| AYAAN XIRSI OO QARKA U 
	SAARAN IN LAGALA NOQDO DHALASHADA HOLLAND 
	 Ayaan Xirsi Magan
 Wasaaradda arrimaha socdaalka ee dalka 
	Holland ayaa  guda-galay inay baaritaanno ku soo oogaan wararka sheegaya 
	inay Ayaan Xirsi "Cali" oo xubin ka ah baaralamaanka Holland ay warbixinno 
	qaldan siisay waaxda socdaalka Holland. Waa xilligii ay dalbanaysay 
	codsigeeda laajinimada ee dalka Holland sannadkii 1992-kii. Ayaan oo 36 jir 
	ah, ayaa horey u sheegtay in lagu qasbay guurka nin soomaaliyeed oo la 
	sheegay inuu ku nool yahay Canada, iyo inuu magaca awoogeeda uu Ali yahay, 
	iyo inay si toos ah uga soo qaxday dagaalladii Soomaaliya ka qarxay iyo  kuwo 
	kale oo badan ayaa gadaal danbe lagu ogaaday inay ka fogaayeen xaqiiqda. Taleefishin laga leeyahay Holland, laguna 
	magacaabo Zembla 
	TV ayaa booqday gurigii ay Ayaan Hirsi "Cali" ka degganayd Nairobi dalka Kenya 
	iyo sidoo kale iskuulkii ay dhiganaysay 12-ka sanno kuna yaalay magaallada 
	Nairobi. Sannadahaas ay waxbarashada ku qaadanaysay dalka Kenya, ayaa dalka 
	Soomaaliya ka caafimaad qabay burbur iyo jahawareerka qaxootinimo. Waa 
	billowgii siddeetameeyadii ilaa dhammaadkiisii.  Wuxuu weriyuhu waraystay dhammaan 
	macallimiintii Ayaan Xirsi Cali iyo wiil ay walaalo yihiin oo lagu magacaabo 
	Mahad Hirsi Magan oo hoosta ka xariiqay inaynan sinnaba sax u ahayn cid ku 
	qasabtay Ayaan Xirsi inay guursato wiilka soomaaliyeed ee ku nool dalka 
	Canada. Hase ahaatee, iyadu waxay sananadihii la soo dhaafay goobo badan iyo 
	qoraallo badan ku xustay inuu jiray wiil lagu qasbay inay guursato, wiilkan 
	oo degganaa dalka Canada.  Rita Verdonk oo ah wasiiradda is-dhaxgalka 
	Holland, isla markaasna ka soo jeeddo xisbiga ay ka tirsan tahay Ayaan Hirsi 
	ee VVD ayaa wargayska Independent kana soo baxa England shaleey u sheegtay 
	in sharciga oo loo hoggaansamo ay dadkoo dhammi u siman yihiin, waxayna 
	iyadoo arrinkan ka hadlaysa tiri "dooni maayo inaan arrintan ka hor-dhaco, 
	hase ahaatee sharciga dadkoo dhan way u siman yihiin"  Waxay Rita Verdonk intaasi raacisay inay 
	Ayaan Hirsi qiratay inay hadallo xaqiiqada ka fog sheegtay markay 
	dalbanaysay codsigeeda laajinimo sannadihii 1992-kii. Ayaan Hirsi ayaa markii uu weriyaha tusiyay 
	cajalkii uu ka soo duubay Kenya tiri hadalladan "waa wax aad loola yaabo", 
	waxayna iyadoo indhaha rogrogaysa haddana tiri "haa, waan qiranayaa inaan 
	been sheegay". Waxay kaloo Ayaan Hirsi qiratay in magaca awoowga uu yahay 
	MAGAN, uusanna ahayn Cali, laakiin waxay saxaafadda iyo dadweynaha reer 
	Holland damacday inay ku qanciso hadallo ay naxariis kaga raadsanayso. Waa 
	markay oranaysay "dadkii oo dhan miyay waasheen??" oo ay ulajeedday in dadka 
	ka danbeeyay diyaarinta barnaamijkan inay ugu dan lahaayeen aargoodsi 
	siyaasadeed. Hase ahaatee, waxay axaddii la soo dhaafay iyadoo markale 
	qiranaysa beenteeda tiri "haa, waa sax inaan been sheegay si aan u helo sharciga magangalyo 
	ee Holland, warbixinnadan waxay ahaayeen kuwo guud ugu yaraan laga soo 
	billaabo sannadkii 2002"   Xubno badan oo ku jira Baarlamaanka Holland 
	ayaa soo jeediyay in Ayaan Hirsi lagala noqdo dhalashada Holland, dabadeedna 
	dib loogu celiyo meeshay ka timid (Soomaaliya), halka tiro kale oo aan 
	badnayn oo siyaasiyiin ah ay qabaan in fadeexaddaan la soo gudboonaatay 
	Ayaan ay ka danbeeyeen dad cadow ah oo xagga siyaasadda kaga soo horjeeda 
	gabadhaan soomaaliyeed. Ayaan Hirsi Ali waxay ku caanbaxday 
	aflagaaddada Muqaddasaatka Islaamka. Weliba wuxuu si weyn magaceeda adduunka 
	ugu u soo shaac baxay, kadib markii la dilay soo saarihii Theo van Gogh 
	filimkii ay qortay sanandkii 2004 oo ay ku sheegtay inuu islaamku duudsiiyo 
	xuquuqda haweenka. Sannadkii dhowaa ee 2005-kii ayaa misna Ayaan Hirsi soo 
	saartay filim ay sidoo kale sawiro xun uga bixinayso diinta islaamka, iyadoo 
	ay cabasho weyn ay filimkaas ka muujiyeen guud ahaan dadyowga muslimiinta, 
	gaar ahaan jaaliyadaha muslimiinta ee ku dhaqan Holland.  
	
	 Inkastoo ay jireen 
	caradaas iyo cabbashadaas is daba jooga ah ee ka imaanayay dadyowga 
	muslimiinta, hase ahaatee waxaa dhinaca kale garab socday taageerooyin iyo 
	abaalmarinno ay la gabar taagnaayeen Ayaan Hirsi Ali mawaaqiifteeda la 
	xidhiidha islaamka shakhsiyaad sarsare iyo xukuumado u badan galbeedka. 
	Sannadkii dhowaa waxay Ayaan Hirsi Ali ay ka guddoontay Ra'iisal wasaaraha 
	Denmark Anders Fogh Rasmussen abaalmarin weyn, iyadoo booqashadii ay Denmark 
	ku timidna si weyn loogu soo dhoweeyay. Sidoo kale, waxay horey booqasho ugu 
	tagtay Washington, xarunta dalka Mareekanka. Si kastaba arrinku ha noqdee, waxaa hubaal 
	ah inay Ayaan Hirsi Ali ay la soo gudboonaatay xaalad aad u adag, taasoo ay 
	si weyn uga fajacisay taageerayaasheedii ay ugu horeeyaan xisbigeeda xagjira 
	ee lagu magacaabo VVD iyo kuwa kale ee ka macaasha nacaybka islaamka. Inkastoo 
	ay maalinimadii isniinta ay sheegtay inay faraha kala baxayso siyaasadda, 
	haddana waxay si toos ah ula hadli doonta maanta oo talaado ah xubnaha 
	baarlamaanka Holland, si ay u muujiso mowqifkeeda ku aaddan fadeexaddaan 
	aadka u weyn. Ka bixitaankeeda siyaasadda waxay sabab uga dhigtay arrimo ka 
	madax bannaan filimkan danbe ee laga soo duubay dalka Kenya. 
  Waxaa isku soo dubaridey Ibraahim Saalax
 ibra88@hotmail.com
 SomaliTalk | DENMARK
 Faafin: SomaliTalk.com | May 16, 2006 
	QORAALDII SAWIR-GACMEEDYADII LAGU 
	AFLAGADEEYEY RASUULKA NNKH: 01 |
	02 |
	03 |
	04 |
	05 |
	07 |
	08 |
	09 |
	10 |
	11 |
	12 |
	13 |
	14 |
	15 |
	16 |
	17 |
	18 |
	19 |
	20 |
	21 |
	22 |
	23 |
	24 |
	25 |
	26 |
	27 |
	28 |
	29 |
	30 |
	31 |
 
 
  
  SOOMAALIDA EURO-AMERICAN: SANNADO BADAN AYAAN KU LUMINAY YURUB
	
	
	SOOMAALIDA 
							MINNESOTA: Safarkii Ibraahim Saalax... Guji |