SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI

Janaayo 31, 2004    

Cabdullaahi Yuusuf oo Ganafka Kudhiftay "Qodobo Xalay Lasoo Hor Dhigay"

Iyo Shirkii oo Markale u Muuqda in Khilaaf Soo kala Dhex Galay Hogaamiyayaasha Laga Sugayo In ay Dawlad u Dhisaan Soomaalida iyo Dawladaha Deriska la ah Soomaaliya oo ku herdamaya Soomaaliya.

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



General Siad Hirsi Morgan (Midig) iyo Colonel Abdulahi Yusuf (Bidix)
[Sawirka   REUTERS/Patrick Olum January 29,2004 in Nairobi YahooNews]


Musa Sudi (Midig) oo saxiixaya heshiiskii  January 29,2004 [Sawirka   REUTERS/Patrick Olum January 29,2004 in Nairobi YahooNews]

Abdiqassim Salad Hassan (BIDIX) oo fiirinaya markii ay dawladiisu saxiixey heshiiskii January 29,2004 ,Nairobi. [Sawirka   REUTERS/Patrick Olum January 29,2004 in Nairobi YahooNews]


XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

War-1-31-Janaayo,04,Mbagathi,Nairobi.
SRRC iyo TNG-da :- Heshiiska Warqada 1-aad ayaan saxiixaney ee qoddobada ma...............

Maanta ayaa waxaa lagu balansanaa Madasha Shirka ee Mbagathi in loo codeeyo ka dibna laga ansixiyo Ergada Soomaalida ee ka qayb galaysa shirka Nabada Soomaalida ee ka socda Kenya Qodobadii ka mid ahaa Qoraalka Buuga Axdiga iyo dastuurka ee la isku heystey muddo ku dhowaad sannad oo loo diyarinayey in lagu dhiso Dawlad Dimoqoradi Federal KMG ah iyo Baarlamaan ku meel gaar ah oo dhisnaan doona muddo 5-sanno ah.

29-kii bishan ayaa hogaamiyayaal ka kooban qaybaha kala duwan ee shirka ka qayb galaya ku saxiixay guriga Madaxtooyada dalka Kenya qoddobadii lagu dhisi lahaa dawlad iyo Baarlamaan Soomaali ah. [Eeg Halkan]

Saakey ayaa hogaamiyayaasha SRRC iyo TNG-da mbagathi shir isugu yeertay Ergadooda oo ayan kulmin muddo ku dhowaad in Bil ah.

Ugu horeytii shirkaasi waxaa ka hadley oo furay Cawad Axmed xasharo oo ku hadlayey magaca Hogaamiyayaasha ,waxuu sheegay in hogaamiyayaasha Ergada u sheegi doonaan warbixin kooban oo ka hadleysa Mudadii 20-maalmood uu ka socdey kulanka wadatashiga Soomaalida ee safari Park Hotel iyo maanta oo loo codeyn lahaa waxa baajiyey.

Waxaana loo kala hadley sidan:-

Cabdullaahi Yuusuf Axmed:-warqad cad oo magacyadeyna ku qoran yihiin ayaan saxiixney.............

Salaanta Ergada ka dib cabdulaahi yuusuf waxa uu sheegay in xaley loo keenay warqad ay ku qoran yihiin 39-hogaamiye Soomaaliyeed magacyadooda iyo awooda xulida baarlaamka waxaa iska leh 39-hogaamiye oo ka qayb gashey kulanka wada tashiga safari Park.

Cabdulaahi yuusuf ayaa ergada waydiiyey in ay raali ka yihiin baarlamaanka in uu wax ka soo xulo xildhibaanada Jaamac Cali Jaamac iyo cumar Jees , ergada waxay ku jabaabtey maya.

Cabdulaahi yuusuf waxaa kaloo uu sheegay in ayan ka ogolaaneyn Dawlada Kenya Iyo IGAD in ay u afduubaan dad dhowaan laga keenay Balcad iyo Muqdisho.

Isagoo hadalka sii wata waxa uu yiri qoddobka 30-aad ee xulida xubnaha baarlamaanka in ay ogol yihiin 24-+Cabdiqasim ee hogaamiyayaasha Saxiixayaasha ah.

Maxamed Cumar Xabeeb; Maxamed Dheeri :-waa nala khayaami tagey anukase waan ka diidney.

Maxamed Dheera oo isna ka hadley inayan ogolaaaney 39-hogaamiye oo ka qayb galaya xulida Xubnaha Barlamaanka, isagoo hadalka sii wata waxa uu yiri kulanka wada tashiga Soomaalida waxaa furay Madaxweynaha Uganda ee Yuweri musaveni isagana waxaan isku ogeyn laabaatankeena inta joogta iyo Cabdiqasim in aan shirka sii bilowdo 4-ta maqana ay iman doonaan.

Qoddobada aan saxiixnayna waa kuwii sideeda ahaa oo qodobka 30-aadna ahaa in ay soo xulaan siyaasiyiin beelaha hoose ka dibna hogaamiyayaasha siyaasada ,waxaana ansixinya odoyaal dhaqameedka.

Intaasi ka dib Ergada ku sugneyd Madasha shirka ayaa talo iyo canaan u soo jeediyey hogaamiyayaasha Soomalida oo kuyiri haddii aad nala tashan laheydeen maanta si hoostiina ayaa laga dusin lahaa ,qaar ka mid ah ergada ayaa canaan u soo jeediyey dawladaha dariska la ah Soomaaliya sida jabuuti iyo Kenya oo lagu eedeeyey in ay u eexatay Golaha samata bixinta iyo cabdiqasim Salaad xasan.

Intaasi ka dib waxaa la go'aamiyey in ergada ay soo xulaan guudi metala ergada shirka oo la shaqeyn doonta hogaamiyayaasha .

Hogaamiyayaasha ayaa gooni isugu harey si ay ugu wada hadlaan qorshaha iyo sida laga yeelayo qoddobka 30-aad iyo tirada 39-hogaamiye.

SOMALIA: Maadooyinka iyo Manaahiijta Dugsiyada waxbarasahada ma noqon doonaan dugsiyo u gaar ah Muslimiinta: Waa dastuurka la isku raacay ee Dawlada Soomaaliya loogu dhisayo Nairobi ee loo bixin doono Jamhuuriyada dimoqoraadiga federaalka ku meel gaarka ee Soomaaliya Guji... 22/1

Kowdii duhurnimo ayaa Cawad Axmed casharo oo kamid ahaa raggii hogamiyayaasha shirka kula jiray ayaan kula kulmay qolka weyn ee qaddada waxaana weydiiyey hogaamiyayasha waxa ay ka hadlayaan iyo qorshaha ay damacsan yihiin ,waxa uu ii sheegay in loo baahan yahay kaliya in la saxo qoddobkaas ka dibna ergada way ansixinayaan.

Mar haddii hogaamiyayaasha taagan yihiin mawqifkii 24+Cabdiqasim sow lama oran karo kulanka wada tashiga waxba lagama faa`idin?

Cawad ayaa ii sheegay marka hore shirka oo cakirnaa ayaa dhaqaaq sameeyey,mida kale nin waliba oo siyaasi ah oo ka qayb galey kulankaasi waxaa la ogaadey waxa uu rabo iyo waxa uusan rabin ,mida kale waxaa laga faa'iidey in la isku wada raaco dawlad iyo baarlamaan in la dhisto waana la wada saxiixey ,qoddobka xulitaankana meel ayaa la isugu imanaayaa.

Dhanka kale ergada G-8 iyo soomaalida magaalda Nairobi ayaa tagey Safari Park hotel si ay uga qayb galaan xirida wajiga labaad ee shirka Nabada Soomaalida maanta dadka qaar u qaatey in ay ka dhaceyso Safari Park hotel.

Jaamac Xassan Khaliif : Musharaxa madaxweynaha Soomaaliya
Akhri Qoraalkii
May 26, 2003

Madaxweynaha Dalka Kenya Mwai Kipaki ayaa maalintii Saxiixa heshiiska ee guriga Madaxtooyada Kenya STATE HOUSE-ka ka sheegay in qoddobadan lagu ansixin doono shirweynha Soomaalida halkana saxiix hogaamiyayaasha ka dhici doono, sidoo kale wasiirka arrimha Dibada Kenya Kolonzo Misayoka ayaa isna maalintasi 29-ka Janaayo Saxiixa kadib un sheegay Hogaamiyayaasha Soomaalida in maalinta Sabtida Xaflada xiritaanka ka dhici doonto madasha shirweynaha Soomaalida ee Mbagathi.

Xirida wajiga labaad ee shirka Nabada Soomaalida ayaa la garaneyn maalinta iyo goobta Xaflada ka dhici doonto.

Hakadka shirka soo galey ayaa dadka mala odorasa siyaasada soomaalida sheegayaan in ay lug ku leeyihiin dawlada deriska la ah soomaaliya oo ku tartamaya siyaasada Soomaaliya.


dhamaad.
Abdikarim Aden Hussein
Nairobi,Kenya
abdikarimhussein@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 31, 2004


Maxkamadda Sare Ee Kanada oo Xukuntay
in Edbinta Caruurta Loo isticmali Karo Xoog Macquul ah Guji..


WARARKA SHIRKA NAIROBI

8-dii Hogaamiye ee Heshiiska Saxiixay oo la Hor Keeni doono  Madasha Shir Weynaha Nairobi
Si loogu Codeeyo ka dibna la ansixiyo qodobadii ay ku heshiiyeen maalmihii gooni u faqida... Guji... 30/1

Sideed Hogaamiye oo Saxiixdey Heshiiska Qodobada Lagu Dhisayo Dawlada iyo Barlamaan Soomaali
Maanta ka dib ayaa shirka waxaa uu geli doonaa wajiga Seddexaad ee Awood Qaybsiga Qabiilada Soomaalida waloow aan si rasmi ah wali loo xirin Wajiga Labaad... Guji... 29/1

Heshiis Colaad joojin ah oo markale ay saxiixeen hogaamiyayaasha soomaalida
Waxaa maanta aqalka madaxtooyada dalka kenya ka dhacday xaflad lagu saxiixay heshiis cusub oo colaad joojin ah Guji 29/1

SRRCda oo Beeniyay in ay heshiiskii dhowaan ay ka laabanayaan
Iyo tuhun iyo kala shaki soo kala dhex galay hogaamiyaasha Soomaaliyeed ee jooga Kenya... Guji... 26/1

Xirida Wajiga 2-aad ee shirweynaha Wadahadalada Soomaalida oo dib loo dhigay
Sababtoo ah 
Madaxweyne Yuwero Musaveni oo sheegay in maalinta Isniinta ku aadan tahay sanad guurada Guji.. 24/1

Heshiis Buuxa oo Lagu Gaaray Shirkii Soomaalidda
Waxaa lagu guulaysaty in golaha samata bixinta ee Nairobi ku sugan ay qalinka ku duugaan hindisaha cusub ee IGAD ay soo gudbiyeen, kaas oo Guji... 23/1

Golaha Badbaadada Qaranka oo wali Diidan in ay Saxiixaan Buuga Axdiga iyo Dastuurka
Iyo Kenya oo Sheegtay in Wajiga 3aad ee Shirka Lafuri Doono Isniinta... Guji... 22/1/04

SOMALIA: Maadooyinka iyo Manaahiijta Dugsiyada waxbarasahada ma noqon doonaan dugsiyo u gaar ah Muslimiinta: Waa dastuurka la isku raacay ee Dawlada Soomaaliya loogu dhisayo Nairobi ee loo bixin doono Jamhuuriyada dimoqoraadiga federaalka ku meel gaarka ee Soomaaliya Guji... 22/1

NAIROBI: Hogaamiyayaasha Soomaaliyeed oo aan Weli Go'aan Gaarin
iyo Wasiirka arrimaha Dibada Dawlada kenya oo baaq nabadeed u jeediyey Somaliland iyo Puntland.. Guji 19/1

Ciidanka USA oo Tababar  u Furay Ciidanka Kenya
tababarkaas oo laga furay magaalada LAMU oo u dhow xuduuda Soomaaliya... Guji...
17/1/04

Hogaamiyayaasha Madasha Shirka Nairobi oo Magacaabey Guddi
Guddigaas oo ka kooban saddex xubnood, waxa kale oo shirka ku cusub in... Guji...
16/1/04

Shirka Somalida oo La Joojin Doono Dhawr Bilood Haddii Wax ka Soo Bixi Waayaan 10ka-Beri ee Gooni u Faqa
Hogaamiyayaasha Soomaalidana waxa lagu celin doonaa Soomaaliya haddii 10-beri ee gooni u baxa uu natiijo dhalin waayo sidaas waxaa tibaaxay...  Guji...
15/1/04

Kolonzo Misayoka:- waa in war aan la siin suxufiyiinta 10-maalmood ee wada tashiga........
wasiirka Arrimaha Dibada dalka Kenya Muddane Kolonzo Misayoka ayaa hogaamiyayaasha Siyaasada Soomaalida ee shirka wadahadalada Nabada ee ka socda dalka Kenya ka codsadey in ayan la kulmin ama war siin suxufiyiinta... Guji...
12/1/04

C/Qaasim oo C/Lahi Yuusuf Kusoo Booqday Guriga uu Nairobi Ka Deggan Yahay
iyo Kenya oo hoggaamiyayaasha Soomaalida u sheegay in aysan wax war ah siin saxaafadda mudada uu... Guji... 
12/1/04

. XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD