SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI

Feb 4, 2004  
WARARKA SHIRKA NAIROBI
 

  • SRRC: HESHIISKII 29kii JANAAYO WAA NALAKU KHIYAAMAY, MANA OGOLAAN DOONO
  • Misayoka: Cidii diidda heshiiska waxaa lagu soo rogi doono cunoqabteyn
Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

War: 04-Febraayo,04,Nairobi.Kenya.
Kolonzo Misayoka:-Hogaamiyihii Diidaa Saxiixa Heshiiskii STATE HOUSE waxaa la.....

Wasiirka wasaarada Arimaha Dibada Dalka Kenya kolonzo Misayoka ayaa maanta shir jaraa'id ku qabtey hoolka shiraraka ee wasaarada arrimaha Dibada ee magaalada Nairobi. Wasiirka ayaa shirkiisa jaraa'id ku sheegay in shirka wadahadalada Nabada Soomaaliyeed shaqsiyaad ama koox u xayirnaan doonin, shirkana maalmo ka dib halkiisa ka sii socon doono.

Shirkan jaraa'id oo uu qabtay wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya kuna qabtay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Kenya ayaa sheegay in heshiiskii 29kii January uu ahaa mid taariikhi ah uuna goobjoog ka ahaa madaxweynaha Kenya, xubnaha beesha caalamka,iyo urur gobaleedka IGAD iyo madaxweynaha Uganda. 

Shirkan jaraa'id waxaa goobjoog ka ahaa xubnaha IGAD beesha caalamka, Midowga Africa, Midowga reer Yurub iyo wakiilo ka socday dowladaha Eritrea, Djibouti iyo Kenya, iyadoo Itoobiyana ay ka maqneyd. Misayoka wuxuu sheegay inaysan shirka hor'istaagi karin kooxo dano gaar ah leh isagoo sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay doonayaan dowlad ka dhalata shirka loo fadhiyo halka sano inta ka badan.

Misayoka waxa uu sheegay in cidii diidda (heshiiska) lagu soo rogi doono cunoqabteyn, isagoo sheegay inaysan aheyn cabsi galin."Waxaan u haynaa cadeymo ah gumaadkii ay geysteen hogaamiyayaasha ka hor'iminaya shirka dib u heshiisiinta oo doonaya inay burburiyaan heshiiskii taariikhiga ahaa" ayuu yiri Misiyoka.

Dhinaca kale, IGAD ayaa ka codsaday Qaramada Midoobay inay qoraal ka soo saaraan heshiiskii ay dhawaan hogaamiyayaasha Soomaaliyeed ku gaareen Nairobi.

Shirkan jaraa'id ayaa lagu sheegay in dhawaan uu bilaabmi doonaa wajiga seddaxaad ee shirka.

 
04-febraayo,04,Nairobi.

Qaar Katirsan SRRC oo Shir Jaraa'id Ku Qabtay Nairobi

SRRC: HESHIISKII 29kii JANAAYO WAA NALAKU KHIYAAMAY, MANA OGOLAAN DOONO


Qaar ka tirsan SRRC-da oo galabta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay in lagu khiyaamay heshiiskii 29kii January ee hogaamiyayasha saxiixeen.

Shirkaasi jaraa'id oo ay SRRC-da ku qabteen hotel ku yaala Nairobi ayna ka soo qeybgaleen xubno uu ka mid yahay Col. Cabdulaahi Yuusuf Axmed, Gen. Morgan, Sheikh Aadan Madobe iyo xubno kale ee Golaha SRRC-da ayey ku sheegeen in heshiiskii 29kii January uu ahaa mid lagu khiyaamay isla markaana aysan ogolaaneynin.

SRRC-da ayaa sheegtay in aanay aqbaleynin madaxadweynaha DKMG ah uu saxiixo heshiiska isagoo madaxweynaha Soomaaliya ah uuna barbar fariisto madaxweynaha Kenya.

SRRC-da ayaa sheegtay in waxyaabaha lagula heshiiyay ay ka mid tahay in DKMG ah ay noqon doonto labo qeybood oo kala ah kuwii hore u joogay shirka oo kala ah Xasan Abshir iyo Cabdalla Deerow Isaaq iyo madaxweynaha DKMG ah wafdiga uu hogaaminayaya.

SRRC-da ayaa sheegtay inay aqbashay 24 hogaamiye oo lagu daray madaxweynaha ay xulitaanka baarlamaanka ka qeybqaataan iyagoo xusay waxyaabihii la soo bandhigay 29kii January in ay ahaayeen waxyaabo aanay horay ula soconin isla markaana wixii go'aanka ku gaareen habeen ka hor iyo wixii la soo hordhigay oo ay saxiixeen ay kala yihiin labo qoraal oo aan isku dhaweyn.

SRRC-da waxay kaloo sheegeen in xubnaha beesha caalamka iyo IGAD ay u gudbiyeen in la saxo dhammaan wixii qalad ay iyaga ku tilmaameen kulankii Wadatashiga ee 18ka maalmood ka socday Nairobi inuu yahay mid lagu guuldareystay.

Shirka jaraa'id ee SRRC-da ayaa ku soo beegmay saacado kaddib markii wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya uu sheegay in aan dib loogu noqoneyn wixii lagu heshiiyay 29kii January ciddii ka hor'imaantana la cunoqabteyn doono isagoo ka codsday Golaha Ammaanka in tallaabo liddi ku ah dadka ka hor'imaanaya nabadda ay baaq ka soo saaraan.


dhamaad.
Abdikarim Aden Hussein
Nairobi,Kenya
abdikarimhussein@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 4, 2004

 Cabdullaahi Yuusuf oo Ku Gacan Sayray "Qodobo lasoo Hordhigay"
iyo Dawladaha Deriska la ah Soomaaliya oo ku herdamaya Soomaaliya.. Guji... Jan 31, 2004

8-dii Hogaamiye ee Heshiiska Saxiixay oo la Hor Keeni doono  Madasha Shir Weynaha Nairobi
Si loogu Codeeyo ka dibna la ansixiyo qodobadii ay ku heshiiyeen maalmihii gooni u faqida... Guji... 30/1

Sideed Hogaamiye oo Saxiixdey Heshiiska Qodobada Lagu Dhisayo Dawlada iyo Barlamaan Soomaali
Maanta ka dib ayaa shirka waxaa uu geli doonaa wajiga Seddexaad ee Awood Qaybsiga Qabiilada Soomaalida waloow aan si rasmi ah wali loo xirin Wajiga Labaad... Guji... 29/1

Heshiis Colaad joojin ah oo markale ay saxiixeen hogaamiyayaasha soomaalida
Waxaa maanta aqalka madaxtooyada dalka kenya ka dhacday xaflad lagu saxiixay heshiis cusub oo colaad joojin ah Guji 29/1

SRRCda oo Beeniyay in ay heshiiskii dhowaan ay ka laabanayaan
Iyo tuhun iyo kala shaki soo kala dhex galay hogaamiyaasha Soomaaliyeed ee jooga Kenya... Guji... 26/1

Xirida Wajiga 2-aad ee shirweynaha Wadahadalada Soomaalida oo dib loo dhigay
Sababtoo ah 
Madaxweyne Yuwero Musaveni oo sheegay in maalinta Isniinta ku aadan tahay sanad guurada Guji.. 24/1

Heshiis Buuxa oo Lagu Gaaray Shirkii Soomaalidda
Waxaa lagu guulaysaty in golaha samata bixinta ee Nairobi ku sugan ay qalinka ku duugaan hindisaha cusub ee IGAD ay soo gudbiyeen, kaas oo Guji... 23/1

Golaha Badbaadada Qaranka oo wali Diidan in ay Saxiixaan Buuga Axdiga iyo Dastuurka
Iyo Kenya oo Sheegtay in Wajiga 3aad ee Shirka Lafuri Doono Isniinta... Guji... 22/1/04

SOMALIA: Maadooyinka iyo Manaahiijta Dugsiyada waxbarasahada ma noqon doonaan dugsiyo u gaar ah Muslimiinta: Waa dastuurka la isku raacay ee Dawlada Soomaaliya loogu dhisayo Nairobi ee loo bixin doono Jamhuuriyada dimoqoraadiga federaalka ku meel gaarka ee Soomaaliya Guji... 22/1

NAIROBI: Hogaamiyayaasha Soomaaliyeed oo aan Weli Go'aan Gaarin
iyo Wasiirka arrimaha Dibada Dawlada kenya oo baaq nabadeed u jeediyey Somaliland iyo Puntland.. Guji 19/1

Ciidanka USA oo Tababar  u Furay Ciidanka Kenya
tababarkaas oo laga furay magaalada LAMU oo u dhow xuduuda Soomaaliya... Guji...
17/1/04

Hogaamiyayaasha Madasha Shirka Nairobi oo Magacaabey Guddi
Guddigaas oo ka kooban saddex xubnood, waxa kale oo shirka ku cusub in... Guji...
16/1/04

Shirka Somalida oo La Joojin Doono Dhawr Bilood Haddii Wax ka Soo Bixi Waayaan 10ka-Beri ee Gooni u Faqa
Hogaamiyayaasha Soomaalidana waxa lagu celin doonaa Soomaaliya haddii 10-beri ee gooni u baxa uu natiijo dhalin waayo sidaas waxaa tibaaxay...  Guji...
15/1/04

Kolonzo Misayoka:- waa in war aan la siin suxufiyiinta 10-maalmood ee wada tashiga........
wasiirka Arrimaha Dibada dalka Kenya Muddane Kolonzo Misayoka ayaa hogaamiyayaasha Siyaasada Soomaalida ee shirka wadahadalada Nabada ee ka socda dalka Kenya ka codsadey in ayan la kulmin ama war siin suxufiyiinta... Guji...
12/1/04

C/Qaasim oo C/Lahi Yuusuf Kusoo Booqday Guriga uu Nairobi Ka Deggan Yahay
iyo Kenya oo hoggaamiyayaasha Soomaalida u sheegay in aysan wax war ah siin saxaafadda mudada uu... Guji... 
12/1/04

. XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD