Ma Xishoodaan
Xaasidnimo Darteed!
Abdisaid Musse Ali-Koor
aabdisaid@hotmail.com
Soomaalida waxaa
soo horfariista qof aan ummaddaha kale aan agtooda
sharaf ku lahaadeen...
Tusaale, nin
soomaaliya horey uga noqday wasiirka Koowaad markuu
shaqadii ku fashilmay dhowr sanno kadib, ayuu
madaxweynihii markaas ee soomaaliya ninkii shaqadii
ka eryey musuq maasuq iyo maareyn xumo darteed.....Shaqsigaas,
isla markiiba wuxuu samaystay urur uu ugu yeeray Dab
iyo Dhagax (Dab baan idin gelin, dhagaxna waa
idinkala daalin)....
Shaqsigaas
soomaaliya sidii buu furfur ugu bilaabay, inuu
jifooyinka mid mid isugu diro, iska horkeeno
saraakiisha, qabiilada, ilaa uu u noqdo sabab
madaxweynihii Jamhuuriyada ee markaas in la toogto,
haddii uusan asaguba ka dambayn sida dadka qaar
sheegaan!
Shaqsigaas wuxuu
ahaa qofkii ugu horeeyey ee aqbala dawladdii kaligii
taliska ahayd ee Ina Siyaad Barre, siiyana buugii
ugu horeeyey ee habka loo kala furfuro ummadda!
Shaqsigaas maanta
asagoo og inuu da' iyo caafimaad xumo hayso kuna
nool cayrta maraykanka ayuu haddana wuxuu garan
la'yahay nasiinada uu u baahanyahay!
Shaqsigaan iyo
waxaa isku mid ah, shaqsi kale oo asaguna
mas'uuliyad kasoo qabtay soomaaliya labadii jeer oo
ummadda wexeeda loo dhiibayna wuu dhacay shaqsigaan....Shaqsigaan
labaad maanta wuxuu leeyahay waxaan jeclahay inaan
Bank furo, waxaan soo xasuustay Petra Bank oo
masaakiinta Jordan looga dhacay shan boqol oo milyan
(usd)......Waxaa dadka Jordan dhacay isla shaqsi
kale oo ummaddiisa horey u dhacay, maanta aan naqaan
halka uu ku dambeeyo....
Waxaan arkay niman
labadan shaqsi amaanaya qaarkood dhowsnimo ayey ka
tahay, qaarkoodse waxay ka tahay isku jifo ayaan
nahay...
Haddii uu noqday
Qaranka soomaaliya dumintiisii ninka bilaabay in la
yiraahdo (Odey soomaaliyeed), kii xoolihii ummadda
dhacay, xiray xawilaadihii soomaaliya ka jiray,
asagana la yiri waa soomaali mudan sharaf, kii 'aqoonta'
lahaa asaguna noqday mid ay labadan sare ku
shaqaystaan...Shaqsiga dambe waa kii dumarka
soomaalida ee caruurtooda biilka u diraya kusoo
qoray startribune ka 'Al-Itahad' bay u diraan
lacagta...Ka hor intaan 911 dhicin.....
Dhamaantood, waxa
sharafta u yeelay waa kaliya oo dadka soomaalida oo
ah sidii umul oo kale, ilaawa wixii shalay lagu
sameeyey!, haddaba ogow dhamaantood way isku
xiranyihiin waxayna u badanyihiin Haraagii Ina
Siyaad Barre, waxayse ilaaween inaan la socono hadba
lugooyada ay ummadda ku wadaan....Sidoo kale,
soomaalidii shalay majoogto maanta....
Maandeeq
waxaa sidatan u galay Warlord aan awood lahayn, Malaga
yaabaa Warlord madaxweyne loo doortay in uu daryeelo? !!
Guji
|
Laanta
Af-Soomaaliga ee BBC-da oo Jawaab u Weydey
Eedaymihii Kaga Yimid Reer Boosaaso...
Guji
Dec 4, 2003 |
Saddexdooda iyo
taageerayaashooda waxaa ka mid ah su'aalaha la
weydiiyey in "Haddii soomaaliya xal loo keeno, ay
soomaalidu doorato rag kale sida Cabdullaahi Yuusuf,
maxaad ka oran lahaydeen"....Jawaabtoodu waxaad u
malaysaa inay meel kasoo wada akhriyeen "Somaaliya
xalkeeda waan haynaa, haddii laga saaro ragga aad
sheegaysid!".....Waxayse moogyihiin maalin lagu
mudaharaaday Xamar, ayey wiil yar BBC waydiisay
su'aal macnaheedu ahaa, 'waa adiga leh dawlad ayaan
rabnaa, ka waran haddii Cabdullaahi Yuusuf la soo
doorto', wiilkii wuxuu Xasan Bariise u sheegay
jawaab uu dhibsaday, xitaa dhib ku noqotay Yuusuf
Garaad oo markaas si fiican u taabacsanaa C/Qaasim
Salaad Boy, wuxuuna yiri;
Illaahow Yuhuudna
la keenaa, waxaan rabnaa inaan noolaano!...
Dadka soomaaliya
joogaa inay noolaadaan ayey rabaan oo waxay rabaan
waxyaalaha aas aaska nolosha ah sida nabad, cunno,
caafimaad, biyo, caafimaad, iyo dawlad intaas u
qaban karta......Ma isleedahay wiilka Xamar jooga
iyo wiilka jooga Holland ee raggaan sare u yihiin
Odayaasha waa isku caqli? Allow runta u hiili,
nasiib darro, in website yadii iska dhigijiray
dhexdhexaadka ay badatay wararkooda beenta ee ay ku
xoojinayaan Qurbo-joog aan beenta ka xishoon....