Kaddib markii in muddo ah ay hogaamiyaasha iyo
ergooyinka shirka Mbagathi isku maan dhaafsanaayeen
Axdiga ku meel gaadhka ah ayeey maalintii Sabtida
hogaamiyaasha siyaasadda ee Soomaalidu go’aan wada jir
ah ka gaadheen qodobkii ugu khilaafka badnaa ee la
isku mari la’aa oo ahaa qodobka 11aad. Heshiiskaas ka
sokoow waxay ergooyinku maanta (15/9/2003) u fadhiisteen inay ansixiyaan dhammaan qodobada uu ka
kooban yahay Axdiga ku meel gaadhka ahi. Dood gaaban
ka sokoow waxay ergooyinku si rasmi ah u ansixiyeen
axdiga ay ummadda Soomaaliyeed u dejiyeen oo ahaa
hawshii ugu dhibka badnayd ee shirka laga soo maray.
Shucuurta ergooyinka Soomaalida ayaa galabta markii
xarunta shirka la fadhiyey aad u sarraysey, qof
kastaana waxaa ka muuqtey inuu si weyn u doonayo
ansixinta Axdiga oo runtii ahyd caqabadda keliya ee la
odhan karo waxay hor taagnayd shirka. Hogaamiyaasha
siyaasadda Soomaalida ayaa si midaysan ugu dadaalayey
inaysan ansixinta Axdigu galabta dhaafin, taas oo ay
si wanaagsan ugu guulaysteen.
Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland C/llaahi
Yuusuf Axmed ayaa carrabka ku dhuftay in qodobkii la
isku haystey ay muddo gaaban kaga soo shaqeeyeen,
loona baahan yahay in Axdiga la akhriyo, lana
ansixiyo. Madaxweynuhu wuxuu xusay in sida iminka
qodobka 11aad loo qoray haddii ay cidi ku dulman tahay
ay iyaga yihiin, taasna ay u yeeleen tanaasul ay
ummadda Soomaaliyeed u sameeyeen. Waxaana
hadaladiisii ka mid ahaa: “Annagoo danaha ummadda
Soomaaliyeed iyo inuu shirku midho dhalo tanaasulkaas
iyo hawshaa u samaynay Wallaahay wixii naga hor
yimaadda waan iska dhicinaynaa”.
Hogaamiyaashii ansixinta Axdiga ka hadlay waxaa isna
ka mid ahaa Maxamed Qanyare Afrax ayaa yidhi: “Haddii
qodobkii la isku haystey xalintiisa hogaamiyaasha laga
sugayey, waan ka heshiiney, haddii NGO’yada laga
sugayeyna haddee NGO”yada iyo gudiga farsamadu si gaar
ah ha isu arkeen”. Qanyare wuxuu u duur xulayey laba
nin oo kala ah Prof. Gaandhi iyo Jaamac Maxamed Qaalib
oo soo jeediyey in dib ansixinta Axdiga loo dhigo
balse ay ergooyinku ku oriyeen. Mudane Qanyare wuxuu
ku nuux-nuuxsaday sida ay lama huraanka u tahay in
maanta Axdiga la ansixiyo.
Guddoomiyaha bulshada rayidka ah Shariif Saalax oo
isna munaasabadda ansixinta Axdiga ka hadlay ayaa isna
sheegay inay dhamaan ergadu maanta diyaar u tahay inay
ka midha dhaliyaan hawshii ay 11ka bilood ku
foognaayeen sidaa darteedna loo baahan yahay in Axdiga
la ansixiyo. Hogaamiye kooxeedka lagu magacaabo
Maxamed Dheere oo isna fagaarihii ansixinta Axdiga ka
hadlay ayaa isna isagoo u duur xulaya C/qaasim waxaa
hadaldiisii ka mid ahaa: “Horta dal, dad baa dhisa ee
shaqsi ma dhiso, qofka la leeyahay ha la sugo hadduu
wax dhisi karo dawladi waa soo martay, sidaa darteed
waad u jeedaan oo ergada oo dhami waxay doonaysaa in
Axdiga la ansixiyo ee ha la ansixiyo”.
Intaa kaddib Guddoomiyaha Gudiga Farsamada ayaa
sheegay in miisaanka fadhiga ergadu ansax yahay,
waxaana in Axdiga la ansixiyo soo jeediyey dhamaan
ergada oo maanta soo buuxisey hoolka shirka, kaddibna
si rasmi ah ayeey u ansixiyeen Axdiga loogu talo galay
in ummadda Soomaaliyeed lagu dhaqo.
Ansixinta axdiga kaddib waxaa fagaarihii ka hadlay
guddoomiyaha gudiga farsamada IGAD Mudane Kipligat oo
sheegay inuu ilmeeyey markii ay hogaamiyaasha
Soomaalidu ku heshiiyeen qodobka 11aad. Wuxuu kaloo
ergada u sheegay inay ku wada jireen safar culus,
wuxuuna yidhi: “waxaan ku wada jirey safar culus,
waxaynu ka gudubney Webi weyn oo culus, welina geedigu
wuu socdaa, waxaanna jeclahay inaan idin idhaahdo
fadlan dib ha u laabanina, gadaalna ha eegina. Intaynu
safarka ku jirrana ogaada inay Soomaali oo dhami
safarka inagula jirto, Bas ayeeynu la soconaa sidaa
darteed ha xidhina albaabada Baska aynu saaranahay, si
ay kuwa kale jidka inooga raacaan”. Kipligat oo isga
laftiisu galabta aad u qiiraysnaa wuxuu kaloo yidhi:
“mustaqbalka ayaatiinka Soomaaliya waxay ku xidhan
tahay midnimadiina”.
Mudane Kipligat wuxuu kaloo shaaca ka qaaday inuu isla
berri hadday suura gasho bilaabi doono wejigii 3aad ee
shirka, wuxuuna ka codsday beelaha Soomaalidu inay ku
dadaalaan sidii ay wakhti gaaban hawlaha laga doonayo
ugu soo ebyi lahaayeen.
Markii ansixinta Axdiga laga faraxashay ee uu
guddoomiyuhu shirkii xidhay dhammaan ergada Soomaalida
oo ay hogaamiyaasha siyaasaddu hor kacayaan ayaa socod
dabaal deg ah ku maray waddooyinka xerada Mbagathi,
waxayna ku dhawaaqayeen eryo ay ka mid ahaayeen Guul,
Guul, Soomaaliyeey Toos, Shirkii waa lagu guulaystey
Iwm. Kooxo rag iyo dumar ka kooban ayaa ku shirbayey
goobo kala duwan, waxaanna halhaysyadii ay ku
dhawaaqayeen ka xusuustaa: Ninkii Fiigayo ha Fiigo,
Federaal Faa’iido waaye.
Ibraahim Maxameddeeq
SomaliTalk, Nairobi, Kenya