SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - RA'YI
 JAWAAB: BEENINTA DAJAAL

Oct 3, 2002

DIGNIIN:

»» Virsuka Halista ah ee Goldfish
»» Virus cusub oo cinwaano badan wata
»» Virus cusub oo lagu magcaabo OPASOFT
»» Taxadarka Emailada ka imanaya nayjeeriya
»» Xusuusin waalidka ee carruurta iyo Internetka

 Dhammaan ka akhri halkan 

Waxaa nasiib darro ah in maanta Soomaali oo ab iyo isir u leh diintan Islaamka ay ka soo daahiraan nin(Maxammad shiikh Xuseen - Eeg: http://www.geocities.com/qatarta/  | Eeg QOraalkii C/Waaxid) xambaarsan fikrado qalaad oo ka soo horjeeda diinteenan macaan ee Islaamka, waliba sida ka muuqata doodo dhawr ah oo uu soo jeedshay sheekhan waa kuwo hadafkoodu uu ka qoto dheeryahay inta inoo muuqato. 

Hadafka ugu wayn ee ka dambeeya doodihiisa waa sidii shacabka Soomaaliyeed looga shaki galin lahaa diintooda gaar ahaan axaadiista nabigooda suuban salallaahu calayhi wasalam. 

Waxba igama dhinteen hadii uu odagu doodiisa ku salayn lahaa aqoon iyo cilmi si ay u sahlanaato jawaabtiisa waxaase muuqata inuu taa ka fara maranyahay oo uu soo tabiyo oo kali ah tashwiish iyo hadalo aan sal iyo baar toona lahayn, waxaase mahad Eebe ah in mar waliba ay noolyihiin dad aqoon u leh diinta oo xil uu ka saaranyahay sidii ay uga yurayn lahaayeen inta hagarta la maagan ee quluubtooduna iilatay. 

Intaa ka dib hadii aan usoo laabto shubhadan kale ee odagu ka sharqamiyay ee uu ku tilmaamay(DAJAAL CAWAR) been lagu soo daray diinta waxaan ka oran lahaa hal shay oo ah:- Beeninta Dajaal waxaad daliil ka dhigatay xadiithka Tamiim ee fatima bint qays Allaha ka raali noqdee waxaanad ku tilmaantay inuu ka mid yahay axaadiista aaxaadka. 

Waxaa halkaa ka muuqata in Eebe jahli kugu masruufay adoo da'ah, micnaha axaad iyo mutawaatirna uusan ku dhacsanay, doodaha culumada ee axaadiista axaadkana aadan waligaa maqal iska daa inaad barataye, maxaa la aqbalaa axaadiista maxaanse la aqbalina ay tahay martabo ay masaafo idiin dhaxayso. Waxaase la yaab leh adeerow maxaa adiga kaa galay axaadiista nabigeena suuban sallallaahu calayhi wasalam! sow ma ogid in shacabka Soomaaliyeed ay ogyihiin inaadan guud ahaanba rumaysnayn axaadiista nabigeena suuban sallallaahu calayhi wasalam

Waa maxay faa'iidada kuugu jirta kala qaadqaadka axaadiista iyo beeninta badiihiyaadka Islaamka, sawse dhab ma ahan sidaan horay u xusay in hadafkaagu yahay sidii aad shaki u beeri lahayd oo qura. Baroortu adeer orgiga ka wayn, hada ka hor waxaad somaliweyn.com ku fidisay maqaal aad ugu magac dartay "Axaadiistu ma waxyibaa" waxaanad si cad u beenisay in axaadiistu aanay ahayn waxyi Eebe. Hadaba maxaad hadana mar labaad intaad huwato maro zuur ah aad u kala falanqayn qaybaha axaadiista nabigeena suuban sallallaahu calayhi wasalam. Markii aad u fadwootay ninkii wahmiga ahaa ee su'aasha ku soo waydiiyay waxaad dulmi kaa buuxa awgi tiri"Dhamaan culumada madaahibtu waa ehelo naar maxaa yeelay waxay khilaafeen kitaabka Eebe" hadaadan adeerow gaarin da'dii Alzheimerka waxaad garan lahayd kitaabka aad u doodayso inuu meelo badan kugu farayo raacida nabiga sallallaahu calayhi wasalam iyo in sunadu tahay waxa kali ah ee cadeeya oo bayaansha

Qur'aanka. Intaa ka dib sida aan ka warqabno waxaad ku andacootaa inaad rumaysantahay Quraanka oo kali ah hadaba maadaama aad tiri markaad beeraysay shakiga "Meel aan aduunka la marin ma jirtee jaziirada uu dajaal joogo aaway...." bal ka waran arrinka YA'JUUJ WAMA'JUUJ saw Quraanka laguma xusin? sawse axaadiis aan aaxaad ahayn luguma cadayn inay jiraan ooy meel dhulka ka mida ku xabisanyihiin inkastoo aadan gabigoodba rumaysnayn? aawaye adeerow hadaad dhulkoo idil iktishaaftay? mise kuwana waa been Qur'aanka lagu abuurtay? halkaa waxaa kaaga muuqata in aqoonteena xitaa dhulkan aynu ku noolnayah ay xadidantay intii uu Eebe ina garansiiyo un mooyee. Hadaan isleeyahay qoraalkaygu wuu ku anfacayaa waxaan soo sardiyi lahaa daliilo intan ka badan oo leh manquul iyo macquulba hayeeshee meeshuna meesheedi maahan madaxeedina kuguma yaal ee ujeedaydu waxay ahayd oo kali ah inaan shacabka u adkeeyo beentaada kaana xayuubiyo magaca aad u huwatay si aad u khalado. 

Dajaal waa magac uu nabigeenu sallallaahu calayhi wasalam siiyay qof kasta oo beenlow ah waxaanan ka baqayaa inaad mid ka mida noqoto adigoo waliba da'daan arkay ku jira. Ogow markasta oo shaydaankaagu ku soo afuufo si aad ula shir tagto qoraal kale oo qariib ah inaad is bari doonto in badan oon horay ula socon xumaantaada waxaanse kugula talin lahaa waad ambataye soo laabo sidii ibliis waxaad galaafato un ha ka fikirine.

WQ Faysal Cali Ciise. 

awfaysal@hotmail.com 

Oct 3, 2002

Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan

WARARKII Oct 2 

I  I  D  H  E  H

Reer Galbeedka oo soo dhoweeyay Dawlad laga dhiso Soomaaliya
Doblamaasiyiin reer galbeed ah oo u waramayay saxaafada dalka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in haatan ay soo dhowaynayaan dawlad laga dhiso dalka soomaaliya maxaa yeelay tan iyo  
GUJI.
.. 

Saxaafada Xorta ah ee Soomaaliya ma ogola Go'aanka DKG ku xakamaynayso Saxaafada
Tan iyo markii uu golaha shacabka kmg  ah ee soomaaliya uu ansixiyay sharci ay u aragtay saxaafada madaxa banaan mid caburinaya hawshooda shaqo ayaa isla markiiba waxa ay bilaabeen inay ku dhaqaaqaan
.. GUJI... 

Shir looga hadlay Soomaaliya oo Caawa kadhacay Hotel PanAfica
KENYA: Waxaa caawa ka dhacay hotel the PanAfrican oo ku yaalla magaalada Nairobi shir ay soo qabanqaabiyeen hay'adaha INXA, COGWO iyo JOINT. Shirkaas waxaa isugu yimid... GUJI... 

Bulgaria iyo Romania oo Mucaawino Gaarsiinaya Soomaaliya
Booqasho hawleed rasmi ah (special envoy) oo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Liibiya ahna u qaybsanaha arimaha gobolka Baalkanka ee DKMG, uu ku tegay Dalalka Baalkanka , gaar ahaan Bulgaariya iyo Roomaaniya.(8dii bisha 8aad  illaa 6dii bisha 9aad). GUJI... 

Maqaalada September 2002

»» DAJAAL MAJIRAA MISE MA JIRO !!!
»»
Dalka, Dadka, Diinta, Dowladda & Dimoqoraadiyada 
»» QABQABLAYAASHA DAGAALKA & DHIIGGA SO..
»» FADLIGA XUSIDDA ALLE S/WATACALA.
»»
DHIBAATOOYINKA NAAS NUUJINTA

»» Soomaaliya uma baahna baaq ee waxay u.. 
»» Muduloodow wada tashiyaa lagu tanaadaa

» CEERYAANTA SIYAASADEED IYO CAHDIYADII SOMALILAND
» God walaal ha qodin haddaad qodidna.....
[M.Koronto]
» “Kulli Fitnah Cinda Kursi”  [cabdulwaaxid Khaliif]
» kaligiis muslim waa jaajuus laga yaqaano Nairobi [Jaamac]
» SHIRKA SOOMAALIDA KENYA MA DHABAA MISE.. [pilot]
» DKMG oo awoodeeda ku tijaabisa dadka danyarta ah [Macalin]
» Ragga toodii aragnaye , Dumar talo ma laga deyey [Hirsi]
» Baadida Nin Baa Kula Deydeyi Daala Kaa Badane [Gutale]
» QAAMUUSKA MAAHMAAHYADU WAA QIIMA-GAL [Imdeeq]
» QABQABLE DAGAAL IYO QABYAALAD [Canab]
» Mushkiladaha Soomaalida Qurbaha (3) [wq.SaciidCali]

 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Dadka Soomaalida Ma yihiin Wadaniyiin?
Waa doo ay ka qeyb galeen dhageystayaasha Soomaaliyeed ee isugu jira rag iyo dumar kuna nool Atlanta. Waxaa doodaas qaban qaabiyey Radio Sagal. Waxaana soo jeedinaya werriye C/lahi Nur Kolombo oo ka tirsan bahda Radio Sagal Riix Halkan
OGEYSIIS - OTTAWA

KALFADHIGA ISLAAMIGA EE 5AAD

QURBAHA IYO SOOMAALIDA 10 SANO KA DIB

Sat October 12, 2002
11:00 AM –8:00 Pm
202 Mont petit
125 University St 
(Ottawa University)

Faahfaahinta - GUJI...  

 

Muslimiinta Ethiopia oo Caawimo Geysanaya
 
EU & Kenya oo Saxiixday Heshiis maalgelinya shirka Soomaalida
Ogadeenya oo Lagu Xirxiray Shacab

I I D H E H 

Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..  26/8
Wiil Dhallinyaro ah oo Siweyn u Gubtey
wiiloo u Baahan Gargaar Degdega: Wiilkaan oo  magaciisu yahay Saciid A. Maxamed oo 16-jir ah deggana Hargeysa waxa uu qabaa gubasho derejada saddexaad (third degree burns) oo luqunta iyo laabta ah... GUJI..

 



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD