SomaliTalk XAYAYSII


Home | Zakaat | Quraan |   Siiro | Search | Saxaabo |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - WARAR

AYAAN XIRSI OO QARKA U SAARAN IN LAGALA NOQDO DHALASHADA HOLLAND


Ayaan Xirsi Magan

Wasaaradda arrimaha socdaalka ee dalka Holland ayaa  guda-galay inay baaritaanno ku soo oogaan wararka sheegaya inay Ayaan Xirsi "Cali" oo xubin ka ah baaralamaanka Holland ay warbixinno qaldan siisay waaxda socdaalka Holland. Waa xilligii ay dalbanaysay codsigeeda laajinimada ee dalka Holland sannadkii 1992-kii. Ayaan oo 36 jir ah, ayaa horey u sheegtay in lagu qasbay guurka nin soomaaliyeed oo la sheegay inuu ku nool yahay Canada, iyo inuu magaca awoogeeda uu Ali yahay, iyo inay si toos ah uga soo qaxday dagaalladii Soomaaliya ka qarxay iyo  kuwo kale oo badan ayaa gadaal danbe lagu ogaaday inay ka fogaayeen xaqiiqda.

Taleefishin laga leeyahay Holland, laguna magacaabo Zembla TV ayaa booqday gurigii ay Ayaan Hirsi "Cali" ka degganayd Nairobi dalka Kenya iyo sidoo kale iskuulkii ay dhiganaysay 12-ka sanno kuna yaalay magaallada Nairobi. Sannadahaas ay waxbarashada ku qaadanaysay dalka Kenya, ayaa dalka Soomaaliya ka caafimaad qabay burbur iyo jahawareerka qaxootinimo. Waa billowgii siddeetameeyadii ilaa dhammaadkiisii. 

Wuxuu weriyuhu waraystay dhammaan macallimiintii Ayaan Xirsi Cali iyo wiil ay walaalo yihiin oo lagu magacaabo Mahad Hirsi Magan oo hoosta ka xariiqay inaynan sinnaba sax u ahayn cid ku qasabtay Ayaan Xirsi inay guursato wiilka soomaaliyeed ee ku nool dalka Canada. Hase ahaatee, iyadu waxay sananadihii la soo dhaafay goobo badan iyo qoraallo badan ku xustay inuu jiray wiil lagu qasbay inay guursato, wiilkan oo degganaa dalka Canada.

Rita Verdonk oo ah wasiiradda is-dhaxgalka Holland, isla markaasna ka soo jeeddo xisbiga ay ka tirsan tahay Ayaan Hirsi ee VVD ayaa wargayska Independent kana soo baxa England shaleey u sheegtay in sharciga oo loo hoggaansamo ay dadkoo dhammi u siman yihiin, waxayna iyadoo arrinkan ka hadlaysa tiri "dooni maayo inaan arrintan ka hor-dhaco, hase ahaatee sharciga dadkoo dhan way u siman yihiin"

Waxay Rita Verdonk intaasi raacisay inay Ayaan Hirsi qiratay inay hadallo xaqiiqada ka fog sheegtay markay dalbanaysay codsigeeda laajinimo sannadihii 1992-kii.

Ayaan Hirsi ayaa markii uu weriyaha tusiyay cajalkii uu ka soo duubay Kenya tiri hadalladan "waa wax aad loola yaabo", waxayna iyadoo indhaha rogrogaysa haddana tiri "haa, waan qiranayaa inaan been sheegay". Waxay kaloo Ayaan Hirsi qiratay in magaca awoowga uu yahay MAGAN, uusanna ahayn Cali, laakiin waxay saxaafadda iyo dadweynaha reer Holland damacday inay ku qanciso hadallo ay naxariis kaga raadsanayso. Waa markay oranaysay "dadkii oo dhan miyay waasheen??" oo ay ulajeedday in dadka ka danbeeyay diyaarinta barnaamijkan inay ugu dan lahaayeen aargoodsi siyaasadeed. Hase ahaatee, waxay axaddii la soo dhaafay iyadoo markale qiranaysa beenteeda tiri "haa, waa sax inaan been sheegay si aan u helo sharciga magangalyo ee Holland, warbixinnadan waxay ahaayeen kuwo guud ugu yaraan laga soo billaabo sannadkii 2002"  

Xubno badan oo ku jira Baarlamaanka Holland ayaa soo jeediyay in Ayaan Hirsi lagala noqdo dhalashada Holland, dabadeedna dib loogu celiyo meeshay ka timid (Soomaaliya), halka tiro kale oo aan badnayn oo siyaasiyiin ah ay qabaan in fadeexaddaan la soo gudboonaatay Ayaan ay ka danbeeyeen dad cadow ah oo xagga siyaasadda kaga soo horjeeda gabadhaan soomaaliyeed.

Ayaan Hirsi Ali waxay ku caanbaxday aflagaaddada Muqaddasaatka Islaamka. Weliba wuxuu si weyn magaceeda adduunka ugu u soo shaac baxay, kadib markii la dilay soo saarihii Theo van Gogh filimkii ay qortay sanandkii 2004 oo ay ku sheegtay inuu islaamku duudsiiyo xuquuqda haweenka. Sannadkii dhowaa ee 2005-kii ayaa misna Ayaan Hirsi soo saartay filim ay sidoo kale sawiro xun uga bixinayso diinta islaamka, iyadoo ay cabasho weyn ay filimkaas ka muujiyeen guud ahaan dadyowga muslimiinta, gaar ahaan jaaliyadaha muslimiinta ee ku dhaqan Holland.

Inkastoo ay jireen caradaas iyo cabbashadaas is daba jooga ah ee ka imaanayay dadyowga muslimiinta, hase ahaatee waxaa dhinaca kale garab socday taageerooyin iyo abaalmarinno ay la gabar taagnaayeen Ayaan Hirsi Ali mawaaqiifteeda la xidhiidha islaamka shakhsiyaad sarsare iyo xukuumado u badan galbeedka. Sannadkii dhowaa waxay Ayaan Hirsi Ali ay ka guddoontay Ra'iisal wasaaraha Denmark Anders Fogh Rasmussen abaalmarin weyn, iyadoo booqashadii ay Denmark ku timidna si weyn loogu soo dhoweeyay. Sidoo kale, waxay horey booqasho ugu tagtay Washington, xarunta dalka Mareekanka.

Si kastaba arrinku ha noqdee, waxaa hubaal ah inay Ayaan Hirsi Ali ay la soo gudboonaatay xaalad aad u adag, taasoo ay si weyn uga fajacisay taageerayaasheedii ay ugu horeeyaan xisbigeeda xagjira ee lagu magacaabo VVD iyo kuwa kale ee ka macaasha nacaybka islaamka. Inkastoo ay maalinimadii isniinta ay sheegtay inay faraha kala baxayso siyaasadda, haddana waxay si toos ah ula hadli doonta maanta oo talaado ah xubnaha baarlamaanka Holland, si ay u muujiso mowqifkeeda ku aaddan fadeexaddaan aadka u weyn. Ka bixitaankeeda siyaasadda waxay sabab uga dhigtay arrimo ka madax bannaan filimkan danbe ee laga soo duubay dalka Kenya.

Waxaa isku soo dubaridey
Ibraahim Saalax 
ibra88@hotmail.com
SomaliTalk | DENMARK

Faafin: SomaliTalk.com | May 16, 2006

QORAALDII SAWIR-GACMEEDYADII LAGU AFLAGADEEYEY RASUULKA NNKH:
01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 |


SOOMAALIDA EURO-AMERICAN: SANNADO BADAN AYAAN KU LUMINAY YURUB

SOOMAALIDA MINNESOTA: Safarkii Ibraahim Saalax... Guji

@Spam!

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Allah Is Great

SOOMAALIDA EURO-AMERICAN: SANNADO BADAN AYAAN KU LUMINAY YURUB

SOOMAALIDA MINNESOTA: Safarkii Ibraahim Saalax... Guji

SAXAAFADDA DENMARK OO SOO BANDHIGAY DHIBAATADA  QAXOOTIGA HAYSTA

ENGLAND: SOOMAALIDA FIRFIRCOON EE LEICESTER

DENMARK: QAXOOTIGA SOOMAALIYEED CIDNA UMA MAQNA, CEELNA UMA QODNA


DENMARK: SI MAAMUUSID LEH AYAA LOOGU GURMADAY SOOMAALIDII LAGU DHIBAATEEYAY LANGESKOV


GABAGABADII SHIRKII URURKA DHALINTARADA SWEDEN  


URUR MIDEEYAY DHALINYARADA SOMAALIYEED EE DENMARK


SILICA IYO SAXARIIRTA LAGULA DHAQMO MAXAABIISTA REER CIRAAQ
Waxaa isa soo taraya shaleey iyo maanta wararka sheegaya sida naxariis darrada leh ee... Guji

SACIID WESTING: WAA INAAN ALLAAH UGA MAHAD CELINNAA BISHA RAMADAAN Guji


SWEDEN: DILKII WASIIRADII ARIMAHA DIBADA ANNA LINDH Guji Sept 14


WEYDIIMO AAN JAWAABO U WAAYAY Guji... Jul 27, 2003


SHIRKII SHABAKADDA XIRIIRKA SOOMAALIYEED AY KU YEESHEEN MAGAALLADA ODENSE, DENMARK Guji... Feb 23, 2003


WASIIRKA DENMARK OO DOONAYA INUU CIQAABO WAALIDIINTA SOOMAALIDA GUJI... Feb 3, 2003
MA DALKA MAREEKANKA AYAA DUNIDA NABADDEEDA KHATAR KU HAYA GUJI... Jan 20, 2003
DIINTA ISLAAMKA OO SI MAAMUUS LEH LOOGA AQOONSAN YAHAY DALKA SWEDEN GUJI... dec 26, 2002
MAXBUUSADDII AY HOREY U XIREEN TAALIBAAN OO ISLAAMTAY ..GUJI.... 5/9/02 
Dhibaatooyinka Soo Foodsaara Ubadka iyo Hooyooyinka Soomaaliyeed ee Denmark
Warbixin: Ibraahim Saalax oo booqay tuulada Gudbjerg ee gobolka Fyn, Denmark ayaa sheegay in..
GUJI.. 30/8/02
 
SOOMAALIDA ODENSE OO U QAXAYA DALKA ENGLAND  

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD