SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - PAKISTAN

XASUUQII LOO GAYSTAY SHACABKA SOMALILAND

QORAALO TAXANE AH:
MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

KARACHI, PAKISTAN.

diridhaba2001@hotmail.com

 

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Waxaan warbixintayda ku bilaabi doona dhibatoyinkii iyo tiiftii, iyo rafaadkii iyo hoogii la baday shacabkan ka dhashay ee Somaliland, akhristayaal qoraalkan hoos ku qoran waa qoraal muujinaaya xasuuqii loo gaystay shacabka Somaliland sannadahii 1980 maadkii, waxaan ku bilaabaya xasuuqii ay ciidamadii saxnuuniyadda faqashtu u gaysteen 46 qof ee aan waxba galabsan ee xeebta Jaziira ee magaalada muqdisho,waa waraysi lala yeeshay Mujaahid Cumar Muuse oo ahaa Wiilkii ka badbaaday xasuuqaasi dulmiga weyn ahaa, akhriste si fiican uga bogo sawirada tiifta iyo xanuunka ku reebaysa iska daa Somalilanderks dunida ku noole ka uurka ku jira hadda, suuro gal ma noqon karta mar labaad in ay Somaliland shacabkeedu u hanqal taagan midnimo Soomaliyeed oo labaad, qoraalkan waxaa iga caawiyey Bogga wararka ee halgan news , waxaan mahad balaadhan usoo jeedinaya tafatirayaasha iyo isku dubayaasha boggaasi, gaar ahaan Cumar Cabdi Nuux, wuxuu qoraalku ku bilaabmay sida tani:-

Waraysi ayaa Dhawaan laga Qaaday Gacan ku dhiigle Canjeex waraysigan oo ahaa laba qaybood Waxaana soo tabiyay SDWO hadaba Anaga oo Tafiisiil Yar ka bixin doona bal Ninkan Dhagar qabaha ah sida Afkiisiyo aanay isu maqlayn Dhagihisu hadaba warayigan dhexdiisa Waxa uu ku sheegayaa in Saraakiisha Mareexaan badbaadin Jireen Saraakiisha Isaaqa Waa yaabe Hadaba haday kuwa mareexaan wax badbaadinayeen Yaa dili jiray Dadka Isaaqa ah. Waxaa dheer intaa Hadii ay shicib Xasuuqi jireen ma Sarkaal bay badbaadin Jireen?? isaga o ahaa Kuwii ugu Darnaa Waxa uu hadana halkan ku cadaynayaa in uu isla markiiba tagay Hargaysa oo uu ahaa ciidankiii Baabi`inayay Magaalooyinka Somaliland Waxaa Dheer Hadii uu ahaa Ragga ugu Dhawdhaw Kaligii Taliyihii Afwene Tol ahaan iyo Sxb ahaanba Mu`aamarada isaga loo Samaynaya maxay ahayd Ee loogu samayn waayay Saraakiisha Ogaadeeenka Hawiyaha iyo Ragii ku jiray Dawladii Afweyne intaa Waxaa Sii Dheer&nb! sp; In uu leeyahay Isaaq baa Baxay oo Ethopia ayaa ka danbaysay oo Taajirkoodii iyo Inankoodiiba ay dagaalamayeen Taasna ay isaga la dulmi tahay Maadaama aanu arkaynba waxa dadkaa lagu hayay waxaaba ka sii daran ninkan oo Isticmaalaya kalmadahihii ay iSticmaali jireen Ragii Gacanku dhiiglayaasha ahaa ee ugu waawaynaa Sida kalamadaha Canaasiir Isaaqa ayaa i dacwaysay Waxaabu ku sii indho cadyahay in aan si gaar ah loo xasuuqin Dadka Isaqa ah oo Soomali is wada dishay waa yaabe Soomaali markay isaaq la dagaalamaysay Ma Soomaalibaa Soomaali la dagaalamaysay mise Dawlad wadata Hubkii lagu iibiyay Canshuurtii Laga Qaadayay kuwa la laynayo ee Uu isagu ka mid ahaa Ragii xooga wax u xasuuqay Waxaanu intaa raaciyay in uu yidhidhaahdo Dadka Isaaqa Waxa loo Xasuuqay Hargaysa iyo Burco ayay Dagaal ka rideen Deeto Xamar bay ku soo bateen Sidaa daraadeed i waxaa laga baqay in Dagaal ay ka ridaan Muqdisho W! axaaba ka daran in uu leeyahay Gooni isu taaga Somaliland ma u! arko in ay kaliftay xasuuq laga galay Xasuuqna lagama galin ee Yaan soomaliya la kala goyn Ma wuxuu ku riyooday sarkaal kuu ahaa iyo Fadhigii loogu adeegi jiray hadaba ninkani waraysigiisa hore waxa uu ku sheegay in uu badbaadiyay niman Isaaq ah oo uu xiligaa soo dhoofiyay Waxa ka mida Mujaahid Xuseen Dheere raguu jeedo oo Wakhtigaa ahaa sarkaal SNM Oo kaba Dagaalamayya xiligaa goobaha ay Yaaleen Xoogii Faqashtu Waxaa kaloo ka mida Sumuni oo aan noolayn xiligaa Allaaya Raxmee Kala hadalkiisa waxa uu ku soo gabagabynayaa Toobiyihii uu Maray Gacan Ku dhiigle Morgan oo waraysi ku sheegay in ay la shaqayn Jireen Rag isaaqii Xasuuqa ay u gaysteen Isaaqa Isna waxa hadal ku soo gaba gabaynayaa in dawlada Somaliland Madaxweynaheeda ilaa Sarkalkeedu u shaqaynayeen Dawladii Somaliya !! Waa loo shaqayn karaa Dawlad se kuwani waxay u dhasheen Somaliland kumana hayno wax xasuuqa Ninkii madaxa banaanaa ee mareexaan ee isagu door biday i! n uu gacantiisa wax ku Xasuuqo Isaga iyo aaKhiradii Ifkana ku saamixi mayno waxaanu halkan idiinku soo ban dhigi doonaa Waraysigii Cumar Muuse siiyay 1998 Somalilander.org iyo Waliba inamadii la dilay qaar ka mida Sawiradoodii..

Hadaba ninkani miyaanu ogayn in umad 3-4 milyuun ahi u haysato xasuuqa loo gaystay Ardaydii iyo Dhalinyaradii Somaliland udhashay Fadlan Wada akhri m Maqaalada Iyo waraysiyada si aad u fahanto Bal sidii la inoola dagaalami jiray waxaanu halkan kaloonu idiin ku soo gudbin Waraysiyo laga qaaday eheladii U dhawaa Dadkaa la xasuuqay iyo liiska Magacyadii dadka lagu laayay Jasiira Waraysiga Labada Qaybood ah ee Gacan ku dhiigle Canjeex Hoos baydun ugu tagi marka aad macluumaad kugu Filan ka hesho Bal sida ay wax u dhaceen hadaba Fadlan u samir oo isku day in aad Akhrido Dhamaantii !!!

Akhri Waraysiga Cumar Muuse Oo ahaa inankii kaliya ee markaa ka badbaaday Xasuuqii ay gaysteen Saraakiishii Siyaad Barre ee u ka midka yahay Gacan ku dhiigle Canjeex

Cumar Muse Mire waxa uu ka mid aha Dadkii kontomeeyaha ahaa ee lagu xasuuqay xeebta Jazira. Cumar waxa weeye shaqsiga keliya ee ka badbaaday xasuuqaa. Ilaahay (swt) maalin kale ayuu Cumar u reebtay. Ilaahay Cumar wuxu maalintaasi ka badbaadshay xasuuqii Faqashtu ay ku oogeen walaalihiisii kale ee halkaasi ku qudh waayey. Kontomeeyaha Ruux mawdkii baa ku haleelay isla meeshii lagu toogtay. Ilaahay naxariistiisii Jano ha ka waraabiyo. Xasuuqa Jaziira wuxu dhacay habeenkii 17 Julaay, 1989 kii. Dadka la xasuuqay dhamaantoodba waxay u dhasheen Somaliland, waxayna ku wada noolaayeen xaafada Madiina ee magaalada Xamar. Xasuuqa Jaziira wuxu ka mid yahay boqolaal xasuuq oo ay Faqashtu ku gumaaday maatidii iyo shicibkii reer Somaliland.

Cumar Muuse markaasi da'diisu waxay ahayd 26 jir wuxuuna ahaa arday dhigta machadkii Maaraynta iyo Maamulka ee Muqdisho ku yaalay. Cumar wuxu haatan ku noolyahay dalalka Carabta wuxuuna leeyahay xaas iyo wiil.

Dhamaanba ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaanba umada reer Somaliland waxanu ka tacsiyadaynaynaa geeridii haleeshay Kontomeeyadaa Ruux xijaabtay Jaziira. "Innaa Lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun". Ilaahay agtiisa qofka muslimka ah dhagartiisu waxay ka culustahay dhulka iyo cirka iyo waxa saaran oo la isku daray. Qofka dulman Ilaahay waa kii u hiiliya ha dhawaato ama ha dheeraato e. Dadka reer Somaliland iyo dhamaanba inta danaysa damiirka dadnimada, islaamnimada iyo Soomaalinimadaba waxa ku waajib ah inay ka shaqeeyaan sidii gacan-ku-dhiiglayaashii xasuuqan iyo kuwii la midka ahaaba ka dambeeyey maxkamad loo soo taagi lahaa ifka. Aakhiro kolayba cadaabtii Jahanami waa u "ina daanweyne

Sawirkan Qiirada leh waa Cumar Muuse Wakhtiyadaa 1989 Sawir uu galay Sawirkan Waxa ka Danbeeyaa Waa Lafihii Dadka Reer Somaliland Ee La xasuuqay Lafahani Waa Lafo ka mida Kuwii Roobku soo saaray ee Hargaysa Waa Dad u dhashay Somaliland kuwan Cumar Dhabarkiisa ku sawiran iyo Kuwii Jaziira Lagu Xasuuqay maadaama oonu waynay Sawir Lafihii Jaziira laga qaaday waxaanu Garanay in Dadkii Faqashtu hargaysa ku laysay Soo daba dhigno Sawirka Si aad u dareento Bal Goobta uu Cumar Ka badbaaday iyo Sida Maskaxdaada Soo gali karta Eeg Sawirka oo Fikir Maxaad niyadaada ka dareemi kartaa maxayse se siiin kartaa niyadaadu ???

Qaybtii 1aad Xasuuqii Jaziira - Warbixintii Cumar Muuse

"Habeenkii taariikhdu ahayd 16 - 17 Julaay 1989, mar ay saacadu ku beegnayd 1 habeenimo. Shan koofiyad cas ah ayaa soo jabsaday gurigii aanu jiifnay. Waxan ahayn 5 rag ah iyo 4 dumar ah. Afar nin oo ka mida shantii nin ee aan guriga ku jiifnay, oo uu ku jiro ninkii guriga lahaa Cabdirisaaq Caydiid Maxamed, ayaa la duubay/qaaday. Nin da' weyn oo curyaan ah kaasoo aan socon karayn ayaa laga tagay."

"Waxa naloo qaaday meel aan ku qiyaasayo inay guriga u jirtay ilaa 30 talaabo halkaasi oo ay joogeen ciidamo kale oo koofiyad cas ah kuwaasoo ku wareegsanaa dad kale oo meesha lagu soo ururiyey. Ciidamadu waxay ku jeeniqaarnaayeen qoryaha AK. Dadka ay koofiyad castu ku hareeraysnayd qaarkood way feedho qaawanaayeen. Dadka meesha fadhiyey madaxoogu lugahooda ayuu ku hoos jiray. Waxan markaa arkayey 3 gaadhi oo meesha taagnaa kuwaasi oo kala ahaa: 2 gawaadhida xamuulka ah ee Paggazi loo yaqaan, iyo midkale oo Toyota ah kaasoo uu saaran yahay qori Braun ah. Qaar askarta ka mida ayaa nagu garaacay qoryihii ay siteen dabadooda. Waxba nalama waydiin. Waxa nala fadhiisiyey meeshii dadka kale ay fadhiyeen. Mid askarta ka mida ayaa tirinayey dadka markasta oo qaar cusub lagu soo biiriyo. Ugu dambayntii wuxu u sheegay sarkaalkii watay in tirada dadku yihiin 47 qof."

"Waxa nalagu qaaday mid kamida labadii Paggazi. Intaanu saarnayn gaadhiga xamuulka ah si isdabajooga ayaa naloo garaacayey, iyadoo naloo cagajuglaynayey. Gaadhiga xamuulka ah jembiyadiisa waxa saarnaa askartii na ilaalinaysay. Waxa naloo dhaqaajiyey dhinaca Koonfurta Muqdisho. Waxa na daba socday laba gaadhi. Waxan u leexanay dhinaca bada, anagoo si tartiib ah ugu daadagayna dhinaca biyaha bada. Markani waxay ahayd markii aan garawsaday in nala tooganayo oo aan xabsi naloo wadin. Nin da' weyn oo i agfadhiyey ayaa isna dareenkaa mid la mida qabay."

"Sadexdii baabuur waxay istaageen meel u dhow xeebta. Meel noogu beegnayd bariga waxa ka muuqday ciidii bada oo si taal taal ah u tuulan. Askartii nala socotay waxay isku qaybsheen laba kooxood: kooxi waxay isku xeereen baabuurkii xamuulka ahaa ee aan saarnayn, kooxdii kalena waxay fuuleen ciidii tuulnayd. In yar kadib waxay ka soo noqdeen ciidii tuulnayd waxaana naloo waday oo nala geeyey ciida tuulan guudkeeda, waxaana amar nalagu siiyey in aanu fadhiisano. Intaa kadib koox koox ayaa nalooga daadajiyey carada tuulan korkeeda iyadoo shan shan naloo wadayo oo nala geynayo meel buurta hoosteeda ah. Waxan dareenay in nala laynayo, hase yeeshee maanaan maqal wax dhawaaq ah. Waxan bilownay xushxush, qaarkayo ayaa ducaysanaya, qaar waa ashahaadanayaan 'Laa Ilaaha illaLaahu,Muxamadan Rasuulullahi'....'Laa Ilaaha illaLaah'."

"Si isdabajoog ah ayaa naloogu cagajuglayanayey, waxan maqlay rasaas. Waxa dadka ku jiray Xasan Nuur Baaruud oon ka gartay. Waxan ahaa qofkii ugu dambeeyey shantii qof ee ugu dambeeyey ee loo qaado buurta dhaadhaceeda. Waxa nala fadhiisiyey meel ku beegan dhaadhaca iyadoo si isdabajoog ah naloo safay madaxayaguna lugahayaga dhexdood ku jiro. Mid ka mida askartii ayaa amarka bixiyey isagoo leh: Maxaad qabanaysaa oo aad sugaysaa? Fur rasaasta."

"Qaylo, oohin iyo humhum sakaraad ayaa la isku daray. Laabta ayaan dhulka saaray anigoo ateero ku jira ilaa intii rasaastu socotay. Hal xabo ayaa iga qabsatay meel ka hoosaysa garabkayga bidix. Cabbaar kadib ayey rasaastii joogsatay. Askartii waxay gudogaleen inay dadkii eegaan si ay u hubiyaan in dhamaantood naftu ka baxday. Qofkii sii nool shan xabo ayey laabta kaga dhufanayeen si ay qudha uga qaadaan. Kadib waxay bilaabeen inay gacmahooda maydka ku aasaan. Dhiig badan ayaa igu qubtay oo badhkii ahaa dhiig aniga iga daatay badhkiina dadka igu dul daatay dhiigoodii yahay. Waan gariirayey tiiyoo naxdin, argagax iyo cabsi badan igu wada kulmeen. Askari baa i arkay markaasuu qaylyey oo uu yidhi 'kani waa nool yahay'. Mid kale oo agjoogay ayaa yidhi 'waar ma noolee nafta ayaa ku sii xarbiyeysa, gariirkii sakaraadka weeyaane inaga keen'. Ciid baa la igu rogrogay, si fiicana iimay aasin waayo wey degdegsanaayeen."

Qaybtii 2aad Xasuuqii Jaziira - Warbixintii Cumar Muuse

"Askartii waxay fuuleen baabuurtoodii wayna tageen. Meeshiibaan ka soo kacay, waxan eegay hareerahayga. Markaan hubsaday in askartii ay gebi ahaantoodba muuqan ayaan dadkii la laayey dhex jubaaxay si aan bal baadigoobo wax naftu weli ku sii jirto. Cid nooli may jirin, qudhu 46 kii qofba waa ka baxday. Waxan u tukubay dhinaca bada si aan iskaga maydho dhiiga iyo ciida jidhkayga ku dhegan."

"Qoraxdiibaa soo baxday, waxan u dhaqaaqay dhinaca galbeedka. Waxan gaadhay degmada Jaziira mar ay saacadu ku beegnayd ilaa 11 subaxnimo. Waxan ka codsaday nin bas waday in uu i qaado wuuna iga aqbalay. Waxan markiiba soo gaadhay xaafadii aan deganaa waxanan dadkii uga waramay wixii dhacay. Dumarkii guriga joogay markii aan u waramay qaylo dheer ayey ku dhufteen waxayna baroorteen baroor tiiraanyo badan. Dumarka waxa ka mid ahayd Faadumo-Amal oon u adeer ahaa oo uu qabay Cabdirisaaq Caydiid "Carab Saqiir". Qayladii ayey xaafadihii jiiraanka ahaa iyaguna maqleen kadibna ay isku soo baxeen. Markii ay ogaadeen in dadkii xaafadaha laga raafay la laayey ayey xaafadihii baroor iskuwada dareen. Anigoo markii horeba didsanaa waan xamili kari waayey qaylada iyo baroorta tiiraanyada iyo quustu ku ladhan yihiin."

"Si aan la iigusoo raacin qaylada oon mar kale la ii qaban ayaan dhar gashaday oon iska bedelay macawistii aan guntanaa, kadibna aan uga baxay xaafdii. Waxan raacay bas waxaanan tagay makhaayad la odhan jiray Cagaaran oon wax ka cuni jiray asxaabtaydana kula sheekaysan jiray. Waxan la kulmay nin aanu qaraabo ahayn oo la odhan jiray Cabdixaliil. Kadib markii aan uga waramay wixii dhacay ayuu i kexeeyey iguna qariyey meel uu ku jiray. Dhawr saacadood kadib, saddex nin ayaa ii yimid oo igu soo siyaartay gurigii aan isku qarinayey. Mid ka mida saddexda nin ayaan iqiiney. Way iga tageen markii aan uga waramay wixii dhacay. Wakhti aan ku qiyaasayo ilaa Saddexdii galabniumo, ayaa hadana waxa isoo booqday 7 nin oo ay ku jiraan mid ka mida saddexdii hore iyo nin janan ah oo dirays militeri iyo darajo ku lebisan. Waxay wateen gaadhi Landcruiser ah. Mardambe ayaa la ii sheegay in jananku ahaa Jeneraal Xuseen Xasan "Karaj". Dadka kale ee la socday qaar ka midi waxay ahaayeen Cabdiris! aaq Caydiid qaraabadiisii."

"Way i qaadeen waxayna i geeyeen bartii xasuuqu ka dhacay si aan u tuso maydkii dadka lagu laayey Jaziira. Waxay arkeen maydkii oo sidoodii u yaala, dabayshuna ciidii lagu rogay ka qaaday oo hilbahoodii rasaasi googoysey. Markay ku arkeen indhahooda wixii dhacay ayaanu dib u soo noqonay."

"Markii aanu ku soo noqonay Muqdisho Jeneraal "Karaj" wuxu soo jeediyey in aanu u tagno Siyaad Barre oon uga soo warano wixi dhacay. Nin ka mida nimankii kale ayaa figradan diiday isagoo oo u muuqday inuu baqanayo, wuxuuna soo jeediyey in aanu u tagno Janaraal Axmed Saleebaan Dafle oo isagu markaa ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha."

"Waxa naloo sheegay in Janaraal Axmed Dafle uu joogo Xarrunta Ciidamada Booliiska. Janaraal Karaj ayaa xarruntii galay, intayadii kalena waxanu ku sugaynay dibeda. Waan baqanayey, markaasaan isku dayey in aan baxsado. Haseyeeshee waxa isoo qabtay laba askari oo Janaraal Karaj ilaaladiisa ahaa. Wax yar kadib ayaa la gudaha la i geeyey. Waxa la ii geeyey Axmed Saleebaan iyo shan nin oo kale oo la fadhiyey. Waxay igu yidhaahdeen waran oo bal sheeg siday wax u dhaceen. Markii aan u waramay ayuu Axmed Saleebaan Jeneraal Booliska haystay ku yidhi kaxee ninkan oo gurigaaga ha joogo. Haseyeeshee Janankii wuu diiday wuxuna yidhi: 'gurigayga iyo gurigii lagala baxay waxba kuma kala duwana ee adigu gurigaaga gee'. Axmed Saleebaan ayaa amar laba askari ku siiyey in ay i kexeeyaan oo ay i geeyaan gurigiisa halkaana la igu ilaaliyo. Laba bilood ayaan guriga Ina Saleebaan Dafle ku jiray. Mar mar ayey ii ogolaan jireen in la isoo booqdo."

"Mudo markaan ku jiray guriga Axmed Saleebaan Dafle waxa la ii qaaday guriga madaxtooyada halkaasi oo aah kula kulmay shan nin oo iskugu kay sheegay in ay yihiin Guddida Baadhista Jaziira oo uu Siyaad Barre aasaasay. Waxay ii sheegeen magacdoodii iyo qabiilada ay ka dhasheen. Waxan imika sii xasuustaa keliya Jeneraal Abuukar "Suley" oo ahaa Janan ciidamada ka tirsan."

"Waxay gudogaleen waraysigoodii waxayna igu yidhaahdeen: 'sheeg wixii dhacay adoon baqanayn beena aan sheegayn'. Waxan suaalay oon ku idhi: 'hadii ay run idinka tahay in aad rabtaan inad ogaataan wixii dhacay maxaad u baadhi weydeen markuu meydku yaalay banaanka?'. Iimay jawaabine way uun qosleen. Hadana waxay yidhaahdeen: 'Waxaa iska ilow oo sheeg waxaad ogtahay', tiiyoonay iiga jawaabin su'aashaan weydiiyey. Markaa kadib waxan uun u sheegay wixii dhacay. Way qoranayeen, suaalona way i waydiiyeen waanan uga jawaabay."

"Intaa kabacdi waxa la ii qaaday gurigii Axmed Saleebaan Dafle. Maalmo kadib ayaa hadana la ii qaaday qasrigii Madaxtooyada si aan ula soo kulmo shantii nin. Waxay ii akhriyeen wixii aan u sheegay oo daabacan. Kadibna waan u saxeexay. Hadana waxa la igu ceshay gurigii Axmed Saleebaan Dafle."

"Axmed Saleebaan Dafle iyo qaraabadiisu jimce kasta waxay tagi jireen Afgooye oo ay ku soo nasan jireen, anigana waa la i kaxayn jiray. Intii guriga aan joogay asxaabtayda ayaa guriga Ina Saleebaan Dafle igusoo siyaaran jiray waxayna ii qorsheeyeen in la i saaro oon baxsado. Maalin Jimce ah ayey Axmed Saleebaan iyo reerkiisii ay igu yidhaahdeen ina keen Afgooye ayeynu aadaynaaye, hase yeeshee waxan ku idhi anigu maanta waan yara xanuusanayaa oo waan iska jiifayaaye idinku iska taga. Gurigii ayaa la igaga tagay. Waxa uun guriga ku hadhay aniga iyo askartii ilaalada ahayd. Wakhti ay qoraxdu kulushahay oo ah saacatul-qaafuur ayaan dayrka ka booday tiiyoonay askartu i arkayn. Waxan ordaba waxan soo gaadhay maqaaxi ay asxaabtaydu joogeen. Halkii ayaabaan gaadhi ka raacay wuxuuna i geeyey Baladweyn. Laba maalmood ayaan Baladweyn ku dhuumanayey, kadib waxa iga daba yimid gaadhi kale oo la iisoo diyaariyey. Sidaasi ayaan ku imid xeradii Daroor ee qoxootiga Somaliland degenaayeen.! "

Dadkii la xasuuqay iyo magacyadoodiina waa kuwan

1.Ibrahim Hasan Gelle( H.Y) US-OMC-somalia
2.Ibrahim H. Abdillahi Dirie(H.Y)Businessman
3.Mohamed Ismail Ahmed(H.Y) Businessman

4.Yusuf Mohame Handulle( H.Y)USAID
5.Saeed mohamed Mumin( C.G) Ass.pro.Lafole S.N.U
6.Musa Abdi Gaas( C.G) Businessman
7.Hussein Ali Aden(H.J)Businessman
8.Saeed Nur Musa( H.J)businesman
9.Abdirahman Mohamed Bihi( H.J)Businessman
10.Abiwahab Farah Ahmed(H.Y) Student
11.Abdifatah Ahmed Jiir( H.J) Student
12.Hassan Aw Nur Barud(H.Y) Businessman
13.Mohamed mohamud Abdi(H.A) Businessman Isla imandii Lagu Xasuuqay Jaziira weeye Waxay inankan Walaalo Yihiin inamada hoos iman doona waa inankii koowaad eed ku aragtaan Bajkan
14.Ali Mohamed Abdi (H.A) Student & 15Matan Abdi Habashi( Arab)Student Midi waa mid ka mida inamada Walaalaha ah oo waa kii labaad eed ! Ku aragtaaan Halkan Inanka kale Ee ee Midig xiga Marxuum Mataanna Waa sxb kii inamadaa Dhilin yarada ahi maxay galabsadeen ee lagu dilay isaaq baad tihiin uun baa laga ursaday
15.Hassan Aw Nur Barud(H.Y) Businessman
16.Abdi Mohamed Abdi (H.A)Technician
16.Abdi Mohamed Abdi (H.A)Technician Marxuumkan ad arkaysaan Sawirkuusu waa markaas oo wiig uun aroos ahaa Ka dibna Gabadhaasina halkaa ku nin beeshay Labadaa Arooska ahaa baa lakala dhuftay Ilaahay ha u naxariistoCabdi Maxamuud waa inakii Sadexaad ee aad ku aragtaan Sawirakan ee wada dhashay
17.Ahmed Yassin Omar Jama( H.A) Businessman
18.Mohamed Abdi Hassan( H.A)Businessman
19.Ibrahim Hassan Ege(H.A) Technician
20.Abdi Muhumed Daud (H.A) Businessman Ninkan Waa nin yar oo dhalinyaro ahaa Noloshiisuna ay Markaas uun u bilaabmaysay Waxa ay Wax isku yihiin Inankaa Hore
21.hassan Abdi Muhumed (Arab) Businessman
22.Ali Mohamed Dirie(H.J) C.Serv
23.Jama Mohamed Abdi(H.A) Trader Waa mid ka mida Inamada Walaala laha ahaa Waxaad dareemi kartaa hooyadii Xanbaartay Maanta Sida ay Dareemi karto Inamo ay dhashay oo wada dhalinyaro ah oo aanay wali dheeftooda dhadhamin ayaa Inta Waxshnimo loo dilay hadana Waxshnimo loo aasay... fikir Maanta inankani waxa uu ka mid ahaan lahaa aniga iyo Adiga Lodkeena waana inankii afraad Eed halkan ku aragto ee la dhashay Inamadii hore
24.Abdi Osman Dubad(H.Y)Trader
25.Husein Omar Husein(C.G) Trader
26.Moh amed Musa Mohamed(H.Y) Trader
27.Ahmed Hassan Elmi(Dheereeye) (H.A)Sportsman
28.Muhumed Abdillahi Warsame (Madigan)Trader
29.Mohamed-Bashe Abdillahi Hebaan(H.A)Trader
30.Abdirahman Ahmed Dhimbil (H.A) Civil servent
31.Hussein Muhumed Farah (H.A)Civil servent
32.Mohamoud Bacadle (H.Y) Civil servent
33.Jama Aden (barosin)(H.J) Civil servent
34.Abdirahman Mohamed Osman(beledi)(H.A)Trader
35.Warsame Dugsiye Reydal (G.B) Trader
36.Barre Osman Abdi (C.G) Trader
37.Abdirizaq Aydiid Mohamed (H.A) Student
38.Hussein Osman Jama (H.A)student
39.Khadar Mohamed Ahmed (H.A) Student
40.Bihi Ibrahim Ahmed (H.A) Student
41.Hassan Nur Hersi (H.A) Student
42.Abokor Mohamed Yousuf (H.A)Trader
43.Hassan Guure Abdi (H.A) Trader
44.Khadar nuur Jama (H.A) Trader
45.Ahmed Yusuf Ibrahim (H.A) Trader
46.Mohamed Osman Ja! ma (H.A)Trader
47.Farah Ismail Awale (H.Y) student
48.Yusuf Abdillahi Roble (C.G) graduate Dr.
49.Dayib Abdi Burale (H.Y) Trader
50.Dahir Mohamed Jama Warfaa (H.Y) Trader
51.Ali Aw-Muhumed Mohamed (burale)(C.G) Trader
52.Muhidin Macalin Ahmed (Ogaaden)
53.Saadiq SH. Ahmed (ogaden)
54.Bahyaal Muhumud Jiri (Ogaden)
55.Fuad Abdillahi Ibrahim (Arab)
56.Daud SH. Ibrahim (H.Y).
57.Hussein Kheyre Abdi (H.J)
58.Rashid Mohamed Osman (H.A)
59.Abdi Barre Osman (C.G) graduate

Hadaba Jawiga guudba waxaad dareemi kartaa Sida Dadkeena loo ciqaabi jiray inamad kor aad ku soo aragteen Sawiradoodu waa inta la hayo laakiin dhammaan intan la xasuuqay is la da`ahaa uun bay ahaayeen Waxa kaloo aad Dareemi kartaa Bal hooyadii Halkaa ku goblantay isla markaana lagu dilay awlaadeeda Canshuurtii laga qaaday Xabado la soo siiyay Fadlan waxanu idinka Dalbanaynaa Hadaad noo heli kartaan Sawira marxuumiinta in aad noo soo dirtaan Sawiradan waxaa nagu Caawiyay Inankii ka hadhay inamadaaa Walaala ahaa

Jaziira uun maaha ee Bal halkanna ka daawo Sawiro ka mida Sidii loo Gali jiray Isla Dhalinyartii joogtay Hargaysa iyo Burco iyo Magaaliynka La midka ah

Inankaa Dhalinyarada ah eed arkaysaan wa mid ka miad dhalinyaradii sida foosha xun loo toogan jiray waliba ay faqashtu sawiratay si ay Xasuus ugu haystaan

Isna waa mid ka mida Dhalinyarada lagu Shiish bartay balse nasiib darro maalinna is may odhan Faqashtu Sawiradani Waxay Gali Doontaa Gacan idin Dacwaysa

Ninkaa aad arkaysaana Waa nin Naftii la rafanaya madaamo oo Gaas inta lagu shubay Kabriidna la qabadsiiyay Waliba Madaxa lagaga Bilaabay Gubitaankaas Waxaa ay qisadani ka dhacday Gabiilay Waxaad aragtaan in uu Budh iskaga duwayo inankaa Gacmaha ka xidhan ee nafla caaridka ah 


MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
KARACHI, PAKISTAN.

diridhaba2001@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 11, 2003

Sool iyo Somaliland Yaa Ugarnaqa [Assad]


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

Xaalada Magaalada Laascaanood:-
Degaanka, dhaqaalaha, nabadgeliyada iyo guud ahaan horumarka Laascaanood ka akhri warbixintii Asad Cadaani

YAASABABAY DAGAALKII KADHACAY LASCAANOOD?
Qoraalkii IBRAAHIM MAXAMED HURUUSE.... Dec 14, 2002

BAYAAN ku wajahan maamulka Hargeysa  

Ururka Darwiish Party oo Tacsi u diray laascaanood
Qoraal uu ururku maanta soosaaray ayaa ku bilaabmay.... GUJI  8/12/2002
 

Bayaan ay soo saareen jaaliyada SSH ee Kuwiat
Annagoo ah Jaaliyadda dalka Kuwait deggan ee ka soo jeedda Gobolada Somalia ee Sool,Sanaag iyo Hawd in badan ayaanu   GUJI  12/12/2002

Jaaliyada dhulbahante ee w/america warsaxaafadeed
la xiriira dagaalkii Laascaanood ayey ku sheegeen in GUJI  11/12/2002

Warsaxaafadeedka Puntland ee Dagaalkii Lascanod
Madaxweyne ku xigeenka dawlad goboleedka Puntland mudane Maxamed Cabdi Xaashi oo ku sugan Eldoret ayaa.. GUJI  8/12/2002

Woqooyi Sidee Looga arkay Dagaalkii Laascaanod
Dagaal aad u kulul ayaa ka dhacay magaalada laascaanood, kaasoo ay sabab u ahayd booqashadii Madaxweynaha... GUJI  8/12/2002

DUX LA'AANTA DAWLADDA CUSUB EE RIYAALE
iyo dibin daabyada dadweynaha ... Guji June 7

 QORAALADII HORE EE DIRIDHABA  

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


 Riyale
Sirta ka Dambaysa Somaliland ma Itoobiyaa?
[Liiban]


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]