Ummad waxaa lagu garta aqoonta iyo afkaarta xorta ah ee
ay xanbaarsantahay, iyadoon marnaba tixgelinayn taageerana ka sugayn ummadaha
beesha adduunka ee inagu geedaman iyo weliba xukumadda ay nidaamkeeda ku hoos
dhaqanyahiin, Bulshada xorta ah waxaa lagu sifeeya mujtamaceedu siduu iskugu
tiirsanyahay xagga aqoonta, waxbarashada, dhaqanka iyo dhaqaalahaba, waxaan uga
gol leeyahay Dalka jamhuuriyadda Somaliland ee curdinka ah laga soo bilaabo
1991 ilaa maanta oo dunidu cagacagaynayso qarnigan Milleniumka ee casriga ah
waxaa ka hirgelay dedaal balaadhan oo midhaheedii hadda si wacan loo guranaayo,
waxaa xusuus mudan sannadkii 1991 ilaa 1993 wakhtigaasi oo dalku ku jiray
xaalad cakiran oo dhinac walba leh khusuusan dhinaca waxbarashada, iyo hadda oo
aynu marayno heer dhalinyaradeenii jaamacadaha dhawaan bilaabay (recently
established University level matriculation students)ay ka go,antay sida ay ugu
duurgalayaan nolosha mugdiga ku jirta ee da,yarteena ku soo foodleh, !
waxaan akhriyey qoraalo kooban oo saxaafaddu ka qortay
cilmi baadhis (Research) ay ku sameeyen Ardayda Jaamacadda Hargeysa
dhigata,kuna saabsana Qaadka iyo waxyeeladiisa, runtii waxaa hubaal ah inuu
qaadku yahay Geed si weyn bulshadeena u curyaamiyey, dhinac kasta ha ahaato,
waxaa ugu weyn oo qaadka waxyeeladiisa ka mid ah xanuuno tiro badan oo uu ka
mid yahay Waalida, kelyo xanuunka, fududaynta cudurka dilaaga ah ee HIV Aids,
dhiig karka, macaanka iyo kuwa tiro badan oo aan ka bogtay warbixintii ay soo
saareen ardaydaasi qiimaha iyo qadarinta mudan ee jaamacadda hargeysa,
waxaa kale oo ka mid ah waxyeelada qaadka dhaqaale
burbur, nadaafad darro, qoysaska oo ku kala tega (Divorce and family
separation), Hurdo xumo,wakhti lumis iyo weliba tiro badan oo waxyeelo ah oo
aan la soo koobi karayn waxaan mahadbalaadhan usoo jeedinaya Ardaydaasi aan
taageerada dhinacna ka helin ee isku xilqaantay baraarujinta bulshadeena uu
qaadku sida ba,an u ragaadiyey, daraasad uu soo sameeyey nin! aanu saaxiib
nahay oo ka barta jaamacad ku taalla dalkani pa! kistan cilmiga shaybaadhka ee
afka qalaad loogu yeedho (Micribiology) ayaa wuxuu iigu sheegay in %90 bulshada
Somaliland ee u badan da,yarta ay sannadka 2006 ilaa 2010 noqon doonan qaar si
weyn u isticmaala geedka qaadka, wuxuu warbixintiisa ku sheegay in fidinta iyo
isbaridda qaadka iyo balwadiisuba ay Aabo u tahay shaqo la,aanta ka jirta
waddanka, taasi oo meel wal oo ka mid ah xaafadaha, dariiqyada, isgoysyada,
maqaaxiyaha lagu iibinaayo ama lagu gadaayo geedkaasi cagaaran ee loo yaqaano
Qaadka, %20 in ka badan dhalinteena barata dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa
saraba ayaa waxay kaga tageen waxbarashada (dropped out) isticmaalidda geedka
qaadka wakhtiyada kala gedisan oo loo bixiyey magacyo kala gedisan sida
Jabanaha, biyo raaciska, qarxiska, IWM,iyadoon waalidkuna laba socinin,
waxaa kale oo warbixintaasi ku jirtay inuu geedkani
sabab u noqday sii isticmaalka balwado kala gedisan sida Khamrada, xashiishada,
iyo kuwa kale oo lagu dhex iibiyo magaalada Hargeysa iyo magaalooyinka kale ee
somaliland dhexdooda, waxaa kale oo warbixintaasi si weyn u canbaraysay
dawladda jamhuuriyadda Somaliland oo awoodi kari wayday inay xakamayn ku
samayso mukhaadaraadka dalka soo gala oo laaluush badan ay ka qaatan saraakiil
ciidamada booliska ka tirsani sidii dalka loo soo gelin lahaa, iyada oo
warbixintu carabka ku dhufatay in Khamrada oo kale dawladdu si weyn u garanayso
dadka sida weyn uga ganacsada oo aan bulshada dhexdeeda sina uga qarsoonayn,
warbixintu iyada oo sii faahfaahinaysa waxay tilmaantay in mid ka mid ah
saldhigayada lagu gado ama lagu iibiyo khamradu aanu sidaasiba uga sii
durugsanayn saldhiga dhexe ee Booliiska ee magaalada hargeysa (the Central
command of Hargeisa Police), warbixintu iyada oo dhinaca qaadka ka hadlaysa
sida ay dawladda ugu dhalecaynayso waxaa lagu sheegay in dawladaha hoose ee
magaalooyinku ay tahli kari waayeen ama awoodi kari waayeen in ay iibinta
qaadka u yeelan xad (borders) hadiiba aan bulshada laga joojin karin tusaale !
ahaan: waxay dawladu awoodi kari wayday inay xero go,an u sam! ayso oo lagu
iibiyo qaadka dadka iibsanayaana halkaa ugu tagaan,
waxaa kale oo aan jirin qaraar ay dawladdu ka soo
saartay da,da iibsan karta qaadka(specific age) ee isticmaali karta, iyada oo
bay tidhi warbixintu keliya danaynaysa dawladdu cashuurta jeebka lagu shubto ee
ka soo gasha, warbixintaasi oo aad u dheerayd waxaa lagu soo saari doona buug
dhawaan soo bixi doona dhawaan, waxaan mahadbalaadhan usoo jeedinaya Ardayda
Jaamacadda Hargeysa sida xilkasnimada leh ee ay isku xilqaameen waxaanan ku
baraarujinaya da,yarta iyo ardayda jaamacadaha ee kale sida Jaamacadda Camuud,
ururka qiimaha mudanleh ee SYS, iyo ururada bulshada iyo weliba haayada
qaramada midoobay iyo dawladaha deeqda bixiya inay furaan barnaamijyo lagu
baraarujinayo dadka iyada oo loo adeegsanayo warbaahinta siyaasaddu dishootay
ee dalka ka jirta sida idaacadda, wergeysyada, televisionka, mareegayaasha ama
shabakadaha internetka, fagaarayaasha, iyo meelaha ugu daran ee lagu ganacsado
qaadka, waxaa aan si na! xariisleh uga codsanaya dawladda inay qabato seminaro
loogu sheegayo da,yarta waxyeelada uu gaadhsiin karo caafimaadkooda oo warbixin
dhawaan la soo saari doona sheegtay in uu qaadku si weyn u curyaamiyo korriinka
jidhka iyo maskaxda.
guntii iyo gebogebadii ayaan usoo jeedinaya Ardayda
jaamacadda hargeysa in ay ila soo xidiidhi karaan aniga oo diyaar ula ah inaan
ka caawiyo xagga warbaahinta iyo samaynta mareege ama shabakad cusub oo xagga
internetka ah oo lagu fidinaayo macluumaadka iyo khatarta qaadka.
Wa bilahi tawfiiq.
MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
KARACHI, PAKISTAN.
- diridhaba2001@hotmail.com
- diridhaba@333.org
- diridhaba@emailaccount.com
- ibnu_egal5@yahoo.com
- Mobile: 00-92-300-2203256
- P.O.Box: 8432, karachi university
-dhammaad-
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 11, 2003