SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - PAKISTAN

SAFARKA RIYAALE SAHAMINTA SIYAASADEED, IYO WELIBA FIIRADA SHACABKA SOMALILAND  


Waxaa faaladii: MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

KARACHI, PAKISTAN.

diridhaba2001@hotmail.com

 

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Waxaa 14 bishan aynu ku jiro magaalada Hargeisa ka anbabaxay Wefdi balaadhan oo uu hogaaminaayo Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, wefdiga oo ka koobna wasiiro, xildhibaano iyo weliba xayndaabka Madaxtooyada Somaliland, waxay isla saacado ka dib duulimaadkoodii Hargeysa caga dhigteen Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Jibouti ee Jibouti, Madaxweynaha Maaha Socdaalkii koowaad ee uu ku tego dalka jibouti, balse Muddo hadda laga joogo dhawr bilood isaga oo ah Madaxweyne Ku meel gaadh ah ayuu Madaxweynahu socdaal ku tegay magaalada Jibouti, xilligaasi oo laga warqabay xidhiidhka labada waddan iyo heerka uu maraayey, akhristow Madaxweyne Riyaale wuxuu kala kulmay Jamhuuriyadda Jibout soo dhawayntii ugu heerka saraysay intii uu xukunka jamhuuriyadda Somaliland hayey, Madaarka caalamiga ah ee Jibout waxaa kaga hortay Ra,isal Wasaaraha Jamhuuriyadda Jibout Mudane Dillete Maxamed Dillete iyo wasiiro badan, waxaa! na loogu qaabilay Madaxweyne Riyaale Qasriga Madaxtooyada Jibouti si aad u heersaraysa, halkaasi oo uu kula kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jibout Mudane Ismaciil Cumar Geelle, si kastaba ha ahaate, waxaa laga warqaba muddo

Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga
GUJI HALKAN

ku dhow 11 sanno inaanu xidhiidhka Somaliland iyo jamhuuriyadda Jibout sidaasi u fiicnayn, iyada oo xiisadda labada dal ay ku dhawatay in ciidamo labada kedin ee labada dal la soo dhoobo, sannadkii 1997 ayaa wefdi uu hogaaminaayo Madaxweyanahii Geeriyooday ee Somaliland alla ha u naxariisti Maxamed Ibraahim Cigaal waxaa ay socdaal ku tegeen Isla waddanka Jibouti halkaasi oo uu ka socday shirkii waddamada Igad ayna ka soo qayb galeen madax badan oo ururka ku jirta, Shirkaasi oo ay gudoominaysay Jamhuuriyadda Jibouti, Madaxweyne Cigaal iyo wefdigiisi waxaa loo diiday inay shirka ka hadlaan, waxaana laga xayiray dhaqdhaqaaqyo badan si ay kulamo ula yeeshan wufuudi shirkaa ka soo qayb geshay, balse Wefdiga Madaxweyanahu Markiiba wuu ka soo baxay shirkaasi,! isla markii uu Madaxweyne Cigaal soo gaadhay Madaarka magaala! da Harge ysana wuxuu dhaleeceyey Maamulka Jamhuuriyadda Jibouti, waxaa halkaa ka bilawday shaki badan iyo weliba colaad diblomasiyadeed oo labada dal u dhexaysa, isla hal sanno ka dib ayaa waxaa ka bilawday dalka Jibouti olole siyaasadeed, kaasi oo sababay ka dib markii madaxweynahii hore ee Jibouti Xasan Guuleed Abtidoon uu hawlgab gellay, waxaa isku soo sharraxay inay bedelaan Mr. abtidoon, Mudane Ismaciil Cumar geelle oo xukumaayey xisbiga tallada dalka hayey ee RPP, (arbebe), iyo weliba kooxo mucaarid ah oo isbahaystay, waxaa halkaasi ka bilaabmay ololahii doorashada, hadaba akhristow waxaa xusuus mudan in la xusaana haboontahay markii Madaxweyne Geelle ku jiray ololaha doorashada ayaa waxaa dhacday in hadallo badan la soo geliyey suuqyada magalooyinka Somaliland ee Hargeysa, burco, Boorama iyo berbera oo lagu xanshaashuqaayey in haddii la doorto Ismaciil Cumar geelle oo ay u dhaxday gabadh asal ahaan ka soo jeeda Somaliland in jamhuuriyadda Jibouti aqoonsan doonto ama ugu yaraan! xidhiidhkeeda ay la leedahay Somaliland wax ka bedeli doonto, Waxaa hadaba dawladda Somaliland dedaal dheer u geshay in lagaga dhabeeyo sidii Mudane Ismaciil cumar geelle uu xilka u hananlahaa waxaa Hargeysa, Boorama,Burco iyo Berbera iskaga dabqaaday duulimaadyo ay dawladda Somaliland ku cadaadisay shariikadaha diyaaradaha inay kharashka jabiyaan, waxaa la daabulay dad haysta jinsiyadda Waddanka Jibouti oo wakhtigaasi ku sugna magaalooyin badan oo Somaliland ka tirsan si ay codkooda usiiyeen Ismaciil Cumar geelle, balse taasi runtii waa dhabawday Ismaciil Cumar Geelle na wuxuu noqday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jibouti ee Seddexaad, balse su,aashu waxay tahay maxaa xigay? inyar uun ka dib doorashadii Jamhuuriyadda Jibouti oo markaa khilaaf badani ka taagna ayaa wuxuu Ismaciil Cumar Geelle Madaxweyne Jamhuuriyadda Jibouti siiyey Waraysi idaacadda laanta Afka Soomaliga ee B.B.C-da wuxuuna ku dhawaaqay inuu ku jiro olole balaadhan oo lagu heshiisinayo dhinacyada isku haya Siy! aasadda Waddanka Soomaliya, muddo ka dib ayaa hadana wuxuu Ism! aciil Cu mar tegay Magaalada Newyork halkaasi oo shir ay ku lahaayeen golaha amaanku uu ka akhriyey qudbad dheer oo uu ku sheegayey in beesha caalamku taageertu shir uu ku qaban doono waddankiisa gudahiisa, akhristow sannadkii 2000 ayaa waxaa Ismaciil Cumar Geelle uu shir ugu qabtay magaalo ku taalla duleedka magaalada Jibouti oo la yidhaahdo Carta Kumanaan qof oo ahaa dad iskugu jira shicib iyo xubno ka tirsanaan jiray dawladdii Militeryga ahayd ee Somaliya laga tuuray, Ismaciil wuxuu casuumad u fidiyey dad u dhashay Somaliland wuxuuna Ismaciil Cumar geelle bilaabay Siyaasad madow oo ka dhex bilaabantay labada dal, taasi waxay amakaag iyo u qaadanwaa ku noqotay malaayin qof oo reer Somaliland ah oo ku sugna Somaliland gudaheeda iyo dibadeedaba, Madaxweynaha Jibouti wuxuu geed gaaban iyo ku dheer u koray sidii Somaliland loo burburinlahaa looguna dhex mili lahaa qabqablayaasha kooxaha isku haaya Soomaliya, balse ilaahay ayaa mahadlahe taasi ma suurogelin,somaliland-na waxay taa! si

uga gilgisheen isku duubni iyo geesinimo baaxadleh oo ay u muujiyeen dawladooda, sannadkii 2001 ayaa waxaa dekedda magaalada Berbera si sharci darro ah sigaar kala soo degay ganacsade u dhashay waddanka Jibouti, taasina waxay ka cadhaysiisay Dawladda Somaliland waxaana amar lagu bixiyey in sigaarkaasi la gubo, inyar ka dib shilkaasi dhacay ayaa dawladda jibouti waxay amar ku bixisay in xidhiidhkii xagga cirka, dhulka, iyo diblomasiyaddaba joojisay, waxaanay joojisay dhamaan xidhiidhkii diblomasiyadeed ee labada dal, xagga Somalilandna waxay siiba adkeeyen kala go,aase waxaana labada dhinac la soo tubay ciidamo iyada oo qarka ay dhawr jeer u jirsatay in labada dhinac xag militery isku dhacaan, muddo hadda laga joogo laba sanadood markii uu geeriyooday Madaxweynahii shacabka Reer Somaliland jeclaayeen alla naxariistii janno ha siiye Maxamed Ibraahim Cigaal, waxaa xilka hantay Siyaasi da,yar, waa Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin oo ahaa Madaxweyne ku xigeenkii Somaliland, Ma! daxweyne Riyaale wuxuu inyar uun ka dib magacaabidii loo magacaabay xilka, loo dareeray in la aaso madaxweyne Cigaal, waxaa Ismaciil cumar geelle ka sheegay idaacadda B.B.C-da in uu tacsiyadaynaayo Shacabka Somaliland geerida ku timid madaxweynahoga awgeed, wuxuuna usoo diray wefdi uu hogaaminaayo Gudoomiyaha Barlamaaanka si ay uga qayb galaan aaskii Madaxweynaha Balse Markii Diyaaradii Wefdiga wadday ay hawada Somaliland soo gashay ayaa lagu amray inay dib ugu noqoto goobtii ay ka soo kacday waayo waxaa loo xaqiijiyey inaan wakhtigaasi aaska ka qayb galkiisa looga baahnayn hadda, balse akhristow muddo yar ka dib wakhtigii kala guurka ahaa ee Madaxweyne Riyaale ayaa waxaa isbedel ku dhacay siyaasadda labada dal, waxaana loo aaneeya isbedelkaasi inuu dhaco qayb laxaadleh oo uu ka ciyaaray Madaxweyne Riyaale, wuxuu Madaxweyahu Safar ugu ambabaxay dalka Jibouti, Safarkaasi oo ay dhaleceyeen axsaabtii siyaasadeed ee dalka ka jirtay iyo weliba siyaasiyiin badan, iyaga oo madaxwe! ynaha ku dhaleecaynaya tegitaanka jibouti, waayo iyada oo aan ! Jibouti raali ka ahayn qaranimada iyo jiritaanka Somaliland balse Madaxweyne Riyaale dheg jalaq uma siinin, Muddo yar ka dib ayuu ku soo laabtay Hargeysa, markuu soo gaadhay Madaarka magaalada Hargeysa ayaa saxaafadda Somaliland oo la yaaban safarka madaxweynaha waxay kuu boobeen Madaxweynaha Su,aalo aad ugu badna sababta keliftay safarkiisa wakhitan hadda ah balse madaxweynaha oo su,aalahasi ka jawaabaya wuxuu si fudud u yidhi "Dan ayaa inoogu jirta inaynu jibouti xidhiidh la yeelano waayo dadkeenu waa isku mid ganacsi ayaa inaga dhexeeya dan ayaa inaga dhexaysa markaa sina xidhiidhkeenu kuma kala maqnaan karo" guriga Madaxtooyada Somaliland wax faahfaahina oo dheer kama bixin safarkaa Madaxweynaha ee hore balse waxay keliya ku macneeyen in la cusboonaysiiyo xidhiidhka labada dal, dadyow badan oo u dhuundaloola siyaasadda Somaliland ayaa ku dhaliilay madaxweynaha sababta wakhtigaasi keliftay inuu tegi jibouti iyada oo Ethiopia inooga muhiimsanayd, si kastaba ha ahaate xidhiidhku we! li sidii maaha, ganacsiga labada dalna maaha siduu ahaa muddo 2 sanno laga joogo, balse waxaa meesha ka maqan aaminaad ay shacbka Somaliland si buuxda u aaminaan in ay dhabtahay iyo inkale hadalada hadda ka soo baxaya Madaxweyne Geelle ee uu ugu hambalyeynaayo sidii doorashadu ugu qabsoontay Somaliland, Waayo Shacabku waxay ka doonayaan Madaxweyne Geelle Faahfaahin dheeraad ah iyo weliba siyaasad cad oo jamhuuriyadda jibouti ka qaadato Somaliland, inkasta oo aan faahfaahin hordhaca laga bixin karin safarka hadda uu Madaxweyne Riyaale ku joogo Jibout hadana "Warjiraaba Cakaara waa iman doona"

WAA FAALADII MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

KARACHI, PAKISTAN.

diridhaba2001@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 17, 2003

Sool iyo Somaliland Yaa Ugarnaqa [Assad]


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

Xaalada Magaalada Laascaanood:-
Degaanka, dhaqaalaha, nabadgeliyada iyo guud ahaan horumarka Laascaanood ka akhri warbixintii Asad Cadaani

YAASABABAY DAGAALKII KADHACAY LASCAANOOD?
Qoraalkii IBRAAHIM MAXAMED HURUUSE.... Dec 14, 2002

BAYAAN ku wajahan maamulka Hargeysa  

Ururka Darwiish Party oo Tacsi u diray laascaanood
Qoraal uu ururku maanta soosaaray ayaa ku bilaabmay.... GUJI  8/12/2002
 

Bayaan ay soo saareen jaaliyada SSH ee Kuwiat
Annagoo ah Jaaliyadda dalka Kuwait deggan ee ka soo jeedda Gobolada Somalia ee Sool,Sanaag iyo Hawd in badan ayaanu   GUJI  12/12/2002

Jaaliyada dhulbahante ee w/america warsaxaafadeed
la xiriira dagaalkii Laascaanood ayey ku sheegeen in GUJI  11/12/2002

Warsaxaafadeedka Puntland ee Dagaalkii Lascanod
Madaxweyne ku xigeenka dawlad goboleedka Puntland mudane Maxamed Cabdi Xaashi oo ku sugan Eldoret ayaa.. GUJI  8/12/2002

Woqooyi Sidee Looga arkay Dagaalkii Laascaanod
Dagaal aad u kulul ayaa ka dhacay magaalada laascaanood, kaasoo ay sabab u ahayd booqashadii Madaxweynaha... GUJI  8/12/2002

DUX LA'AANTA DAWLADDA CUSUB EE RIYAALE
iyo dibin daabyada dadweynaha ... Guji June 7

 QORAALADII HORE EE DIRIDHABA  

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


 Riyale
Sirta ka Dambaysa Somaliland ma Itoobiyaa?
[Liiban]


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD