SomaliTalk DALSAN
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - KENYA
Waraysi Faarax Macalin
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya

Waxaa inoo suura gashay inaan la yeelano waraysi muhim ah oo dhinacyo badan taabanaya, gaar ahaan Siyaasada Kenya, iyo dib-uheshiisiinta Soomaalida, Siyaasiga caanka ah, Mudane Faarax Macalin oo ah Gudoomiyaha xisbiga Safina, waraysigana waxaan ka qaadnay 20-01-03. annagoo ku soo booqanay gurgiisa, waraysigiina wuxuu u dhacay sida tanHoos Akhri 

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

  

Somalitalk.com: Maxay tahay sababta ay Somaalidu isugu wada shubeen xisbiga Kanu, oo ay taageerada intaa le’eg u siiyeen Kanu.

Faarax Macalin. walaahi wixii ku kalifay Soomalidu isbadalkii dhacayey iney sidii umadaha kale ay uga qayb qaateen si kaduwan iney uga qayb qaataan, si haddi laga eego waxaa la dhihi karaa wey jeclaayeen xisbiga, kamid bey ahaayeen markii horeba markii danbana wey ku qamaareen, hadana waxay is tuseen inuu xisbigu soo noqonayo, lakiin haddii ay ka iman lahayd, ficiladaas mise dhacdooyin kaas xisaabtan dheer oo rasmi ah oo dadkii lagu tuhmayo, bey tii aan kuu shegayey ee muxaafidnimada ahayd munaasab noqon lahayd, sida dhabta ahse waxaa weeye somalidu ma xisabtamin , doorashadaanna ma xisaabtamin kuwii ka horeeyeyna ma xisaabtami jirin, waxayna ku xiran tahay ashkhaas cul culus oo xilal waaweyn ka soo hayey dowladii hore oo dantooda ilaashanaya iyo waxooda khaaska ah ayaa ku guuleysan jiray in mujtamaca guud ay meyshay doonaan mariyaan, awood dowladeedna wey haysteen dhaqaale ku filanoo ay dadkii ku dhexgalaanna wey haysteen, dadkana meeshey rabaan ayey mariyaan, umadana umada xisaabtantay ma’ahan oo leh meeshaan baa mabda’ noo ah ama meeshaan bey faaido noogu jirtaa, horayna uma dhici jirin hadana waxyaroo isku soo boodda camar ah ayey noqontay, hada lafteeda markey arkeen in dawladii ay u haysten inaan laga guuleysan karin in laga guuleystay ayey noqdeen sidi dad hurdo ka soo toosay, oo ay hadana diyaar u yihin iney tann laqabsadaan, sidii tii wadanka Jamhuuiryada oo wax ay ku kala tageen oo xisabtan-keedu cad yahay uusan u ahayn, ayaa kuwa gobolkan Kenya ka mid ahna wax walba saas u tahay, Somaliduna waa dad xisaab xun, waxa ku khasbayana majito, taarikhda haddii la egaana waa la gumeysan jiray, waala laxaqiri jiray, xaqoodana waa loo diidi jiray, wixii saas yeeli jirayna xisbigii hore ayuu ahaa, weyna daba socon jireen.

Somalitalk.com: Dadbaa hada waxay leeyihiin haddii aysan Somalidu raaci lahayn Kanu waxay ka baqayeen in dhibaato loo geysto, taas ma dhici kari lahayd.
"waxa alla wixii la doono ayaa Soomaalida laga meel marsadaa"
Faarax Macalin

Faarax Macali. Waa been, aniga gobolkaan ka imaaday wax jirana malahan, Somalida mala awaalka wey ka helaan, Soomaalidu wa xoolo raac, waa shakhsi raac, cid dhib ku haysaa ma jirto, cid u goodin lahaydn ma jirto, taa waxay dhamaatay Sanadkii 92. markii Axsaabta badan la furay oo Dastuurka waxa yaala halbawle ahaa laga badalay oo doorashooyinkii dhaceen ayey dhamatay arintaa, Soomaalida wax ka duwan dadka kale inaan lagu sameyn karin wey ogtahay, wadanka Axsaab badan ayaan laga sharciyeeyey, waxayse mar walba diyaar u ahaayeen iney daba dhilif ahaadaan, iyagoo wali ka mid ahaa Dawladii xukunka haysatay ee shaqada loo doonanayey, waxa alla wixii la doono ayaa Soomaalida laga meel marsadaa, wax walba haddii lacag loo helo iyaga kaliyana ma’ahan kuwa Soomaaliyana waa sidaa oo kale mar Itobiya ayaa xoogaa lacaga siin oo hoteelo geyn, mar carabahaas ayaa meel ula ordaya, marka waxaa soo cadaatay in ninka Soomaaliga ah ay taariikhda u gashay saas, waana nasiib xumo in haddii hanti naloo hayo aan iibsankarno shakhsiyadeenna, dadnimadeen, dhibka dadkenana aan siisan karno waxyaabo cayn kaa soo kale ah.

Somalitalk.com: Inta badan Soomaalida aad baad u dhaleeceysaa, hadaladaada dadka dhagaystana saasey kugu sheegaan, dad kula qabana waa jiraan, marka maxay tahay cadaynta aad u hayso in Somalidu ay dhaqankaas leeyihiin

Faarax Macali. Wax aniga ii muuqdo oo aan oran karo Soomaalida waxaa saa ku khasbaya majiraan, sabatoo ah waxa kugu khasabaya inaad dadkaaga iyo dalkaaga iibsato majirto, illeen markaad gadato meelaad uga baxdo malahan oo adna meeshii unbaad wali taagnaan, hadana wey dhacdaa arintaa oo dhaqan taarikhi ah ayan uleenahay runta haddaan sheegana illeen hada ajnabi u faani meynee oo anaga kaliya ayaan nahayee dhaqan-kanaga fiiri oo taarikhda dib usii baar, fiiri maahmaahaha Soomaalida, sida “Af wax cunay xishoo”, waxaa lagu dhihi “Maalinkii oday oday habeenkiina habar habar”, hada fiiri “Meel il laga la’yahay hadaad tagto ishaa la is tiraa”, tan eeg “Maslaxadaad maqaar eey baa loogu seexdaa”, waxaanba anigu garan la’ahay maslaxada aan maqaar ey ugu seexanaya, ninka Soomaaliga ah wuxuu ku oran meeshan dan yar baa igu jirta, mabda’ayga ma’ahan laakin caruurta biilkooda ayaan ka helayaa, waxasoo dhan baa jira, iyadii ayaana nasoo hiraaday, awal dhexdeenna ayey ahayd, hadda laaki! n jiraan ayaa nagu xiran, Amxaaro ayaa daris nala ah, Eratariya ayaan meel dheer noo jirin, Kenyaa nagu xiran, wadamadii kale ee East Africa ayaa nagu dhaw, aduunkii oo dhan ayaa isku soo dhawaaday Soomaalina meel kasta waa joogtaa, runtii waxaa loo baahan yahay in waxyaabaha xun ee dhaqankeena kamid ahaa in la bado oo umadan masiirkeeda la badbadiyo, ileen umad aan wax walba soo marin majirto, hada Yahuud boqolaal sano eyey daba gadisnaayeen oo meel walba lagu ugaarsanayey, laakiin 50.kii sano ee aan soo dhaafnay dad dhisan weeyaan, annaga hada wixii na soo maray haddey yihin wax aan ku cibraqaadaneyno oo aan dib danbe loogu noqoneyn oo waa tii la yiri nin mu’min ah god laba jeer lagama qaniino, shalay hadad dadkaagii iibsatay hadana inaad ku noqot ma’ahan , Soomaalida halkan ha joogaan ama Itoobiya ha joogaan, ama kuwa Jamhuuriyada ha’ahaadaanee waa isku wadamid, hadana il adayga aan leenahay waxaa ka mid ah, inaan u radino qiil khaladkii aan galno, maahmaahdii waa tay ah! ayd, wadaad hadii qaalin helo qiil mawaayo, taas ayaan nolosheeda ku wadnaa , intuu khalad ogaan u sameeyo ileen qorigaad ku istaagto qajaftiisa waxba kaama dhimo baa la yiriye, meeshuu cudurdaar ka sameyn lahaa oo uu dhihi laha taladan waan ku khaldanaa ayuu mala’ mala’ gali oo uu hadana qiil u raadinayaa, beentaasna ayaa lagu wadi, waxaa kugu daliil ah dadkii markii hore labooday wiilkii Uhuru ee yiri waan dooraneynaa oo Madaxweyne ayuu noo noqonayaa ayey hadana markii ay ku galeen dareeysteen doorashadii oo laga adkaaday be mucaaradkii galeen, wadankan hadda waa lagu sheekeystaa Soomaalida oo mabda’ooda ayaa lagaran la’yahay, maanta ninkan ayuu amaani, barina mid kale ayuu amaani, misaajid asagoo lacag ka uruurinayao ayaad arki hadana isagoo kaniisad lacag u uruurinyo ayaad arki Soomaalida kaliya ayaa laga hayaa dhaqankaas nin kale lagama hayo.

Somalitalk.com: laakin ka waran dooda dhahaysa Soomaalidu waa dad ka aqoon yar ka tiro yar, ka hatni yar, qawmiyadaha kale ee Kenay, marka cuqdadaas ah in Soomaalidu aysan miisan ku lahayn wadanka, sow makenyso iney xisaabaad badan la qabsan waayaan.

Faarax Macalin. Sida aad hada shegeyso waan ku doodi jiray markii aan ku hadlayo sidii mucaarad ahaan, laakin markii dhab ahaan loo fiiriyo Soomaalida dadbadan oo ka liita ayaa jira, Muslimka kale oo xeebta jooga oo dhan waa ka liitaa, Baajuuntaa ka liidata , Giryaamo oo %50. Muslim yihiin ayaa la liita, Digo oo %100. Muslim ah ayaa ka liita, Gaalada hadaad dhex gasho, Bakoodka nimanka la dhaho wey ka liitaan, Turkaanada waa ka liitaan, sambura,Boorana iyagana waa ka liitaan, laakin kuligood meel loogu soo hagaago ayey leeyihin, hadey ku khasaaran iyo ahadey ku faaidaan iyagoo meeshooda taagan ayaa loogu yimaadaa, Somaalidu wey ka danbeeyaan dadka Kenaya laakin kuwa ka sii danbeeya ayaa jira, laakiin meel loogu soohagago leh, anaga taayada wax nagu khasbi oon ka ahayn beenbeentayadii majiraan, gunno donasho, daba dhilifnimo, iyo fitnada qoys qosyka ah unbaa sal u ah waxa na haysta.

Somalitalk.com: Markii uu Moi soo bandhigay Uhuru oo ay sameysmeen xisbiyada Narc waxaad Idaacadaha ka tiri markii lagu weydiiyey maxaad ugu biiri weyday, waa cunsuruyiin, arintaa majirtaa maxaadse ugu biiri weyday?.

Faarax Macalim. Haa wan iri, haddii aan kuu hormariyo, in mawqif la qabsado oo ah mid aan guureyn oo ka dhalaneysa danta dadkaaga, ku guuleysataa iyo ku guuldareysataaba, waa loo baahan yahay, aniga marka Faarax ahaan waan diiday Narc, inaan dhex ordo, hadda aan kula jooga haddaan u tagi lahaa gacmo furan ayey igu soo dhawayn lahaayeen laakin mayeelayo, wax kstoo dhaca, sababtoo ah waxay ku dhisanyihiin ayaa ah qabaa’ilkii waa weynaa oo isu tagay, wax danta Muslimka ama Soomaalida ay leedahay oo laga gaari doonana iiga ma muuqato, haddii la gaarana waa un in annagoo mideysan oo u dagalameyna xuquuqdeenna aan soo ceshanno, Aniga Xisbiga hadda wadanka qabsaday waxaan u arkaa iney cunsuriyiin yihiin ayna ka liidan doonaan ku wii ka horeeyey, waz wanaagsann aysan Muslimka iyo Soomaalida u keegeyn, iyagoo ii yeeraya ayaan ka dhaga adkeystay, haddii qolyahan Soomaalida ee Kanu ahaa ay mawqif kooda qabsadaan oo ay dhahaan, Haa Narc magaleyno, shalay tana kama qabno, hadana xuqu! uqda dadkeenna annagoo mucarad ah ayaan u doodeynaa waxna u qabaneynaa, wey fiicnan lahayd, laakiin maxay sameeyeen, saastey u arkeen in kanu ay sii socoto waxay bilaabeen shaleyto, iyagoo leh waxaan la shaqayneyno dawlada cusub, waa nala siray, waa nala khalday, i.w.m., wax jirana ma’ahan oo cidna ma sirin, aniga Faarax ahaana narck uma arko inuu wanaag ka iman doono,

Somalitalk.com: Soomaalida Jamhuuriyada dagan iyo Somaalida Kenyaba Siyaasi caan ka ah ayaad tahay, guud ahaan dadkuna waa ay ku jecel yihin, marka maxaa sababey in aad laba doorasho dhacdo.

Faarax Macalin. Laba doorasho ayaan dhacay, intaan ku soo sheegay ayaa meesha ku jirta, qoys qoys ayaa jira, aniguna ilaahay maqaadiirtiis qoyska marka kor laga fiiriyo ma’ahee, hoos ahaan jilibyada yar yar baan ka dhashay, midda labaad lacag baa la isticmaalay, oo xisbiga xaakimku isticmaalay, anigu lacag mahayn, hadaan hayana ma bixiyeen oo intaan qof laalusho ma oranayo ii irid, afkaarta dadkii waad ka dhaadhicin, dadkii waa saad u shegtay wey kula jiraan, doorashada intaysan dhicin dadka %70. iney aniga ila jiraan ayaa la filayey, laakiin lacagbaa la qaybiyey oo aniga irid ayaa la yiri, nin kasatana shilinkiisii ayuu qaatay, inbadanna waxaa lagu soo duway qoys qoyskii, labadaas shey Soomaalida jirkeeda lagama saari karo, hanti jacayl, qabiil, iyo hugunidoon ayaa Soomaali haysata, labadii jeerna labadaa arimood ayaan u dhacay.

Somalitalk.com: Marka la eego taariikhda Siyaasiyiinta Soomalida waa la yaqaanaa, adiga marka taariikhdaada Siyaasadeed la eego mucaarad unbaad ahayd, marka mucaarad-nimada faa’iidada kuugu jirtaa maxay tahay?.

Faarax Macalin. Horta mucaarad-nimada waxay ka dhalaneysaa waxyaaba dhacay mooyee ma’ahan sidii mad-hab la iska haysto, sida Ahlu Sunaha u leeyihin Madaahib Xanafi, Shaafici oo kale, marka majiro mad-hab la dhaho mucaarad oo la iska haysto, laakiin dawladii dhisneyd marka aysan kuu cadayn iney ka dhexmuuqato wixii danta dadkaaga ah, khasab inaad dadkii u doodo ayaa loo baahan yahay, inaad sheegto wixii dadkaaga ka maqan mucaarad uma haysto ee baraarujin ayaan u haystaa, muhimada ugu weyn oo ay Siyaasada oo dhan leedahay waxaa weeyaan, daryeelka dadweynaha dalkaaga ku nool, dawlada gacanta ku hasyo noqotayaa, ma’ahee mid kale oo ku fiirinaya oo ceebahaaga soo saaraya noqotayaa, kulli danta dadka ayaa lagu wada jiraa, aniga runtii ma’anan jeclayn ku mana talagalin inaan mucaarad sidaan u ahaado, laakin duufaanno ayaa dhacay oo amar ilaahay lagu xisaabin kara, wixii aan mudo ka soo shaqayneynay ayaa afar bari gudahood isku badalay, oo dhinac ayaa loo wada yaacay, aniga dad b! adan oo meel u wada socda hadaan arko waxaan ahay dadka is dhaha bal u kaadi dadkan badan un ha iska raacinee, hadana dadkii dhinac u yaacay ayaad mar dhaw arki doontaa iyagoo soo gadoomay, inkastoo markii hore la ila yaabay oo la iyiir maxaad dowlada u soo raaci weyday oo iney badinayeen waa muuqatay, laakiin aniga waxaa ii muuqatay in dhaandaba gaalle la yara daba orday oo kale iney iska noqotay, oo meesha lagu hungoobay lagana soo wada gadoomi doono, midbaanse shaki ku jirn isbadalkii dhacay inuu saameyn doono dalka, tii lagu jirayna uu dhaami doonaa oo kama xumaan doono tii hore, horumarkuna fasiraad ayuu u baahan yahay, maxaa la dhahaa horumar, ma rag dadkaaga ka mid ah oo ka dhexmuuqda dawladaa hurmarku, ma dalkaaga oo mashaariic laga fuliyaa horumarku, waana mid in laga dooda loo baahan yahay, isku soo duuduubo xaga wanaaga ayuuu wadanku ku socdaa, xaga Muslimka sidey u xisaabtamaan un weeye, xaga Soomaalida sidoo kale.

Somalitalk.com: Xisbiga hadda dalka qabsaday sida loo rabo waxaa laga garan karaa sidii codka loo siiyey, iyaguna waxay ku balanqaadeen iney isbadal badan sameyn doonaan, ma isleedahay 5.Sano ayey ku hirgalin karaan isbadalkii suuroobi waayey wax ka badan 30.sano.

Faarax Macalin: Waxaan aaminsanahay dadka Kenya ku nool waa dad aad u dadaal badan oo iney dhidid kooda cunoon aaminsan cilmina leh, iyagu dawlada waxay uga baahan yihin waxaa weeye un iney dawladu hortooda ka gudo, una badbaadiso dakhliga dadweynaha laga soo qaado sida cashruuta, oo si fiican u maamusho, saan aaminsahayna isbadalka dadweynaha ayaa keenay ee dowladu makeneyso, laakin arimaha lagu soo caanbaxay oo ah waxaasan qabaneynaa aniga waxaan u arkaa iney tahay hadalkii Soomaalida ee ahaa Haweenka beenna waa lagu soo xero galiyaa runna waa lagu dhaqaa, hada tiiyoo kale ayaa muuqata, laakiin marba hadii a y dawladii dhismato rajadii laga qabayna ay aadu weyn tahay, dawlada waxay ku guuleysatay ma’ahan jacayl loo qabay ee waxay ahayd nacaybkii loo qabay dawladii ka horeysay, aglabiyada ay hada haystaan waa mid aanan u arkin iney tahay shey wanaagsan, waxaa fiican mar walba inaad haysato codadka %52.ama %51, si dadku aysanba rajo badan kaaga sii qabin, axsaab badan ooxisa! abtamaya ayaa meesha ku jira, hadiise aad aglabiyad badan hesho degdeg ayaad ku fashilmeysaa, maxaa yeelay dadku daawo degdeg ah ayey sugayaan, daawa degdeg ahna lama heli karo sida runta ah dhaqaale looma hayo weyna adag tahay, hadana is badallo wey dhici doonaan, wax yaabaha la sugayana ma dhici doonaan, dad badan baa oran doona saan ma sugayn, balanqaadkii aaway, markii Narc la hagaajinayey waxaan uga soo horjeeday waxaan diidanaa in shacabkii Kenya aysan halmeel isku uruurinin oo Axsaab badan la hagaajiyo, si hadhaw cududdii u qaybsanto, sifa hadhaw xisaabtan u yimaado, dowladuna ay noqoto mid si joogto ah loola xisabtamo. Haddiise hal xisbi wadanka qabsado waxay noqon Dektaatoor baad ka soo tagay Dektaatoor kalana waad dooratay, waayo wuxuu doono samayen karaa, waayo boqol iyo dhawr ayaa ugu jira barlamaanka, hadana kuwii Soomaalida ahaa iyo kuwa kale ayaa yaacaya oo Albaabadii laga xirtay, marka wadankii oo dhan mucaarad malahan, hada kuwii xisbigeyga ahaa oo 14.qof k! a helay wax hada la ogyahay oo mucaarad sii ahaanaya ku waasaa kajira, maxaa yeelay kanu hadda xoogeedii iyo kuwii Uhuru waday waxay leeyihin anaga dawladan cusub ayaan la shaqayneynaa, maxaa dhacay waa isku qabiil, marka xoogaa nasiib xumidaas ayaa jirta, taasaa waxay kuu muujineysaa iney dowlada fashilmi doonto, lakin inuu wadanka isbal ka dhici waa wax iman guud ahaan, maxaa yeelay duufaan lama celin karo waa mawjad socoto.

Somalitalk.com: oo ma waxaad leedahay fashilku wuxuu iman kara shantaan sano gudahood .

Faarax Macalin. Haa khasab mudo yar waxaan la gaarin ayuu iman, hadaa la kala boodi rabaa, sabatoo ah waa 14.xisbi oo rabay inuu midkasta dadka Madaxweyne u noqdo, xisaabtan gooni ahna haystay, marka haddu xisabtankii iska waayo iska hor imaad baa dhicin, weyna bilaabatay iney kuu muuqatay iyo in kale mooyee, oo durbadii qiiqii baa soo baxay walow uusan weyneyn,

Somalitalk.com: Madaxweyaha cusub ee dalka qabsaday mudo mucaarad ayuu ahaa adiguna mucaad ayaad ahayd sidee buu yahay xiriirka idinka dhexeeya labadiinna.

Faarax Macalin: Runtii ixtraam baa naga dhexeeyey sida an aniga aan aaminsanahay shakhsiga Siyaasiga ah in lagu jeclaado ma’ahan,, ee waa inlagugu ixtraamo afkaartaada iyo mabaadi’daa, mid lagula qabo iyo mid lagaaga duwan yahayba baa muhim ah, marka aniga ixtraam weyn baa dhaga dhexeeyey, aad buu isgu dayey inaan ku biiro oo balan qaadyo iyo waxbaa na dhexmaray, anna wey ila yara fool xumaatay inaan aniga wax raadsado, maxaa yeelay waxaa iiga soo baxday inaan aniga wax raadsanayo mooye umadii aan matalayey iney adkaan doonto sidii wax loogu qaban lahaa oo aad markaa noqoneyso sidii aan soo sheegnay af wax cunay xishoo, marka waxaa ii dhaantay inigoo duurkeyga iska jooga, oowixii aanka sheegi ka sheego oo la kashifo hadii dhibka la ka shifo waa yaranaayaa, isaguna mudo dheer mucaarad ma’ahayn labadii doorasho unbuu ahaa ka hor wasiir buu ahaa 11.Sano Madaxweyne ku xigeen ayuu ahaa, nin nidaamkii jiray kamid ahaa ayuu ahaa, barigii aan axsaabta badan dooneynay nin ka soo ho! rjeeday ayuu ahaa, dad kaloo badan oo kanu ahaa ayaa kula jiray, hada 4.wasiir oo kamid ah 3.biloodka hor wasiiro bey ahaayeen, makra isbadal halbowle ah ma dhicin ee dadkii unbaa marba koofiyad xiranayey, oo leh tan wey dhacaysaayee tan kale ii dhiib aan madax gashadee, Kibaki reer Kenya wey garan wuxuu qaban karo iyo wuxuusan qaban karin, hadana waxaad mooda in codkii u batay in loo heeso sacabana loo tumo, lakiin wixii jira wey soo bixi doonaan.

Somalitalk.com: Makula tahay Uhuru inuu ku guuleysanayo doorashooyinka soo socda, oo inte in le’eg ayuu rajo yeelan karaa.

Faarax Macalin: wallaahi wax kasta waa dhici karaan, Shan sano waa mudo dheer gudaheedana is badallo badan baa dhici karo, laakin uma arko in uu ka bixi karo inuu noqdo gudoomiyaha mucaaradka ee Baarlamaanka, nin yar weeyaan, nin hanti ku soo koray weeyaan, nin doorashadaan ka hor aan marnaba aan la dooran buu ahaa, hada ka horna wuu isku dayey wuuna dhacay, ilama ahan nin ka bixi karo inuu yahay Siyaasada iyo laablaabkeeda joogtada ah iyo inmaskaxda si joogto ah looga shaqaysiiyo, waxaa ii muuqata xisbiga kanu haddii ay rabaan iney dad muuqda noqdaan iney wax iska badalan xisbiga oo ay dadkale lagu soo biiriyo oo jagooyin waaweyn ka qabta xisbiga, dadkii ka muuqdayna inta badan waa dad la nacay oo laga hor imaaday, marka khasab bey ku noqon iney dhiig cusub raadsadaan, horta waa xisbi haba laga badiyee hada aan si fudud loo dhihi karin wey u dhamaatay waa soo jiri jiray oo tuulo kasta xafiis ayuu ku lahaa, haddii xitaa laga badiyey meel walba dabkooda ayaa ka shidnaa qoryih! ii unbaa la gal galin, tanna haddii ay fashilanto horay ayey ka soo noolaan kartaa, marka ma’ahan dad la fududeysan karo.

Somalitalk.com: waxaad tahay nin waxa uu rumeysan yahay si dhameystiran u sheega, taas marka miyeysan kugu noqoneyn dhibaato Siyaasad ahaan iyo nabad galyo ahaanba.

Faarax Macalin: Wixii dhab ahaan aad aminsan tahay hadaad u sheegi weydo inaad been sheegto ayey noqon, ileen been lama difaaci karee, hada aniga wax dhib ah igama soo gaarin, marka laga rebo labadii jeer ee aan dhacay, dhibaatooyin yar yar wey jireen waayo dawlada waagii hore in wax laga shego ma’ogelyn, hada laakin aniga mana la igu dilin, xabsisna la ima dhigin, markii iigu badnaa maalinbaa xafiis la igu reebay la imana xirin, aniga markii horana wixii aan soo bartay ayaan ku shaqaysanyey markii danbana Becmushtar ayaan galay, marka ilahayna waad isku xireysaa waadna shaqa tageysaa, waa run dad badan baa kugu nacaya, aniguse khasaare iguma dhicin doorasho lagu dhacana wax weyn uma arko, oo qaar badan oo been sheegayey ayaan dhacay, hadana wadankii waa sii furfurmayaa, Dimuqradiyadii ayaa sii badaneysaa waxyaabihii la dhihi armaa lagu dilaa ama lagu xiraa caadi ayey iska noqoneysaa, umada Soomaalidana haddii aan u horsiidi lahayn calool adaygaa markay arkaan Siyasigoodii ! oo adag, shacabkuna wuu adkaanaya, anaguna been ma sheegeynee wixii jiray unbaan shegeynay, marka wax dhib ah uma arki anigu.

Somalitalk.com: haddaan aadno shirka Soomalida ee Eldoret, maadama aad tahay Siyaasi asal ahaan ka soo jeeda Soomaali rajada aad ka qabto inuu hirgalo shirkan maxay tahay.

Faarax Macalin. Rajo weyn ayaan ka leeyahay in ay nabad ka dhalan doonto, walow Soomaaliya hadda ay inta badan nabad tahay, Eldoret rajo ayaan ka qabaa taas waaxaan u leeyahay waa fursadii u danbeysay oo waxaa la leeyahay bal hada aan isku dayno, haddii ay Soomaalidu hadda ka faa’idesan weysana midda ku xigta wakhti dheer ayey qaadan doontaa, marka kuwa hore haddii lagu soo ciyaaray tanna waa in aan lagu ciyaarin, haddiii la eego dowlada hada wadanka qabsatay, waa qabiil weyn oo aqoon leh, suuqiinii waa ku yar yahay maadama ay mushtar yihiin, dadkooda kuma filno, marka Madaxweynaha hadda wadanka xukuma wuu ka duwan yahay fikrad ahaan kii ka horeeyey, Madaxweynihii hore wuxuu ahaa kirishtaan cunsiri ah kuna yara xisaabtama inuu ku mudo dheereysto dhibaatooyinka jiiraankiisa ka jira ha’ahaato tan Suudaan ama Soomaaliya, waayo marna wuu shidi jiray, marna wax damin buu iska dhigi jiray, laakin kibaki waa Madaxweyne qabiil weyn ka dhashay, oo hantida dalka Kenya %60,iyagaa leh,! marka iney Itoobiya nabad ka dhacdo, oo Suudaan ay ka dhacdo, oo Soomaaliya ay ka dhacdo, si ay uga shaqaystaan oo macalimiin ay ka noqdaan, oo dhakhaatiir ay ka noqdaan, ayaa ka dhaadhacsan Madaxweynaha hadda, isagoon u daneyneyn Soomaalida kaliya ayuu u daneynaa qabiilkiisa, qabiilkiisa waxay dagan yihiin gobolada dhexe oo Soomaali, Sambuura ayaa ku heegaarsan, dadkaasna waxa la amisan yahay iney qabaa’ilkaas hubka haystaan, marka dadkaas in hubka laga dhigo danbaa ugu jirta, si dariska iyo wadanka ammaan u helaan, ninkii hore ee ergayga gaarka ahaa looga dhigay Dib-uheshiisiinta Soomaalida wuxuu ahaa nin ay aad u xuntahay taariikhdiisa ayuu, mana ‘ahayn nin xilkaasoo kale lagu aamino, maxaa yeelay Madaxweynihii hore wanaagba kama rabin, Mwangale wuu ka shaqaysatay meesha, ninka hadda cusub ee la sheegay inkastoo uu yahay nin kirishtaan ah oo Asalraac ah, horayna u ahaan jiray Safiir, waxaan u arkaa inuu si daacadnimo ah u galidoono arinta, kiplagat waxa uu ahaa nin ku d! hexjiray Nabadeyntii Suudaan, inkastoo uusan dhexdhaxaad ka ahayn oo uu kirishtaan ahaa, laakin Soomaalida kirishtaan malahan, oo waa dad wada walaala ah, hadda ka hor ayaan ka wadahalnay damaqansho ayuuna ka muujinayey arinta Soomaalida, isaga iyo dakale ayaan ka wada hadalnay, hadda haddii lamagacaabana inaan caawiyo, oo iila soo xiriiro ayaa laga yaabaa, mudo yar ayuu qaadan doonaa shirka, arinta muhimka ah waxa weeye mawqifka ay ka qaadadoonaan faragalinta Itoobiya ee Soomaaliya, walow caalamka Sanad ka hor iyo hadda aysan isku mid ahayn, oo Itoobiya waa lawada arkay hadda, IGAD wey dadaashay, IGADna waa in ay iska deysaa Diblomaasiyadda ku dhisan kala xishoodka, taasna waxa wax ka qaban kara, “Cadallah” oo ah nin jilicsan, aniga taas waan ku dhaliilayaa, waxaana u kala cadaan la’ xiriirka dowladisi Suudaan iyo Itoobiya iyo hawsha uu hayo, marka inuu cuslaadoa ayaa la rabaa, marka Soomaalida waxaa haystay sadax mushkiladood, midi waa Itoobiya midna waa moi, midna waa xog! haya guud ee IGAD marka hadda moi tag, labadana kale ayaa xal u baahan,

Somalitalk.com: Siyaasiyiinta Soomaalida ee halkan jooga wax xiriir ah oo aad la leedahay ama lakulan aad la sameysay ma jiraan.

Faarax Macalin: Sadaxdi bilood ee la soo dhaafay xiriirkaayaga wuu yaraa ileen doorasho ayaan ku jirnay, kadibna safar wadanka dibadiisa ayaan ku maqnaa, oo shirar ayaan aaday, marka xiriirkeenu wuu yara walow qaarkood aan Teleefan ku sheekeysanay, xiriirkeenuna waa yaraa, waxaana loo baahan yahay iney si dhab ah u wada hadlaan, oo ay isu waraystaan, marka waxaan la soconay in Siyaasiyiinta Somalida intii uu socday shirka Eldoret ay goob jooga yaal badan oo dalal kale ka socda joogeen oo marka ay shirka ka soo baxaan waxna lagu shubayey waxnla laga shubayey,

Somalitalk.com: Diyaar ma u tahay inaad adigu qayb ka qaadato arimaha Soomaaliya, sidee baadse uga qayb qaadan.

Faarax Macalin. Horta in Soomaaliya ay dawlad ka dhalato waxay marka koowaad dan ugu jirtaa Soomaalida aan ku nooleyn Jamhuuriyadda, markii aan anigu arimaha Soomaliya ka hadlayey ma’ahayn nin Soomaalida Jamhuriyada kaliya u dagalamayey ee taayadana waan u dagalamayey, illeen dantaanada ayaa ku jirta, ha’ahaadan kuwa ku noll Kenya, ama Itoobiya ,ama jabuuti, jiritaankeenna ayaa ku xiran, taa awgeed arinta Soomaaliya in xal laga gaaro diyaar ayaan u ahay inaan wax kasta ku bixiyo qiima kasta ha ku kecee diyaar baan u ahay inaan ka qayb qaato xalka Soomaalida.

fahad Fahad Yaasiin xaaji Daahir 
editor@somalitalk.com

SomaliTalk.com 
Jan 28, 2003

I  I  D  H  E  H

  WARAYSIYADAA FAHAD YAASIIN

WARAYSIYADII IBRAAHIM MAXAMEDDEEQ

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002



HTML CD