SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - INDIA
  • KU: GOLAHA GUURTIDA JAMHUURIYADDA SOMALILAND
  • KU: GOLAHA BAARLAMAANKA JAMHUURIYADDA SOMALILAND.
  • KU: GOLAHA SALAADIINTA IYO CUQAASHA SOMALILAND
  • KU: MUTACALIMIINTA, INDHEER GARADKA, IYO URURADA MADAXA BANAAN EE SOMALILAND.
  • KU: URURKA MUWAADINIINTA SOMALILAND EE SOMALILANDFORUM.

Mudanayaal/ Marwooyin

UJEEDO:- KHATAR HOR LEH OO KU SOO FOODLEH MADAXBANAANIDA SOMALILAND.


MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

KARACHI, PAKISTAN.

diridhaba2001@hotmail.com

 

 Laga soo bilaabo sannadkii 1991 18 May, ammintaasi oo ku beegnayd wakhtigii xorriyadda iyo madaxbanaanida Somaliland ka bildhaantay dhamaan cariga Somaliland koonfur ilaa beri, galbeed ilaa waqooyi, waxaa Dalkani yar ee curdinka ah oo la soo darsay xaalado kala duwan oo siyaasadeed, dhaqaale, iyo weliba cadawadeed, Waxaa Mahad leh ilaahay subxanahu watacalaye iyo wax garadka iyo cuqaasha Somaliland ee xeeriyey ammin wal oo cakiran oo la soo gudboonatay bulshada Somaliland, waxaa Mahadleh kuwii ka shaqeeyey ee gaadhsiiyey Somaliland maanta heerkan ay marayso, balse waxaa maanta dalkeena ku soo foodyeeshay masiibo siyaasadeed oo hadaan si wada jir ah looga hor tegin si ba,an u curyaamin doonta qaranimadii iyo madaxbanaanidii aynu sheeganaynay, Mudanayaasha iyo Marwooyinka kor ku xusanow, daraasad balaadhan oo aan shakhsiyan ku sameeyey fiiro gaar ahaaneed ayaan waxaan ogaaday haddii aan xal deg deg ah loo hellin arrimahan soo socda in laga yaabo Somaliland ay hoosta u gas! ho Haadan aan meel looga baxa jirin, waxaanan si deg deg ah oo naxariisleh uga codsanaya dhamaan xubanaha aan kor ku xusay iyaga oo tixraacaya qoraalkani in ay si wada jir ah wax uga qabtaan hawlahan hoos ku qoran:-

cabdullaahi yusuf iyo ismaaciil cumar iyo Riyaale1. Laga soo bilaabo doorashadii Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland ee muranka badani ka dhashay waxaa dalka ka muuqda dayaacad farabadan oo khusaysa siyaasadda arrimaha gudaha, waxaa dawladda uu madaxda ka yahay Daahir Riyaale Kaahin ay siweyn oo aan soo noqosho lahayn ugu guul daraysatay si weyna u dayacday dhamaan gobolada Beriga jamhuuriyadda Somaliland (Sool iyo Sanaag beri, Awdal), taasi oo horseeday in Gudoomiyaha Maamul goboleedka Puntland Cabdilaahi Yuusuf Axmed ku dhawaaqo khariirad cusub oo la horgeeyey midawga europe, xarunta arrimaha dibadda ee maraykanka (U.S State Department), iyo weliba Ururka Midawga Africa, waxaan daliil dheerad ah arrintaasi uga dhiganaya shirqool siyaasadeed oo loo mijaxaabeyey lana doonayo in lagu khiyaameyo shacbiga Somaliland

DALIIL

Ka hor intii aynaan gelin doorashadii madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Madaxweyne Daahir Riyaale kaahin wuxuu safar ugu ambabaxay Gobolada Beriga Somaliland, safarkaasi oo aan ujeedo gun dheer wadan run ahaantiina aanay wada xajood ka yeelan si weyna loola socodsiinin xubnaha ay khusayso ha ahaato golaha baarlamanka ama guurtida eh, wuxuu Riyaale socodkiisase sidaad badankiin la socoteen ku tegay xarunta gobolka Sool ee Laas Canood, halkaasi oo wixii ka dhacay la oga, hadaba waxaa isweydiin mudan maxaa Madaxweyne Riyaale ku kellifay Safarkaasi aan Nidaamka siyaasadeed lahayn ee dhaliyey qalalaasaha, Sida illo lagu kalsoonyahay aan ka hellay waxaa jiray sir dahsoon oo u dhexaysay Md. Daahir Riyaale Kaahin iyo Madaxweynaha Jibout Ismaciil Cumar Geelle Batal, ujeedada ka danbaysayna ay ahayd in lagu wiiqo rajada siyaasadeed ee gobolada beriga Somaliland lana doonayey in la tuso caalamka in aanay goboladaasi raali ka ahayn gooni isu taaggga jamhuuriyadda Somalilan! d.

Maxaa ku Kelifay Madaxweyne Riyaale Booqashada Gobolada Beri?

Waxaa hubaal ah in Madaxweyne Riyaale uu awoodi karaayey inuu ku tego goboladaasi safar nabadeed oo si xushmad iyo karamada Somaliland ku jirto loogu soo dhawayn lahaa goboladaasi, taasi oo ay si weyn ula socdaan dhamaan xubnaha ay khusayso hawshaasi ha noqdaan odayaal dhaqameedka, golaha guurtida, ama golaha Baarlamanka eh, balse taasi waa la gees maray, waxaanu madaxweyne Riyaale jeexay mugdi cusub oo coladeed oo la dhex geliyey bulshada reer Somaliland ee reer Sool iyo Somaliland ta kale, iyada oo dhegaha caalamkana la maqashiyey ceeb aan sal iyo raad toona lahayn.

Iyada oo taasi laga duulayo waxaan si aan gabasho lahayn ugu cadaynaya dhamaan xubnaha kor ku xusan in ay tallaabo deg deg ah ka qaadan siyaasadda arrimaha gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland oo ku socota xawli hoose oo aan meel laga qabto la heli doonin.

2. Laga soo bilaabo Markii maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ku dhawaaqday in xisbiga Udub ee uu hogaamiyo Madaxweyne Riyaale ku guulaystay doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacday, wuxuu madaxweynahu isaga oo miyirkiisa iyo maankiisuba degenyahay ku dhawaaqay in uu samayn doono dawlad uu ugu yeedhay Mid tayo badan, naxariis badan, aamina badan balse Mudanayasha iyo marwooyinka kor ku xusanow ma isweydiiseen halkay ku danbaysay dawladaasi, mana isweydiin kartaan awood intee le,eg ayey u leedahay inay ka midho dhasho hawsha balaadhan ee culus ee qaranka sugaysa

HALKAY KU DANBAYSAY DAWLADDII TAYADA BADNAYD

Waxaa iska soo daba dhacay xaadirin balaadhan oo loo soo bandhigay bulshada Somaliland iyada oo loogu yeedhayo inay noqon doonan gadh hayeenada Wasaaradaha ragaadsan ee Somaliland, Wasiir walba waxaa keenay oo gacanta soo qabtay Oday danayste ah, suldaan beeled, iyo ololeeye u daacad ahaa xisbigga Udub, Waxaa runtii maskax badan ku soo dhacday niyad jab badan iyo inay bulsho badani afka iyo gacanta isa saaran, xukuumadda uu Riyaale ku dhawaaqay waa tii ugu tirada badnayd ee abadan soo marta Jamhuuriyadda Somaliland waa tii ugu aqoonta yarayd marka laga reebo dhawr xubnood oo golaha wasaaradda ka mid ah oo iyaguna hadda qaarkood looga qaaday hawlahii ay qaranka u hayeen iyaga oo maamul xumida u daacad noqon waayey, runtii Mudanayaasha qiimaha iyo qaayaha mudanle ee kor ku xusanaw hadda bulshadu idinka ayey idin sugaysa, idinka ayaa la idinka dhursugaya idinka ayaa waajib idinku tahay inaad go,aan ka qaada taan waxan ay bulshadu arkayso, haddii aad ku guuldaraysataanna wa! xaa hubaal ah in qaran bur bur uu dhici doono taasi oo runtii adkaan doonta sida looga soo kabto.

3. Siyaasadda Arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda Somaliland waxay maraysa wakhtigii ay ugu fiicnayd balse waxaa cakirni iyo foolxumo weyn ku noqday siyaasadda arrimaha gudaha oo uu Riyaale iyo xubnaha ku xeerani ay curyaamiyeen, waxaa dhawaan guddi qareeno ah oo ka tirsan wasaaradda Arrimaha dibadda ee Dalka Koonfur afrika ay soo saareen qarar tallo ah oo ay u jeediyeen dawlado badan oo afrikan ah iyo weliba golaha amaanka ee qaramada midoobay in haddii Somaliland aan la aqoonsan ay keeni doonto cuqubo laxaadleh.

Waxaa isaguna socda shir sida la sheego lagu heshiisinayo kooxaha Soomalida ee taasi oo qayb ka mid ah beesha africa inagu caadidinayso inaynu shirkaasi ka qayb galno, waxa safka hore kaga jira dawladaha sida ba,an u doonaya in Somaliland ay burburto Jamhuuriyadda Jibouti iyo regime ka ka taliya ee ina geelle batal,

TALLO IYO WERGELIN

Waxaan Mudanayaasha iyo Marwooyinka kor ku xusanow idinku wergelinaya idinkulana tallinaya in maamulka Jibouti laga soo saaro qararaar loo dhanyahay oo lagu canbaaraynayo siyaasadda Maamulka jibouti ee ku salaysan Somaliland loona sheego in ina Geelle Batal uu gacanta ka qaado Siyaasadda arrimaha gudaha ee Somaliland haddii kale uu faraha kaga guban doono.

Guntii iyo gabagabadii ayaan si deg deg ah oo naxariis badan waxaan uga codsanaya xubnaha kor ku xusan in qoraalkani si xushmadleh loo tixgeliyo bulshada Somaliland ee la ragaadinayana laga hortago masiibada siyaasadeed ee ku soo foodleh ee madaxweyne Riyaale iyo xukumadiisu ku mu,maradaynayso haddii taasi la waayo waxaan mudanayaal/ Mawrooyin idiin caddaynaya in ay yaraan doonto rajadii laga qabay qaran muuqda oo ka midha dhalla beriga fog ee cidhifka geeska afrika oo la yidhaahdo Somaliland ayna dhabawbi doonto riyada cadawgeena inagu xeeran.

KA: MAXAMED CABDI XASAN (DIRIDHABA)
KARACHI, PAKISTAN.
E-mail: diridhaba2001@hotmail.com 
E-mail: laaleys2000@yahoo.com  
Website: Click here...
Mobile: 00-92-300-2203256
Address: Karachi University
P.o.Box: 8432
 

-dhammaad-

Faafin: SomaliTalk.com | July 28, 2003


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

Afeef: Aragtida qoraalkaan waxaa leh oo ay gaar u tahay qoraaga ku saxiixan

Xaalada Magaalada Laascaanood:-
Degaanka, dhaqaalaha, nabadgeliyada iyo guud ahaan horumarka Laascaanood ka akhri warbixintii Asad Cadaani

YAASABABAY DAGAALKII KADHACAY LASCAANOOD?
Qoraalkii IBRAAHIM MAXAMED HURUUSE.... Dec 14, 2002

BAYAAN ku wajahan maamulka Hargeysa  

Ururka Darwiish Party oo Tacsi u diray laascaanood
Qoraal uu ururku maanta soosaaray ayaa ku bilaabmay.... GUJI  8/12/2002
 

Bayaan ay soo saareen jaaliyada SSH ee Kuwiat
Annagoo ah Jaaliyadda dalka Kuwait deggan ee ka soo jeedda Gobolada Somalia ee Sool,Sanaag iyo Hawd in badan ayaanu   GUJI  12/12/2002

Jaaliyada dhulbahante ee w/america warsaxaafadeed
la xiriira dagaalkii Laascaanood ayey ku sheegeen in GUJI  11/12/2002

Warsaxaafadeedka Puntland ee Dagaalkii Lascanod
Madaxweyne ku xigeenka dawlad goboleedka Puntland mudane Maxamed Cabdi Xaashi oo ku sugan Eldoret ayaa.. GUJI  8/12/2002

Woqooyi Sidee Looga arkay Dagaalkii Laascaanod
Dagaal aad u kulul ayaa ka dhacay magaalada laascaanood, kaasoo ay sabab u ahayd booqashadii Madaxweynaha... GUJI  8/12/2002

DUX LA'AANTA DAWLADDA CUSUB EE RIYAALE
iyo dibin daabyada dadweynaha ... Guji June 7

 QORAALADII HORE EE DIRIDHABA  

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


 Riyale
Sirta ka Dambaysa Somaliland ma Itoobiyaa?
[Liiban]


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]