Wq. Ibraahim Maxameddeeq 
  
  
  SomaliTalk Nairobi
  
  July 7, 2003
   
  Xasan Abshir wuxuu sheegay inay isaga iyo gudoomiyaha 
  baarlamaanku sharci ahaan masuul ka yihiin dhamaystirka arrimaha dib u 
  heshiisiinta oo ay kaalinta madaxweynahooda kaga aaddanina tahay la socodsiin 
  iyo la tashi. Cabadalla Deerow-na wuxuu caddeeyey taageerayaan oo ayidayaan heshiiskii ay madaxda Soomaalidu 
  sabtidii wada saxiixeen. C/Qaasina wuxuu u  muuqdaa in ay waxba uga fuli 
  waayeen heshiisyadii uu u yimid Nairobi.
  
    
      |  |  |  | 
    
      | C/Qaasim | Xasan 
      Abshir | Deerow | 
  
  Kaddib markii ay hogaamiyayaasha 
  Soomaalidu maalintii Sabtida ku heshiiyeen qodobadii axdiga ku meel gaadhka ah 
  ee ay beryahanba ku muransanaayeen ayaa waxaa heshiiskaas ka biya diidey C/Qaasim 
  Salaad Xasan oo ku tilmaamay mid aysan dawladiisu ayidsanayn sidaa darteedna 
  uusan marnaba aqbali doonin. Dhaleecaynta C/Qaasimna waxay uun dhashay inay 
  maanta gudaha Mbagathi si wada jir ah shir jaraa’id ugu qabtaan ergada rasmiga 
  ah ee DKG ah shirka uga qayb gelaysa, kuwaas oo ay hogaaminayeen Xasan Abshir 
  Faarax iyo Cabdalla Deerow Isaaq. Waxayna war saxaafadeed ay soo saareen isla 
  markaana ay 111xubnood oo isugu jira xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan DKG ah 
  ku caddeeyeen inay dawladda ku meel gaadhka ahi si buuxda uga qayb qaadatay 
  diyaarinta iyo ansixinta heshiiskii ay madaxda Soomaaliyeed 5 July isla 
  gaadheen.
  Shir jaraa’id oo Raysal 
  wasaaraha DKG ahi hoolka shirarka ee Mbagathi ku qabtay ayuu isagoo ka 
  hadlayey heshiiska uu saxiixay ee ay madaxweyniisa iskaga hor yimaadeen, waxaa 
  hadaladiisii ka mid ahaa: “Waxaa la soo jeediyey tirooyin kala duwan oo ay 
  xubnaha baarlamaanku noqonayaan 450, 250, 270, 315 & 351. Waxaa kaloo la soo 
  jeediyey 5, 3 & 4 sano ay noqoto muddada ku meel gaadhka ah ee ay dawladda 
  dhalanaysa. Ergada DKG ahi way ogolaatay tirooyinkaas iyo mudooyinkaas kala 
  duwan iyadoo muujinaysa dabacsanaan iyo danayn heshiis la gaadho. Waxaa kaloo 
  la soo jeediyey inay saxiixayaashii heshiiskii colaad joojinta ee Eldoret 
  noqdaan kuwa soo xulaya xubnaha baarlamaanka cusub iyagoo la tashanaya madax 
  dhaqameedyada Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta ka tirsan ergada wejiga 2aad ee 
  shirka, ergada dawladda ku meel gaadka ahi arrintan way diiddey, waxayna soo 
  jeedisey inay xubnaha baarlamaanka xulaan madax dhaqameedyada Soomaaliyeed 
  iyagoo la tashanaya saxiixayaasha iyo siyaasiyiinta kale ee Soomaaliyeed”.
  
  
    
      |  "Musharixiinta kale ee Soomaliyeed waxaan kaga duwanahay anigoo kuwooda ugu 
      da’ada yar ka mid ah, 41 sano ayaan jiraan, waxaan kaloo kaga duwanahay 
      waxaan dhashay wakhti ay Soomaaliya xor ahayd 1962dii" 
      Xuseen 
      Caydiid..
 | 
  
  Raysal wasaaraha TNG wuxuu 
  shirkii jaraa’id maanta ka sheegay in markii arrimahaas la isku mari waayey ay 
  Kipligat, xubnaha gudiga farsamada IGAD & wakiilada beesha caalamka ee shirka 
  maal geliya muujiyeen niyad jab iyo quus ay ka taagan yihiin heshiis la’aanta 
  Soomaalida iyo daba dheeraanshaha shirka. Wuxuu xusay in markaa la soo 
  jeediyey xal dhex dhexaad ah oo inshaaraya in xubnaha baarlamaanka laga dhigo 
  351, muddada ku meel gaadhkuna noqoto 4 sano iyo inay xubnaha baarlamaanka soo 
  xulaan saxiixayaasha iyo siyaasiyiintii markii ugu horaysey shirka lagu marti 
  qaaday, iyagoo la tashanaya madax dhaqameedyada. Wuxuuna ku cel-celiyey inay 
  arrintan ogolaansheheeda u arkeen xal dhex dhexaad ah oo ay dhinacyadoo dhami 
  qaateen. Isagoo arrintaas ka hadlayana Xasan Abshir wuxuu yidhi: “Haddaan 
  nahay DKG ahna waan ogolaanay xalkaas, waana saxiixnay heshiiskaas, anagoo 
  tixgelinayna baahida ay ummadda Soomaaliyeed u qabto inay heshiiso oo dawlad 
  loo wada dhan yahay dhisato. Waxaan sidoo kale tix gelinay wakhtiga dheeraaday 
  iyo kharashka batay ee shirka oo ku dhowaaday in nala noco oo nalaka niyad 
  jabo, iyadoo naloo arko dad aan waxaba ku heshiin Karin”. 
 
 | WIIL UBAAHAN 
 GARGAAR CAAFIMAAD | 
   
     |  Wiilkan 
     yar wuxuu ku dhasahay boosaaso Jan. 1995kii isagoo lafaha maduxu kala keceen taas oo ay sababtay biyo badan oo madaxa kaga jirey, 
     wuxuuna u baahana yahay 
     
     gargaar degdeg ah. | 
 
  Arrinta Somaliland oo uu Xasan 
  Abshir taabtay wuxuu tibaaxay inay in badan dawladaha shirkan gadh wadeenka u 
  ah iyo wakiilada beesha caalamka kala hadleen ayna u xaqiijiyeen inay dawladda 
  halkan ka dhalataa tahay mid Soomaaliya oo dhan u dhalanaysa. Ugu dambayntii 
  Xasan Abshir wuxuu hadalkiisa ku soo gunaanaday inay isaga iyo gudoomiyaha 
  baarlamaanku sharci ahaan masuul ka yihiin dhamaystirka arrimaha dib u 
  heshiisiinta oo ay kaalinta madaxweynahooda kaga aaddanina tahay la socodsiin 
  iyo la tashi. 
  Cabadalla Deerow Isaaq oo isna shirkan jaraa’id ka hadlay ayaa 
  caddeeyey inay taageerayaan oo ayidayaan heshiiskii ay madaxda Soomaalidu 
  sabtidii wada saxiixeen. 
  C/qaasim Salaad Xasan oo intuu 
  Nairobi ku sugnaaba dadaal balaaran ugu jirey sidii uu hogaanka ergada DKG ah 
  ula wareegi lahaa ayaa hadda u muuqda mid ay jartu isla rogtey oo ay waxaba uga 
  fuli waayeen dhamaan
  siyaasadihiisii
  shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ku 
  aaddanaa. 
  Ibraahim Maxameddeeq
SomaliTalk, Nairobi, Kenya
  E-mail: imdeeq@hotmail.com
  
   
   
 1'da 
Luulyo oo Nairobi Siweyn Looga Xusay
1'da 
Luulyo oo Nairobi Siweyn Looga Xusay
SHEEKH AADAN MADOOBE: “Talada banaanka aan soo dhigno”
COL.C/LLAAHI YUUSUF: “Waxa la isku hayo ma idiin sheegaa?”
CADDOW: “Meel aan u noqonaa nagama horaayaso” 
KIPLIGAT: “Kenya ayaa ugu hor aqoonsanaysa dawladda dhalata” 
Dhammaan ka akhri warbixintii Ibraahim Maxameddeeq
MILICSI
    KU SAABSAN AXDIGA FEDERAALKA EE KU MEEL GAARKA AH
    Qormada-koowaad ee dastuurka federaaliga ah ee Soomaaliya oo ka kooban 30
    baal waxaa soo akhriyey Ibraahim
    Maxameddeeq ... GUJI
          
     ..KAYDKA WARARKA EE IBRAAHIM MAXAMEDDEEQ
     ... ELDORET:
    Taxanahii Wararka  com