SomaliTalk XAYAYSII


Home | Zakaat | Quraan |   Siiro | Search | Saxaabo |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - DENMARK
SAXAAFADDA DENMARK OO SOO BANDHIGAY DHIBAATADA  QAXOOTIGA HAYSTA
  • Qoraalki iyo isku soo dubaridiid:
    Ibraahim Saalax Aaden | SomaliTalk Yurub
    Email:
    ibra88@hotmail.com

Qaxootiyada ku nool xeryaha Denmark ayaa xaaladdooda nololeed ka sii daraysa marba marka ka danbeysa. Sannado badan ayay ku jiraan xeryaha dalka ku yaala, iyagoon la siinin shaciga oggolaanshaha degganaasnho iyo iyagoo la soo gudboonaada xaalado adag oo caafimaad iyo mid nafsiyeed-ba.

Taleefishinka koowaad ee ka soo baxa Denmark DR1 ayaa fiidkii caawa (saacadda Denmark) soo bandhigay qoys ciraaq ka soo jeeda. Waa aabe iyo hooyo iyo 7 caruur ah. Waxay dhammaantood ku wada nool yihiin hal qol oo qudha.

“waa nolol dhimmasho ah, kuma noolaan karno nolshaan aan ku jirno, saamayn xun oo nafsi ayay noloshaan nagu reebtay” ayuu yiri odayga qoyskan lagu magacaabo Isho oo aan iyagu muslimiin ahayn.

“shan sannadood waxaynu degganayn qolkaan cidhiidhiga ah, daaqado aan hawada ka qaadano ma lihin, dhammaantayada waynu xanuunsanaynaa, siiba aabahay iyo hooyaday oo xaaladdan adag ay dhaxalsiiyeen nolol aad u adag oo nafisiyeed” ayay tiri gabar 12 jir ah oo si wacan ugu hadlaysay luqadda deenishka.

Xaggaagii sannadkii hore ayay ahayd, markaan xerada Sandholm ee caasimadda Denmark ee Copenhagen waqooyigeeda ku booqday qoysas soomaaliyeed oo sannado badan ku sugnaa xeryaha Denmark, iyagoo loo doodiyay codsiyadooda laajinimo ee ay dowladda ka dalbadeen.

Qoysaskii aan booqday ayaa ka mid ahaa hooyo Sahro Xuseen oo ah hooyo wadatay  6 caruur, waxayna sharci la'aan ku sugnaayeen Denmark 4-tii sanno ee ugu danbeeyay.

"kama sheekeen karo dhibaatada nagu haysata xeryaha dalka, waxaan anniga iyo caruurtaydaba ku noolnahay nolol adag, caafimaad iyo waxbarasho fiican toona kuma haysano halkaan" ayay tiri Sahro oo waqtigaas ii sheegtay inay iyada iyo caruurteedaba ay ku nool yihiin hal qol oo aan lahayn jiko iyo mustaqbal toona.

Waxaa isku soo dubaridey
Ibraahim Saalax 
ibra88@hotmail.com
SomaliTalk | Odense | Denmark

Faafin: SomaliTalk.com | Apr 21, 2006


DENMARK: QAXOOTI SOOMAALIYEED OO CUNTADA KA SOOMAY


Albaabka weyn ee lagagalo Xerada Sandholm

Dhisamaha ay ubadanyihiin qoysaska soomaaliyeed

Saacadda markay ahayd shanta galabnimo ayaan soo gaaray albaabka weyn ee laga galo xerada weyn Sandholm, ee lagu qaabilo qaxootiga cusub ee dalka Denmark ka codsada laajinimada. "yaad booqanaysaa iyo fadlan dokumantigaaga i sii" ayay isu-kay raacisay gabar deenish ahayd oo igala hadlaysay muraadayadda gadaasheeda xafiiskii ay ku jirtay. Waxaan u sheegay inaan doonayo inaan soo booqdo soomaalida ku sugan xerada, dabadeedna waxay iga koobiyaysatay dokumantagaygii, sidiina ayaan u soo dhaafay gudaha xerada weyn ee Sandholm ee ku taalla waqooyiga Copenhagen xarunta dalka Denmark. Akhri...


Somali ku xirnaa Israil oo is dili gaaray

Sida ay qorayeen saxaafadda Caalamka waxaa muddo 3 sano ku xiran sahnuuniyada Israil nin Soomaaliya oo lagu magacaabo Faysal Madadaal, isagoo bilooyinkaan dambe  u dhexeeyay isku tuurtuur wadanka Qubrus iyo Israil. Faysal waxuu wadanka Israil galay sanadkii 1999kii, waxuuna dalbaday magangalyo qaxootnimo, sida ay qorayaan saxaafadda israil waxaa waqtigaas la siiyay Faysal madadaal joogitaan uu iska joogo wadankooda,Hay'adda Qaxootiga adduunkana (UNHCR) waxay tiraba 6 wadan uga raadisay inay siiyaan magangalyo qaxootinimo balse dal aqbala may helin... Guji...  Jun 20, 2005

@Spam!

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Allah Is Great

SOOMAALIDA MINNESOTA: Safarkii Ibraahim Saalax... Guji

ENGLAND: SOOMAALIDA FIRFIRCOON EE LEICESTER

DENMARK: QAXOOTIGA SOOMAALIYEED CIDNA UMA MAQNA, CEELNA UMA QODNA


DENMARK: SI MAAMUUSID LEH AYAA LOOGU GURMADAY SOOMAALIDII LAGU DHIBAATEEYAY LANGESKOV


GABAGABADII SHIRKII URURKA DHALINTARADA SWEDEN  


URUR MIDEEYAY DHALINYARADA SOMAALIYEED EE DENMARK


SILICA IYO SAXARIIRTA LAGULA DHAQMO MAXAABIISTA REER CIRAAQ
Waxaa isa soo taraya shaleey iyo maanta wararka sheegaya sida naxariis darrada leh ee... Guji

SACIID WESTING: WAA INAAN ALLAAH UGA MAHAD CELINNAA BISHA RAMADAAN Guji


SWEDEN: DILKII WASIIRADII ARIMAHA DIBADA ANNA LINDH Guji Sept 14


WEYDIIMO AAN JAWAABO U WAAYAY Guji... Jul 27, 2003


SHIRKII SHABAKADDA XIRIIRKA SOOMAALIYEED AY KU YEESHEEN MAGAALLADA ODENSE, DENMARK Guji... Feb 23, 2003


WASIIRKA DENMARK OO DOONAYA INUU CIQAABO WAALIDIINTA SOOMAALIDA GUJI... Feb 3, 2003
MA DALKA MAREEKANKA AYAA DUNIDA NABADDEEDA KHATAR KU HAYA GUJI... Jan 20, 2003
DIINTA ISLAAMKA OO SI MAAMUUS LEH LOOGA AQOONSAN YAHAY DALKA SWEDEN GUJI... dec 26, 2002
MAXBUUSADDII AY HOREY U XIREEN TAALIBAAN OO ISLAAMTAY ..GUJI.... 5/9/02 
Dhibaatooyinka Soo Foodsaara Ubadka iyo Hooyooyinka Soomaaliyeed ee Denmark
Warbixin: Ibraahim Saalax oo booqay tuulada Gudbjerg ee gobolka Fyn, Denmark ayaa sheegay in..
GUJI.. 30/8/02
 
SOOMAALIDA ODENSE OO U QAXAYA DALKA ENGLAND  

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD