SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - CIRAAQ
 Ciraaq: Taariikh kooban wixii ka danbeeyey dawladii Cuthmaniyiinta

WQ. Xasan Nuur
srg14@jubiimail.dk 

Faafin: April 20, 2003

KAAH

Ciraaq ma ahayn oo keliya saldhigii ilbaxnimada iyo horumarka aadanaha qarniyo badan, balse waxay ahayd oo kale saldhigii diimaha samaawiga ah iyo cilmiga lagama maarmaanka u ah nolosha aadanaha. Hadaba laga soo bilaabo [qarnigii] 17-18aad waxay Ciraaq qaybteeda ka qaadatay isbedelada siyaasadeed iyo kuwa dhaqan-dhaqaale oo ay reer galbeedku ku qaadeen dunida inteeda kale, hadaba waxaynu si kooban ugu dul maraynaa taariikhda Ciraaqda cusub kadib burburkii dawldii Cutmaaniyiinta iyo samayntii khariidada cusub ee Ciraaq.

1917 Qabsashadii Ingiriiska ee Baqdaad

1920 25 April waxaa loo aqoonsaday inay qayb ka tahay mustacmaradii ingiriiska

1921 23 August Hussein Bin Ali ayaa loo caleemo saaray inuu u noqdo boqor dalka Ciraaq. Hussein Bin Ali wuxuu ka soo jeeday qoys aad ula dagaalamay dawladii Islamiga ahayd ee Cuthmaniyiinta.

1932 3 October waxay Ciraaq xoriyadeeda ka qaadatay gumaysigii ingiriiska

1958 14 July waxaa boqortooyadii afgembiyey ciidanka qalabka sida oo uu hogaaminayey Abdalkarim Qasim

1963 8 February waxaa dawladii Abd-al-Karim Qasim afgembiyey xisbigii hantiwadaaga ahaa (Arab Socialist Baath Party ASBP), xisbigaas oo uu hogaaminayo Abdalsalam Muhammad Arif

1966 17 April waxaa dawladii qabsaday Maj-Gen. Abdirahman Muhammad Arif oo la dhashay Abdalsalam kadib markii walaalkii ku dhintay shil helicopter

1968 17 July Waxaa dawladii Shuuciyiinta ee ASBP Afgenbiyey xisbiga loo yaqaan Bacath waxaana madaxwayne loo doortay Gen Ahmad Hasan al-Bakar

Khariidada Ciraaq

1970 11 March Waxaa heshiis nabad gelyo wada saxeexday golihii kacaank RCC iyo Shaikh Mustafa Barzani oo ahaa hogaankii Kurdistan Democratic Party (KDP)

1972 - waxaa heshiis saaxiibtinimo oo 15 sano ah kala saxeexday dawladii Sovietka iyo Ciraaq, heshiiskaas oo ku dhawaaday inuu gebi ahaanba Ciraaq iyo reer galbeedka kala dhex dhigo moos adag

1972 waa isla sanadkaase waxay Ciraaq qaramaysay saliideeda oo markii hore gacanta ugu jirtay shirkado rer galbeed ah

1974 kurdiyiinta ayaa loo ogolaaday xukun hoosaad xadidan

1975 March waxay Ciraaq ku wareejisay dalka Iran dhulkii (shatal Carab) u dhexeeyey labada dal oo ahaa mid lagu muran yahay

Ciraaq iyo dhacdooyinkii ugu waayanaa ee waqtigii Saddaam Xuseen

Saddaam wuxuu xukunka qabsaday 16 July 1979, markiisii horana wuxuu ka mid ahaa koox dhalin yaro ah oo lagu litmaami karayey wadaniyiin doonaysey inay wax wayn qabtaan. Si kastaba ha ahaatee ama si kasta ha u adeegsado Saddaam fursadihii siyaasadeed ee soo maray rubuc qarnigii ugu danbeeyey, wuxuu ka ahaa Saddaam Bariga Dhexe farshanka siyaasadeed oo dhacdooyinkii waawaynaa ee uu masuulka ka ahaa lagu xasuusan doono muddo badan oo soo socota ha la arko marlabaad ama yaan la arkine.

1979 16 July waxaa sababo caafimaad isu casilay Ahmad Hasan al-Bakar, iyada oo uu xukunka la wareegay Saddam Hussein oo ahaa ku xigeen

1980 18 March samayn barlaman la soo doorto afartii sanaba hal mar

1980 1 April urur ay taageerto Iran ayaa lagu eedeeyey inuu ka danbeeyey weeraro lagu qaaday meelo ka mid ah gudaha Ciraaq kaas oo la odhan karo wuxuu ahaa bilwgii dagaalka Iran iyo Ciraaq, kadib Ciraaq waxay samaysay ficilo ragaal celin ah

1980 4 September Iran waxay duqaysay magaalooyinka Ciraaq ee ku teedsanaa xuduuda, taas oo noqotay bilowgii dagaal wayn oo dhexmara labada dal

1980 17 September Ciraaq waxay ku dhawaaqday inay ka noqotay heshiiskii 1975

1980 22 September waxaa rasmiya u qarxay dagaalkii Ciraaq iyo Iran, iyadoo Saddaam balanqaad ka haysto CIA-du in Kuwayd uu qabsado haduu ku guulaysto dagaalka Iran

1980 22 September Ciraaq waxay duqayn cirka ah ku qaaday gegooyinka ciidanka Iran

1980 23 September Iran waxay duqayn la beegsatay ilaha dhaqaalaha iyo ciidanka Ciraaq

1981 7 Julay dayaaradaha Israa段il oo baabi段yey warshadii Nukliyerka oo markaa ay dhaystirtay shirkad Faransis

1988 17-18 March waxaa ciidanka Ciraaq uu sun ku buufiyey tuulada Xalabja oo ay ku dhinteen 5 kun oo kurdiyiin ah, iyadoo waqtigaa dawlada Maraykanku sheegtay inaan shunta loogu tala gelin kurdiyiinta, balse waxayba ku eedaysay inay ka danbayso dawlada Iran

1988 20 August xabadjoojintii dagaalkii Ciraaq iyo Iran oo socday sideed dano ayna ku nafwaayeen dad gaadhaya 1 million

1988 6 September cafis loo fidiyey dhamaan Kurdiyiinta ka soo hor jeeday dawlad Ciraaq marka laga reebo Jalal Dalabani oo ah hogaamiyaha urur la magac baxay Midowga Wadaniyiinta Kurdistaan

1989 16 February asaaskii golaha iskaashiga Carbeed oo ay ka mid ahaayeen Ciraaq, Yamen, Masar iyo Urdun

1990 2 Augost amar uu bixiyey saddaam wuxuu ciidanka Ciraaq gacanta ku dhigay Kuwayd, isla bishaa 6deedii wuxuu UNku ku soo rogay Ciraaq cuna qabatayn, 25kiina waxaa la isku raacay in xoog looga saaro, waxay Ciraaq dib u aqoonsatay heshiiskii 1975 ay gashay Iran, iyado ciidanka Ciraaq uu ka soo baxay dhulkii lagu muransanaa ee u dhexeeyey Iran iyo Ciraaq oo ay dagaalkii 8da sano kula soo noqotay Ciraaq

S A R S

Dhakhtar Soomaaliyeed oo Baaq Kasoo Saaray Cudurka SARS
Dr. Muse Yusuf Shirwac (Qeybdiid) oo kusugan Soomaaliya ayaa Xafiiska WHO ee Soomaaliya iyo Howlwadeenada caafimaadka Soomaaliyeed ugu baaqay in.... GUJI... 18/4

TORONTO: Guri dabayo isdul saaran ah oo ay deganyihiin 252 qof oo kuyaal Toronto oo loog acabsi qabo cudurka SARS  Daawo Halkan

SARS: Sheybaarayaasha Canada ayaa helay qaab-dhismeedka uu u samaysan yahay Viruska sababa cudurka hadda dunida ku cusub ee loo yaqaan SARS Daawo Halkan.

CUDUR AAN LA AQOON OO HALIS AH OO KASOO FAAFAFAYA AASIYADA KOONFUR-BARI
 Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaan WHO [World Health Organisation] ayaa faafisay digniin kusaabsan cudur cusub oo dunida ku faafaya, cudurkaas oo GUJI... 27/3

1991 17 January dawlada Maraykanka oo hogaaminaysa dunida inteeda badan waxay weerar ku qaaday Ciraaq, 27kii ayaa la xoreeyey Kuwayd, maalintii labaadna waxay Ciraaq ogolaatay xabad joojin

1991 7 March waxaa dhacay kacdoonkii waqooyiga ee Kurdida iyo kacdoonkii koonfureed ee shiicada, waxay dawlada Maraykanku u ogolaatay in ciidamadii Ciraaq ay burburiyaan kacdoonadaa iyadoo ay ka welwelsanayd dawlada Maraykanku in kooxaha seef la duulka ee gacan saarka la leh Iran in ay xukunka qabsadaan, kadibna waxaa la sameeyey Zonaha diyaaradaha ka caagan ee waqooyiga, waxaa kale oo loo gurmaday qaxootiigii Kurdida ee u soo cararay Turkiga kadib markii ay cagta mariyeen ciidamada Ciraaq kacdoonad waqooyiga iyo koonfurta

1992 27 Augost waxaa la sameeyey Zonaha Koonfureed ee ka caagan diyaaradaha si loo dhiiri geliyo shiicada isla markaana loo soo celiyo kalsoonidooda

1993 13-18 January waxay weerar ku qaadeen diyaaradaha xulafadu konfurta Ciraq iyo warshado ku yaalay agagaarka Baqdaad

1993 27 Jun Maraykanka oo ka aar-gudanay isku daygii dilkii George Bush (madaxwaynihii hore ee Maraykanka) waxaa 23 shaaruukh lagu riday xaruntii sirdoonka Ciraaq taas oo dhulka lal simay

1993 26 November waxay Ciraaq ogolaatay shuruud la誕an qaraarkii kormeerka hubka ee nambarkiisu ahaa 715

1994 October waxaa ciidamada Ciraaq la soo dhoobay xuduudka Kuwayd kadib markii la isku af garan waayey calaamadinta xuduudka labada dal, iyadoo dhul ka mid ah Ciraaq loo gooyey ama lagu daray Kywayd, taas oo ay dhibaato kala kulomeen ciidamdii xulafada, kadibna waxaa loo diray ciidan xulafo ah oo ay ka mid yihiin 29 kun oo askari oo Maraykan ah

1994 10 November waxay Ciraaq aqoonsatay dawladnimada Kuwayd iyo xuduudkeeda

1995 14 April waxay Ciraaq diiday qaraarkii 986 oo ahaa in saliid ay ku bedelato cunto si loo yareeyo dhibaatadii bini誕adan-nimo ee soo food saartay dadka reer Ciraaq

1995 8-22 Augost waxaa urdun u baxsaday Xuseen kaamil oo uu sodog u yahay Saddaam, isla markaana ahaa hogaankii samaynta hubka ee Ciraaq. Xuseen Kaamil wuxuu dalka dib ugu soo laabtay kadib markii ay soo tuftay CIA-du, waxaana la dilay sadex casho kadib soo noqoshadiisii 23 February 1996, waxaa la rumaysan yahay sirta uu bixiyey Xuseen Kaamil inay saldhig u ahayd dhamaan khilaafyadii ka danbeeyey waqtiga sida in cuna qabatayntu sii jirto, kormeerka hubka iyo xitaa duulaanka lagu riday dawladii Saddaam.

1996 20 May waxaa Ciraaq iyo UNku isla ogolaadeen heshiis saliida lagu bedelanayo cunto iyo wixii kale ee daruuri ah

1997 13. November waxay Ciraaq dalkeeda ka saartay dhamaan khubaradii Marakanka ee u shaqaynayey UNka, kadib markii uu fashilmay qorshe hoosaad CIA-du wadatay

1997 18-20kii November waxaa Ruushka iyo Ciraaq wada diyaariyeen qorshe lagu daminayo xiisada soo food saartay qorshihii baabi段nta hubka halista ah ee Ciraaq, kaas oo loogu ogolaanayey dhamaan inay dib u soo noqdaan khubaradii u shaqynaysay UNka jinsiyad kasta ha ahaadeene

1988 16-19 December waxaa Ciraaq lagu qaaday hawl galkii Decert Fox kadib markii dhibaatooyin kale ka hor yimaadeen qaybtii UNka u qaabilsanayd baabi段nta hubka halista ah ee Ciraaq waxaa sadex maalmood oo duqayn ah Ciraaq lagu riday in ka badan 500 oo saaruukh

1999 17 December wuxuu golaha amaanku soo saaray qaarka 1284 oo ahaa nadaam cusub oo lagula soconayo hubka Ciraaqo kaas oo ciraaq diiday.

2001 22 May waxaa Maraykanka iyo Ingiriisku soo ban dhigeen hab cuna qabatayn cusub, kaas oo loogu ogolaanayo Ciraaq dhamaan ganacsiga aan hubka iyo waxyaalaha la xidhiidhaa ku jirin, mashruucan oo Rushku ugu caga jug leeyey Vito ciraaqana ay diiday ma noqon mid sii socda

2002 15 October waxaa dib loo doortay madaxwayna-nimada Saddaam isaga oo ku guulaystay 100% codayntii

2002 27 November waxaa dib u bilaabmay habkii baadhista iyo baabi段nta ee hubka halista ah iyo sawaariikhda Ciraaq, kadib markii la isla ogolaaday qaraarka tirsigiisu yahay 1441

I  I  D  H  E  H

2003 March wuxuu Han Blix shaaca ka qaaday in khubarada hubka ee UNku u baahan yihiin waqti dheeraada inta aan talaabo kale la qaadin

2003 17 March wakiilka Ingiriiska ee UNka oo shaaca ka qaaday inuu soo xidhmay dhaqdhaqaaqii siyaasadeed ee lagu joojin lahaa dagaal Ciraaq lagu qaado, Kofi Anan ayaa amray in lagasoo samata bixiyo khubarada UNKa ee Ciraaq joogta, isla markaana George W. Bush wuxuu u qabtay 48 saacadood saddaam iyo wiilashiisa inay kaga baxaan dalka

2003 20 March waxaa Baqdaad gilgilay sawaariikhda Maraykanka, taas oo ahayd bilowgii duulaankii lagu qaaday Ciraaq

2003 9 April waxaa ciidanka kooban oo Maraykan ah soo galeen badhtamaha Baqdaad, iyadoo ay ku xigtay burburkii nadaamka Ciraaq iyo kala danbaynta oo faraha ka baxay. Waxaa magaalooyinka Karkuuk iyo Mousil gacanta ku dhigay maleeshiyaadka Kurdida iyo ciidamo Maraykan ah, xaalada oo faraha ka sii baxaysay waxaa dhac iyo boob loo gaystay hantidii qaranka iyo tii gaarka ahayd ee dalka, waxaa bilaabmay mudaharaadyo googoos ah iyo xabad aan loo miidaan dayin ciidanka xulafadu ku furayaan shacabka.

WQ. Xasan Nuur
srg14@jubiimail.dk 

Faafin: April 20, 2003

DAGAALKII CIRAAQ MAALINTII: 26 | 25 | 24 | 23 | 22 | 21 | 20 | 19 | 18 | 17 | 16 | 15  | 14  | 13  | 12  |  11 | 10  | 9 | 8 | 7 |  6  | 5  | 43 | 2 & 1

Qoraaladii Hore ee Xasan Nuur... GUJI 

DjiboutiII.1 | DjiboutiII.2 | DjiboutiII.3 | DjiboutiII.4 | Liishaanka | Faallo | Sooyaalka | Carr0-edeg | Publications | Som.Basic.Rights | Shir.Aarhus | Booqashowafti | CGG | CGG.2 | CGG.3 | Taladaan.laruugin.1 | Taladaan.laruugin.2 | Gabaygii.Timacade |

Afeef: Aragtida Qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD