SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
 Olole dacwadeed oo ka bilowday Muqdisho

Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka
iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...

Waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho maalmihii Khamiista & jamcaha 08-09/01/04 Muxaadarooyin kala duwan oo ka dhacay 22 xarumood oo isugu jira Masaajid, Xarumo dacwo, fagaarayaal & dugsiyo Qur'aan.

Ujeeddooyinka Ololahaan waxaa ka mid ah: In la Dardargaliyo dacwada magaaladaan Muqdisho & agagaarkeeda, In la daboolo baahida diineed ee dadwaynaha, In lagu dhiirri galiyo culimada magaalada ka qayb qaadashada fidinta & barista diinta, In laga hortago dhaqan doorinta & duullaamada kale ee ka horjeeda diinteenna, In lagu wacyi galiyo dadwaynaha Soomaaliyeed inay ka tagaan Dulmiga, qabyaaladda & colaadda la dhex dhigay.

Duruusta goobahaas laga jeediyay waxaa ka mid ahaa: Tiirarka islaamka, Tawxiidka & Shirkiga, Raacista Nabiga & ka tagista Bidcada, Salaadda & ahmiyaddeeda, Ujeeddooyinka Shareecada, Duullaanka lagu hayo Muslimiinta & sidii looga gaashaaman lahaa, Heshiisiinta dadka, Ka dhawrsiga Dulmiga, Qabyaaladda & dhibteeda iyo kuwo kale.

Waxaa ka qayb qaatay jeedinta Muxaadarooyinkaas qaar ka mid ah culimada waawayn ee magaalada Muqdisho, waxaana ka mid ahaa: Sh. C/laahi Cumar, Sh. C/laahi Maxamuud Ciise, Sh. Xasan Daahir, Sh. Yuusuf Maxamed Cilmi, Sh. Maxamuud Macallin Nuur, Sh. C/laahi Hiiraan, Sh. Muuse Daahir Aways, Sh. Axmad Xasan Maxamed, Sh. C/raxmaan Maxamuud janaqow, Sh. Maxamuud Axmad Xasan (A/shayba), Sh. C/risaaq Aadam Macallin iyo culimo kale. Muxaadarooyinkaan waxay socon doonaan muddo seddex bilood ah, waxaana la gaarsiin doonaa dhammaan dagmooyinka & xaafadaha magaalada Muqdisho, haddii Alle idmo.

Waxaa xusid mudan in baryahaan dambe ay aad u soo xoogaysanayeen dhaqdhaqaaqyada dacwadeed ee ka socda gudaha Soomaaliya gaar ahaan magaalada muqdisho & nawaaxigeeda, taana waxaa muujinaya wufuudda dacwadeed ee ka ambabaxaysay usbuucyadaan magaalada ayagoo ku sii jeeda dagmooyinka & tuulooyinka gobolka Sh. Hoose.

Xafiiska Dacwada & Tarbiyada ee Soomaaliya oo soo qaban qaabiayay ololahaan dacwadeed wuxuu ugu baaqayaa Culimada Soomaaliyeed inay labanlaabaan dadaalka ay ku bixinayaan faafinta & barista diinta, dadwaynahana wuxuu ugu yeerayaa inay ka faa'iidaystaan dadaalaka culimadu bixinayso, ayna u huraan diintooda wax kasta oo ay awoodaan.

Xafiiska Dacwada iyo Tarbiyada ee Soomaaliya:
dacwah@hotmail.com

Gabagabadii Seminaarka Hagaajinta Masaajidda


Faafin: SomaliTalk Jan 10, 2003 

»MINNESOTA: 18 Soomaali ah oo Qaba Cudurka AIDS-ka

»Isbadal Waa Lagama Maarmaan  [Shiikh.Jibriil]

»SUNTA KU DUUGAN SOOMAALIYA....

 »FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah
Qoysas-ka Somalida Reer Canada Ee U Soo Guuray Pune Hindiya Maxaa Sababa
Guji...
Maqaalkaagu Yaanu  Noqon Mid Mashaakil  Keena... Maskaxdaadu yey noqon..
Guji...
Samata Bixinta Dalka Dalka Soomaaliyeed iyo wax Qabadka aqoon yahanka Guji
MAXAAD KA TAQAAN DHAQANKA SWEDESHKA IYO KAN SOMALIDA
Guji...
Fariimo Bulshadeed
oo Dahsoon

Guji...
Xaalada Bulsho, Dhaqaale iyo Siyaasadeed ee Jamhuuriyadda la baxday Somaliland
Guji...
MAGACA SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA
Fahad
"hadii ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in
Salahudin
"Miyaan niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la
C/Waaxid
"dadkaasi la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur
Diridhaba
Kuwii sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada Itoobiya
Asad
"Shacbiga Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin,
Faysal
"7/12/2002 ayuu madaxwaynaha jamhuuriyadda
XagarYare

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD