SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
May 10, 2004
Saddex dhallin yaro Soomaaliyeed oo loo qaatay kooxda kubadda cagta ee Minnesota (Minnsota Thunder)

Mustafa Cartan, Cali Rooble, iyo Deeq Saciid waxaa qaatay kooxda kubadda cagta ee Minnesota oo loo yaqaan Minnesota Thunder. Kooxdan oo sida la ogyahay u soo jeedsatay inay soo jiidato dhalinta ka soo jeeda dunida laga jecel yahay kubadda cagta oo ay dhallinyarada Soomaaliyeed ka mid yihiin waxaa ay marka hore dhallin yaradan u furi doonaan tababaro adag oo haddii ay ku guulaystaan mustaqbalkooda wax weyne ka bedeli doonta.

Ali Rooble waxaa uu hadda u dheelaa kooxda TC Stars la yiraahdo labada kale ee Mustafa Artan iyo Deeq Saeed waxay u dheelaan kooxda la yiraahdo Communality labadan kooxoodba waxay ka mid yihiin kooxaha badan ee Soomaaliyeed ee ka jira gobolka Minnesota. Saddexdaas cayaartoy iyo dhamaan kooxaha Soomaaliyeed ee Minnesota waxay ku hawlan yihiin qaban qaabada cayaaraha dhici doona Habeenka Waxbarashada Soomaaliyeed ee Minnesota oo hadda soo dhow.

DUGSIGA SARE EE EDISON: MINNEAPOLIS
2003: 60 Soomaali ah ayaa kamid ah 122 arday ee ugu buundada Sareeya Dugsiga Sare ee Edison

 Ardayda Dugsiga Sare ee Edison oo Maanta Qalin-Jebiyey

Wuxuu Soo Maray Dhibaato aad u baaxad Weyn, Wuxuuse hadda Higsanayaa Meel Sare oo uu ku Gaarayo Aqoontiisa.

 

Galabtaas waxaa fooda is dari doona kubdda cagta labadan kooxood oo la kala yiraahdo Somali Tigers iyo Eden Praire. Mar aan wareysi la yeeshay maamulayaasha labadan kooxood Abdi aziz Bixi (Somali Tigers) iyo Aaman (Eden Praire) waxay ii sheegeen in labada kooxoodba ay hadda diyaar yihiin oo ay weliba galabtaas soo bandhigi doonaan cayaar hufan. Labadan tababre ayaa aaminsan in mid walba kooxdiisa guulaysan doonto Insha Alla.

Sidoo kale isla habeenka waxabarashada Soomaaliyeed ee Minnesota waxaa kubadda kolayga (Basketball) fooda is dari doona labada kooxood ee kala ah East iyo West Team tababaraha isla markaana ah gudoomiyaha kooxahan waa macalinka weyn ee Abdulqadir Madaxey oo ka mid ahaan jiray xulkii qaranka Soomaaliyeed waxaa uu yiri “Kooxahayga waa da’ yar laakiin diyaarsan waxayna galabtaas soo bandhigi doonaan cayaar wanaagsan”

Bandhiga waxbarashada iyo cayaaraha isugu jira ee habeenka Waxbarashada Soomaaliyeed waxaa la qaban doonaa sanadkii saddexaad bishan May 21keeda waa galab Jimco ah ee ka soo qaybgal wacan.

Goobta

Edison High School

700 22nd Ave NE Minneapolis oo u dhow Centralla iyo 22 Avenue.

Saacadda kubadda cagta ay bilaabanayso waa 03:30pm.

wardheereMahamaoud Wardere

mnwardere@yahoo.com 

 QORAALADII HORE EE WARDHEERE

Faafin: SomaliTalk.com | May 10, 2004

ARDAYDA SOOMAALIYEEED EE DHIGTA JAAMACADDA MINNESOTA

150 arday Soomaaliyeed ayaa dhigta Jaamacada Minnesota 

HABEENKII SHOWRKA SOOMAALIDA MINNESOTA

Atlanta Habeenkii Warbashada oo xiiso badan lahaa

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD