SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - INDIA
FAALLO: HADAFKA SOMALILAND IYO HANAANKA SOMALIWEYN

WQ. Mohamed Abdi Hassan (diridhaba) | Agoosto 30, 2002

Sideedaba taariikhda mandaqadani geeska africa waxay soo jibaaxday ama soo martay dariiqyo aad ukala gedisan taasoo lagu tiraabay taariikhda cad ee aan cidina halmaami karaynin, runtii sida la wada xasuusanyahay waxaa taariikhda dheer ee faca weyn ka soo jeeda ee mandaqadani soo martay marxalado aad u fara badan taasi oo lahaa nimcadeeda iyo nusqaanteeda labadaba waxaa iyaduna shaki ku jirin oo laga wada dheregsanyahay dulmi farabadan oo ka dhacay mandaqadani balse su,aasha la is weydiin kara akhriste waxay noqonaysa HALKEE KU DANBEEYEY DULMIGAASI, aan u daadego dulucda maqalkayga eh waxaa ku dhaqan mandaqadani aan hore carabka ugu dhuftay ee beriga ama geeska africa shucuub afka soomaliga ku hadasha oo aad u badan shucuubtasi oo lagu tilmaamo in ay asal ahaan badankoogu ka soo jeedaan (original trace) carab, (arabic ethnic community) iyo weliba dadyow kale oo lagu tilmaamo in ay ka soo jeedan africa (originally african ethnic community), sida la iska weydiiyey ama lagaga faalooday warbihino farabadan laguna xardhay buugag fara badan waxaa muran badani ka taaganyahay halka asal ahaan ay soomalidu fac ku leedahay iyada oo labada fac ee aan kor ku soo xusay lababada muran badan ka taaganyahay, dad ayaa waxa ay ku doodayaan in ay soomalidu kaba soo jeedo oo laguba abtirsiin karo dadyowgii Faraciinada masar, sida uu sheegayo warar laga soo xigtay qoraa weyn oo u dhashay Somaliland ahna wasiirka arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Gees wuxuu sheegay in afka soomaliga kumanaan sanno ka hor ay ku hadli jireen dadyowgaasi faraciinadu wuxuu aqoonyahanku tusaale u soo qaatay kelmado markuu u duur gelay aad iskugu eg oo ay soomalidu haatan ku hadasho horana faracinadu u isticmaali jireen iyaga oo leh macno isku mid ah (same meaning), Tusaale ahaan: kelmada xiniin oo ah xubinta taranka ee ragga taasi oo aqoonyahan gees uu sheegay in ay dadyowgii faraciinta ahaa ee masar wakhtigaasi isticmaali jiriin una qori jireen sidani:- XNN.  iyada oo wakhtigaasi aanu jirin wax shaqalo ah sida luuqada afka soomaligu haatan ay leedahay ee qurxiya habka dhawaaqa lahjadad soomaliga.

 
Jaaliyada Somaliland ee Asia & BBC-Somaliga
Qoraalkaan oo loo gudbiyey Wasiirka wasaaradda warfaafinta iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland ayaa.... GUJI... 26/8
Waxaa kale oo iyadana dadyaw farabadani ku doodayaan in dadka Soomaligu ka soo jeedan dad iska dhal ah (hybrid) oo ay iska dhaleen dadyowgii carabta ahaa ee ka ganacsan jiray mandaqada geeska africa iyo dad asal ahaan degaan ulahaa dhulkani soomalidu degto oo lagu tiriyo inay asal ahaan ahaayeen xabashi (ethnic Ethiopians).
 
Dadkale ayaa iyagu aaminsan in dhamaanba beriga africa oo dhan laga xukumi jiray hal meel oo ahayd magaalada xeebta ah ee Saylac taasi oo halkaasi ay fadhi jirtay boqorad ka talisa geyigani beriga africa oo dhan boqoradaasi oo la sheego in xukunkeedu aad u adka lana odhan jiray "ARAWELO" taasi oo xukunkeedu markii danbana ku faafay gacanka carbeed iyo badhtamaha africa waxaa markaa la sheega in dadyowga Soomalidu asal ahaan ka sooba jeedan dadyowgaa boqorodo wakhitiga oo laga joogo kumanaankun sanadood xukumi jiray.
 
Isku soo wada duubo waxaynu odhan kara mid wal oo qodobadaasi iyo aarahaa la tiraabay ee kor ku xusan ka mid ahiba waa suuro gal waxna waa ka jiri karaan. hadaba aan u soo noqdo akhriste dulucda maqaalkayga eh waxaa iyaduna taalla markii Soomalidu degtay geeska africa intaan mustacmaradu qabsanin Siday isku dahqi jireen ahaana jireen su,aasha imanaysa waxay tahay Soomalidu ma dad maamulo lahaaba? intii ka horaysay mustacmaradii reer europe.
runtii fikrad ahaan markaan u duur gelay weydiiyeyna dad waayeel ah iyo weliba dadyow farabadan oo ku takhasusay cilmiga taariikhda ( history educated people) waxay ii sheegeen in ay soomalidu u badnayd dad xoolo dhaqata ah oo isku maamuli jiray hab deegaan; taasi waxay akhriste kuu cadaynaysa in Soomalidu mar walba ay lahaan jirtay Maamulo u gaar ah oo aan la duudsiye karayn xorna ay u ahayd in intii isku deegan ahiba u maamushaan hawlaheeda gaar ahaaneed si xor ah oo aan midna midka kale ku xadgudbayn waxaa meesha taalla akhriste hadaba wakhtigii gumastahu ama maxmiyadahii reer europe (European protectorates) ay qabsadeen siday u qaybsadeen dhulka ay degaan dadyowga afka soomaliga ku hadla. aynu eegno bal inaga oo marn walba kala saarayna in SOMALILAND IYO Somalia ay kala ahaayeen laba dhul, maamul gobol oo aan weligood ka hor 1960 maamul ka dhexeynin.
 
        1.  SOMALILAND BRITISH PROTECTORATE
 
dhulkii la odhan jiray " SOMALILANDBRITISH PROTECTORATE"  waa dhulkii ugu horeeyey ee lahaa ama u qabsoomeen hanaan maamul oo guud waxaa halkaa ka tallin jiray ka hor mustacmaradu intaanay qabsan hab maamul oo ay xukumi jireen odayaal, iyada oo ay laahayeen xeerar iyo qawaniin cad cad oo ku salaysna dhaqankooda oo ahaa mid xoolo dhaqato u badna, akhriste dhulkani dadka ku noola waxay ka dheeli tirayeen dhinacyo fara badan ha ahaato kheyraadka dabiciga ah ee ilaahay ku manaystay, ha ahaato xikmada ay gaarka u lahaayeen, ha ahaato hantida ma guurtada ah, iyo nooc walba, dadku waxay ahaayeen dad aad iskugu duuban oo mar walba u hogaansama cahdiyada iyo qawaniinta mar walba ay soo bandhigan odayaasha ka tallin jiray, odayaashaasi oo ahaa qaar diinta islaamka aad iyo aad ugu adag kuna dabaqi jiray xukunkooda axkaamta islaamka, waxay aad uga fogayn jireen caruurtooda iyo gabdhahooda inay marnaba ku milmaan ama qaatan dhaqankii mustacmarada. akhriste aan u soo noqdo sida maamulka Somaliland Protectorate ahaa.  waxaa caasimad u ahayd oo laga xukumi jiray intaan mustacmaradu imanin maamulka Somaliland Protectorate magaalada berbera oo ahayd magaalo qadiimi ah oo xeeb ahayd sababo farabadan ayey berbera ku kasbatay inay noqoto magaalada xudunta u ah maamulka Somaliland protectorate
(a) waa qodobka kowaad eh berbera waxay ahayd magaalo ganacsi oo ahayd bartilmaameed (strategic) ganacsigaasi oo ay isku xidhi jirtay gacanka carbeed, yemen, africa ilaa iyo europe.
 
(b) Berbera waxay ahayd magaalo ka hodan ah xagga deegaanka oo waxaa lagu tilmaami karaa in ay ahayd magaalooyinkii ugu horeeyey ee laga dhiso dhisme marka laga yimaado magaalada Saylac.
 
(c) waxay ahayd magaalo dadka degenaa ahayeen dad xadaarada iyo ilbaxnimadu aad iyo aad ugu dheertahay wakhtigaasi.
 
Seddexdaa qodob ee aan kor ku soo xusay ayaa u suuro geliyey Berbera inay kasbato caasimadda maamulkii Somaliland Protectorate.
Akhriste waxaa marag ma doonta ah in dadka Somaliland ay ahaayeen dad aad iyo aad uga horeeya Soomalida inteeda kale markii ay mustacmaradu timid geyiga Somaliland wuxuu ka codsaday maamulkii ingiriisku (british protectorate) in laga iibiyo magaalada Berbera taasi oo intuu isku yeedhay dad aad u farabadan inta go' hareeraha la qabtay lagu uruuriyey lacag aad u farabadan ayaa waxaa uu ninkii xukumaayey (governor) mustacmarada ingiriisku u sheegay in ay lacagtaa go' ku jirta kaga bedeshaan berbera balse odayaashii waxay ugu jawaabeen xikmad aad iyo aad u qaali ah oo ahayd " ingiriisow berberi wax go' lagu qaado ka weyn"
waxyaabaha aadka iyo aadka taariikhda u gelay ee aan la iloobi karin ee ay odayaashaasi kaga tageen geyiga Somaliland waxaa ka mid ah markii ay maraakiibta ingiriisku ( the marine forces of british army) ay soo geleen berbera ayaa waxay odayaashu u sheegen ingiriiska in aanay soo geli karayn cagahana dhigi karayn berbera ilaa heshiis la kala saxeexdo dabadeedna wuxuu ingiriisku ugu jawaabay aynu berbera ku kala saxeexano waxaa ay ku yidhaahdeen " Biyaha bedda inagu celi halkaasaynu ku kala saxeexan karna heshiiska waayo hadaad berbera timaado dee dhulkiibaad cagaha dhigtay" .
waxaa halka ay ku kala saxeexdeen odayaashii Somaliland iyo maamulkii ingiriisku heshiis aad u dheer oo qodobo farabadan lahaa oo ay ka mid ahayeen in marka gabadha ingiriisku uur ku qaado Somaliland aanay ku dhali karin Somaliland ee ay dib ugu noqoto england. taasi oo kuu cadayn karta fikirkoogu halka uu odayaashaasi taagna waxaynu haatan aragnay mushakilaadkii ka dhex dhacay qoomiyada cadaanka iyo madawga ee koonfur africa.
isku soo wada duubo waxay ahaayeen bulsho ilaahay ku manaystay garaad iyo caqli suuban taasi oo ay dhaxalkeeda haatan hayaan bulshada reer Somaliland
 
   SOMALIAN ITALIAN PROTECTORATE
 
Bulshadan degenaan jirtay dhinaca Somalia italian protectorate waxay u badnayeen bulsho beerolay ah oo aan haba yaraate xadaaradu aad ugu yarayd taasi oo aanay haba yaraate lahayn wax maamul ah ama dhisme xukumad ah intii ka horaysay maamulkii mustacmarada talyaaniga waxaa lagu tiriya in dadyowga halkaa degeni ay ahaayeen dadyow aad u kala duwan xagga jinsiyadda iyo dhaqankaba, may ahayn dad xadaaradoodu aad u sarayso, waxaa lagu tiriya in hab maamuleedku ugu horaysay ka dib markii uu ka tegay ama xorriyadda u siiyey talyaanigu taasi oo ay labada gobol midoobeen, xaqiiqdii waata sababtay in labadan gobol Somaliland iyo Somalia ayna marnaba isku iman karin wada dhisan karin wax maamul ah wadaagina karin dhinac walb oo hab dhismeed ah.
akhriste xasuusnow maankana ku hayso mar walba in magaca Somaliland uu ka hor xoroobay kana hor baxay magaca Somalia, Somaliland waxaa la odhan jiray laba boqol iyo konton sanno ka hor.
hadaba waxaa aan ku soo gabagabaynaya maqaalkaygan in iyada oo sidaa aan kor ku soo xusay ay soomalidu hore u ahayd in aan haba yaraate mar danbe suuro gal u ahayn in ay wadaagan wax danbe. waxaa akhriste tusaale kuugu filan in aanay Somaliland iyo Somalia weligood iyo allahood ahaayeen laba maamul oo kala gedisansan sidaa ku xusan kor.
Hadaba iyada oo ay sidaa tahay ayaa waxa hadana faca cusub ee Somalilanderska ahi ku tiraabayaan " MAR I DAGE ALLA HA DEGO MAR LABAAD I DAGASE ANAA IS DEGAY"
 
 FROM: Waxaa qoray oo diyaariyey Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
                           Karachi, the Republic Islamic of pakistan.

diridhaba2001@hotmail.com 

 

 

FAAFIN: Agoosto 30, 2002 | SOMALITALK.COM

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qorayaasha ku saxiixan 


WARARKA KALE AGOOSTO  | WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

.

HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cudurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..  26/8
 
Nin Soomaaliyeed oo u Baahan in Degdeg Kelyaha Looga Bedelo

AUSTRALIA - Ninkaas Soomaaliyeed oo kelyihiisu hawlgab noqdeen waxa uu u baahanayahay US$22,000, waxaana hadda loo hayaa US$12,000, hadaba waxaa laga codsanayaa dhammaan in GUJI... 28/02
 

Shirka Eldoret oo Qabsoomidoona 16ka Sept


Cabdullaahi Yuusuf oo Jooga Garoowe
Xasan Abshir oo Lakulmay Amiir Cabdalla
Warsaxaafadeed: Beelaha Mareexaan
Prof. Samatar oo Kufashilay Diidmadii Galayr
Degaalo lagu Jabiyey Ciidanka Gumeysiga
Kulan Laguqabadoono London, UK
Caydiid oo Codsi udiray Reer Muqdisho
Puntland oo Beenisey Warkii UN-ka
AIDS oo Agoomeeyey 1.1 Million Carruur ah
Waan-waan Nabadeed oo Kasocota PL
Ciyaaraha Xagaaga ee Soomaalida Yurub
BAYAAN ku wajahan maamulka Hargeysa

Baaq Xabad Joojin, Dagaal Joojin & Nabad


Warsaxaafadeed: Qardho
Iran & Carab kusoo badanaya Jaamacadaha
Ciidamada Jarmalka iyo Ciraaq
Murshid Barud oo Kalaabtay sharaxaadii
SOOMAALIDA ODENSE, DENMARK  OO U QAXAYA DALKA ENGLAND
Dagaal Ka Dhacay Muqdisho 
"Cambaarayn Afduubkii C/Qaadir" UN
Heshiis Dhexmaray xawaaladaha Somalida Baaq Kasoo Baxay Beesha Saransoor 
Shir Lagu Taageerayo ONLF - K/Africa 
Casharadii Saxaabada oo Dib u Bilowday
"Screening Cards loogama baahna Soomaalida Kenya" Waxa yiri Moi
UNHCR oo soo Gabagabaysay bixinta Kaararka Aqoonsiga Qaxiitiga Sanca 
Itoobiya oo Ka Mamnuucday Shilinka Soomaaliga in lagu Isticmaalo Dh/buur
Moi oo Soo gabagabeeyay Safarkiisii Gobolka W/Bari Kenya
10,000,000 Sh.So ayaa La Dhacay, Laba Gabdhoodna waa La Qafaashay Suuqa Dayax
WARARKA SOOMAALIDA - AGOOSTO 6-7
Falal Kufsi Iyo Dil Iswata Oo Ku Soo Kordhay Muqdisho
Qofkii 18aad ee Soomaali ah oo lagu dilo K/Afrika
Wardheere oo Soosaaray Baaq Nabadeed
WARARKA PUNTLAND - AGOOSTO 4
Prof. Samatar oo Diidan in Dr. Galaydh  Waxkadhigo Jaamacada Minnesota
Mashruuca Cisbitaalka Boossaso
Xasan Abshir oo Ka Dhoofay Muqdisho
Dalsan USA oo Jebisey Khidmada Lacagta
Gudiga Farsamada oo Tegey Kismaayo
Ciidanka ShaatiGuduud oo si Buuxda ula Wareegey Magaalada Baydhabo
Sucaad oo Sabtida Bosaso Lookaxayndoono
Ururka Dhallinyarada Ogadeenya oo Jawaab Kulul Kabixiyey Baqii Waxgaradka S.G...

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD