SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
April 26, 2004

FALLOOYINKII WARDHEERE EE TODDOBAADKA

  • Fanaaniinta Soomaaliyed kama marna gefka?
  • Gabar baad tahay ee xayndaabka ragga ha soo gelin!
  • Nin madow ma noqon karaa madaxa qaybta ugu weyn diinta kirishtaanka ee “Catholic Pope”?
  • Xuska 50 guurada maalintii ardada madow iyo cadaan la isku daray USA.

wardheere Maxamuud Nuur Wardheere 

 mnwardere@yahoo.com 

Minneapolis, Minnesota, USA

April 26, 2004

 

Xuska 50 guurada maalintii ardada madow iyo cadaan la isku daray USA. Muuqaalka qofka maxaa ka micno ah?. Fanaaniinta Soomaaliyeedna dhib intee la eg ayay gaysteen?

Bisha May 17keeda wadanka maraykanka waxaa laga xusayaa 50 guuradii sharcigii maxkamadda sare ee aradada cadaanka ah iyo kuwa madow dawladdu qasab isugu dartay Sharcigan waxaa loo yaqaan. “Brown V. Board of Education 1954”.

Caruurtii madoobay ee ay dawladda damaanad qaaday ammaankooda iyo waalidkii dhalayba waxay noqdeen geesiyaal taariikhda galay oo la ixtiraamo waayo qadiyadda awgeed ayay naftooda qatar u geliyeen. Wax sahlan ma aha in iskuul aan lagaa rabin oo ardada iyo waalidkooda iyo macalimiintaba ku diidan yihiin in aad geyso ilmahaaga. qiyaas culayska ay arrintaas ku leedahay ardada yar yar. Arrintan ayaa keentay in miisaan la saaro oo la falanqeeyo kuwii diiday maxay u diideen, kuwii doonayayse maxay ka faa’iideen iwm.

Sida aan ogsoonahay diinta islaamka waxay cadaysay in qofna uusan ka fiicnayn qof kale ay dadku siman yihiin waxa keliya oo lagu kala sareeyn karaa waa sida loo kala cabsi badan yahay oo qofba qofka kale inta uu ilaahay cabsidiisa kaga dheereeyo ayuu ilaahay uga dhow yahay. Haddaba bani’aadamka diintuu rabo ha sheegto ama waxa uu rabo ha aaminsanaado waa la isku raacsan yahay in qof lagu faquuqo sida uu u eg yahay inay qalad tahay hadana ficilada dad qaarkood ayaa noqday kuwa sidaas qilaafsan.

Waxa ugu badan oo u sabab noqon karo inuu qof cunsuri ama qabiili noqdo waxaa ugu weyn jaahilnimo taas oo ay soo hoos gelayaan xaasidnimo iyo sad bursi iyo kuwo kale.

Waxaanse shaki ku jirin in dad badan la marin habaabiyay oo laga dhaadhiciyay in cadaanku ka qurux badan yihiin dadka kale oo xataa qaar islaam ah ay oranayaa “caruurtan waxa ay u qurx badan yihiin hooyadood baa faranji ah”

Haddaan u soo noqonno dalalka reer galbeedka gaar ahaan Maraykanka dad badan ma aaminsanayn in dadka madow ay yihiin dad ayaga la mid ah weliba kuwo isku sheegi jiray inay yihiin khubaro culuumta sayniska in ay mudo badan iyo maal badan ku bixiyeen baaritaanka maskaxda dadka madow ayagoo soo saaray in aanay bani’aadam ahayn oo ka caqli yar yihiin dadka cad. Arrintaas oo dhiirisay gumaysi, addoonsi, cadaadis, iyo faquuq lagula kacay dadkii aan cadaanka ahayn mudo dheer.

Inkastoo wax badan isbedeleen haddana waxaan shaki ku jirin in aan weli fari ka qodnayn. Tusaale waxaan u soo qaadanaynaa Senatoorkii la oran jiray Strom Thurmond (WV)oo qiran kari waayay gabadhiisa Essie Washington ee madoobeed inkastoo uu si qarsoodi ah u dhaqaalayn jiray oo uu heshiis qarsoodi ah la galay in aanay gabadhiisa iyo hooyadeedaba sheegin.

Madaxweyne Lyndon Johnson markii uu u magacaabay Thurgood Marshall maxkamadda sare ee dalka maraykanka 1967 Senatoor Strom Thurmond waxaa uu isku dayay inuu horstaago waayo waa markii u horeysay oo nin madow loo magacaabo maxkamadda sare. Inkastoo uu hor istaagay in ka badan 24 saacadood hadana senatoorka kuma guulaysan oo waa la magacaabay

Senator Trom Thurmond hore waxa uu u yiri “dawlaadda ciidankasta haday na korkeento ma yeelayno in Negros yimaadaan guryaheena iyo iskuuladeena iyo xaafadaheena” Senatoor Trom Thurmond waxaa la yiri 1970 waa is bedelay asagoo noqday congresskii ugu horeeyay koofurta maraykanka ee qorta shaqaale ama caawiye madow ah. Waxaa kale oo la yiri markii danbe xataa danaha dadka madow waa u fur furnaa.

Nin madow ma noqon karaa madaxa qaybta ugu weyn diinta kirishtaanka ee “Catholic Pope”?

MUSLIMIINTA CUSUB
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..

Dhakhtar Ajnabi ah oo ka tirsan dhakhaatiirta Isbitaalka SOMRUS oo Islaamay: Dr. Maxamed Cali oo horeyna loo oron jiray Dr. Nikiforov Pavel ayaa islaamay Muqdisho Guji

Singapore: 500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka.. Guji

Diinta christianka qaybta ugu weyn ayaa waxaa soo foodsaaray arrin aad u kulul iyo layaab waayo ninka madaxda ka ah ee la yiraahdo John Paul ll ayaa aad u duqoobay weliba caafimaadkiisa uusan fiicnayn.. Waxaa bilowday hadalkii qofkii dhaxli lahaa waxayna qasab noqonaysaa in laga soo doorto ku xigeenadiisa oo loo yaqaan “Cardinals”

Ninka aad loo hadal hayaa waa Cardinal Faransis Arinze oo ah nin madow oo ka yimid Nigeria. Haddii loo doorto macnaheeda waa nin madow oo ay cadaan badan denbi dhaaf weydiisan doonaan oo u metheli doona xiriirka ilaah.

Markii u horeysay ma aha waayo diintaan waxaa soo maray 3 qof oo madow laakiin waqtiga waa uu fogaa oo waagaas weli ma la baran midab faquuq. Waxay kala ahaayeen :

1- Victor-(183-203 A.D)

2)- Gelasius (492-496 A.D)

3)- Mechiades or Militiades (311-314 A.D)

Waxyaabaha la yaabka leh waxaa ka mid ah in waqtigaas la yiri midab faquuqa waa yaraa haddase dadka qaarkii waxayba leeyihiin sidee ninkan madow halkan ku soo gaaray marka hore? Xal ha la raadiyo waayo ma fiicna in diintu ceebowdo! In dadka cadaanka ah laga nixiyo!.

Waqtigeenan casriga ah qofka sida uu u egyahay waxaa laga yaabaa wax uu heli lahaa in uu ku waayo ama shaqo ama dalacsiin ama guri ama baabuur ama adigoon denbi gelin lagu moodo denbiile iwm. Inkastoo addunku xadaarad badan sheeganayo haddana dadka qaarkii waxyaabahii asaasiga u ahaa xadaaradda ayay fahmi la’yihiin. Shirkadaha qaar waxay ku bixiyaan lacag badan si ay u iibiyaan waxyaabaha la isku qurxiyo sida qalabka jimicsiga, iyo isqurxinta kama wado in isqurxinta iyo jimicsigu xun yihiin ee laakiin sida qalabka warbaahinta dhalinta u tusto ma fiicna.

Quruxda adduunka isku si looma wada yaqaano oo bulsho weliba wax la quruxsan ayaa dadka qaar la fool xun. Sidoo kale shaqsiyaadku isku si uma wada yaqaanaan quruxda ama uma wada arkaan.

Qubarada culuumta bulshada waxay hadda walaac ka muujiyeen sida qalabka warbaahinta u luminayo bulshada gaar ahaan dhallinta. Taasoo dhib weyn ku haysa dhalinyarada saboolka ah ama kuwa buuran oo uu qalabka warbaahintu ku sheego inay fool xun yihiin.

Gabar baad tahay ee xayndaabka ragga ha soo gelin!

Muqaalka qofka oo lagu takooro waa dhinacyo badan yahay lab iyo dhiddig waa ka mid waxyaabaha dadka haysta. Bal u fiirso waxa gabadhan ku dhacay.

Dhowaan dadka maraykanka waxay la kulmeen yaab markii haweenay la yiraahdo Marth Steward lagu xukumay 20 sanadood oo xarig ah. Waxaa lagu eedeeyay inay diiday amar dawlo iyo inay been sheegtay. Martha waxay ka mid noqotay maalqabeenada Ameerica oo loo yaqaan “Corporate America” kuwaasoo dhowaananahanba eedeyn ku saabsan inay wax ka xadeen shaqaalahooda iyo hantidii loo dhiibtay loo soo jeedinayay ama inay dadka ka qariyeen wax lagu qasaarayo oo ay ogaayeen.

Dadka aan dhaqaalaha haysan xarigooda lama maqlo ee haweenaydan waxay ahayd maalqabeen caan ah oo leh TV, qortayna buugaag, khabiirna ku ahayd guri sharaxidda sidaa darteed ayay noqotay wax haweenka maraykanku ku riyoodaan inay noqdaan sideedoo kale. Sababta loogu xukumay gabadhan xarigga intaa la eg ayaa waxaa uu dhaliyay muran aad u dheer. Dadka waxay u qaybsanaayeen sidan:

1) Dadka iyo dawladdaba waxay ku xanaaqsanaayeen maalqabeenada wax dhaca marka ayada nasiibkeed waa loogu hor qabtay oo tusaale ayaa laga dhigayay.

2) Haween kibir badan oo heer sare gaartay ayay ahayd oo la wada necbaa. Dadka ku farxay xarigeeda waxaa u badnaa haween ka maseersan horumarkeeda.

3) Denbiga ay gashay oo ah inay ku lahayd basaas suuqa stockga oo looga sii digi jiray wixii qasaaraya intii aananay dadka kale ogaanin oo ay ka bixi jirtay ayay dadka qaar u arkaan denbi wayn.

4) Kuwa ugu danbeeya oo ah in ay haween tahay ayaa xarigga aad loogu adkeeyay.

Qodobkan afraad ayaa ah kan ay haween badan leeyihiin Martha Steward haddii aanay haweenimada eersan maxaa keligeed loo xiray oo raggii kale oo la wada ogaa inay wax xadeen loo xiri waayey sida ENRON ? Maxaa xabsiga loogu badiyay? Raggii kale meeye oo wax xaday? Haddii ay been sheegtay ma keligeedaa beensheegtay?. Haddii ay nin maal qabeen ahaan lahayd sidaas ma loo geli lahaa?

Haweenka maraykanka badankood waxay dhaafi la’yihiin saqafka aan la arkayn (glass ceiling) oo horyaal haweenka dadaala. Markii u horaysay haweenka waxaa fursad madaxwene ku xigeen siiyay murashaxii hore ee madaxweynaha maraykanka Walter Mondale 1984 markii uu magacaabay Geraldine Ferraro haweentii ugu horeysay uguna danbaysay oo ku sigatay inay noqoto madaxweyne ku xigeen. Haweenka maraykanka congresska dawladda federaalka waxay ka yihiin 15-20%. Musharka ragga qaato waxay ka yaraystaan 25% isku celcelis.

Haweenka maraykanka waxay ku hamiyaan in ay mar uun ka gudbi doonaan caqabadaha horyaalla oo waxay is weydiiyaan goormaan ragga la tartami doonaa ama la sinaan doonaa?

Fanaaniinta Soomaaliyed kama marna gefka?

Hadraawi Umadda Haka waaniyo Heesaha

Hal abuurayaasha Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa curiya heesaha jacaylka ama caashaqa. Waxay noqdeen kuwa si aan ka fiirsi lahayn u dhibaateeya dhalaanka soo koraya. Ayagoon ula jeedin ayay maalin walba u gefaan.da’da soo koraysa waayo waxay noqdeen kuwa jideeya qofka quruxsan iyo qofka aan quruxsanayn ama fool xun. Qofka weyn waa kala saari karaa laakiin qofka yar waxaas iyo waxa uu bulshada ka maqlo ayuu qurux u fasiranayaa. Hal abuurayaasha caashaqa waxay noqdeen kuwa had iyo jeer sharaxa waxa ay quruxi tahay. Marka ay gabar quruxdeeda tilmaamayaan waxaa laga yaabaa in ay ku dheeraadaan laga soo bilaabo tin ilaa cirib qaarkood quraanka ayayba kula galgashaan sida quraankaa cadeeyay oo lacadaabi maayee, ama camo iyo watiin iyo waduxaa oo idil haddii la igu aqriyo ......

Inkastoo fanaaniinta aduunka oo dhan waxaas ku dhaqmaan hadana waxaa haboon inay ogsoon yihiin inay dad u gefayaan markasta oo ay qaadaan hees lagu tilmaamayo ama lagu sifaynayo gabar quruxsan. Haddii ay wax fiican tahay amaanta quruxda diinteena ayaa nagu dhiirin lahayd in aan samayno.

Maxamuud Nuur Wardheere
mnwardere@yahoo.com 

Minneapolis, Minnesota USA.

 

Dad siyaasad isaga Soo Horjeda ayaa Dejinaya Manhajka Ardada Minnesota
Marka siyaasad iyo waxbarashada caruurta la isku qaldo maxaa ka iman kara?.... Wardheere  Nov 3

Caruurta Soomaaliyeed ee Minneapolis Qaarkood ma Gangs bay ku biireen?
Waa Daraasaad uu sameeyey Maxamuud Nuur Wardheere.. Guji..

QORAALADII HORE EE WARDHEERE

Faafin: SomaliTalk.com | April 25, 2004 

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD