-
Shariif xasan Shiikh Aadan oo helay Fiisihii dal ku
galka Mareykanka
-
Maamulka Putland oo Ka jawaabey hadalkii Cali
Maxamed Geedi
-
Cali Max’ed Geedi oo u digay Shirkad baara ee....
-
Cali Max’ed Geedi oo markiiba fuliyay Qodobo ay soo
fartey Dowladda Talyaaniga
-
Jaamac Aadan Dheere
oo isaga oo ku sugan Jowhar dhaliiley
dowladaFederaalka, Xabsigana loo taxaabay...
-
Wakiilkii
warfaafinta ee maamulka Max’ed Dheere oo Xabsi loo
taxaabey
-
War Saxaafadeed Gollaha Midnimada Qaranka Soomaaliyeed....
Wararkii Maanta::: Aug 29, 2005
Waxaa isku soo dubaridey:
Amiin Yuusuf Khasaaro
Email
amiinkhasaaro@hotmail.com
Shariif
xasan Shiikh Aadan oo helay Fiisihii dal ku galka
Mareykanka
Cabdulaahi
Yuusuf oo beeniyey in loo diidey Fiisihii Mareykanka
Gudoomiyaha Baarlamaan
Shariif Xasan ayaa maanta helay Fiisihii Dal ku gal
wadanka Mareykanka wuxuu gudoomiyaha ka qaybgeli doonaa
shirweyne ay isugu imaanayaaan Madaxda Baarlamaanada
Adduunka oo ka dhacaya Magaalada New york ee dalka
Mareykanka sidoo kale gudoomiyaha wuxuu kaloo helay dal
ku gal wadanka Ingiriiska isagoo halkaa kula kulmi
doona Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan waddanka IIgiriiska
Dhinaca kale Madaxweyne
Cabdulaahi Yuusuf ayaa si kulul u beeniyey warar ay
faafiyeen qaar ka mid ah Idaaacadha Muqdisho oo ah in
loo diidey Fiisihii dal ku galka Mareykan si uu uga
qaybgalo Xaflada loo sameeynaya sannad guuradda
Lixdamaad ee ka soo wareegtey Aas-saaskii Qaramada
Midoobey oo ku beegan bisha Sabtembar ee fooda nagu soo
haysa wuxuuna wararkaas ku tilmaamey kuwo aan sal iyo
raad toona lahayn wuxuu sheegay Cabdulaahi in uu tagayo
Mareykanka isla markaana Qaramada Midoobey ka codsan
doono in soomaaliya laga qaado Cunaqabateynta hubka si
ay u sahlanaato in soomaaliya loo soo diro ciidamo nabad
ilaalin ah
Dhinaca kale Shiikh Aadan
oo ah gudoomiyaha Baarlamaanka oo haatanna ku sugan
Magaalad Nairobi ayaa shalay la weydiiyay in uu kulan la
yeelan doono ra’isul wasaare Cali Max’ed Geedi oo isna
ku sugan Magaalada Nairobi wuxuuna sheegay in uu diyaar
u yahay in kulan aan shuruud ku xirnayn la yeesho
ra’isul wasaare Cali Max’ed Geedi.
Shariif Xasan Shiikh Aadan
waxa uu sheegay in uu aad u doonayo in la soo afjaro
khilaafka u dhexeeya xubnaha labada gole ee ku kala
sugan Muqdisho iyo Jowhar.
“Sidaani dan uma ah
bulshada Soomaaliyeed waxaana u soo dhaaranay in aan
badbaadiniyo shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Shariif
Xasan Shiikh Aadan, sidoo kale waxaa isna wax laga
weydiiyay in uu la kulmayo gudoomiyaha baarlamaanka
Ra’isul wasaare Cali Max’ed Geedi waxa uuna sheegay in
uu diyaar u yahay in kulan la yeesho gudoomiyaha
Baarlamaanka balse waxa uu daba dhigay ra’isul wasaaruhu
in qorshihiis uusan ugu jirin kulan uu la yeesho
gudoomiyaha Baarlamaanka.
Maamulka Puntland oo Ka
jawaabey hadalkii Cali Maxamed Geedi
Kulan deg deg oo ay saakey
isugu yimaadeen Musuuliyiinta Maamulka Puntland ayaa si
aad ah looga doodey hadalkii Raiisul wasaare Geedi ee
ahaa in shirkadaha shidaalka ka qodayaa Putland ay
ruqso ka qaataan Dowladda Federaalka wuxuuna si gaar
ah ugu digey shirkad Australia ah oo shidaal ka baari
rabta deegaano ka tirsan Puntland, waxayna sheegeen in
Geedi uusan si wanaagsan u akhrisan Dastuurka Federaalka
oo qoraya in cid kastaa ay xaq u leedahay in ay shidaal
soo saarato waxay kaloo ay sheegeen in loo baahan yahay
Cali Maxamed Geedi uu raaligelin ka bixiyo hadalkaas
oo ay ku tilmaameen mid xad gudub ku ah maamulka
Puntland, waxay kaloo sheegeen in aysan cidna uga
haybeysaneyn qodista shidaalka iyo Gaaska dabiiciga
iyagoo sheegey in Raisul wasaaraha ay dabada ka
riixayaan Dowlado shisheeye oo aysan carbaabin, sidoo
kale Madaxweynaha Maamul goboleedkaas Gen Cadde Muuse
ayaa maanta ka ambabaxay Puntland ayadoo warar
sheegayaan in uu sii mari doono Dalka Imaaraadka Carabta
halkaas oo la sheegay in uu ku soo saxiixi doono
heshiisyo ku aadan qodista shidaalka deegaanada Puntland,
warar kale ayaa tibaxay in uu kusii jeedo dalka Jarmalka
oo caafimaad ahaan uu u tegayo, waxaa kale oo maalmahan
Puntland laga hadal hayey in Cadde Muuse uu cafimaad
ahaan u tegi doono Pakistan. Dhanka kale Madaxweyne
Cabdulaahi Yuusuf oo dhawaan la wareystey ayaa sheegey
in ay soo dhaweynayaa shirkadaha shisheeye ee shidaalka
ka qodaya dalka iyadoo aan lagu xireyn wax shuruud ah.
Cali Max’ed Geedi oo u
digay Shirkad baara ee...
Cali Max’ed
Geedi oo ah ra’isul wasaaraha dowladda Federaalka oo
shalay shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Nairobi ee
dalka Kenya ayaa waxa uu diginiin u jeediyay dhamaan
shirkaddaha shidaalka ka baaraya qaybo ka mid ah dalka,
kuwaas oo uu sheegay in aysan marnaba la soo xiriirin
dowladda Federaalka oo iyadu xaq u leh bixinta shatiga
qodida ama baaridda shidaalka ku jira gudaha dalka
Soomaaliya, waxa uuna ra’isul wasaare Cali Max’ed Geedi
si gaar ah u xusay shirkad Australian ah oo maamulka
Puntland uu heshiis la galay taas oo haatan shidaal iyo
gaasba ka baari rabta deegaano ka tirsan maamulka
Puntland. “Haa waan la xiriiray Gen. Cadde Muuse waxaana
u sheegay in aysan xaq u lahayn waxaan dowladda
Federaalka ogayn oo uu maamulkaasi sameeyo gaar ahaan
qodista shidaalka” ayuu yiri Cali Max’ed Geedi oo
sheegaay in Gen. Cadde Muuse uu ka dhega fureystay
baaqii dowladda, waxaa kalloo oo uu sheegay Ra’isul
wasaare Cali Max’ed Geedi in arrintaasi ay ka wada
hadleen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed isna uusan wax
jawaab ah ka bixin wuxuuna ku gaabsaday in shirkad kasta
oo shidaal ka baareysa Soomaaliya ay imaan karto.
Ra’isul wasaare Cali Max’ed Geedi waxa uu sheegay in
shirkadaha haatan ku sugan dalka in ay si dhaqsi ah ula
soo xiriiraan haddii taa ay yeeli waayaana wixii
dhibaato ah ee ku yimaada mas’uuliyadeeda iyaga dusha ay
u radan doonaan, “Dowladdu kama horjeedo in dalka laga
baaro shidaal balse waxaa loo baahan in arrinaasi nidaam
loo soo maro” ayuu yiri Cali Max’ed Geedi oo sheegay in
ay jiraan heshiisyo hore oo dowladihii horey ay la
galeen shirkaddu ka socday Yurub.
Cali Max’ed Geedi oo
markiiba fuliyay Qodobo ay soo fartey Dowladda
Talyaaniga
Ra’isul wasaare Cali
Max’ed Geedi ayaa waxa uu deg deg u fuliyay qodobo ay
dowladda Talyaanigu soo fartay markii uu dhawaan gaaray
dalka Talyaaniga uuna kulamo la yeeshay mas’uuliyiin ka
tirsan dalka Talyaaniga.
Mid ka mid ah qodobadii la
soo faray ayaa waxaa ka mid ahaa in marka hore uu
digniin u jeedo shirkadaha shidaalka ka baaraya gudaha
dalka Soomaaliya oo qaarkood la sheegay in ay ka
yimaadeen Qaaradda Aasiya.
Shir jaraa’id oo uu shalay
qabtay Cali Max’ed Geedi Magaalada Nairobi ayaa waxa uu
sheegay in shirkad aan wax ruqsad ah ka haysan dowladda
Federaalk aysan waxa shidaal ah ka baari Karin gudaha
dalka Soomaaliy, isagoo sheegay in shirkado Yurub ay
heshiis la galeen dowladihii hore waxayna shirkadahaasi
qaarkood ay ka soo jeedaan dalka Talyaaniga.
Waxyaabaha kale ee
dowladda Talyaaniga soo fartay ra’isul wasaare Cali
Max’ed Geedi in aan la qaadan Karin Muuska Soomaaliya
kaddib markii dhawaan deegaano ka tirsan Sh/hoose ay
booqdeen ganacsato ka socotay wadamada Aasiya oo ay ka
mid yihiin Shiinaha, Kuuriya iyo Maleesiya.
Dowladda Talyaaniga iyada
ayuu u xiran yahay suuqa Muuska ee Soomaaliya kaddib
marki shirkad Talyaani ah oo qaadi jirtay Muuskaasi ay
dalka ka baxday xilligii UNISOM.
Jaamac Aadan Dheere oo
isaga oo ku sugan Jowhar dhaliiley dowladaFederaalka
Jaamac oo Xabsiga loo taxaabey
Jaamaca Aadan
Dheere oo sheegay in uu yahay gudoomiyaha isbahaysiga
dib u soo celinta qaranka Soomaaliyeed ayaa isaga oo ku
sugan Magaalada Jowhar oo uu ka taliyo Max’ed Dheere
waxa uu si kulul u dhaliilay dowladda Federaalka kuna
tilamaamay mid aan ka soo bixin waxyaabihii loo doortay.
“Bal fiiriya meelahay kala degeen oo kala ah Jowhar,
Muqdisho, Kismaayo, Xudur iyo Baladweyne” ayuu yiri
Jaamac Aadan Dheere oo sheegay in loo baahan yahay in
dowladdu ay iscashiso maadaama ay ku fashilan tahay
waxyaabihii loo doortay ama lagu taageeray.
“Ma ahan in
aad shacabka u sheegtaan been oo aad u abaabushaan
dagaalo hor leh” ayuu yiri Jaamac Aadan Dheere oo shalay
shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Jowhar iyadoo aysan ka
muuqan wax baqdin ah maadaama dowladda ee ku sugan
Jowhar ay marti u tahay ama nabadgelyada uu
kafaala-qaaday Max’ed Dheere waxayna tani keeni doontaa
in wasiiro badan iyana ay raacaan wadada Jaamaca Aaadan
Dheere.
war hadda na soo gaarey
Magaalada Jowhar wuxuu sheegayaa in Xabsiga loo taxaabey
Jaamac Aadan Dheere ka dib markii magaalada Jowhar uu
ka sheegay in loo baahan yahay in ay dowlada is casisho
maadaama ay ku guuleysan waysey samatabinta Shacabka
soomaaliyeed waxaana arintan ka caroodey Gudoomiyaha
Gobolka Shaeeladda Dhexe Maxame4d Cumar (Maxamed Dheere)
Wakiilkii warfaafinta ee
maamulka Max’ed Dheere oo Xabsi loo taxaabey
Wararka naga
soo gaaraya Magaalada Jowhar waxay sheegayaan in
wakiilkii warfaafinta ee maamulka Max’ed Dheere, Xasan
Cabdule Max’ed (Xasan Dhegeey) xabsiga loo taxaabay
kaddib markii ay is qabteen xoghayaha guud ee maamulka
Axmed Caadle.
Xasan Dhegeey
oo haatan ku xiran xibsiga Magalaada Jowhar ayaa waxaa
soo qabtay ciidanka Booliiska ee gobolka, iyadoo ay
waxyaabihii isku qabteen mudane Caadle ay ahaayeen
arrimo la xiriira dhinaca maamulka, balse warar kale
ayaa waxay sheegayaan in xirigaani uu ka dambeeyay
gudoomiyaha maamulka siyaasadda gobolka Sh/dhexe Max’ed
Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere).
Ma ahan markii
ugu horeysay mas’uuliyiin ka hooseesa Max’ed Dheere
xabsiga oo taxaabo waxaana dhawaan xabisga la dhigay
sargaal sare oo ka socday hay’adda UNICEF oo ka howlgala
gobolka Sh/dhexe.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
Email
amiinkhasaaro@hotmail.com
War Saxaafadeed Gollaha Midnimada Qaranka Soomaaliyeed.
Gollaha Midnimada iyo Nabada Qaranka Soomaaliyeed waxaa uu si adag u
cambaareynayaan xariga sharci darada ah ee loo geystay Gudoomiyaha Golaha
Midnimada Qaranka Mudane Jaamac Adan Dheere oo ay maamulka Maxamed Dheere
Xabsiga dhigeen 28/8/2005 ka dib markii uu gudoomiyuhu qabtay shir jaraa,id
oo uu uga hadlayey arrimaha murugsan ee dalka Soomaaliya.
haddaba Gudiiga Fulinta ee golahha Midnimada Qaranka ee uu madaxda ka yahay
Mudane Jaamac Adan Dhere shir deg deg ah oo ay yeesheen Xiritaankii
Gudoomiyaha ka dib waxaa ay soo saareen war saxaafadeedkaan.
Golaha Midnimada Qaranku waxaa ay ugu baaqayaan madaxda Dowladda FKGM ah ee
ku sugan Magalada Jowhar iyo Maamulka uu madaxda ka yahay Maxamed Dheere-ba
inay si shuruud la'aan ah
ku siidaayan Gudoomiye Jamac Adan Dheere.
Golluha Waxaa uu cabaareynaa Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo asagu bixiyey
amarka lagu xirey Gudoomiye Jaamac Adan Dheere wuxuuna gollaha ka
dalbanayaan madaxda dowladda FKMG ah ee uu ugu horeeyo Madaxweyne
Cabdullaahi Yuusuf inay raali galin buuxda ka bixiyaan xariga sharci darada
ah ee ay kula kaceen gudoomiyaha Gollaga Midnimada Qaran oo asagu tilmaamey
sida looga gudbi karo dhibaatada haysata ummadda Soomaaliyeed.
Goluhu wuxuu taageerayaa War-saxaafadeedkii Gudoomiyaha oo ahaa mid ka
turjumayey baahida shacabka Soomaaliyeed ee u baahan dowladda wax u qabata
kana saarta dhibka .
Golluhu wuxuu xaqiijinayaan inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqooda
siyaasadeed ee ay uga qeyb qaadanayaan xal u helidda dhibaatada haysta
ummadda Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntii wuxuu Golluhu u mahad celinayaa dhamaan hay'addaha iyo
shaqsiyaadka ka dhiidhiyey xariga Gudoomiye Jamac Adan Dheere gaar ahaan
ururda kasoo saaray war murtiyeedyada.
Mahadsanidiin
29/8/2005
A.A Mohamed
Madaxa Warfaafinta ee Golaha NMQ.
zakizakii@hotmail.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com |
Aug 29, 2005