|
WAA HUBAAL IN SOMALILAND SI TOOS AH LOO WEERARAYO
MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
KARACHI, PAKISTAN.
diridhaba2001@hotmail.com
Waxaan shaki ku jirin ka dib dimuqraadiyad iyo naacow udgoon oo ka
bildhaantay Jamhuuriyadda Somaliland in Dalkan yari hadda dagaal lagu soo
qaaday, waxaa muddadii ugu danbaysay 4 todobaad gudahood lagu dilay seddex qof
oo ajanabi ah magaalooyin dhawr ah oo ka tirsan jamhuuriyadda Somaliland, taasi
waxay si cad u bildhaaminaysa inuu Cadawgu adeegsaday Hanaan casriyaysan oo
Argagaxisinimo ah (Terror Action) balse waxaa hubaal ah in taasi ku danbayn
doonto hal bacaad lagu lisay, cid alla iyo ciddii arrinkasi ku cadaatana waxaa
hubaal ah in aanu dhigayaga u daadin doono kuna hujuumi doono hoygu doono ha ku
jire, ha noqdo cadawga geedaman, ka gudaha iyo ka diblomasiyadaba, dalkan yari
waa dal u calaamad ah Nabad iyo Horumar, cadaalad iyo sinaan, dastuurka Qaranka
Somaliland waxaa ku dhigan in si wada jir ah Argagixisada loola Dagaalamo
(Fight The Terrorism Together) waxaanu aaminsanahay in Argagixisadu aanay
lahayn Jinsi, Midab, Qolo, Dawlad iyo cidnaba toona, waxaanu b! allan qaadayna
inaanu hadda dhulka dhigi doono annaga oo ilaahay la kaashanayna Argagixisada
iyo weliba Dawladaha iyo maamulada ka danbeeya ee gacanta kula jira (The
Terrorism and Horbouring administration what ever they are),
waxaanu ballan qaadayna inaanu cadaaladda hor keeni doono dawna marsiiin
doono kuwa ka dhigtay caadada inay dilaan dadka aan waxba galabsan, Ciiadama
qalabka Sida ee Somaliland(the Somaliland Militery) waxay heegan ku yahiin inay
qaatan amarka Madaxweynahooga Somaliland cid alla iyo ciddii ay ku cadaato inay
ka danbeeyen weeraradani argagaxisada ah, Gudaha Somaliland waxaa Dawladda
Somaliland Ballan qaadaysa ciddii sheegta Ciddii ka danbaysay dilkii loo
gaystay Lamaanahii lagu dilay dugsiga Sheekh in lagu abaal marin doono 10,000$
dollar ka maraykanka ah iyo weliba hanti kale oo qiimo leh, waxaa aanu usoo
jeedna weerarkan qaawan ee nalala soo beegsaday waxaan shaki ku jirin in aanu
diyaar nahay hadda aanay cadaatay, cadawga Somaliland iyo ficilkiisub! a.
Ilaahay ayaa Awood leh, Somaliland Guul iyo Gobonimo.
MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
KARACHI, PAKISTAN.
diridhaba2001@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 17, 2003
Sool iyo Somaliland
Yaa Ugarnaqa
[Assad]
Xaalada Magaalada
Laascaanood:-
Degaanka, dhaqaalaha, nabadgeliyada iyo guud ahaan horumarka Laascaanood ka
akhri warbixintii
Asad Cadaani
YAASABABAY DAGAALKII KADHACAY
LASCAANOOD?
Qoraalkii IBRAAHIM MAXAMED HURUUSE.... Dec 14, 2002
BAYAAN ku wajahan maamulka Hargeysa
Ururka Darwiish Party oo Tacsi u diray laascaanood
Qoraal uu ururku maanta soosaaray ayaa ku bilaabmay....
GUJI 8/12/2002
Bayaan ay soo saareen jaaliyada
SSH ee Kuwiat
Annagoo ah
Jaaliyadda dalka Kuwait deggan ee ka soo jeedda Gobolada Somalia ee Sool,Sanaag
iyo Hawd in badan ayaanu
GUJI
12/12/2002
Jaaliyada dhulbahante ee w/america
warsaxaafadeed
la xiriira dagaalkii Laascaanood ayey ku sheegeen in
GUJI
11/12/2002
Warsaxaafadeedka Puntland ee Dagaalkii Lascanod
Madaxweyne ku xigeenka dawlad goboleedka Puntland mudane Maxamed Cabdi Xaashi
oo ku sugan Eldoret ayaa..
GUJI 8/12/2002
Woqooyi Sidee Looga arkay Dagaalkii Laascaanod
Dagaal aad u kulul ayaa ka dhacay magaalada laascaanood,
kaasoo ay sabab u ahayd booqashadii Madaxweynaha...
GUJI 8/12/2002
DUX
LA'AANTA DAWLADDA CUSUB EE RIYAALE
iyo dibin daabyada dadweynaha ... Guji
June 7
QORAALADII HORE EE DIRIDHABA
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
...
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
|