SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
April 27, 2004
Labo Maleeshiyo oo ka wada Tirsan Beesha Biyomaal oo isku Horfadhiya Deg.Jamaame

Wararka naga soo gaaraya Degmada Jammaamde ee Gobalka jubada hoose ayaa sheegayaa in ay isku horfadhiyaan labo maleeshiyo oo isla degaanka ah kana wada tirsan Beesha Biyo maal kuwaasoo isku haysta gacan ku haynta maamulka Degmada iyo waliba hub tikniko ah oo qolo waliba rabto inay iyadu maamusho,waxaana maanta magaalada laga maqlayay dhawaaqa xabadaha la isku ridayo.

Ilaa iyo hadda lama hayo khasaaraha ka dhashay isku dhaca labada maleeshiyo,balse wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in waxgarad iyo odayaal ka tirsan beesha biyo maal ay ukala dabqaadayaan maleeshiyada is hurfadhida,waxaana si caadiya ushaqaynayaa isgaarsiinta lagula xiriiri jiray degmadda Jammaame,howlihii ganacsiguna ay sidoodii usocdaan walow dad badani ay ka argagaxeen isku dhaca labada maleeshiyo oo ah markii u horaysay oo ay kala jabaan labada maleeshiyo oo isku beela ah.

Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka iyo isticmaalka Daroogada

Beeralayda Muuska oo dib ujafjafaya Dhul waa hore Angagay

gabar codsatay codsatay in aan magaceeda la sheegin ayaa waxay noo sheegtay in bishii November iyo December in ayadu ay beeratay daroogada waxaana iiga soogay ayay tiri sided kiish oo daroogo ah waxayna noo sheegtay in aysan jirin wax koontoroola beerahooda ayna jiraan rag had iyo jeer u taagan iney beeraan daroogadaas, ayadoo weliba qaarkood ay u wareegeen dhinaca degmada janaale ayagoo halkaa ka wada hawlo ay ku hormarinayaan daroogada... Guji...

Mukhaadaraadka Lagu Beero Dhul-Beeraadka Soomaaliya

Ka dib markii uu istaagay iib gayntii Muuska Soomaaliya sanadkii 1994tii waxaa dhaqaalo xumo xoog lihi soo gaareen beeralay badan oo ku tiirsanaa tacabka Muuska,taasoo keentay in dhul balaaran ay isku bedelaan jiq iyo dhul angagan,kadib markii loo waayay dhaqaalo lagu jeexo kelyihii iyo matooradii lagu warabin jiray dalagga Muuska,qalab badan oo ay ka mid yihiin cagafcagafyada, baabuurta waawayn ee qaada Muuskana ay meel iskaga dedeen dayactir la,aan dartood.

Balse maalmahan waxaa beeralayda muuska niyadooda soo kiciyay shirkada lagu magacaabo Shabele Fruit oo suuq gayn u heshay Muuska dalka Soomaaliya,in ka yar saddex asbuucna markabkii labaad oo ku soo xirto dekada magaalada Marka kaasoo rari doona shixnadii labaad ee Muus loo iib geeyo wadamada Dibadda.waxaana durbadiiba shaqo ka helay dad ka badan 10,000 qof nolo maalmeedkooda ka soo saaranaya.

Cali Kadiye oo loo yaqaan(Cali ilay)oo beer wayn oo muusa ku leh agagaarka Golwayn ayaa ii sheegay in kastoo ay niyadooda kor usoo qaadayso inay dib ufaagaan Hektaro mar hore cows iyo bacaad ka buuxsamay haddana baahida jirta ma dabooli karto markab iyo labo loo raro dibadda waayo buu yiri aad iyo aad bay u yar yihiin inta kusoo aadamaysa beer waliba inta kartoon oo saamiga loo siiyay,waxuuna yiri tusaale ahaan waagii hore ee beri samaadkii waxaa beertayda laga rari jiray ilaa iyo 4000 kartoon maantana waxaa saami la iisiiyay in ka yar 200 kartoon marka kharashka ku baxaya bacriminta,shaqaalaha iyo qalabka ma dabooli karaan 200 kartoon dakhliga ka soo baxa.

Waxuuse Cali kadiye rajo ka muujiyay mustaqbalka inay dhiiri galinayso inay hore usii mariyaan beeritaankii tacabka Muuska

Cabdi Xasan Somalitalk.com/Muqdsho
abdi172@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 27, 2004 

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]