado ee aan dad kale nagu
shaqeysan. way muuqatay inaan doorasho la qaban karayn duruufo jira awgood.
balse waqtiga arimahaasi socdeen wadanka waan ka maqnaa
Somalistar: Marakan oo khilaaf weyn oo siyaasadeed uu ka jiro Puntland ma
umalaynaysaa inay hirgali karto dawladanuu magacaabay C/laahi Yuusuf iyadoo uu
jiro dhan kale oo iyaguna sheeganaya inay yihiin maamulkii xaqa ahaa ee shacabku
soo doortay C/laahina uu inqilaabay?.
C/shakuur: Ma jiro khilaaf weyn oo siyaasadeed. wax la isku diidan yahay ayaa
ah aan xor noqon haddii aan nahay reer puntland iyo noqonmeysaan ee waxaan idiin
dulaaleeynaa c/qaasim. marka sidaas in wax loo fahmo ayaa haboon. way
hirgelaysaa dawladu waayo inta badan bulshadda puntland ayaa taageersan tan
waxaa marag u ah sidii madaxweynaha looga soo dhoweeyey magaalooyinkii uu
booqashadda ku tegey. waxaan u malaynayaa riwaayaddi Garoowe
ee shirkii aan la
isku raacsanayn inaad adigu u taqaan maamulka xaqa
Somalistar: Hadii dhan kale aad ka fiiriso ma la oran karaa C/laahi waxbaa iska
bedelay siyaasadiisa waayo wuxuu dawladiisii ku soo daray rag hore mucaarad ugu
ahaa ood adiguba ka mid tahay, maadaama aan hore loogu aqoonin cid mar ka
hortimid uu soo dhaweeyo?.
C/shakuur: Waa jiraa isbedel. waayo waqtiga dhibaatadda ayaa dadka la kala
bartaa
Somalistar: Maxaad filaysaa inay ka hirgalikaraan maadaama colaadihii ay
dhalisay siyaasada lagu kala qaybsamayee reer Puntland ay wali taagan tahay
colaadiina aysan wali dhamaan sidee lagu dhamayn karaa ayaad qabtaa colaadaas
sokeeye ee ka aloosan Puntland?
C/shakuur: Puntland colaadi kama jirto. waqtigan la joogana waa nabad.
colaadiina waa la soo afjaray. marka annagu bello ma ogin
Somalistar: Door intee le’eg ayaad ka ciyaari kartaa baad isleedahay inaad soo
dabaasho dadka maamulkiina ka soo horjeeda maadaama aad tahay nin dhalinyar ah
sumcadna ku leh gobolada Puntland?
C/shakuur: Marna lama oran karo mucaarad ma jiro. balse mucaaradka ayaa kala
duwan. cidii aan ku xirayn Carta dabcan waa lala xaajoonayaa. dawladduna
wasaarad dhan ayey ugu talagashay dib u heshiisiinta. intaas ka dib shaqsiyan
doorkaygu waa mid muuqdda.waana jiraan dad badan oo aan ku soo dabaalay dhanka
xukuumadda ha ugu mug weynaadoo heshiiskii Carmo oo dawladda iyo dadka
degaankaasi aad isugu afgarteen. taas oo sababtay in meesha laga saaro humaagii
ku kala dhexjiray dawladda iyo daka degaankaas degga. waxaan rajeeynayaa in
badan oo asxaabtaydda gudaha iyo dibaddaba ay markan nagu soo biiri doonaan si
loo dhidbo puntland ka fiyoow cuduro badan
Somalistar: Maamulka aad ka midka tahay ma qorshaynayaan dagaalla’aan inay
shacabka aan taageersanayn C/laahi iyo garabka kale ee Jaamac Cali Jaamac ee
kasoo horjeeda ay si nabad ah maamulka ugu yeereen oo kusoo daraan oo dawlad
wadaaga dhisaan? mise amulkiinu waxaad aaminsan tihiin in xabad oo qura uu xalku
kujiro guulna lagu gaari karo?.
C/shakuur: Xabadu xal ma ahan.haddii cid hadal wax ku qaadanayso waa lala
hadlay kooxda aad ka hadlayso. lagase fursanmaayo in la dagaalamo haddii
maslaxadda dantu ku jirto laga dhego-adeeygo,
Somalistar: Ugu dambayn ma rajeynaysaa in maamulkan hada uu magacaabay uu wax
weyn ka bedeli doono aragtidiisiyaasadeed ee uu qabay ama lahaa maamulkii hore
eeC/laahi Yuusuf khilaafkii kal hore kadib ama aragtida shacabka reer Puntland
ee siyaasada ku qaybsan?.
C/shakuur: Horta ma jiro wax reer puntland ah oo kala qaybsan. wadar jeer ayaan
taas kuu cadaynayaa. dabcan waxaan naawilaynaa inaan wax badan qabano oo muujino
isbedel lagu farxo dhan walba. iyadoo dawladdu diiradda saaraysa in dadweynaha
la wacyi geliyo is aanay markale u iman sinbiriiraxashadii hore oo kale.
Somalistar: Golihii wasiirada ee uu magacaabay C/laahi Yuusufwali waxay ku
sugan yihiin Boosaaso, kana hawlgalayaan intii mudo ah Boosaaso. Waxaa taas dadka
qaarki kumacneeyeen inaan wali laga wada taageersanayd magaalamadaxda Puntland
ee Garoowe garabka C/laahi Yuusufayna wali ku xoogan yihiin taageerayaasha
Jaamac CaliJaamac taas maxaa ka jira?.
C/shakuur: Waa lama huraan in si dhaqso ah loogu guuro Garoowe waayo iyadda ah
caasimadda dawlad goboleedka puntland. ma garan karo suaalaha kale meesha aad ka
keentay. waxaan hubaa in meesha ugu kalsoonidda baddan dawladda ay tahay
Garoowe, dadka reer Garoowe-na maanta waa dad bisil. lagamana yaqaan
taageerayaasha aad carabka ku dhifatay
Somalistar: Xagee ku danbeeyeen maxaabiixtii dagaalka lagu kalaqabsaday gaar
ahaan kuwii maamulkiina aad gacanta kudhigteen?
C/shakuur: Waxay sugayaan maxkamadd waayo waa maxaabiis la soo qabqabtay iyagoo
dagaalamay. waxay ku sugan yihiin xabsiga dhexe ee Bosaaso
Somalistar: Warar ayaa sheegaya in maxaabiista qaar laga yaabo inaad ugacan
galisaan ama ku wareejisaan dawlada Itoobiya ma jirtaa warkaas?.
C/shakuur: Waa wax lagu qoslo weydiintani. cidna shisheeye gacanta loo
gelinmaayo. puntland waa maamul goboleed is maamusha oo aan meele kale laga
maamulin. balse hadaladda fadhi ku dirirka iyo xaqiiqadu way kala fog yihiin.
dhaqankeena ma ahan inaynu cid kale isu gacan gelino.
Somalistar: Maxamed Xaaji Aadan oo xukuumadii hore ee C/laahiYuusuf wasiir ka
ahaa ayaa dhawaan ku qabateen jiida dagaalka dad badan ayaa islahaa kornayl
C/laahi waxaaba suurowda inuu ku soo daro golaha wasiiradiisa cusub xagee
xaalkiisu ku dambeeyey hada?.
C/shakuur: Waxaa ogahay in dagaalkii lagu soo qabtay uuna ka mid yahay
maxaabiista xabsiga bosaso ku jirta, c/laahi yusuf weydii haddu golaha
dawladiisa ku soo darayo iyo haddii kale hawl aniga ii taal mahan
Somalistar: Ugu dambayn maxaad kula dardaarmi lahayd dadka akhrisandoona
waraysigaagan ee ku nool waqooyiga Ameerika?.
C/shakuur: Waxaan kula dardaarmayaa in dadka soomaaliyeed isu soo noqon karaan
marka la xisaabtamo, kii wax dilay, kii wax dhacay, kii wax kufsaday, kii guri
ama beer dadleeyahay haysta uu marka hore ogaado dembiga uu galay. dadka dibadda
ku nool waxaan u bidhaaminayaa inay wax badan hubsadaan wararka loo sheego.
Dhamaad.
SomaliStar waxaa lagala xiriirikaraa somalistar1@yahoo.com
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh SomaliStar, kana tarjumi maayo aragtida
SomaliTalk
FAAFIN: September 18,
2002
Magcaabidda Golaha
Wasiirada Puntland MDGP, Cabdullaahi Yuusuf, ayaa
magcaabay golaha wasiirada, wasiir ku xigeenada, taliyaha ciidanka booliska iyo
kuxigeenkiisa GUJI.. 30/8
WARARKA KALE
AGOOSTO | WARARKii
July» GUJI
»
June | MAY
APRIL |
MARCH | FEBRAAYO |
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
em@spam.com
|